SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Cabdulaahi Yuusufoow, Soomaali waa ku jeceshahay.. 

Oday Cabdulaahiyoow

Bile Jaamac (Gaagaale )

Oslo, Norwey

 sharmarke10@hotmail.com

Marka hore, mudane madax-weyne Cabdulaahi Yuusuf iga gudoon hambalyo qadarin iyo sharafba wadato ee aan kaaga hambalyeeynaayo, sida xil-dhibaandada baarlamaank kmg ah, codadka tirada badan ah, kugu doorteen in aad dalka iyo dadka Soomaaliya u noqontid madax-weynaha 5-ta sanno, ee socoto ee kmg ah.

Oday Cabdulaahiyoow, xil-dhibaanada baarlamaanka kmg ah, oo ka kooban : Soomaali intii dagaal-ooge aheeyd ama sida eey jecel-yihiin in loogu yeero ee ah, mujaahidiin; dawladii diktatooriyadda aheeyd kuwii wasiiradda ka ahaa; odayaaasha kaaba qabiiladda kuwii wakiilka ka ahaa; bahweynta dumarka Soomaliya kuwii wakiilka ka ahaa iyo aqoon-yahanada intaba waxeey isla garteen ayagoo si xor ah, u jooga garoonka kasaraani, oo nabad-galyo weyn ka jirto in eey kuu doorteen in aad Soomaaliya u noqotid 5-ta sanno ee socot madax-weynaha Soomaaliya ee dhibta baaxadda weyn ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed-ba haaysata, adiga aad ka gudbin kartid xiligaan adag.

Taas waxaan, aniga, qof ahaan u arkay, oday Cabdulaahi , in Soomaalida ku jeceshay.

Shacabka Soomaaliyoow

Colonel Cabdulaahi Yuusuf, oo ahaa madax-weynaha dawlad hoosaadka ee Puntland ee dalka Soomaaliya, aqoon fiican baan u leenahay hadaan Soomaali nahay odayga, sidaas daraadeed xil-dhibaanadda baarlamaanka kmg ah ee 5-ta sanno ee socoto, hadeey noo soo dooreen, waa in aan si fiican oo niyad-sami, ku jirto u soo dhaweeynaa, si aan wadajir uga baxno dhibta iyo jah-wareerka dadkeena iyo dalkeena muddada dheer uu ku dhex-jiray, oo Qaran Soomaaliyeed oo sharaf leh loo wada dhisto, taas oo macnaheeda ah in la helo nabad-galyo guud, heshiis is-cafin caam ah iyo in la adkeeyo isku xirka jiritaan guud ee Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaliyeedoow, arin muhiim ahna, aan tilmaan iska siino, si aan isla fahanno doorashada odayga Cabdulaahi Yuusuf ee loo doortey madax-weynaha Soomaaliya.

Dadkeena Soomaalida ah, ee waqtigaan xaadirka ah aduun-weynaha sida fiican ula socda, arinta ku saab-san dimoqoraadiyadda, waa in aan ix-tiraam weyn siinaa, mar hadeey xil-dhibaanadii baarlamaanka kmg ah, oo nooc walba is-kugu jira, eey noo soo doorteen si xor ah, in uu noo noqdo madax-weynaha Soomaaliya odayga Col. Cabdulaahi Yuusuf ah.

Dawladaan cusub

Madax-weynaha Soomaliyeed ee Cabdulaahi Yuusuf, waa madax-weyne 5-ta sanno soo socoto ee ku meel gaarka ah; sida saxda ah hadaan u dhahnana waa madax-weynaha Dawladda Federalaka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ku meel gaarka ah.

Baarlamaanka Federalaaka iyo gudoomiyaheeda Shariif Xasan Shiikh Aden ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayagana waa ku meel gaarka 5-ta sanno ee soo socota.

5-sanno ka dib, ama taariikhda markeey ku aadantahay 2009, shacabka ama dadweynaha Soomaaliya ayeey u taalaa ama laga rabaa in eey soo doortaan, xil-dhibaano baarlamaan oo joogta ah iyo madaxweyne Soomaaliyeed, soo doortaan oo lagu soo dooran doono - one man one vote- qof kastoo Soomaali ah oo qaan-gaaray iyo codkiisa.

Dawladaan cusub, waa in aan u aragnaa oo kaliya, in eey tahay mid ku meel gaar ah, inta eey ka koobantahay oo kala ah- baarlamaan kmg ah iyo dawlad kmg ah, ee 5-ta sanno ee soo socota- looga gudbi doono marxaladda haatan dalka iyo dadka Soomaaliya eey ku jiraan ee ma noqoneeyso mid ku meel gaar ah sii ahaato.

Faallo gaaban

Mudane madax-weyne Cabdulaahi Yuusuf Soomaali waa ku jeceshay, sidaan horey u soo sheegay ee ha lagaa arko wax qabad ku saleeysan dimoqoraadiyadda lagugu doortey mid u dhiganta, oo ku saleeysan hanaan dimoqoraadi ah.

Oday Cabdulaahi Yuusufoow, dimoqoraadiyadda waa in aad ix-tiraamtaa, hadii aad rabtid in eey Soomaalida maanta mas`uul lagaaga dhigay eey kula shaqeeyso.

Hadaad yeeli weeyso taas, ogoow in wax kuu hirgaalyo eeyan jiri doonin, qof kasta oo Soomaali ah ama gudaha ha joogo ama dibadda, fikrad buu kaa aaminsanayahay mid fiican iyo mid aan fiicneeyba iskugu jirta, sidaas darteed waa in aad ku dadaashaa sida aad dul-qaad ugu yeelan laheeyd una aqbali laheeyd, af-kaarahaas kala duwan ee ka imaanayo Soomaalida xorta ah ee caburin iyo cagta ka hoos-marin, ka dagaalamay oo sharaftooda mar danbe meel looga dhici doonin, oo aan loogu soo gaban dawlad iyo maamul madax adag.

Oday Cabdulaahiyoow, jagadii madaxweyna-nimada aheeyd ee aad waligaa aad ku taamineeysay maanta waad haaysaa, oo dalka Soomaaliya oo dhan baad madax-weyne u tahay; midda kale bisha lagu doortey waa bil Oktoobar waana bishii Maxamed Siyaad Barre iyo saaxiibkiisa Salaad Gabeeyre allaha u wada naxariistee eey adiga Cabdulaahi Yuusuf ah iyo odyagiii Gen Caydiid xabsiga idin dhigay markii aad ka diideen in aad kala qeyb-gashaan af-ganbigii eey wadanka kula wareegeen. Maxaa yeelay, adiga Cabdilaahi Yuusuf ah iyo Gen Caydiid 1969 bishii Juun ee sannadkaas waxaad rabteen in inqilaab idin gaar ah, aad dalka Soomaaliya ku qabsataan oo ragaan idinkaga hormareen, waad xasuusataa habeenkaad u tagteen Gen Maxamed Abshir Muuse Haamaan ee aad tiraahdeen war madax noo noqo ee dalkana aan la wareegno oo asagana idinka diiday, hadalkiisana ahaa, xabad la bilaabaa weey sahlantahy ee sida loo damiyaa wey adagtahay, ee nimanyahoo dimoqoraadiyadda aan ixtiraamno. Waxaa kaloo la sheegaa, in adiga iyo kabtan keeyd markii aad madaxa ka aheeyd Commando Sercito qeybta Waqooyiga Soomaaliya in aad inqilaad rabteen. Oday Cabdulaahi Yuusufoow, 1978 bishii April 12, oo ah taariikh la yiraahdo Col. Abdulaahi uu islahaa af-ganbi milatary kaga qaad Maxamed Siyaad Barre eey ayadana kuu hirgali weeysay, markii oo Col Maxamed Shiikh Cusmaan Cirro oo April 9-keedii inqilaabkii sameeyey, uuse dhicisoobay oo la wada ogyahay arin meesheey ku dhamaatey. Maanta-se , oday Cabdulaahi Yuusufoow, waxaad noqotey madax-weyne xil-dhibaano baarlamaan eey soo doorteen oo aduunkoo dhanna laga wada ogyahay in si cod-bixin ah, laguu doortey.

Sidaas daraadeed, oday Cabdulaahiyoow, waa in aad la socotaa Soomaali in eey ku jeceshay kulana jeclaatey in jagadaan maanta laguu dhiibo ee aad waqti badan ku hamineeysay, waa ku kaa ee bal waa ku arkeenaa waxaad ka yeeshid, sida aad nagula dhaqantid hadaan Soomaali nahay.

Gabo-gabo, mudane madax-weyne Cabdulaahi Yuusuf Axmedoow, dimoqoraadiyadda noo ilaali, Allah subxaano watacaalanaa ha kula garab galo adiga iyo madaxda kula shaqeeyn doontaba.

Shacabkeena caadiga ahna, waxaa balan nagu ah in aan hawshaas kula garab istaagno oo aan lagaaga seexan bacdamaa eey tahay mid aad iyo aad u adag in maanta Soomaaliya dhibka ka jiro uu yahay mid weeyn, oo u baahan wada shaqeeyn dhinac walba leh.

¤ Soomaaliyeey toosooy, toosooyooy isku tiirsadayeey; hadba kiina taag-dareenee taageero waligiinee....

Bile Jaamac ( Gaa-gaale )

Oslo, Norwey

sharmarke10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2004


Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

kaah

C/LAAHI YUSUF OO KU GUULAYSTEY MADAXWEYNAAH SOOMAALIYA

C/Laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha Soomaaliya ee 5ta Sano ee soo socta, waxa uu helay codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka. Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..

 



HTML CD