Saxariirka Loo
geystay Samsam iyo Saxaafadda Somaliland
Maxamed Hirad
San Diego, California
Xagar2000@aol.com
Waxa beryahan isa
soo taraya wararka ku saabsan silica iyo dhibaatada loo geystay
gabadha da’da yar ee lagu magacaabo
Samsam
Axmed Ducaale. Waa masiibada gabdhaas yar ee ayaanka daran ku
habsatay oo qof walba oo damqasho iyo dareen baniaadam lihi dhegaha
faraha geliyay. Waa arrin laga ducaysto in aan Ilaaha weyni aanu
kugu keenin. Waa arrin aanan malahayga marna ka filayn in ay
Hargeysa ka dhacdo. Waa arrin aan isleeyahay maanlaawyaasha ku kacay
falalkaas dhaqanka, iyo diintaba ka baxsani malaha cuqdad qabiil
baa u wehelisay. Waxaase isweydiin leh maxay uga aamuseen arrinta ma
hadhada noqotay siyaasiyiintii Hargeysa ku sugnaa iyo saxaafaddii
Somaliland. Waa arrin taariikhda geli doonta, magac xumona usoo
jiidi doonta reer Somaliland haddii sidaa looga aamuso. Bal aan
halkan ku yara gorfayno sababaha keeni kara in saxaafadda Somaliland
arrintaas ka gaabsato.
Shacbiga reer
Somaliland waa kuwo runtii dhibaato xoog lihi ka soo gaadhay
taliskii Soomaaliyeed ee uu Maxamed Siyaad hogaamiyaha ka ahaa. Waa
dhacdada ay inta badan ku saleeyaan shacbiga reer Somaliland gooni
isu taagga maamulkooda iyo ka go’idda Soomaalida kale. Waxa la odhan
karaa waa arrinta mas’uulka ka ah in shakhsi u dhashay Hargeysa iyo
inta la haybta ahi aanay su’aal ka keeni Karin in laga goosto
Soomaalida kale. Waa arrinta dusha laga saari karo in ay keentay
naca ay reer Soomaaliland u qabaan Soomaali inteeda kale, gar iyo
gardarro midkay doontaba ha noqotee.
Haddaba shacbiga
noocaas ah ee dhibaatada baaxaddaas lihi ka soo gaadhay ku tumashada
xuquuqal insaanka tolow bal maxaa ku kallifay in ay falalkan
arxanka daran ee waxahnimadu ku dheehan tahay kula kacaan gabadh yar
oo safar ah oo da’adeeda lagu sheegay 16 jir? Maxay ku mutaysatay
in laga galo dembiga intaa le’eg? Xannuunkii iyo dhibkii la yeellay
durba ma illoobeen? Waa su’aalo maanta dadweynaha Soomaaliyeed meel
kasta oo ay joogaan ay isweydiinayaan. Waa su’aalo dadka badankiisu
jawaab u waayay. Waxa weliba dadka ka wareerisay kuwii loo xilsaaray
ilaalinta nabadda iyo sharcigu in ay ku kacaan falalkan aan loogaba
fadhiyin.
Waxaase hadda soo
baxaya warar sheegaya in aanay gabdhani ahayn tii u horaysay ee ay
bilayska Hargeysi jidh dil iyo kufsi u gaysteen. Nin lagu magacaabo
Saleebaan Ismaaciil Bullaale oo ka mid ah hawl wadeenada haya’adaha
wadaniga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay arrintan ka
hor in bilayska ilaaliya xarunta Radio Hargeysa ay kufsadeen gabadh
dhego la. Arrintaas oo sida tan Samsam ay xukuumadda iyo saxaafadda
Hargeysiba cabudhiyeen.
Waxa laga
yaabbaa in aad isweydiiso tolow xumahan iyo dhaqankan foosha xun ee
ay ku kaceen bilayska xukuumadda Riyaale ma ka dahsoon yahay
saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland iyo siyaasiyiinta mucaaradka
ah? Jawaabta waa maya! Waxa laga yaabbaa in aad is tidhaa hadday
jawaabtu saas tahay maxay haddaba wax uga qori waayeen dhacdadan
dhaqanka iyo diinta Islaamkaba ka baxsan? Jawaabtu waxa ay u
muuqataa in saxaafadda iyo siyaasiyiinta Somaliland ay arrimo badan
qariyaan iyaga oo malahooda u qaba in ceebaha sidaas oo kale ahi ay
horjoogsanayso doonista aqoonsi ee maamulka Somaliland. Waxa aad
arrintaa si wacan uga dhadhamin kartaa jawaabaha iyo faallooyinka
inta badan laga sii daayo Radio Hargeysa. Tusaale ahaan haddii aad
wax yar dib u dhugato faallooyinkii Radio Hargeysa ee ku saabsanaa
dhacdada gabadhan yar ee reer Boosaaso waxa ay dooddoodu kuwada
salaysnayd cid kasta oo su’aal ka weydiisa xukuumadda arrintan in ay
ku eedeeyaan kuwo u shaqaynaya cadowga Somaliland waxna u dhimaya
sumcadda iyo raadinta aqoonsi ee dalka.
Saxaafadda
Somaliland waxa ay sida arrinta Samsam oo kale ka yeeshay dadkii
lagu xidhxidhay Hargeysa ee ka soo jeedday gobolka Soomaalida ee
Itoobiya iyo kuwii Soomaalida koonfureed ee laga masaafuriyay
Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee uu ka taliyo maamulka Riyaale.
Maamulka Hargeysi waxa dadkaa u dhashay gobolka Soomaalida ee
Itoobiya uu u dhiibay xukuumadda Itoobiya iyaga oo ku eedaynaya in
ay ka mid ahaayeen ONLF. Arrintaas oo sida dadku dhammaan wada
qiyaasi karo la mid ah iyada oo dil lagugu xukumay. Waxa sidoo kale
aanay saxaafaddu waxba ka odhan sidii bani’aadamnimada ka baxsanayd
ee loola dhaqmay dadkii Soomaaliyeed ee koonfur loo tarxiilay.
Kuwaas oo qaar ka mid ahi ku dhinteen shilal baabur.
Dhaqankan
saxaafadda Somaliland ee ku aaddan dadyowga aan ka soo jeedin
gobolkaas marka aad barbar dhigto sida ay ka yeellaan tacaddiga loo
gaysto dadka u dhashay Somaliland waxa kuu soo baxaya arrin
hannaanka saxaafadda ka baxsan. Tusaale ahaan saxaafadda Somaliland
aad bay uga gilgilatay
xidhxidhkii lagula kacay qaar ka mid suxufiyiinta reer Hargeysa.
Qurbe joogga reer Somalilandna arrintaas waxa ay gaadhsiiyeen meel
kasta oo arrintaa caddaadis lagu saari karo dawladda. Waa arrin sax
ah loona baahnaa. Waxaase khalad weyn iyo meel ka dhac ah marka
xadgudub lagu sameeyo dadka aan hayb ahaan ka soo jeedin Somaliland
in ay ku dooddaan xukuumadda ayaa sidaa sheegtay iyo waa dacaayad.
Maamulku ma waxa uu runta sheegaa oo keliya marka Soomaalida kale
tacaddi loo gaysto?
Haddaba xaqiiqadu
waxa ay tahay in saxaafadda Somaliland aad mooddo mid lagu ababiyay
nac iyo karaahiyo qabiil. Waa mid runtii aad u baal marta hannaanka
aasaasiga ah ee saxaafadda. Waa kuwo aad mooddo in mar walba ay ku
saleeyeen aragtidooda tan qabiilkooda. Waxa ay aad ugu dhiiran
yihiin wax ka sheegga iyo faro ku fiiqa Soomaalida kale.
Arrinta gabadhan
yar waxa si cad uga muuqata in ay saxaafadda degaanka Somaliland si
badheedh ah iyada oo aan cidina ka codsan cabudhisay. Waxa maqaal
lagu daabacay Afrol News (afrol.com) uu tifaftiraha awdalnews.com uu
si aan qarsoodi ahayn ugu sheegayaa weriye ka mid ah Afrol News in
ay arrinta gabadha iyo dhibaatada loo gaystaba ay qariyeen. Intaas
waxa weliba dheer in aanay illaa hadda wax macno leh ka qorin
dhibaatada Samsam loo gaystay saxaafadda Somaliland guud ahaan.
Taliyaha ciidanka
bilayska Somaliland ayaa ku dooday in gabadha yari ay u socotay in
ay disho madaxweyne xigeenka Somaliland iyo arrimo basaasnimo. Waa
eedayn runtii aan aad ula yaabbay. Tolow maxaa Somaliland
yaalla ee laga basaasaa? Maxaa laga helay oo
caddaynaya in gabadhu qorshe dil oo ku aadanna madaxweyne xigeenka?
Illaa hadda waa arrimo aanu bilaysku ka jawaabin. Qofkiise
caqligiisa la kaashada way u caddahay jawaabtu.
Ugu dambayntii
waxa aan maqaalkaygan ku soo gabogabaynayaa maansadan yar.
-
Guurtidii Hargaysaay gar waa loo wada
islaam ehe
-
Haddii
gabadh habow ihi dhex timi guri mas’uulkiin
-
Waxba
yaan gasiin iyo la siin gogol furaashkeede
-
Garba
duub maxaa loogu xidhay Jeella loo geliyay
-
Garayskiyo maxaa looga jaray
goonnaday wadatay
-
-
Haddii
gocorro tuugihi falkaa geystay oo fuliyay
-
Sideebaan wax garad goor horeba uga
galiilyoonin
-
Wargeysayada xorta ahi may qoraan hadal
garow sheegga
-
Mise
ciil ku gaamuray naftaa qoomka wada
gaadhay
-
Ma
lagooyey gacaltooyo iyo xidid geyaankiiba
Maxamed Hirad
San Diego,
California
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
SomaliTalk Nairobi | Nov 6, 2004