SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Daabaco Boggan | Print
...
Bismilaahi Raxmaani Raxiim 

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu

October 10, 2004

  • Ka: Xasan Maxamed (xasan dhooye) 
  • Ku: Godoomiyaha Baarlamaanka Ku meel gaarka ah
  • Ku: Kuxigeenada Gudoomiyaha baarlamaanka
  • Ku: Xildhibaanada Baarlamaanka 

Ujeedo: Doorashada Madaxwaynaha ee Maanta. 

Ilahaay ayaa leh mahad idayl keed Nabigiiisana Nabad galyo iyo Naxariis dushiisha ha ahaato, intaa ka dib Anigoo ah Xasan Maxamed (Xasan dhooye) waxaan halkaan warqad furan uga dirayaa Baarlamaanka ku meel gaarka ah ee Soomaliya, taasoo uga gol leeyahay doorashada Madaxwaynaha oo dhici doonta bari sida lagu wado hadii ilaahay idmo. 

Waxaan rabaa inaan kusoo koobo fariintaan dhowr qodob (waqti gaaban oraahdiina la gaaban) oo kala ah: 

  1. Inaad ilaahay uga baqdaan xilkaas wayn  ee aad dusha u ridateen
  2. Inaad xasuus naataan inaan kitaab u marteen umada Soomaaliyeed inaad daacad u noqonaysaan.
  3. Inaad Diinta, Dadka iyo dalkaba u doorataan qof u qalma kana saari kara xiligan murugsan.
  4. Inaydnaan dooran Nin ruux togaya hambada ka hartay dadka iyo dalkaba.
  5. Inaydnaan dooran nin Cadow dadka iyo dalkba u loogaya.
  6. Inaydnaan dooran nin dadka iyo dalkaba iibsanaya.
  7. Inayd naan  noqon qabiil sidii la idinku soo doortay  ee aad qaran noqotaan.
  8. Inaad ogaataan waxaad maanta samaysaan inay taariikhda idiin galayso shalayna ay san soo noqonayn.
  9. Ugu danbayntii inaad ku tala gashaan waxaad maanta samaysaan in bari (qiyaamaha) la idin waydiin doono, oo aad maanta fursad qaali ah haysataan.

Gabagabadii waxaan idiin rajaynayaa guul iyo in ilaahay idin waafajiyo waxii soomaali dan u ah Aakhiro iyo Aduunba, idinkana Taariikh fiican idiin noqota, ana waxaan idin ka rajaynayaa inaad qaadataan fariintaydaan. 

Waxaan ka codsanayaa cidii fursan u hesha inay u daabacdo warqadaan Xubnaha Baarlamaanka, waqtiga oo kooban daraadii. 

Xasan Dhooye
dhooye@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

kaah



HTML CD