DOWLADA
CUSUB IYO DIB U HABEYNTA DHAQAALAHA WADANKA
C/risaq Maxamed xuseen.
Hordhac
Dhaqaalaha wadan oo loo maamulo si cadaaladi ku dhisan tahay, waxaa
ay qayb
weyn ka ciyaartaa kalsoonida uu shacabku u hayo dowlada iyo
siyaasadeeda
dhaqaalaha. Maamulkaas dhaqaale ee cadaalada ku dhisani waxaa kaloo
uu
keenaa in qof kasta oo muwaadin ahi dareemo in ay qaybi kasoo
gaartay
dhaqaalihii wadanka. Qaybtasi siyaabo kala duwan ayey shakhsiga ugu
iman
kartaa, tusaale ahaan hab waxbarasho, caafimaad, wadooyinka la maro,
xagga
nabadgelyada iyo siyaabo kale oo badan. Haddaba maxaa la gudboon
dowlada
cusub ee soomaaliya iney ka yeesho dhaqaalaha si muwaadin kasta oo
soomali
ahi u dareemo inuu qayb ka yahay dhaqaalaha wadanka. Waa hubaal in
dowladu
howsheeda kowaad ka dhigi doonto sugida nabadgelyada iyo soocelinta
amarkii
iyo kala dameyntii. Balse talaaabada lagu habeynaayo dhaqaalaha waa
iney
barbar socotaa midaas nabad sugida ah. Sidaas darteed waxaan
qormadan kaga
faaloon doonaa siyaabaha kala duwan ee dhaqaalaha soomaliya loo
habeyn karo
loogana dhigi karo mid si cadaalad ah wadanka u wada gaara.
Tiirarka dhaqaalaha ee wadan
Si loo soo saaro waxyaalaha uu wadan u baahan yahay, waa in la helaa
saddex
waxyaalood oo muhiim ah: Kuwaas oo loogu yeero " factors of
production" ama
aaladihii wax soosaarka. Arimahaas saddexda ah ee muhiimka u ah
dhaqaalaha
wadan waa kuwan hoos ku xusan.
·Kheyraadka wadanka rabi ku mineystay ( land). Waxyaalaha halkan soo
gelaya
waxaa ka mid ah, kheyraadka dabiiciga ah sida dahabka, dheemanta,
koberka,
basiinka, dhulbeeraha ku haboon, webiyo, dhul macdanta laga qodo iwm
·Cududa shaqaale ee wadanku leeyahay ( labour). Qodobkan waxaa loola
jeedaa
shaqaalaha guud ahaan. Wadamada qaarkood waxaa aad ugu yar dadka,
taasina
waxaa ay wax u dhimeysaa wax soosaarkii wadanka. Wadamada qaarkoodna
waxaa
ay meelay kala geeyaan waayen dadkii sida shiinaha iyo hindiya.
Waxaa iyana
kolkii qodobkaan laga hadlaayo la xusaa tayada cududa shaqaalaha ee
wadankaas. Taas oo loola jeedo waxbarashada iyo tabarka ay qabaan
dadka
shaqaalaha ahi, maxaa yeelay dadka aqoonta lihi waa ay ka wax
soosaar badan
yihiin kuwa aan aqoonta lahayn. Arintaas reer galbeedku waxaa ay
ogaadeen
wakhti haatan laga joogo in ku dhow laba boqol oo sano. Waxaana si
wanaagsan
u sharaxay dhaqaale yahankii caanka ahaa ee reer scotland lana oran
jirey
Adam Smith. Waxaa uu arintaas kaga faalooday buugiisii caanka noqday
ee la
yiraahdo "Wealth of nations"
.Horumarinta qaab dhismeedka wadanka ( capital). Halkaan waxaa soo
gelaya
wax kasta oo sahlaya in wadnku horumar gaaro. Waxyaalaha aad loo soo
qaato
waxaa ka mid ah, qaab dhismeedka wadanka ( the infrastructure of the
country). Waxaa ka mid ah: wadooyinka, dhismayaasha xafiisyada,
dekadaha
habka wanaagsan loo dhisay iyo weliba qalabka lagu shaqeeyo sida
mashiinada
iyo computerada.
Haddaba wadamada ilaahay isugu daray saddexdaas arimood ee
dhaqaalaha
muhiimka u ahi aad bey u yar yihiin. Balse wadankii saddexda midkood
ku
fiican waxaa ka maqan midka kale. Sidaas darteed waa in cududa wax
soosaarka
wadan uu ku saleysnaadaa saddexdan shey hadba midka uu ku fiican
yahay.
Waxaa kaloo iyana muhiim ah in wadanku uu xaqiiqsado meelaha wadanka
ka mid
ah ee ay qodobadaas dhaqaalaha kabaa ku badan yihiin. Tusaale ahaan
wadankeena soomaaliya goboladiisa kala duwani midba waxbuu ku fiican
yahay.
Gobolada ay webiyadu maraan waxaa ay buuxinayaan qodobkii ahaa
"Land", ee
aynu kor ku soo sharaxnay maadaama ay aad ugu haboon yihiin wax
soosaarka
beeraha. Gobolada qaarkood waxaa ay ku haboon yihiin xoolaha, kuwo
kale
waxaa ay ku fiican yihiin xagga kaluunka, kuwo xagga macdanta iyo
waxyaalaha
dhulka laga qodo, kuwo kalena waxaa ay ku fiican yihiin xaga
dalxiiska.
Waxyaalahaas goboladu ku kala fiican yihiin si looga miro dhaliyo,
waxaa loo
baahan yahay in si buuxda loo isticmaalo waxyaalihii aan ka soo
hadalay ee
dhaqaalaha muhiimka u ahaa waa: land, labour iyo capital.
Maxaa la gudboon dowlada
Haddaba si aaney ilihii yaraa ee dhaqaalaha wadanku ugu soo ururin
magaalo
keliya ama gobol keliya, waa iney dowladu dhaqan gelisaa waxa ay
dhaqaale
yahanadu ugu yeeraan "Effective allocation of resources". Taas oo
loola
jeedo in dhaqaalaha wadanka lagu faafiyo wadanka oo dhan iyadoo laga
faaìideysanaayo gobol walbaa waxa uu ku fiican yahay. Waxaa loo
baahan yahay
in ilaha dhaqaalaha wadanku ku soo ururin hal magaalo oo keli ah,
sidii ay
sameeyeen xukuumadihii wadanka horey uga jirey. Tusaale waxaa kuugu
filan
caasimada soomaliya ee Muqdisho dagaalka ka hor. Wax kastaa halkaas
ayey ku
urursanaayeen, wasaaradaha oo dhan, wakaaladaha,hayàdaha waaweyn ee
dowliga
ah, jaamacadihii iyo cisbitaaladii waaweynaa. Taasi waxaa ay
dhalisay in
qofkii doonayaa in faaìidada dhaqaalaha wadanka ay wax ka soo
gaaraan inuu
iska soo xaadiriyo magaalada muqdisho, maadaama ay fursadaha wax ku
oolka
ahi intooda badani ay halkaas ka jireen.
Waxaa kaloo ay umuurtaasi keentay in ay muqdisho noqotay meel ciriir
ah oo
ay dadku aad ugu badan yhiin. Waxana halkaas ka bilaamay dagaal
dabiici ah
oo loogu tartamayo ilihii yaraa ee dhaqaalaha ee halkaas ku
urursanaa.
Taasina saameyn ayey ku yeelatay is nacaybka dadkii halkaas joogey
dhexmaray, iyadoo koox weliba koox kale ku eedeyneyso iney ka
badsatay waxii
dhaqaale ahaa ee wadanka laga soo saaray.
Sidaas darteed, anigoo tixraac ku sameynaayo waxyaalaha aan ka soo
faalooday
waxaan u soo jeedinayaa dowlada cusub ee soomaaliya iney ugu horeyn
sameeyaan gudi ka kooban dhaqaale yahano oo soo dersa sidii hab
cilmiyeysan
ilaha dhaqaalaha loogu baahin lahaa wadanka oo dhan. Taas waxaa aan
ula
jeedaa in xarumaha dowliga ah sida wasaaradaha, wakaaladaha,
jaamacadaha,
cisbitaalada waaweyn iyo hayàdaha kaleba lagu kala meeleeyo gobolada
kala
duwan ee wadanka. Iyadoo la eegaayo gobol walbaa wasaarada ama
wakaalada uu
ku haboon yahay. Tusaale ahaan xarunta wasaarada beeraha laga dhigo
gobolada
ay webiyadu maraan si ay shaqadedii ugu dhowaato.Xarunta xanaanada
xoolaha
la geeyo meelaha xoolahu ku badan yihiin ee laga dhoofin karo.
Wasaaradaha
kalena sidaas oo kale loo geeyo meelaha ku haboon. Arintaasi waxaa
ay
keeneysaa in dhaqaalihii wadanka uu miisan jeesho, qofkasta oo
somali ahina
uu helo Fursad cadaaladi ku dheehan tahay.
Mahadsanidin
C/risaq Maxamed xuseen. Master degree in economics. The University
of
Gävle- Sweden
habdirisak@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
SomaliTalk Nairobi | Nov 6, 2004