SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Guuldaradii Kerry iyo Soomaalida Waxa la Gudboon  

Cawaale Xuseen Cabdi
awallea@hotmail.com 

Soomaali badan oo Maraykanka ku nool ayaa ka qeyb qaadatay doorashadii ka dhacday dalkaa November 2, 2004.  Waxay qaalibkoodu u codeeyeen ninkii u sharaxnaa xisbiga Dimoqraadiga John Kerry iyo ku xigeenkiisii John Edwards.  Laba John waxaa meel lawaayey kaga dhigay labadii nin ee aanay Soomaalida badankeedu u codaynin ee u sharaxnaa xisbiga Jamhuuriga  George W. Bush iyo Dick Cheney oo mar labaad ku guulaystay inay u hoydaan Aqalka Cad dalkana caynaanka u qabtaan afar sano oo hor leh.   

Doorashadaa afarta sano ah ee cusub waxaa waheliyey in xisbiga Jamhuuriga ahi uu afar kursi oo Golaha Shuyuukhda ah (Senate) iyo ugu yaraan labo kursi oo Golaha Shuurada ah (Congress) ka faramaroojistay xisbiga Dimoqraadiga.  Badhisaabyadii gobolada (Governors) dalka, majaalista gobolada ee maxaliga ah (State Legislatures) ayaa iyana Dimoqraadiga lagaga hormaray oo aqlabiyadii laga qaatay. 

Intaa waxaa dheer Maxkamadda Sare ee dalka (Supreme Court) oo uu madaxweynuhu magacaabo xukaamta fadhida haddii midkood hawlgabo, is casilo, ama geeriyoodo Golaha Shuyuukhduna ansaxiyo ayaa u muuqata mid farahooda ka bixi doonta oo ugu yaraan mid ama labo aad muxaafidiin u ah Bush soo magacaabi doono.  Sagaal xaakim oo shan muxaafidiin tahay afarna garabka bidix yihiin ayaa haatan ku shaxda.  Xusuuso 2000 waa maxkamadii Bush xukunka u dhiibtay ka dib markii ay joojisay tirintii codka ee kasocotay Florida guuldarada culusna gayeysiisay Al Gore iyo Dimoqraadiyiintaba. 

Guud iyo gaarba November 2 waxay ahayd habeen murugo badan ku reebay taageerayaasha xisbiga Dimoqraadiga iyo dhammaan dadka ku argtida ah caalamka oo dhan.  Tirakoobyadu waxay tuseen in codeyntu u dhacday: Madowga 89% Kerry-Edwards, 11% Bush-Cheney; (Madowga 91% ayaa Gore u codeeyey 2000), haweenka madaxa banaan (single women) 63% Kerry-Edwards, 36% Bush-Cheney; dumarka xaasaska ah 45% Kerry-Edwards, 54% Bush-Cheney; dadka Hispaniga ah 55% Kerry-Edwards, 43% Bush-Cheney, (Hispaniga 65% ayaa Gore u codeeyey 2000.)   

Marka laga reebo madowga, haweenka madaxa banaan, iyo Hispaniga Maraykanka intiisa kale saddex meelood laba ayaa Bush u codeeyey.  Dadka aaminsan madhabta Protestant ka ee diinta Masiixigu aqlabiyadoodu (54%) waxay ugu shubtay Bush-Cheney halka ay 45% ugu shubeen Kerry-Edwards. 

Codka guud Bush wuxuu jeebka ku hubsaday 8.3 malyuun ka badan codkii uu helay 2000 halka Kerry uu ku guulaystay 4.3 malyuun ka badan codkii uu helay Al Gore 2000.  Sidoo kale Kerry wuxuu kusoo celiyey xisbiga Dimoqraadiga 2.8 malyuun oo qof oo u codeeyey Ralph Nader, musharixii Xisbiga Cagaaran (the Green Party) ee 2000 haddana si madaxbanaan u tartamay, oo sanadkan Kerry u codeeyey.  Codka guud wuxuu Bush dheeraa Kerry hillaadda 3% taasoo ku gabagabaysay Bush 51% - 48% Kerry. 

Haddii aan tirakoobyadaa dib u milicsano waxaan arkaynaa in halka sartu ka qudhuntay ay tahay codka Hispaniga.  Taariikhiyan Hispanigu, sida Soomaalida, siyaaso ahaan waa Dimoqraadi laakiin dhaqan ahaan waa muxaafidiin.  Kerry wuxuu lumiyey 10% codadkii Gonzalas, Lopez, Hernandez, Rauls ee uu Gore ku guulaystay 2000.  10 kaasi waxay doorashada ku yeeshaan saameynta ugu weyn maxaa yeelay waxay Bush usoo xasiliyeen 2.4% codka guud, (2.4 percent net gain of the popular vote.)   

Xisbiga Dimoqraadigu waa xisbi siyaasad dabacsan oo soo jiita dadka laga tiro badan yahay.  Waxay aad usoo dhaweeyaan kuna dadaalaan inay hantaan dadka Madow, Hispaniga, iyo dumarka iyagu kaligood qoysaskooda hormuudka u ah.  Saddexdaa qolo ee aan xusnay marka la isku didiyo waxay noqonayaa saddex dalool meel dhamaan dadka ka codeeya Maraykanka waxayna wadar ahaan Kerry ugu codeeyeen afarmeelood saddex.  Waxay iskudar ahaayeen in ka badan badh guud ahaan dadkii u codeeyey Kerry-Edwards. 

Haddaba iyadoo Maraykanka ay camimtay fadeexooyin waa weyn oo ay geysteen shirkado lacag badan (corporate scandals) oo xisbiga Jamhuuriga ah iyo Bush ba la jaal ah, iyadoo Maraykanka dhaqaalihiisu aad uga liito halkii uu Bill Clinton kaga tagay shaqo la’aan badanina ay jirto, iyadoo deynta dawladda Maraykanka lagu leeyahay (deficit) ay caqli ka fooq tahay, iyadoo Bush noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee xilliggii uu Aqalka Cad joogay lumiyey shaqooyin ka badan kuwa uu abbuuray tan iyo Herbert Hoover oo muddo 75 sano ka hor ah madaxweyne ahaa, iyadoo dalku uu ku jiro dagaal xaaraan ah in ka badan 1100 asgarina ciidanka ka dhimatay 8000 iyo ka badanna ay ka dhaawacantay maxay tahay sababta Kerry madaxweynanimada ugu guulaysan waayey?   

Soomaalidu waxay tidhaahdaa guushu 12 aabo ayey leedahay guuldaraduna waa gablan.  Su’aashaa jawaabteeda dadku isku si uma wada arko.  Sababaha ugu cadcad ee carabka lagu dhufto waxaa ugu horreeya Kerry oo aan si degdeg ah uga jawaabin dicaayaddii kooxda la baxday “Swift Boat Veterans for Truth.”, Kerry oo aan guud ahaan qorshe ka Bush ka badalan bulshada Maraykanka soo hordhigin mar walbana doodiisu radulficli ahayd, Shirkii Xisbiga Dimoqraadiga ee Boston ka dhacay July dabayaaqadeedii (Democratic National Convention) oo aan hawshiisii si wanaagsan uga soo bixin, magacaabidii John Edwards oo aan ku haboonayn xilligan dalku dagaalka ku jiro, (dad badan baa qaba in Marine Corps Gen. Anthony Zinni ama Gen. Wes Clerk kaga haboonaan lahaa Edwards),  Mary Cheney iyo soo hadalqaadideedii doodii 3aad iyo sababo kale oo badan. 

Sababta aragtidayda ugu weyn ee odayga iilka dhigtay waxay tahay dhaqanka iyo asluubta (culture and values.) Senator Kerry marna si hufan ugama hadlin waxyaalaha dhaqanka ku xun ama dad badan dhibaya ayna kasoo horjeedaan.  Waxyaalahaa waxaa horay kaga jira aflaamta qaawanida iyo jinsiga ah (porno films), ragga oo si badheedh ah oo sharcigu ogyahay isu guursada, sabiga oo uurka hooyadii loogu dhaco oo lagu saqiir suujiyo, gabdhaha yaryar ee uurka qaada oo faraha ka baxay (teen pregnancy), ubadka Maraykanka oo dhaqan xumo badan iyo daroogadu ku baahday, Hollywoodka, (Hollywood-ization of America) iwm. 

Senator Kerry kuma qasbanayn inuu qaato fikirka ama qiyamta gobolada xisbiga Jamhuuriga ah u codeeyey (Red States) waxaa uu ku qasbanaa oo kaliya inuu tuso inuu dareensan yahay waxa dhibaya xanuunka haya waalidka ubadka korsanayana uu la qabo.  Kerry marna kuma guulaysteen quluubta dadka haddii uu Baadari iska dhigi lahaa sida Bush.   

Gobolada Bush u codeeyey kama dhaqan wanaagsana Masiixiyaddana ugama dhawa kuwa Kerry u codeeyey. Massachusetts oo ah gobolka Kerry kasoo jeedo gabdhaha dhawr iyo tobon jirrada ah ee uuraysta iyo ilmaha uurka lagu dilaba way kaga yar yihiin badanka gobolada koonfureed ee Bush u codeeyey.  Isagoon is badalin oo aan iska dhigin qof uusan ahayn ayaa waxaa laga rabay inuu si daacad ah uga hadlo arimahaa oo caddeeyo inaan dawladu sharciyey karin dhaqanka iyo anshaxa wanaagsan ee ay dadku doortaan inay u dhaqmaan siday rabaan.   

Dagaalka dhinacaa ah ayaa Kerry lagaga badiyey afkana ciidda loogu daray isaga iyo xisbigiisiiba.  Dadka Latinoda ah ee aan kor ku xusnay markii la weydiiyey waxa qalbigooda ku weynaa markay codaynayeen waxay badankoodu caddeeyeen in anshaxa suuban iyo dhaqanka wanaagsan (social values) kala muhiimsanaa shaqo la’aanta, caafimaad xumadda iyo dagaalka Ciraaqba.  Sidaa ayaana keentay inay 10% u toloobaan xisbiga Jamhuuriga ah.    

Waxaa sii saddexjibaaray saamaynta dhaqanka iyo asluubtu ku lahayd doorasha tabcadii Xisbiga Jamhuuriga ah ee ahayd in 11 Gobol oo Ohio ku jirto ay kala dooranayeen una coddaynayeen in raggu is guursado iyo in kale isla marka ay u coddaynayeen yaa madaxweyne noqon doona.  Arintaa iyo in Massachusetts maxkamadeeda sare ee caddaalladu (the Supreme Judicial Court) sharciyeysay guur laba nin dhex mara ayaa Kerry iyo Dimoqraadiyiintaba sii gawaanraaciyey maxaa yeelay waxay reer koonfureedka ugu muuqdeen kuwo u nugul laga-roonayaasha.  Wayna u nugulyihiin, dhabcan. 

Haddaba maxaa la gudboon xisbiga Dimoqraadiga ah?  Maxaase la gudboon Soomaalidii aqlabiyadoodu u codaysay xisbigaa lagana yaabo inay aad u niyad xun yihiin? 

Dimoqraadiyiinta waxaa la gudboon inay dib isu habeeyaan oo ay gobi way liicdaa ee ma jabto ee fariintooda iyo habka ay u gudbiyaanba dib u qiimeeyaan.  Ka hadla munaafaqadda ku jirta in Jamhuuriyiintu qiyam iyo diin ku gaafwareegaan mar walbana ay la saftaan canshuur dhaaf aan sax ahayna siiyaan ganacsiyada waa weyn (big corporations) iyadoo malyuumaad caydh ahi ay maalinba maalinta ka dambaysa fuqaro sii noqonayaa.  Ka hadla oo ku dagaalama caddaaladda ijtimaaciga ah (social justice) caddeeyana inay caddaaladdaasi tahay qiyamta (moral values) nooca ugu sareeya. 

Caddeeya munaafaqadda iyo iska hor imaadka ku jira in Jamhuuriyiintu ku doodaan ilmaha uurka hooyadii ku jira inaan la dilin dabadeed ay dad nool oo banaanka jooga oo xor ah ay si xaq darro ah u qabsadaan maalin walbana tarabtarab u laayeen.  Siyaasadii Bill Clinton ee ahayd in qiyamta lagu xidhiidhiyo midabtakoor nacaybka, la dagaalanka danbiyadda, sinaanta bulshada u noqda.   Ka luun jeexda Tony Blair iyo Gordon Brown siddii ay ugu cirbixiyeen xisbiga Labour ka ee England.  In kasta oo ay gadaal la habaabeen oo ay Bush dabadhoono u noqdeen haddana ilaa 1997kii nimankii Muxaafidiinta ah geed ayey isaga xidheen. 

Waa run in Bush noqday madaxweynihii ugu horeeyey tan iyo FDR (1936) ee dib loo soo doorto isagoo walibana labada aqalba kuraas cusub xisbigiisu ku guulaystay.  Waxaa kaloo run ah inuu aqlabiyadda ku helay kaliya 1%.  Waxaa sidoo kale run ah inaad ku guulaysateen dhammaan Waqooyi Bari, Xeebta Galbeed marka Alaska laga reebo, Gobolada sare ee Galbeedka Dhexe (the upper Midwest) ee dalka aadna la idiinka taageersan yahay.  Koonfurtu goobo ayey ku jirtaa oo dhinac walba bulluugbaa kaga xeeran ee ha ka quusanina.  Ugu dambayntii, awaye Karl Rove yadii Dimoqraadigu?   Ninkii la baxay “Ragin' Cajun” ee ahaa James Carville dib usoo celiya “It’s the Values, Stupid” ha u laqimee.  Intaa haddii aad yeeli weydaan Liberal ku dhinacan ayuu xoog ku leeyahay ee usoo qaxa Waqooyiga. 

Soomaalida waxaa la gudboon inay sii labanlaabaan ka qeyb qaadashada arimaha siyaasadda ee Maraykanka iyo dhammaan dalalka ay ku nool yihiin ee Reer Galbeedka.  Faransiiska uma geeddigali kartaan oo gabdhihiinu kuma hagoogan karaan iskuuladda dalkaa Kanadana qaxooti Maraykan ah ma aqbalayso waxaa idiin furan oo kaliya inaad, ileen noqon maysaan oo taa waan ka quusanayee, halkiinaa ku ruuxjibaadaan.   

Ha ku khaldamina Jamhuuriyiinta iyo dhaqanka wanaagsan ee ay ku qadhaabtaan ee aan afka baarlkiisa u dhaafsiisnayn.  Ha ku hodmina wajiyada madmadow ee ka dhex muuqda wasiirada Bush sida Colin Powell, Xoghaya Arimaha Dibadda, Rod Paige, Xoghayaha Waxbarashada, Condoleezza Rice, Lataliyaha Arimaha Amniga, iyo Alphonso Jackson, Xoghayaha Guriyeynta iyo Horumarinta Baladka.  Inkasta oo ay wanaagsan tahay inay madowgu iyo dadka laga tiro badan yahayba ka dhex muuqdaan labada dhinacba haddana waa uun shaqaale dadkaasi siyaasadda Jamhuuriga iyo danihiinu badanaa dab iyo dhagax ayey isku yihiin.   

Magacyadiina, midabkiina, iyo diintiinuba way dhibaysaa haddii ay tooda ahaan lahaydna gaawe ma aydaan darteen.  Xisbiga Jamhuurigu waa mooradii Jesse Helms, Strom Thurmond, iyo Trent Lott ee sidaa u arka oo u fahma.  Waxaa inoo muddo ah 2006 (mid term elections) iyo 2008 (presidential elections) iyo inaad mar kale si xammaasad leh goobaha cod bixinta isugu heedaamtaan. 

Cawaale Xuseen Cabdi
awallea@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2004

»USA: Maxaa u sabab dharbaaxada ku dhacday Xisbiga Dimuqraadiga?
»USA: TAARIIKH NOLOLEEDKII MADAXWEYNAHA DIB LOO DOORTAY


Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad
Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD