Waa sidee
dareenka Muqdisho doorashadii
Cabdulaahi Yuusuf ka dib
Iyadoo 10 ka bishaan loo doortey
madaxweynaha Jamhuuriyadda
federaalka soomaaliya Cabdulaahi
Yuusuf ayaa haddana dadweynaha waxay
ka muujiyeen dareemo kala duwan gaar
ahaan kuwa ku nool magaalooyinka
soomaaliya iyo magaaladda Muqdisho
iyadoo magaalooyinka qaar si aad ah
looga soo dhaweeyey waxaana ka
dhacay banaanbaxyo lagu taageerayey
doorashada madaxweynaha ee
Cabdulaahi Yuusuf waxaa
banaanbaxyadii ugu ballarnaa ka
dheceen halka uu ka soo jeedo
Cabdulaahi Yuusuf sida magaalooyinka
Boosaaso ,Garoowe iyo Gaalkacyo.
Hadii
aan fiirino magaaladda Muqdisho oo
ah caasimadda Soomaaliya waxay
maalmahan diyaargarow ugu jireen soo
dhaweynta madaxweynaha cusub ee
soomaali , waxay dadka diyaarsadeen
boorar ay ku qoran yihiin halku
dhigyo ay ka mid ahaayeen ‘
waxaan soo dhaweynaa madaxweynaha
cusub" ‘"cid kastoo la doorto
waan soo dhawaneynaa"
Dareenka Muqdisho waxa uu si aad ah
u kacay markii wareegii saddexaad ay
isugu soo hareen cabdilaahi Yuusuf
iyo Cabdillaahi Axmed Caddoow, Qof
kasta wadnaha ayuu farta ku ahayey
waxayna dadka qaar ku hadaaqayeen in
la gaaray xiligii uu soo gabagaboobi
lahaa daalkii dheeraa ee ay soo
mareen dadka soomaaliyeed muddadii
Afar iyo tobanka sanno aheyd, dadkii
badankiina waxay u arkayeen in
xiligaan oo kale uu ka bixi karo
ruux hal adag oo meel marin kara
mas'uliyaddii uu qaaday, "waxaan
dareemayaa neecaw qabow oo ka soo
go’aysa meel fog sidaa waxaa yiri
Abuukar Cali oo sheegay inuu ku
kalsoon yahay qaabka loo agaasimey
hawshan iyo Cidda ku guuleysatey
labadaba
Muqdisho waxay u diyaar garoowdey
marka ruux uu ku soo baxo doorashada
nin u dhashay deegaankaan in ay
dhigaan banaanbaxyo iyo
fantasiiyeyaal laakiin taa meel mar
ma noqon, Waxaana ku soo baxay
doorashadii Cabdilaahi Yuusuf oo
helay Aqlabiyad aad u badan.
Inkastoo la maqlayey xabado teel
teel ah doorashada kadib hadana wey
ka liidatey heerkii loo filayey,
Waxaa taa loo aaneynayaa xuuraansi
kadib in ay tahay guusha Cabdillaahi
Yuusuf.
Meelaha qaarkood waxaa la diyaariyey
Blue light iyo ayadoo waliba
magaalada lagu xiray nalal kala cayn
ah hase yeeshee taas waa lagu hun
goobey in ay shaqeyso waxaana Blue
light-yadii dib saaka looga iibiyey
Suuqa rasaasta ee loo yaqaan Cir
toogte ee bakaaraha.waxaana la
damiyey Nalalkii kala jaad-jaadka
ahaa, sidoo kale xalay Waxaa
magaalada ka dhacay is Qab-qabsi u
dhaxeeyey taageerayaasha Cabdilaahi
Yuusuf iyo Kuwa Cabdillaahi Axmed
Caddoow waxaana meelaha Qaarkood
lagu waramay in ka dhaceen dilal
loogu geystey dad taageersanaa
Cabdilaahi Yuusuf.
Saaka
waxa ay magaalada Muqdisho ku
waabariisatey taageerada labada
Musharrax waxayna dadka qaarkood ay
sheegeen in Qudbaddii u jeediyey
cabdillaahi Yuusuf ay ahayd mid
Dhiilo gallisey dadka gobolkan,
hadal kaasoo ahaa Dadka waan kala
bartey waa qaar habeen socda iyo
kuwa maalin socda labadaba waan la
shaqeynayaa , hadalkaasoo ay u
fasirteen kuwo in uu u shaqeyn doono
qaarna inuu ka shaqeyn doono.
Cabdulahi Yuusuf
Axmed Madaxweynaha
soomaaliaya
|
Dul
ahaan gad gadoonkaas siyasadeed
waxaa uu keenay koror ku yimid
lacagaha qalaad iyo Hubka Fud fudud
’ nin ka mid ahaa dadkii ka soo hor
jeeday Cabdilaahi Yuusuf ayaa waxaa
uu yiri ’Waxaan Mar kale dib u
qaadan doonaa Qorigeyga , waayo
Cabdilaahi kama Duwana kuwii aan la
dirirnay,waxaana u arkaa mid ka mida
Ardaydii Kacaankii Siyaad oo dib u
soo rogaal celiyey waxaana ku
Qasbanahay inaan mar kale dib
guntiga dhiisha isaga dhigo ka
hortagediisa,
Ruux
kale oo aan ka mida dadka deegaanka
magaalada Muqdisho ayaa aamin san in
la gaaray xiligii la soo afjari
lahaa Qoriga , dilka, dhaca, kufsiga
iyo waliba isku dul noolaadka ama ka
ganacsiga dadka,
gabadhan oo oo lagu magacaabo
Faadumo Xuseen ayaa ku talisay in la
taageero oo lagarab is taago
madaxweynaha Cusub ee soomaaliya,
Saadaal kala duwan ayaa laga bixiyey
sida fudud oo uu ku hantey Xilka
madaxtinimda soomaaliya mudada
shanta sano ah , Is Qab-qabsi
fogaadey oo ka dhexeeyay waayahanba
hoogaamiyeyaasha siyaasadeed ee
fadhigooda yahay magaalada Muqdisho
ayaa loo arkaa in Col Cabdulaahi
Yuusuf u saamaxdey, Dadka qaar ayaa
qaba in Shanta Sano ee uu haynayo
xilka ay ku soo afjarmeyso waqtiga
cabdilaahi yuusuf soomaaliya ay
galayso nabad iyo Barwaaqo, wadaad
saaka iiga horyimid wadada ayaa si
Caro leh iigu yiri "Qoomkii Is
dulaayaa Ilaah waxaa uu ku Salladaa
Nin Musallad ah" waxaa una sii daba
dhigay In Ilaah daafacanayo
diintiisa" falanqeynta siyaasadeed
ee Cabdilaahi Yuusuf oo ay is
weydaarsanayeen dadka qaaarkood ayaa
soo bandhigay in Cabdilaahi uu yahay
shaqsi dabada ay ka riixayaan
cadowga sooomaaliya ee Ethiopia,
Oday ruugcaddaa ah ayaa intaa
raaciyey "Cabdilaahi yuusuf ma
ogidine waa neceb yahay xabashida oo
xabsi ayuu u muteystey kadib markii
uu diidey in goobo ka tirsan
soomaaliya la suro calanka xabashida
xiligii Jabhadi SSDF', dadka qaar
ayaa ka calool xun hadaladii kala
gaaray hogaamiyaasha soomaaliyeed
sida hadalkii kal hore yiri Muuse
Suudi ee ahaa "Cabdulaaahi ha
gashado kab ku jin ah, taasoo loo
arkayo haddaan la isu taanaasulin in
ay keeni karto dhaawac soo gaara
nabada iyo xalka la sugayo. waxaa
kaloo shacabka Muqdisho ka guuxaya
hadaladii kajanka ahaa ee Cabdilaahi
Yuusuf uu jeediyey xiligii la
doonayey dhismihii dowladii sal
balaar oo uu halkaas ka sheegay erey
saameyn weyn yeeshay oo taariikhi
ah"ciddii aan taageerin waxaan wadno
badda haka cabaan" Markii uu
shaashada iska waayeyna uu Salbalaar
ku yiri "ayada badda ha cabto".
Ugu
damdeyntii cadulaahi Yuusuf Axmed
waxay dadka muqdisho uga fadhiyaan
siyaasad fur-furan oo ka duwan kuwii
looga bartey maamuladii ka horreeyey
waxaana sidoo kale laga dhur sugayaa
ama isha lagu hayaa cidda uu u
magacaabi doono Raiisul wasaaraha
soomaaliya oo fure u noqon kara
xalka soomaaliya waxayna ku xiran
tahay taxadarka arintaan uu ka
muujiyo Cabdilaahi Yuusuf Axmed
haddii kale dowladaan loo han weyn
yahay waxay noqon doontaa mid dibad
joog ah ama ku kooban Gobolo khaas
ah.
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail -amiinkhasaaro@hotmail.com
ama
amiinkhasaaro@yahoo.com