C/O: Muqdisho, Somalia, Heliwaa.
TAHRIBAYAASHO MA UTALAXUMAA MISE UTACLIINLA’AAN
Ilaa markii dowladdii dhexe ee
Somalia ay burburtay irdahana loo laabay dhamaan goobihii shaqadda,
waxabarashadda , caafimaadka, wasaaradihii, warshadihii, hay’adihii
iyo kuwii sida qaaska ah loo lahaa aburbur cuslusna halakeeyey
meelihii ugu bilicdasamaa dalka oo il-qabadka lahaa laguna aqoonsan
jiray Somalia, amnigii iyo kala danabeentii iyo guud ahaan wax walba
oo ku tiirsanaa nadaamkii dowliga ahaa ay ka baxeen meesha.
Inta badan shacabka Somalia
waxuu u firxaday daafaha dunidda si ay markale u hiigsadaan hoy hoos
taga nadaam dastuuri ah, una helaan waaxyihii kala gedisanaa ee
adeegyadda bulshadda inkasta oo Somalia ay ka mid ahayd goobaha ugu
nabad gelyadda badan geeska Africa xilli. Haba kala dhibbadnaatee
bilogii burburkii dowladdi Somalia in badan ayaa isku dhiibtaya
qaxooti dowladdaha deriska ah waxa ayna kala kulmeen dhibaatooyin
kala gedisan oo ay ka amid yihiin dil, dhac, kufsi, gaajo iyo xanun
aan daawo lahayn iyo dhibaatooyin aan halkaan lagu soo koobi Karin,
waxaa xerooyinkii ay ku jireen hareeyey qaabuuro kuwo u dhintay
dhibaatooyin loo gaystay, intii ka samatabaxdayna waxay u hayaaameen
inta kale ee daaafaha dunidda halkaas oo waxay kufaa-kacaanba dani
waxay biday in ay gaaweeto u hoor sadaan kuwo magaciyan iyo
wadaniyanba ay hoos u eegi jireen, halkaas oo ay markale kala
kulmeen dhibaatooyin wajiyo kale leh, waxayna isu dhiibayn qaxooti
shansano iyo kabadan si ay ku helaan wax ay banaanka uu bixi karaan, inkasta
oo ay dhacdo hadana in marka ay helaan aqoonsi in aanay helin
taxadir iyo xaqii uu muwaadin lahaan jiray, iyagoo la kulma
hanjabaad iyo yasmo mararka qaarkood lagaba kansallo, xabsigana loo
taxaabo iyadoo aysan ajirin danbi uu ku mutaystay iyo abukaate
xaaladdiisa la socdda.
Somalia oo lagu qiysaao 10 milyan
kala bar waxa ay ku suganyihiin daafaha dunidda maantana ayagoo si
wayn ay uga dhaadhacday nin dhulkees waxa uu yahay, inta badan waxaa
ka soo yeera qaylo dhaan joogta ah xitaa kuwa ku nool wadamada horay
u maray markaas oo ay kaa dhaacayso qof sharafta uleeyahay marka oo
joogo dhul oo dhaxal u leeyahay hadana inkastoo marka hore aan u
cararno dibana aan ka qaylino waxaaba intaas sii dheer kuwa ku nool
xabsi ku yaal dhulka hoosteesa kana soomay ileyska cadceeda
tarabiyana ay u noqotay jirdil joogta ah, kuwa ku hirqaday biyaha
badwayanta, gabdho ka xiran lugaha saan looga ilma dhalo, kuwa
saxaraha hilibkoode haad ku feentay, kuwa noloshoodi iyo geeridoodi
la isku samiyo aana lagaraneyn meesha ay ku suganyihiin balse malay
feentay lafahoodi, kuwa ladhaqan rogay oo laga dhaadhiciyey mabaadi
kale kuna faana waxaan ahay Kirishtan hilmaamayna Diintoode iyo
dhaqankoodi qaalika ahaa, kuwa la duray lana soo masaa furiyey
ayagoo waalan, kuwa dani ay biday in sariftaan jirkooda baahi
darted, kuwa loo heeysto cabeed dad iyo dalkoodina ka dhega belay.
Isku soo wadadoobo tabreebku oo
ah mid sheegtay caddad, naf iyo maalba leh oo aan halkaan laga soo
goobi Karin balse aysan inta badan ka dhaadhicin dhibkeesa, ayaan
jeclaan lahaa in ay utala xuma tahay iyo in ay u tahleen la;aan
tahay in aan xuso sheqsiyan waxaan qabaa in tay tahay tala xumo
waayo hadii qofku oo yahay xitaa mid umiya waxuu inta badan fahmi
karaa waxa qasaarada u leh nafteesa hadiisa uusan garanayn meesha
Masku ka qaniini karo maahan mid caqli u saaxiib ah, mase is
waydiisay waxa kula gudbunaan kara marka aad uxixirado tahreeh, mase
waxaad qabtaa oraahdii sida qaldan loo adeegsatay ee inta badan ay
qabaan dhalin yarta oo ah “nafto in ay maqnaatiyo in ay mahad ku noo
shahay labadaa mid weeyaan” taas oo aan dhihi garo maahan mid aad
looga fiirsaday marka ay dibnaha ka soo baxayso.
Bal tusaale waxaad ka tagtay
Soomaaliya waxaad aaday Libiya waa dhul noocee ah wax maga taqaan
mase waxaad ku socotaa hebelba tag, hadaba waxaa udhaxaysa shan ilaa
lix xudoodood Afrigaan dugaag ah, dhulkii dheeraa, saxarihii kululaa,
dugaagii, uunkii iyo baahidii, ciilkii iyo canaadkii afrika, yaase
ka taqaan ilaa intaan oo ay waliba kayd kuu tahay badwenytii
Meriteriyaanka iyo carabtii tuugada aheeyd, duumihii jijibnaa iyo
dara waleentii soomaaliyeed. Gabangabana ay kuu tahay ilaladii
xeebaha Italy iyo Libia, hadaba waad moostay ama waad mooday hadii
aad moosto waxaa kuu sooragashay ujedadaadii bareerka aheyd ee aad
ka shishay feerinaysay waxaana wax lagaa waydiindoonaa amaanidii
lagoo dhiibtay, hadiisa aad moodo ay kuu soorakasho riyadaadii oo
aad Yurub gasho oo marti unoqotay cimilo aadan garayn, dad aadan ku
midab iyo diin aadan ku dhaqan aheyn oo aad ladaristo, shaqooyin
aadan qaban Karin oo danto kugo kalifto, dhaqamo iyo dhacdooyin
lagogo qasbo iyo sharciyo khalafsan oo lago xakumo ama lago
sanduleeyo, waxaad u socotaa waa dhibaato aan lahayn xagal-daacsi oo
ay ku dheertahay dilka, dhaca, kufsiga, yasmadda, iyo bara kicin
joogta ah.
Gunaanadkii waxaad tahay
mowaadin soomaaliyeed lehna dhul ay dhex ceegaagto nimco baaxad
ahaan aad uwayn kana badan inta dhulka dhaxalka uleh hadii si toosan
loo adeegsato, balse colaad iyo qabeel dib udhigay uma hayno dad
iyo duunyo badaha adduunka lacagta aad maganta ugo noqonayso Al-jaxiim
(Yeman) iyo xeradii UNka (Lebiya) miis ku fura dalkaaga.
Inkastoo loo adeegsan jiray
dhibka wadanka looga tagayo dowlad la’aan maanta waxaa jiraa bilow
walaw aan dhihi garo maahan C/llaahi maanta midkii soora galin lahaa
suulinta dhaqamadaas waayo waxaan ilaa 1992-2003 oo ah intii ka
dalinayay iyo ka horba Putland si bareer ah dadka logo daadinaayey
bad waynta u dhaxaysa Yeman iyo Boosaaso asagoon wax dhaqdhaqaaq ah
ka moojin oo ay waliba ka jeraan xaafiisyo looga beecmushtaro u
daabulidda dadka badaha, balse aan dhowrno C/llaahi wax oo ka qabto
mushaagilaatkaas.
W/Q: Ahmed Ali Adan (AC)
Ahmedaliac@hotmail.com
C/O: Muqdisho, Somalia, Heliwaa.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
SomaliTalk Nairobi | Nov 6, 2004