Doorka suugaanta soomaalida iyo
dagaalada sokeeye.
(waxa qoray Mohamedrashiid
Mohamud Samakaab)(jabane).
Marka laga hadlayo sugaan wuxuu
yeelanayaa macno labo ah kaas oo ku tusinaya in sugaantu aysan ahayn
oo qura murti,maanso,hees,gabay iyo geeraar midkoodna,soomaalidii
hore waxay ahaan jirtay bulsho reer guuraa ah oo xoolo dhaqataa
waxay noloshoodu ku ekayd kaynta ama miyi ku nool,hadaba marka meel
laga guurahayo waxaa la diri jiray sahan baad iyo biyo doon ah si
xooluhu nabaad u helaan,ninka ku socdaalay dhulka ee soo sahansha
marka uu soo helo meel geediga reeraha lagu furi karo oo barwaaqo ah
ayuu oran jiray waxaan helay meel suugaan leh taasi waxay ku
tusaysaa in suugaanta looyaqaanay meel doog iyo cagaar badan oo
barwaaqo leh,
Tan iyo inta la ogyahay sugaanta
soomaalidu waxay ahayd sooyaal facba fac ka dhaxli jiray waxaana
jiray xili soomaalidu aysan horumar ku lahayn nolosha magaalo sidaan
kor kusoo xusay dhulkooduna uusan lahayn war isgaarsiin hanoqoto
taleefoono ama boost,hanoqoto howlaha saxaafada sida qoraalada
wargaysyada iyo dhagaysi idaacadeed oo ku baxa afkooda hooyo,isla
sidaas oo kale ma jirin gaadiid isku xiri jiray iyo wadooyin caalami
ah gayiga dhexdiisa,waxaana inta badan dhici jirtay in saxaafadu ay
ahaan jirtay suugaanta noocyadeeda kala duwan siiba gabayga iyo
geeraarada,marka gabay ujeedo xanbaarsan laga tiriyo xaalad aloosan
ayuu gaari jiray markiibaa cirifyada dhulka soomaalida ilaa raas
casayr iyo raas ganbooni iyo dhulalka kale ee soomaalidu dagto,bal
aynu soo qaadano doorka saxaafadeed ee gabayada iyo doorarkooda
colaadaha soomaalida iyo qarniyaal hore aana ku hormaro silsiladii
la oran jiray guba iyo bahwayntii sadex xagalka ahayd ee ay dhex
martay,sida la wada ogyahay inta gabayada laga tiriyay silsilada
guba waxay ku qotontay hab beeleedyo caadifad qabiil gaamurisay oo
canbaarayn,is dhiilayn iyo golaaftan xoog badan uu u dhaxeeyay,waana
la isku haaraami jiray iyadoon waxba la kala reeban,mudadii ay
socotay silsilada guba waxay ahayd mudo aan qiyaas lahayn laakiin
dadku waxay sheegaan inay ahayd bartamihii qarnigii 18aad ilaa
bilowgii qarnigii 19aad,inta badan gabayada laga tiriyayna guba waa
kuwa ilaa manta kaydkoodu ku filiqsan yahay xusuusta bulshada
soomaalida walina sidii loo meerinayo meerisyadii hal abuuradii
guba,waxaana lagu tilmaami karaa in gabaygu ahaa saxaafad maguurto
ah oo soomaalidu u leedahay dhaqan soo jireen ah soomaaliduna ku
tilmaaman tahay dad hadal badan waxna buunbuunsha sida wargaysyada
reer galbeedka(suugaantu waa saxaafad),
Ka rogoo labo saar oo aan
qoraalkeena ku xusno halgamaagii waynaa ee sayid Mohamed cabdille
xassan oo ahaa wadaad halgan hubaysan la galay ciidamadii ingiriiska
ee fadhigoodu ahaa waqooyiga soomaaliya waqtiyadii gumaysiga reer
yurub ee lakala qaybsaday qaarada madow ee afrika,sayidku wuxuu ahaa
hal abuure ku xeel dheer suugaanta hab gabayeedka loo yaqaan wuxuuna
u adeegsan jiray hadba xaalada uu fooda galinahayo ama uu ka
hadlahayo isagoo waliba gabayadiisa kula dagaalamahayay cadowgiisii
iyo gaashaanbuurtii la socotay ee xulufada ay wadaageen oo aysan ka
marayn soomaalidii ka soo horjeeday halgankiisii,inkastoo gabayada
sayidku tiriyay ay ahaayeen kuwo dhiirigalinayay jaalkiisa iyo
ciidamadiisii darwiish hadana sayidku wuxuu ku labay gabayo badan
hab caadifadeed qabiil oo ku xusay gabayadiisii,inta badan gabayadu
waxay ahaayeen kuwo marka uu tirayo u safra deegaanada soomaalida
eek ala filiqsan,xitaa waa ay gaari jirtay ciidamadii ingiriiska
isagoo u adeegsan jiray saxaafad ahaan,
Marka aanu soo gaarno waqtiyadii
danbe ee gobonimo doonka waxaa la curiyay suugaan badan oo iyana
saamayn xoog badan ku lahayd la dagaalankii gumaystaha iyadoo
abwaano badan ay sameeyeen heeso lagu milliilacay oo xornimo doon ah
iyo kuwa goolaaftan iyo canbaarayn isugu jiray,waxaana abwaanadaas
xusid mudan abwaan c/laahi suldaan timocade iyo c/laahi qarshe oo
labaduba ku luqeeyay sugaan dhaxal gashay manta ,sugaantana waxaa
lagu dari karaa hubkii lagula dagaalamay gumaysigii soomaaliya ka
huleelay markii danbe,
Xukuumadihii ka hirgalay gayiga
soomaalida gumaysiga ka dib ayaa waxaa ugu dardar cuslaa xukuumadii
Mohamed siyaad bare allaha unaxariistee waxaana lasameeyay suugaan
badan oo kacaan ahayd iyo kuwa dadka lagu dhiiran galin jiray haday
noqoto waqtiyadii dagaalkii 1977 dii dhexmaray labad dowladood ee
jaarka ah ee ethopia iyo somaaliya iyo jamhadihii dhaqdhaqaaqa ka
waday soomaali galbeed,suugaanta ayaa noqonaysa mid la isku wareemo
waxaadna ogtahiin waayadii waxaa soo batay ruwaayado lidi ku ahaa
xukuumadii siyaad bare,waxaa bilowday silsilad deeleey la yiraahdo
oo iyana loogu baadi wacanahayay hab beeleed,jamhadihii mucaaradka
ku noqday iyaga waxaa loo sameeyay heesihii loogu yeeri jiray dabo
dhilifka,dhanka mucaaradkuna kama marayn hal abuurku,oo markii ugu
danbaysay siyaad bare ee uu salka ka sii qaadahayay kursigii talada
dalka waxaa la sameeyay riwaayadii ay ku jirtay heesta caanka
noqotay ee laankaruuser gado oo ay ku luqaysay fanaanada caanka ah
ee saado cali warsame,waxaa kaloo jiray saadaal laga bixiyay in
dalka ku soo socdaan mahiigaan colaadeed riwaayad la oran jiray ’’ha
israacdo diidye ha is raamsatee daa’’
Colaada u dhaxaysay soomaalida ayaa
ahayd mid soo jireen ah oo inta badan qabaailku ay isku gabyi
jireen,suugaantuna waa hub qarsoon oo qayb ka ah habsaxaafadeedka la
isku hanjuubo ama lagu dookho,markii dagaaladu sokeeye dhaceen
suugaanta soomaalidu waxay noqotay howlgab iyadoo raacday dowladii
burburtay ayaa waxaa jiray suugaan aan badnayn oo la curiyay oo loo
adeegsanayay colaada bulshada dhex martay,markii muqdisho dagaaladu
ku hoobteen dagaaladii cuslaa ee u dhaxeeyay dadkii taageeray urur
beeleedkii USC waxna ay ka qaban waayeen inay nidaamkii dalka ka
jiri jiray ay dib usoo celin waayeen ayaa gabyaa can ahaa oo lagu
magacaabo’’abshir bacadle wuxuu yiri isagoo guubaabo ugala jeedaa
DUQII DIB HA LOO DOONO isagoo gabay dheer halkudhig uga dhigay
erayadaas,suugaantu waxay door wayn ka qaadatay colaada dagaa;ada
sokeeye iyo kacdoonka bulshadii hubaysnayd’’
NB:fiiro gaar ah waxaa xuquuqda
daabacaada iska leh qoraaga mmsamakaab jabane….wuxuuna raali ka
bixinayaa wixii si qaldan loo tarjunto lasoo xiriir
samakaab2@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
SomaliTalk Nairobi | Nov 6, 2004
Samsam
Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad
Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada
SomaliTalk ee bishan
Guji