SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

 sheekada samsam maxaa kajira  

                         mohamd A/ramham ismail (hamdi)  

ilaahay ayaa mahadle  nagu simay bisha barakaysan ee ramadaan  inaynu  soo gaadhno , salaan iyo nabad gelyana waxay u sugnaatay  rasuuliika sharafta le mohamed (c.s.w). 

waxa baryahan danbe isa sootaraya anba sheeko laga dhigtay  arinta samsam ahmed  ee ku xidhan maagalo madaxda hargeisa taas oo aad moodo  inay  bogoga qaarkood ka dhigteen wararka ugu muhiimsan ka dib markii ay ka soo jeesteen  shirkii somaliya uga socday kenya . 

hadaba waxa is waydiin mudan  ma mudan tahay in qof laga shakiyay oo ay polisku qabteen  la buunbuuniyo , inaga oo ogsoon in caalamka  inay  shaqada polsiku tahay inay ilaaliyaan amaanka dadkooda iyo masuuliyiinta qarankaba  ,taana aanu ugu hanbalyaynayno  poliska somaliand ,mise sheekadu waxay noqotay mid looga faa iidaysto  in lagu dacaayedeeyo  dowlada somaliland oo meel lagaga  soo qabto la garan waayey . taa waxa kasiidaran bogoga somalia qaarkood oo abaar warlaani heshay kuwaas oo war ka dhigta  inanyar ayaa la fara xomeeyay iyo cadaawad ayaa  nalagu hayaa!! 

arintan oo ay dad badani aad moodo inay uga faaiiday sanayaan sidii ay  u kala fogayn laahyeen labada omadood ii jaarka ah  ayaga oo ku tilmaamaya in samsam u xidhan tahay  qabiil iyo diin  iyo cadaawad  taas oo ay somaliland  ay ka soo gudubtay  bari hore. 

hadaba waxa fiican inay ogaadaan dadka  sheeko ka dhigtay  arinta samsam ahmed iyo akhristuuba arimo ay ugu muhiimsanyihiin :

1.    inay arinta samsam ahmed  khaas u tahay poliska  somaliland  oo ay ka masuul yihiin sidii ay u ilaalin lahaayeen amaanka shacabkooda ,aanay  xidhi karaan waraysan karaan qofkasta oo ay ka shakiyaan  ha ahaado somalilander  anba somalian, ayaga oo ilaalinaya  xuquuqda binu aadamka leeyahay. 

2.    In maxkamad cadaalada la soo joojin doono samsam ahmed,  taas oo ka saari doonta dadka  inay arintu tahay waxaan modow modwo ku jirin . 

3.    waxyaabo bodan oo  dadbadani iska dhaadhiciyeen  inaanay waxba ka jirin sida inay arintani la xidhiidho qabiil iyo  cadaawad iyo diin , taas oo somalia maanta  sidaa soo gadhsiisay, una qalmin in somaliland  lagu tilmaamo. 

4.    arinta ku saabsab ka xadgudubka  samsam  in la buunbuuniyay  sal iyo raadna lahayn. waayo dadkii loo saaray arintaa ayaan ilaa imka soo cadayn wax loo gaystay samsam. 

hadad dib ugu   noqoto  waxa lagu soo qoroyo bogogo  internetka waxa kuu kala cadaanaysa  sida waxaan jirin looo samaysatay  taas oo ay kuu  cadaynayso inay qaar ku leeyeen waxay jirtaa  16 , 17 ,18!  taas iyo arimo  kale waxay ku tusi karaan arintan inaanay lahayn waji iyo meel loogu soo hagaago oo aan ahayn inaynu sugno waxa  ay ka yeesho maxkamadu. 

ugu danbaystii  waxaan leeyay  shacabka somaliland iyo umada  islaamkaba ramadaan kariim iyo cibaado suuban. 

mohamed A/raman ismail  (hamdi)

                   sana,a  - yemen

Email: hamdicabdi771@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

SomaliTalk Nairobi | Nov 6, 2004


Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad
Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD