SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

SOOMAALIYA OO HABAR QABE DOORATAY

 

Faalladii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan.

 

Waxaan ahay Habaar qabe Habaar qabana waa ka ay Soomaaliya u baahantahay” Waa kelmadahii ugu danbeeyey ee Cabdilaahi Yuusuf Axmed laga hayo, Kornel Cabdilaahi Yuusuf Axmed waa nin aan qarsan hayn iyo hammuun midba tuu is yidhaahdo waa ku meel maraysa, laga soo bilaabo Sannadkii 1998-kii markaasi oo si jujuub ah oo ay ku kala dhinteen rag badan loogu doortay Madaxtinimada Maamul Goboleed loo sameeyey beesha degta Waqooyi Beri (Majeerteen), Cabdilaahi Yuusuf ma qarsan hammuuntiisa eh wuxuu ku dhaqaaqay inuu awood xigto ah ka samaysto maamul goboleedkaasi loo bixiyey Puntland ama dhulkii odgoona, Kornaylku wuxuu haanta dheer ee hagta siyaasadda waqooyi Beri ku xeeray rag ay daris wadaagyahiin, kuwo kale oo aanay hadafka guud wadagi karina wuxuu mariyey cidlo.

 

Xasan Abshir, Maxamed Abshir iyo Boqor king Kong wiilkiisu waxay inbadan la cadho meerayeen duleedka Maamul Goboleedka Puntland, waxay waayeen hiil iyo hoo cid ugu yaboohda, Cabdilaahi Waa nin ku xeel dheer samaynta weedho siyaasadeed oo afka laga yidhaahdo balse qalbiga ku xidha dantiisa guud, ma seego halkarnimada loo maro meel uu ficil ka ridan karo, mana ag mari karo meel uu isleeyahay waxba kaaga go’i maayan.

Waa xaqiiq in uu Cabdilaahi Yey yahay danayste lagu macnayn karo inuu ka madax adagyahay Maxamed Siyaad Barre, taasi oo markhaati ugu filan lixdii sanadood ee uu hogaanka u hayey Maamul Goboleedka Puntland, waa nin aan jeclayn in runta loo sheego, badankana ku jawaabo weedho kul kulul, Cabdilaahi Yuusuf waa nin aan looga aqoon badnayn “tallay yaa tolay” oo taasi ay marag ma doonta u tahay markii ay reer Boosaso waddada cagta ugu rideen kana saareen ciidamadiisa magaalada Boosaso, lagana soo eryey Garoowe inuu dul tegay tallada diiran ee reerkiisa dega Galkacayo, Mar ay idaacadda laanta afka Soomaaliga ee B.B.C du waraysatay ayaa waxaa hadaladiisi ka mid ahaa “aniga oo ah madaxweynaha dhabta ah ee puntland waan ka soo yar rararay caasimadda garoowe waxaanan sida ugu dhakhsaha badanleh ugu noqonayna caasimadda, cid sheegan karta ma jirto hogaanka puntland waana aniga madaxweynaha cid aan u ogolaado mooyaane cid kale oo noqon karta ma jirto” Maalmaha waxaan islahaa Walaalaha Majeerteen waxay gaadheen go’aan oo cabdilaahi tub bay ku rideen, balse ayaamo ka dib waa dhabawday hadalkii cabdilaahi, wuxuuna ku soo laabtay hogaanka Puntland.

 

CABDILAAHI YUUSUF SIDEE AYUU U DAREEMAY DOORASHADII CABDIQAASIM SALAAD XASAN SANNADKII  2000 CARTA

 

Sidaan hore usoo sheegay Cabdilaahi Yuusuf waa nin ku dhiiran dantiisa, kana dhego adayga wuxuu u arko inaan wakhti ugu jirin, mar wax laga weydiiyey sida uu arko Madaxweynahii Beesha Hawiye ahaa ee lagu  soo doortay shirkii carta  Cabdiqaasim Salaad Xasan, wuxuu ku macneeyey gacan ku dhiigleh, wuuna diiday inuu aqbalo hogaan kasta oo ka yimaad Beesha Hawiye, Xitaa iska daa wax kaloo wuxuu damcay inuu u sameeyo Mu’aamarad aan qarsoodi lahayn, wuxuu weraysi siiyey Television talyaani ah, wuxuuna u sheegay Inuu Cabdiqaasim ka mid yahay Ururka ITaxaad oo ay xidhiidh leeyahiin Wadaadka Osama Binladen, isaga oo danta keliya ee Kornayl Yey ahayd inuu sawirka diblomaasiyadda boodh kaga qariyo Beesha Hawiye, inkasta oo Sawirka tooska ah ee laga dalacan karo majaajiladii quruxda badnayd ee ka dhacday nairobi u ekayd "igama qudhunto igama qalafto" waxaa runtii Siyaasiyiinta Beesha Hawiye u fadhiyey shirkaasi uu Cabdilaahi ku dheelay ciyaar aad u quman, aan qalafsanayn, balse ay arki doonan mustaqbalkeeda.

 

SIDEE AYEY SOMALILAND U ARAGTA DOORASHADA LA SHEEGAY IN CABDILAAHI YUUSUF LOO DOORTAY MADAXTINIMADA SOOMAALIYA

 

Inkasta oo aanay qumaynaynba in lagu daro qoraalkani oo kale hadafka Somaliland, oo waayo ay u caddahay sida daruurta oo kale in Muwaadin, hogaan siyaasadeed, hogaan mucaarid iyo mid muxaafid oo reer Somaliland ahi mawqifka Somaliland yahay in aan qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland aan shakhsi dunida meel kasta ha ka taliya eh loola galayn wax gor gortan ah, waxaa xallay iyo habeen hore wararka iga soo gaadhaya Magaalada Hargeysa tibaaxayeen in ay u ahayd reer Hargeysa majaajilo aad u qosol badnayd oo halkaasi Nairobi lagu matalay, waayo Siyaasiyiinta Kenyatiga ah ee fadhiyey Meesha waxaa qumanayd in majaajilada loogu turjumo af Sawaxili si ay u odorosaan gunta xogta ku hoos suntan.

 

Somaliland tani waxay u tahay guul diblomasiyadeed marka dhinac laga eego, waayo Somaliland waa ogtahay Cabdilaahi Yuusuf wuxuu gudo iyo wuxuu galo dagaalo sokeeye oo la dhex dhigo walaalaha Soomaaliyeed, dhirbaxooyin siyaasadeed, iyo hiilin uu u kala hiiliyo walaalaha Muqdisho iyo Boosaso, waa runtii calaamad suntan oo ina yey ku yahay caan,  waxay Somaliland ogtahay inaanu cabdilaahi Yuusuf tahlin nabad ku wada noolanshaha walaalaha wada dega GaalKacayo ee uu faraqyada u buuxin doono Adeeradii iyo edooyinkiisa dega Magaaladasi, dhinaca kalana (hawiyaha dega galkacayo) aanu u ahayn wax hufnaan ah.

 

 Somaliland waxay ogtahay Cabdilaahi Yuusuf Muqdisho ka arrimiya inaanay cidina mahadin doonin, Somaliland-na waxay hore uga sii tabaabulshaysatay majaajiladaasi oo kale, hadday noqoto hamuun diblomaasiyadeed iyo mid madanibga gaashandhig, Somaliland waxay tani u tahay isku duubni badan oo ay cadawgooga gees uga wada marayaan, waxaanan boqolkiiba boqol ku kalsoonahay in ay shacabka reer Somaliland iyo dawladooduba u tahay isku soo dhawaansho ay cadawgooga meel uga soo wada jeedsanayaan tani oo kale , balse waxay u sheegayaan walaalahooga Soomaaliyeed "baruur xun ayaa baruuryo qudhmisa" inay ka taxadaraan gacanta dhiigaleh ee durbaanka u tumaysa.

 

CABDILAAHI YUUSUF DIINTA ISLAAMKA SIDEE AYUU KU YAHAY

Wadaada iyo musheekhda Soomaaliya waxaa hubaal ah inay u tahay doorashada hogaanka Cabdilaahi Yuusuf Mugdi weyn oo soo wajahay, waxay xasuus weyn uga tahay xasuuqii uu gaystay Maxamed Siyaad Barre wadaadadii lagu laayey 80-meeyadii Soomaaliya, Cabdilaahi Yuusuf waa nin lagu macnayn karo Cadawga diinta islaamka, wuxuu dagaal badan la geli doona qof alla iyo qofkii ilaahay cibaadadiisa iyo daacadnimadiisa iyo kitaabkiisa iyo Sunnaha rasuulka u go'ay, wuxuuna ugu yeedhi doona argagixiso, waxaa hubaal ah in qorshaha cabdilaahi Yuusuf ee uu ku dhaqayo Mankiisa Soomaaliya lagu tirtiri doono dhaqanka suuban ee Soomaalida ee salka ku haya diinta Islaamka, waxaan ku kalsoonahay in ay Soomaliya u beri doonto waa kale oo lagaga mamnuuco haweenka Soomaalida xijaabka ilaahay ku waajib yeellay, waxaa hubaal ah in uu la dagaalami doono madaarista iyo meelaha kutubta diiniga ah lagu akhrinayo, waayo sidaasi waxaa ogol saaxiibada uu jecelyahay inuu ka samaysto galbeedka.

Gunta iyo gebo-gebada Faaladayda ayaan Jecelahay inaan xusuusiyo walaalaha Muqdisho weedhahii xikmadaha mudna ee sannadahii 1988-kii

Hadduu dhiigu daatiyo
Hadday xaydhi dixataba
Hadday guushu degatiyo
Hadday daahyo rogataba
Hadday qaanso debecdiyo
Hadday shiish dellegantaba
Hadday Daylo curatiyo
Hadday deero tebisaba
Adoo dool dhaqaaqiyo
Adoo data mooyee
Damac waa halkiisii
Dabna waa dabkiisii

Dusdukay ku dheregtee
Haddaan daalku dheeraan
Gabbal baas u dumin nabad

Nin dalleensi lagu cunay
Haddaan guuto loo dilin
Dakharkiiba toban noqon
Nin kastoo dun iga qaba
Haddaan daab-cad lala dhicin
Jannnada durduurta ah
Haddaan daadku soo qubin

Aqalada derbiga dheer
Haddaan daaqad laga gelin
Ninka dabin ka boodka ah
Haddaan diirad lagu helin
Haddaan duubka gogoshiyo
Lagu dhuuman dalowyada

Haddaan shaashka derejada
Dallacaada laga nixin
Dal Allay u kibirtee
Haddaan iilka lagu degin
Haddaan meydku duurkiyo
Derrimaha ka fara badan
Sanqadhaa dabayshiyo
Haddaan fiinta laga didin

Fadhigay ku daaqdee
Haddaan soodhku dalandalin
Halka doobi lala maro
Haddaan raacdo daba gurin
Dacfalaanka mahaddiyo
Dardarsiga barwaaqada
Iyo doosha subbaga leh
Haddaan laysu dacarayn

Inta daran intaw daran
Haddan duulal lagu falin
Haddaan deebta gumuciyo
Lagu guban dabkaan shido
Duhur laysla wada jiro
Haddaan guusha lay deyn
Alley-lehe docdaydii
Ha Goblamo dad weynuhu.

Qallinkii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

KARACHI, PAKISTAN.

E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2004


C/LAAHI YUSUF OO KU GUULAYSTEY MADAXWEYNAAH SOOMAALIYA

C/Laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha Soomaaliya ee 5ta Sano ee soo socta, waxa uu helay codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka. Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

C/LAAHI YUSUF OO KU GUULAYSTEY MADAXWEYNAAH SOOMAALIYA

C/Laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha Soomaaliya ee 5ta Sano ee soo socta, waxa uu helay codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka. Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..



HTML CD