SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print

  • RAYSUL WASAARAHA SOOMAALIYA PROF. CALI MAXAMED  GEEDI AYAA KU SOO LAABTAY MAGAALADA NAIROBI
  • GUDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD EE BAARLAMAANKA  IYO XUBNO KA TIRSAN BFKMG OO ISBITAALKA KU BOOQDAY JAN. MAXAMED CABDI OO XAALADIISA CAAFIMAAD KA SOO RAYNEEYSO

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi Somalitalk

Nov 8, 2004

RAYSUL WASAARAHA SOOMAALIYA PROF CALI MAXAMED   GEEDI AYAA KU SOO LAABTAY MAGAALADA NAIROBI

Raysul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi Ayaa soo gaaray 7.15 Daqiioqo ee Caawa saacada Afrikada Bari ee Magaalada Nairobi Masuulkan waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Jomakenyata Ku soo dhaweeyay dad wayne Soomaaliyeed oo kor udhaafaya 100 Qofood oo wata Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Sawiradiisa iyagoo ku soo dhawaynayay Calamo qoyan ,

Prof Cali Maxamed Geedi markii loo magacaabay Xilka wasiirka koowaad waxa uu aaday wadanka Imaaraadka Midoobay isagoo halkaa uga soo qaybgalay askii Marxuum Shiikh Sayid Bini Suldaan Ala Nahyaan oo ahaa Madaxwaynihii Imaaraadka Midoobay ,

Wali Porf Geedi looma dhaarin xilkiisa wasiirka Koowaad waxaase loo malaynayaa Markii wadanka uu ku soo laabto Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed in Xilkiisa loo dhaariyo

Raysul wasaaraha Soomaaliya oo hada ka mida Xidhibaanada Soomaaliyeed waxaa u tanaaa sulay Hogaamiye Kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb Maxameddheere

Raysul wasaaraha Soomaaliya oo hada ku sugan Magaalada Nairobi waxaa laga Sugayaa in uu soo dhiso Golihiisa Wasiirada Dhawaan horna Geeyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed

GUDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA PROF. MAXAMED CUMAR DALXA IYO XUBNO KA TIRSAN BAARLAMAANKA SOOMAALIYA AYAA ISBITAALKA KU BOOQDAY JAN. MAXAMED CABDI OO XAALADIISA CAAFIMAAD KA SOO RAYNEEYSO

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar Dalxa iyo Xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku Booqday Cusbitaalka uu ku jiro Jan Maxamed Cabdi oo koox Burcad i hi ku Dhaawacday Magaalada Muqdisho Shantii Bishan

Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa Umada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ilaaliyaan Nabada iyo cadaalada ayna ilaaliyaan fursadaha qaaliga ah ee horyaala ,

Maxamed Cumar Dalxa gudoomye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu sheegay in 14sano ka dib soomaalidu haleen doowlad loo dhanyahay loona baahanyahay in soomaalidu ogaato dhibaatooyinkii ay ka dhaxleen Dagaalada iyo Colaadaha Sokeeye ,

Prof Maxamed Cumar Dalxa waxa uu Ala uga baryay Jan Maxamed Cabdi caafimaad waara shacabka soomaaliyeedna waxa uu ku booriyay nabada iyo in ay is cafiyaan Bishan Khayrka badan ayna ka Digtoonaadaan shaqsiyaadka Colaadaha hurinaya ,

Waxaa Magaalada Nairobi la keenay maalinkii shalay Dhaawac Jan Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa Saraakiishii Xooga Dalka Soomaaliyeed Jan Maxamed Cabdi Ayeey 5 shantii bishan ku dhaawaceen magaalada Mudisho Xaafada Shibis isagoo ka soo baxay Masjid Xiligii Salaada Subax kooxdan Jiriga ah ayaan cidina garaneen Cida soo dirtay iyo halka ay saldhiga ku leeyihiin ,

Jan Maxamed Cabdi ayaa Idaacadaha Muqdisho ka sheegay in loo baahanyahay nabada iyo Dimuquraadiyad waarta oo soomaaliya ka dhacda markii hadalkaa la ogaaday ayaa Kooxdani hubaysani u gaysteen fal danbiyeedkan wali Cidna looma hayo dhaawacan loo gaystay Jan Maxamed Cabdi

Dhaawiciisa ayaa ka soo raynaya iyadoo qaraabada iyo Saraakiisha Caafimaad ee Gacanta ku haysa Xaalada Jan Maxamed Cabdi aya Ii sheegeen in Saacadba saacada ka danbaysa ka soo raynayo

WARARKII NOV 7, 2004:::::
»Cali Cabdalla Saalax: Warqad ku socota Maraykanka
»BFKMG: Khaliijku cunaqabataynta ha ka qaadaan Xoolaha
»Beesha Habargidir: Baaq Beesha Reer Xaaji Saleebaan
Dhammaan ka akhri halkan.... 

BAAQ NABADEED KU WAJAHAN  S/Land & P/Land
»Baaq: Culimada ugu Magaca Dheer Soomaalida
»Baaq: Culimada Gobolka Togdheer
»Baaq: Isimada, culimada & ganacsatada Puntland
Dhammaan ka akhri halkan...


Ra'iisul wasaaraha DFKMG ah iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka dagay UAE
Prof:Cali Maxamad Gedi iyo wafdigiisa ayaa.. Guji..

Dad ay xukuumada Itoobiya xabsiyada u taxabtay
ka akhri wararka Radio Xoriyo..  Guji...

»Soo Saarihii Filimkii Lagu Aflagaadaynayay Gabdhaha Muslimka ah oo La dilay

Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha DFKMG  oo Ka Degay Kampala, Uganda
»Gacmodheere oo taageeray Madaxweynaha Soomaaliya
»Wafdi uu Hogaaminayo MDFKMG oo ka Ambabaxay NBI
..Dhammaan ka akhri halkan.. Guji... Nov 5

RA'IISUL WASAARAHA DFKMG  EE SOOMAALIYA OO LA MAGCAABAY
Madaxweynaha DFKMG ayaa ra'iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi oo... Guji... Nov 3

 


Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad
Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD