SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Ciidamada Shisheeye ee Dagaal ooge Cabdillahi Yussuf Dalka Somalia ku soo Wado oo Xambaarsan Cudurka AIDS-ka iyo HIV.

Osman Abdillahi Sool <sooldhuub@hotmail.com>

The Macho man of Majeerteeniya.......Cadillahi Yussuf oo ah Axmaq ku Mamay Dilka dadka shacabka ah ee ku dhaqan deggaankaa uu ka soo jeedo Ayaa Xoog iyo Xuurto Bahalnimo ah ku haysta Gobolada Majeerteeniya.

Kornaylkan Macangaga ah oo xukun jacayl iyo Madaxniimo miyir tirtay ayaa Hadhka cad ku Riyoonaaya kuna hadaaqaaya in uu Madaxweyne ka noqdo Dalka Somalia ee Burburka iyo Diifto Daafaha uga baxeen isaga oo Adeegsanaya Xoogag Shisheeye oo Dalkiisa iyo Dadkiisa midna aan Naf u Hayn. Gacan-ku-dhiigle Cabdillahi oo doonaaya in uu Riyadiisa Madaxweynenimo iyo Mala-awaalkiisa ka jibo keeno oo rumeyo ayaa maanta loo doortay in uu madaxwene  ka noqdo dalka Somalia ee burburku ku habsaday.

Siyaasada uu Qabqable Cabdillahi doonayo in uu Somaliya ku nabadeeyo ayaa iyana ah ku xukun dadka Qoori caaradaii iyo Gacan-Bir ah oo Ciidamo Shisheeye u adeegsado

CIIDAMDA SHEEYE EE UU KU RIYOONAYO IN UU SOMALIA KEENO, WAA KUWAN EE HADDA KA FIIRSO.

Waxaan baadhis ku sameeyay ciidamada la doonayo in Somalia la keeno. Soomalia, Gambia iyo Somaliland waxa ay noqdeen dalalka cudurka AIDSku ku yar yahay marka loo eego Qaarada Afrika. Hadda Siyaasada Abdillahi Yussuf waxa ay soo dhoofinaysaa Aids-kii oo sharciyaysan.

Ciidamada waxa laga keenayaa wadamada ku yaala inta Saxaharaha ka hoosaysa sida Konfur Afrika, Botswana, Zambia, Nigeria, Kenya.

Wargeyska A Journal of culture and African studies (2003), waxa uu daabacay in ciidamada

  • Zimbabwe ay qabaan 90% HIV/AIDS.

  • Kongo iyo Angola  ay qabaan 50%  HIV/AIDS.

  • Konfur Afrika ay qabaan 50% HIV/AIDS

  • Uganda lama huba laakin hoos bay u dhacday oo waxay maraysaa 40-60% inta qabta HIV/AIDS

Nozizwe Madlala-Rontledge, ku xigeenka wasiirka gashaandhigga Konfur Afrika waxa uu sheegay in ciidamadu ay yihiin kuwa ugu badan Fidinta HIV/AIDS Qaarada Africa. Cudurada galmada lagu kala qaado 2-5 jeer ayey ka sareeyaan askartu shacabka caadiga ah. Waxaana cilmi baadhis la sameeyay lagu xaqiijiyay in cudurkan ay badanaa keenaan ciidamada iyo dalxiisayaasho. Warbixinta ururka samafalka ee Ururka Qaramada Midoobay (United nations International relief agencies) waxay ku sheegtay in marka ciidamdu ay u safraan wadan kale ay had iyo jeer ku xad-gudbaan shacabka aan hubaysnayn iyagoo oo isticmaalaya kufsi iyo  cabsi galin, xoogid ku salaysan. Waxaa caadi ah in ay aad wax u kufsadaan oo aanay ku Ekaan Dumarka jidhkooda ka baayacmushtareeya.

Grace Michelle oo ah haweenaydii uu qabay Nelson Mandella oo Ururka Qaramada Midoobay u warntay , waxay tidhi waxaan noqonay isgoyskii (Crossroad) HIV/AIDS. Botswana dadka waaweyn waxaa qaba in ka badan 35%, Nigeria 4 Malyan oo qof ayaa qaba iyo 8000 caruur yar yar ah, waxaana u dhintay dadkii qabay 6.5%.

Waxaa Interpol laga soo wariyay in Konfur Afrika ay tahay waddanka ugu sareeya kufsiga adduunka, isla markaana waana waddanka ugu sareeya HIV adduunka. Kuwa kufsiga ka badbaada waxaa in ka badan 40% inta la soo sheegay ku dhaca HIV.

Konfur Afrika waxaa bishiiba ku dhasha 5,800 oo ilmood oo qaba HIV. Waxaana Afrika daqiiqadiiba dhasha 4 caruuur ah oo qaba Cudurka. Nus malyan Caruur ah ayaa manta Waalid la'aan uu cudurkaasu dhigay waddanka Konfur Afrika. Hadaba waxaa naxdin leh in Soomaaliya oo hadda adduunka laga daawado sidi ciidamada Talyaaniga, Belgium, Kanada, Maraykanka, Australia iyo kuwii kaleba sida wuxuushnimada ah ee bani aadanimada ka baxsan ay u galeen carruurtii, haweenkii iyo dadkii kale  Soomaliyeed ee ay Yidhaahdeen waxaan ugu tegeynaa in aannu u naxariisano. Mid dadka sola (duba), mid kufsada, mid dal dala, mid inta laba dible u xidho gadhi dabada ugu jiida.

Mar saxaafadu Cabdillahi Yussuf wax ka weydiise Ciidamadan Shisheeye ee Cudurka halista ah qaba ee uu la damacsanyahay in uu Somalia keeno, waxa uu ku jawaabay AIDS-Ka waxa ka xun Dhibaatada Dawlad la'aanta ah ee Dalka Haysata.

Waxa soo Diyaariyey Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist.Copenhagen 10/10/2003.

<sooldhuub@hotmail.com>

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2004


Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

kaah

C/LAAHI YUSUF OO KU GUULAYSTEY MADAXWEYNAAH SOOMAALIYA

C/Laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha Soomaaliya ee 5ta Sano ee soo socta, waxa uu helay codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka. Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..

 



HTML CD