Theo van Gogh, oo ahaa soo
saarihii filimkii lagu aflagadaynayay gabdhaha muslimka ah iyo guud
ahaan islaamka ayaa lagu toogtay dalka holand dhawaan.
Ninkan ayaa la arkay isagoo la
toogtay kadibna middi laga taagay waxaana dusha ka saarnaa markii la
arkayay warqad muujinaysay sababta loo dilay.
Dowladda dalka holand ayaa
arrintan ka gaabsatay,balse hore u ogayd in filimsameeyaha ay dad
badan oo muslimiin ahi u hanjabeen isaga iyo Ayaan Xirsi oo ku jirta
baarlamanka dalkaas,waxaana uu lahaa ninkan dad kala shaqeeya ku
xadgudbka diinta muslimka waxa uuna sameeyay dhowr filim oo si aad
ah muslimiinta dalkaasi iyo guud ahaan kuwa kaleba ka caraysiiyay
intii muda ahaydna waxaa lagu hayay baadi goob ninkan sida ay qoreen
wargaysyada ka soo baxa dalkaasi.
Theo van Gogh,waxa uu ahaa nin si
aad ah u necen Diinta islaamka waxa uuna filimadiisa ku muujin jiray
nacaybka diinta islaamka isagoo u bandhigayay dadka in Diinta
Muslimka ay tahay diin adag IWM.Dadkii la shaqaynayay ninkan ayaa si
aad Booliiska u ilaalinayaa amaankooda Ayaan xirsi oo filimkan la
waday ayaa cabsi soo wajahday iyadoo sheegtay mar la wareystay in ay
leedahay ilaalo xoogan,balse saaxiibkeed uusan lahayn wax ilaalo ah.
Ayaan Xirsi Magan waxay horay u samaysay filim
la magac baxay adeecid,kana tarjumayay sida ay
sheegtay gabar muslimad ah oo uu garaacayo saygeeda isagoo leh i
adeec hadii kale waan ku tumayaa!waxayna sheegtay
ayaan in filimkani fariin u yahay gabdhaha muslimka ah ee ku nool
wadamada islaamka xabsigana ku jira sida ay Qabto.
Filimkan ayaa muslimiin badan oo dalkaasi ku
nool iyo kuwa dunida kaleba caro galiyay waxayna sheegeen
muslimiinta dalkaasi in ay wax ka qaban doonaan hadii ay diinta
dhibka ay ku haysto dhaafi wayso waxayna waraaqo dacwo ah u
gudbiyeen Dowladda dalkaasi in ay raali galin ka baxiyaan saxaana
qaladka filimkan oo meel uga dhacaya diinta islaamka kuna xadgudbaya
xoriyadda diimaha.
Gabadhan ka baxday diinta muslimka horay ayaa u
qiratay in ay ka baxday diintaba waliba aflaado cad u
gaysatay,waxayna hadda ka hor ku dhaqaqday arrin kale oo muslimiinta
dalkaasi walwal ku abuurtay taas oo ahayd in ay ka hor timid
masaajidyo laga dhisi lahaa dalkaasi si dadka muslimka ahi ugu
cibaadaystaan.
Ayaan waa gabar asalkii soomaali ahayd Dad
badan oo soomaaliyeedna aad u cara galisa marka ay maqlaan ayaan
Qisadeeda iyo sida ay diinta islaamka dagaalka ugula jirto.waxaa jira
wiil ayaan la dhashay oo ku sugan magaalada Nairobi una waashay
ayaan ka bixideeda diinta ka sokow dhibka ay ku hayso la dagaalanka
diinta Islaamka ah.Canab Mumtaz <canabmumtaz@yahoo.com>
SomaliTalk Nairobi | Nov 6, 2004