SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print

Abdullah bin Abdulaziz oo Makkah ku Qaabilay Cabdullaahi Yuusuf

Image:Abdullahbinabdulaziz.jpgMakkah, Nov. 9: Prince Abdullah bin Abdulaziz ayaa qalcada Alsafa ee Makkah waxa uu caawa ku qaabilay Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya, Cabdullah Yuusuf Axmed iyo waftiga uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Sucuudiga.

Intii uu kulanku socdey waxay labada dhinac ka wada hadleen arimaha caalamka Islaamka, guud ahaan waxyaabaha kusoo kordhay dunuda, gaarahaan arimaha Falastiin iyo xaalada Ciraaq.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii loo sii hagaajin lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta labada dal ee Soomaaliya iyo Sucuudiga.

Kulankaas waxa kale oo ka qayb galay Prince Abdulaziz bin Abdullah bin Abdulaziz, iyo Prince Dr. Salman bin Bandar bin Mohammed, lataliyayaal boqortooyada iyo saraakiil Somaaliyeed.

ISHA: SPA [http://www.spa.gov.sa] | Faafin: Somalitalk Nov 9


Cali Cabdalla Saalax: Maraykanku hadduu taageero hogaanka cusub ee Soomaaliya, qayb ayey ka qadaneysaa ka hortagga argagisada.

Tarjumadii SomaliTalk | Nairobi | Nov 7

George W. BushMadaxweynaha dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax ayaa warqad uu u diray Madaxweynaha dalka Maraykanka kaga codsaday in dowladdiisu ay taageerto hogaanka cusub ee dalka Soomaaliya. si loogu kaalmeyo dadaaladeeda ku aadan soo celinta nabadda, degenaasha Soomaaliya, iyo sidii dib loogu dhisi lahaa hay'adihii dowladda, si loo gaaro in nabad iyo xasilooni ay ka abuurmaan geeska afrika. Wuxuu kaloo tilmaamay in la iska kaashado qaabkii looga hortagi lahaa argagixisada. wuxuuna yiri dowladan haddii la taageero waxay qayb ka qaadan doontaa nabadgalyada gobolka iyo ka hortagga argagixisada.


MMadaxweynaha Yemen oo qaabilay waftiga uu hor kacayo madaxweynaha Soomaaliya ee uu kamid yahay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya: ISHA: Guji halkan [PDF]

Hadalaas oo qoraal ah ayuu Madaxweynaha Saalax ugudbiyey Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya wadanka Yaman oo uu Madaxweynaha Yaman qaabilay isagoo fariin qoraal ah uga siday Madaxweynaha Maraykanka.

Dhinaca kale waxaa maalmahan dalka Yaman ku sugnaa wafdi uu hogaaminayo Madaxweyna Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed. waxayna kulan ku yeeshaan magaalada Sanca Madaxweyna Yaman Cali Cabdalla Saalax iyagoo ka wadahadlay arima la xiriira sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa. C/Laahi Yuusuf oo hadal kooban siiyey TV-ga dalka Yaman ayaa sheegay in isaga iyo Cali Cabdalla Saalax ay isku aragti ka noqdeen sidii Soomaaliya nabad waarta loogu soo dabaali lahaa.

Wuxuuna yiri. Waxaanu nahay Yamaniyiin kahor inta aynan noqon Soomaali, dhibaatada Soomaaliya ka taaganna waxay saamayneysaa dalka Yaman. Wuxuuna Madaxweynaha dalka Yaman uga mahadceliyey codsiga uu Jamacadda Carabta u diray ee ahaa in Soomaaliya loo sameeyo sanduuq dhaqaale wax loogu uruuriyo.

Kulanaas waxaa dhanka Yaman kala soo qaybgalay Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax. Madaxweyne ku xigeenka Yaman Mudane Cabdi raboh Mansuur. Wasiirka Arrimaha Dibadda Abuu Bakar Alqarbi. iyo Wasiirro kale. Dhinaca Soomaalida waxaa Madaxweyna Soomaaliya fadhigii uu laqaatay Madaxweynaha dalka Yaman ku wehliyey Shariif Xasan Sh.Adam Gudomiya Barlamaanka Soomaaliya. Yuusuf Cumar Azhari lataliyaha Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale.


Qoraalka sawirkan ka eeg: www.althawranews.net

Warbixintan waxaa daabacday saakay jariidadda ku hadasho afka xukuumada Yaman ee ALTHOWRA
ISHA WARKA: http://www.althawranews.net/showdetails.php?id=19949
ISHA
WARKA: http://www.althawranews.net/showdetails.php?id=19950


MDFKMG oo uu soo dhoweynayay Madaweyne ku xigeenka Ugadha.
ISHA SAWIRKA:
Newvision Uganda

Waftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya waxa ay Nairobi ka duuleen November 3deedii ayagoo booqasho laba maalmood ah kusii maray dalka Ugandha oo ay kula  kulmeen madaxweynaha dalkaas iyo saraakiil sare oo kamid ah dawlada Ugandha intii aysan u ambabaxiin dalka Yemen.

Waxaa kale oo jira wafti uu hogaaminayo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku aaday dalka Imaaraadka Carabta.

SomaliTalk Nairobi | Nov 7, 2004


WARARKII SHALAY::: [Nov 6]

GOLAHAA BAARLAMAANKAA SOOMAALIYA AYAA UGU BAAQAY WADAMADAA QALIIJKA IN AY XAYIRAADA KAA QAADAAN XOOLAHAA SOOMAALIDA

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi Somalitalk

Nov 6, 2004

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta is kugu yimid madasha Shirka Soomaalida Ee Mbagathi ayaa Wadamada khaliijka ugu baaqay in ay Xoolaha Soomaalidaa ka qaadaan cunaa qabateenta Maadaama ayeey yiraahdeen hoolaha Soomaalida lagu waayay Cuduradii lagu shgay isla markaana ayeey yiraahdeen ay wadamada Khaliijku Gataan Xoolaha Waadamada Itoobiya Kenya Jabuuti waa in lag qaadaa xayiraada Xoolahaa Soomaalida bacdamaaa Lagu jiro Xiligii Xoolaha soomaalida ugu suuqa Fiicnaayeen ,

Dhinaca Gudoomiye ku xigeenka Koowaad oo isagu iigu waramayay Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa ii sheegay in uu rajaynayo in soomaaliya mar kalle cagahedaa ku soo is taagi doonto ,

Dhinaca kalle Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee wadanka Kenya iyaa iyagu ku guda Jira Isku Diyaarintaa Ciidul Fidriga iyagoo guud ahaanba Ilmahaa hooyooyinka iyo dhalin yaradbuba si heer sareeysa iskugu diyaariyay Gudashada Ciida.


BEESHA HABAR GIDIR AYAA UGU BAAQDAY BEESHA REER XAAJI SALEEBAAN IN AYSAN KU KICIN FALAL AAR GOOSI AH SHEEGTAYNA IN AY SAMEEYSANAYAAN MAAMUL MIDEEYA BEESHA

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi Somalitalk

Shirkan oo Figradiisa ay Lahaayeen Beesha Cayr oo sida la ii sheegay ah Curadka Beeshaas ayaa isagu Socday Mudo shan cisho ah iyada oo looga hadayay midnimada Habargidir.

Shirka waxaa Waxaa ka so qayb galay Aqoonyahano iyo Waxgarad gaaray ilaa 50 Qofood waxaana shir gudominayay Ugaasyada kala ah

  • Ugaas Cabdi Daahir
  • Ugaas Cabdulaahi Ugaas Faarax
  • Ugaad Cabdi NuurSayid
  • Ugaas Sh Maxamuud Faarax Good

Dood iyo falan qayn badan ka din waxa ay isla garteen qodobadan kala ah sidan

  • 1-In ay ka tashadaan Danta Beesha ayna ilaaliyaan midnimada
  • 2-In ay kula Noolaadaan si nabad galyo ah iyo daris wanaag Beelaha kalle ee Soomaaliyeed
  • 3-In waxii dhiman lagu dhamays tiro Soomaaliya gudaheda laguna dhiso Hogaan Midaysan oo ka dhaxeeya beelaha Habar Gidir
  • 4- Baaq Nabad galyo ah gaar ahaan falkii Naxtinta lahaa ee ka dhacay Docoleey Waxa ay beesha Reer Xaaji SALEEBAAN ka xodsadeen in aysan ku kicin falal aargoosi ah sidoo kalle waxa ay tacsi udireen Dhamaan dadkii ku geeriyooday Dhacdadii naxtinta la heed ee Docoleey iyagoo alle uga baryay in Janadiisa ka waraabiyo
  • 5- Beesha waxa ay dooratay gudi Farsamo oo kalla ah
  • Ugaas Cali Maxamed Cali
  • Maxamed Xaaji Adan
  • Gaarane Cabdi Xasan
  • C/kariim Shiikh Axmed
  • Nabadoon Cali Shiikh Doon

Guud ahaan niyada iyo aragtiyada meesha lagu soo bandhigay waxa ay aheed mid aad u sareeysa dad badise waxa ay is waydiinayaan waa qaabkee qaabka loo heli karaa midnimo iyo Maamul dhaxmara beeshan oo iyada Qilaafyo iyo dagaalo badani soo dhaxmaray beeshan ayaa iyadu mucaaradad badan u miijiyay maamulo ay dhiseen hogaamiyaal uu ka mid yahay Jan Maxamed Faarax Caydiid Dr C/qaasin Salaad Xasan


Ra'iisul wasaaraha DFKMG ah iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka dagay UAE
Prof:Cali Maxamad Gedi iyo wafdigiisa ayaa.. Guji..

Dad ay xukuumada Itoobiya xabsiyada u taxabtay
ka akhri wararka Radio Xoriyo..  Guji...

»Soo Saarihii Filimkii Lagu Aflagaadaynayay Gabdhaha Muslimka ah oo La dilay

Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha DFKMG  oo Ka Degay Kampala, Uganda
»Gacmodheere oo taageeray Madaxweynaha Soomaaliya
»Wafdi uu Hogaaminayo MDFKMG oo ka Ambabaxay NBI
..Dhammaan ka akhri halkan.. Guji... Nov 5

RA'IISUL WASAARAHA DFKMG  EE SOOMAALIYA OO LA MAGCAABAY
Madaxweynaha DFKMG ayaa ra'iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi oo... Guji... Nov 3

 


Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad
Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD