SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SBS
 
Daabaco Boggan | Print

Gen. Cadde Muuse oo Isu Sharaxay Madaxweynaha DGPL


Gen. Cadde Muuse | Saxiixii heshiiskii PL | bishii shaan ee 2003 | Sawirka Google Search

Warar SomaliTalk kasoo gaarey dalka Australia ayaa sheegay in Idaacadda SBS Australia qaybteeda Afka Soomaaliga ay waraysi la yeeltay Gen. Cadde Muuse, waxa uu Janaraalku waraysigaas shaaca kaga qaaday in uu sharaxan yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Su'aal laga weydiiyey dagaaladii Sool, waxa uu Cadde Muuse sheegay in ay waanwaan nabadeed u socoto labada beelood, taas oo ay wadaan isimada labada dhinac, waxana uu cadeeyey in arimaha la isku hayo si nabad ah lagu xallin karo, taas oo uu sheegay in ay isimadu ku dadaalayaan in ay ka hor tagaan in aan halkaas wax dagaal ahi ka dhicin.. taas oo uu ku adkeeyey in isimadu ay taas ballan qaadeen..

Mar wax laga weydiiyey arimaha Puntland iyo dowlada Goboleedka waxa uu sheegay in kordhinta waqtiga maamulka aysan wax dan ahi kujirin, waxana uu sheegay in ay tahay in la ilaaliyo sharciga oo aan maalinba la iska sheegin wixii la doono ama la iska korosan xukunka. Waxana uu xusay in madaxweynaha DGPL Maxamed Cabdi Xaashi iyo iyo M/kuxigeenka Gaagaab ay horay uga wada hadleen una ballan qaadeen in aan xukunka la kordhin doonin, waxana uu intaas ku daray 'in ayaga ay yihiin kuwa hadda arinta kordhinta wada'.

Waxa kale oo uu Gen. Cadde Muuse mar labaad xusay in arinta Sool ay tahay mid nabad iyo waanwaan lagu dhamayn karo, taasina aysan sabab u noqon karin in la kordhiyo xukunka (maamul goboleedka Puntland).

Ugu dambayntii waraysiga waxa uu Gen. Cadde Muuse shaaca ka qaaday in uu isu sharaxay madaxweynaha DGPL, waxa kale oo uu carrabaabay in Cabdullahi Yuusuf ay arinta kororsiga hore uga wada hadleen taas oo uu sheegay in C/lahi Yuusuf uusan rabin korosigaas.. Waxana uu Cadde Muuse yiri: Sharciga ayaa dadka kala saara, ma ahan in dawladu ay sharciga iska korosato".

Cadde Muuse oo hadda ku sugan Canada, waxa uu sheegay in uu Soomaaliya ku laaban doono bisha Decembar horraanteeda.

Waraysiga Gen. Cadde Muuse oo dhamaystiran  Halkan ka dhegeyso...Guji...

Faafin: SomaliTalk | Nov 24, 2004

 

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
:::6-JIR XAAFIDAD AH:::
Gabadhan da'da yari waxay ka jawaabeysaa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka
Maxamed Dheere vs Xijaabka
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD