Iskuuladda Imaamu-Nawawwi:-
Iftiinka aqoonta ee Somaliya.
Cilmiga ayey diintu islaamku aad uga
hadashay allaha wuxu ku yiri Qur'ankiisa kariimka ah (ma siman yihin
kuwa wax garanaya iyo kuwo an wax garanayn) dabcan waa maya caalimka
ayaa diinta islaamka qiimo iyo qaayo ku leh.
Tan iyo markii ay burburtay dawladii
dhexe ee somaliya 1991, waxa aqoon yahano reer puntland ahi ka
hirgeliyeen waxbarasho qiimo leh puntland, iskuuladda hano qaaday ee
baarka sare garay waxaa ka mid ah iskuulada Nawawwi oo intooda badan
puntland ka furan.
Hawl wadeenada iskuuladan ayaa ah
naftooda hurayaal muddo dheer ku so shaqeeyey iskaa wax u qabso
wakhti badane ku bixiyey hirgelinta iskuuladan qiimaha weyn, waxaa
as-aasay iskuuladan Jamciyadda Tadaamun (Tadaamun waa jamciyada ka
shaqaysa arimaha bulshadaa waxa ku bahoobay aqoon yahanno
somaliyyeed waxaa astaan u ah; Qoriga dhig Qalinka qaado) iskuuladda
Nawawwi waxaa dhigta kumanaal arday ah macaliminta ka shaqaysa
iskuulada ayaa ah macalimiin cilmi akhlaaq iyo garasho u saaxiib ah,
sidoo kale ardayda ayaa diin, aqoon, ixtiraam lagu barbaarshaa,
waxaa xusid mudan boqolaal ardayda nawawwi wax ku baratay in ay u
aadeen Jamacaddo dibada ah qaybtoodna taclinta sare dhigtaan.
Akhristow bal shaxdan ila eeg.
Nawawwi Bosaso.
Tirade Ardayda. |
Macalimiinta |
Shaqaalaha. |
5500(shankun iyo shan
boqol) |
110 |
22 |
Nawawwi Qardho.
Tirada ardayda |
Macalimiinta |
Shaqaalaha |
850 |
18 |
5 |
Iskuuladan
o dhan waxa wada hirgeliyey hay'adda tadaamun oo maamusha.
Iskuulka Sheikh Xaamud ee Garowe.
Tirade ardayda |
Macalimiitna |
Shaqaalaha |
750 |
16 |
4 |
Iskuulka Macalin Jaamac ee
Laas-caanood.
Tiradda Ardayda |
Macalimiinta |
Shaqaalaha |
950 |
21 |
7 |
Al-Furqaan Baran.
Tirada Ardayda |
Macalimiinta |
Shaqaalaha
|
745 |
19 |
5 |
Nawawwi
Galgudub.
Tirada ardayda |
Macalimiinta |
Shaqaalaha |
456 |
10 |
4 |
Xaaji
Ali Biixi (Kalkacyo)
Tirada Ardayda |
Macalimiinta |
Shaqaalaha |
1339 |
32 |
7 |
Akhristow dugsiyadan waxaa haysta
Dhisme ay leeyihiin Nawawwi Boosaso, Nawawwi Qardho,
Xaaji Ali biixi Kalgacyo iyo Alfurqaan Baran, inta
kale waxay ku jiraan dhismayaal kirro, ah.waxaa jira dhul iskuuul
kasta leeyahay oo la rabo in dhakhso loo dhiso ciddii khayrka jecel
ee ka qayb qaadanaysana wuu u furan yahay.
Horaa loo yiri:- Haddii
Baarigeenu(xoogeena) isu tago buuruhu Jebin- Ka warama
haddii an dadaal ku bixino wadooyinka khayr sida waxbarashada,
caafimaadka iyo dhamaan ilaha khayrka ee ciiddaas ka badan.
Aqoon yahannada suurta geliyey
iskuuladan waxay Somali ku dhex leeyihiin sharaf iyo xurmo,
waalidinta ilmaha dhalay ayaa ku qanacsan sida ilmahooda wax loo
baro, maamulka iskuulka ayaa u taagan wakhti walba sare u qaadidda
iyo casriyeynta iskuuladan si ay ula jaan qaadan waxbarashada dunida,
sidoo kale wuxu rajaynayaa maaamulku wakhti dhow in dhamaan puntland
oo dhan la gaarsiiyo aqoonta waxaa hambalyo iyo bogaadin u diraynaa
aqoon yahanada isu xilsaaray hawsha wayn, waxaa hubaal ah in
shacabku maalin amaal marin doono.
Waxaaa xusid mudan in ay jiraan
iskuulo badan o iyana puntland ka hawl gala bulshadana hawl muhiim
ah u haya sida iskuulada Shaafici, xaaji mire, Biyo kulule, Sheikh
Osman Secondary Gardo, Al-azhar, almusqabal, Darwiish, Gambool,
Mumtada Al-islami, Cumar Samatar, Saxan saxo iyo weliba labada
Jaamacadood ee Bariga Africa iyo Puntland University,
waxaa kaloo jira Machadyo lagu barto caafimaadka, farsamada,
maamulka iyo maareynta iyo Computers-ka waxan isku deyi doona inan
kaga hadalno iskuladaas iyo waxqabadkooda qoraaladeena danbe, waxaan
u rajaynayaa guul dhamaan ciddii ku hawlan waxbarashada iyo
horumarinta umada somaliyeed. Somaliya Guul Somaliya Dawladnimo..
Sharma'arke Abdi Risaaq Elmi (walac-Walac)
Al-azhar University
Cairo, Egypt
shsugulle@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
SomaliTalk Nairobi | Nov 6, 2004