Kulan
Bulsheed Ballaaran oo ka dhacay Dalka Koofur Afrika.
Isu imaatin ballaaran oo ay kasoo qayb galeen dad fara
badan ayaa lagu qabtay magaa lada Cape Town ee dalka Koofur Afrika xalay oo
ay taariikhdu ahayd3/11/2004. Kulankaas oo uu soo abaabulay Daahir Mox, ed
Cali oo ka tirsanaan jiray golaha dhexe ee ururka ONLF 16kii sano ee inoo
danbaysay.
Wuxuu Daahir hadalkiisii ku bilaabay,waxaad in badan
iiga barateen hadallo naftiinna farxad galiya,maantase way ka
duwantahay.waxaan idiin sheegayaa in aan iska casilay xubinimadii jabhadda
waddaniga xoraynta ogaadeenya (jwxo),taasoo aan hubo in aysan jeclaysan
doonin qaar badan oo idin ka mid ah,qaar kalena ay u fasiran doonaan si ay
iyagu isugu sheekeeyeen oo ay suurto gal tahay inay xaqiiqda ka fogtahay.
Is casilaadaydu ma aha in aan hawl gabay ama ay
halgankii iyo waajibaadkii halganeed ee i saarraa soo
gabagaboobeen.halgankii wuu socdaa,anna waxaan idiin ballan qaadayaa in aan
halgami doono inta inta ay xagashaydu laabmayso uuna jiro dulmiga lagu hayo
dadkayga,wuxuuse noqon doonaa halgankayga cusub mid la qorsheeyay oo u hawl
gala qaab ay fahmi karaan dadka iska leh,una dhag raariciyaan umado badan oo
horay u diidanaa inay daneeyaan wax ka qabadka dhibaatada jirta sida aan is
lee nahay.
Intaa kaddib wuxuu daahir ka hadlay taariikhdii
dheereyd ee halganka dadka soomaalida ah ee Itoobiyo ku dhaqan,heerarka uu
soo maray,waxa mar walbo lugta qabanaayay,iyo qaabka ay ku samaysmi jireen
ururadii halganka soo hoggaamiyay.
Wuxuu si gaar ah uga hadlay wax qabadkii halganeed iyo
guulihii siyaasadeed ee uu soo dheelmay ururka ONLF wixii hadda ka
horeeyay,isagoo raaciyay inay jiraan saax iibbo badan oo isugu jira qaar ay
noloshoodii wanaag ku gabagaboowday iyo qaar noolba oo ay halganka ku
saaxiibeen oo uusan iloobi doonin.
Halganka waxaa dhaliyay asal ahaanba dulmi iyo
caddaalad darro lagu sameeyay dadka ku dhaqan dhulka soomaali galbeed ee ay
Itoobiyo gumaysato,ujeedada laga leeyahayna waa in dulmigaas meesha laga
saaro.
Waligeed waa jiri jireen ayuu yiri daahir baasto
dawlado xaq darada ay ku dhaqmaayaan u sameestay xeerar ay ku difaacdaan iyo
dad xaq ku socda oo doonaaya inay jabiyaan xeerkaas aan ayaka u danaynaynin
ee hor istaagaaya xaqa ay u leeyihiin jiritaankooda umadnimo.
Walaalayaal:isma diidsiinayno ayuu yiri xaqiiq badan oo
jirta wakhtigaan hadda la joogo,mase aha wax nagu dhalin doona dabac nagu
xanbaara in aan ka been sheegno soo jireenka taariikhda,aanna il dabacsan ku
fiirinno dhibaatada nooc walbo leh ee lagu haayo shacabka loo diiday inay
dhadhamiyaan macaanka caddaaladda,Edeggana loogu xereeyay millatariga
tuutaysan ee aan naxariista lahayn.waxaase wax walbo ka horeysa ayuu yiri in
aan dib ugu noqonno wax badan oo anaka dhexdeenna ah.
Waddadu waa dheertahay ayuu yiri,guushana waxay ku
xirantahay sida aan u fahamno caqabadaha na horyaalla,una furfurno
dabinanada naloo dhigay.
Mar uu ka hadlaayay dagaalada sokeeye ee dalka ka
socda wuxuu yiri daahir,waa arrin xanuun badan oo dhabar jabinayso waxa aan
raadinayno, waxaana ka danbeeya dad wax ma garato ah iyo danaystayaal aan
aabayeel laheen. Waxaa lagu waayay nafo badan,waa dagaal kan wax dilaaya iyo
midka la dilaayo midkoodna uusan garan karin sababta dhalisa,waxaanse
leenahay cid walbo ha ogaato xigmadda loo noolyahay inay tahay is faham iyo
wada hadal ee aysan ahayn dagaalka sokeeye,tusaalana waxaa u ah wixii ka
dhacay meelo badan oo ay soomaaliya ku jirto.
dhanka kale wuxuu ka hadlay sida ay u hooseeyaan
adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha dadka sida caafimaadka ,waxbarashada,isgaarsiinta
iyo waliba baaba'sanaan ta heerka maciishadda dalka,halka meelo badan oo
dunida ka mid ah neefka xoolaha ah loo siiyo biil wax ku dhow (3)saddex
doollar,anaga dadkeenna in badan oo ka mid ah ma helaan hal doollar oo
joogto ah oo ay ku saxaan nolol maalmeeddkooda,taasoo aad garan kartaan waxa
sababay.
Guntii iyo gabagadii wuxuu mudane daahir ugu baaqay
dadka soomaalida ah ee ay Itoobiyo gumaysato inay u hawlgalaan midnimadooda
oo fure u ah wax walbo oo ay doonayaan,haddii midnimo la waayo halgankana
kuma gu ulaysanaysaan meesha aad joogtaanna waxba kama noqonaysaa ayuu
hadalkiisii ku soo xiray daahir mox'ed cali oo wajigiisa aysan ka muuqanin
farxad badan oo lagu aqoon jiray.
Intaas kaddib waxaa la waydiiyay su'aalo badan oo ay ka
mid ahaayeen:
S-maxay yihiin sababaha jira ee kugu kallifay inaad
ururka iska casisho?
J-way badanyihiin sababaha,waxaanse kaga gudbaynaa
intaas,waayo in aan sharaxaad ooda dib ugu noqono waxaa ka haboon in aan ku
tallabsanno waxa hadda nagu aadan.
S-sideed u aragtaa go'aankii uu ururka ONLF ku dagaal
galay 1994kii maxayse natiijadiisu tahay,mase ku haboonaa duruufta lagu
qaatay?.
J-go'aanka uu ku dagaal galay ururka waxaa qaatay
golaha dhexe ,xubnaha ururkana way ku khasbanaayeen inay yeelaan mid oggol
iyo mid kasoo horjeedaba maadaama ay macnaha ururnimada sidaas tahay,
natiijadiisana waa halganka hubaysan ee (10) jirsaday ayna wadaan isla kuwii
go'aamiyay,ammaa inuu ku haboonaa duruufta lagu qaatay iyo in kale waa lagu
kala gaddisnaan karaa haddabana bulshadu way ku kala aragti duwantahay.
S-wax ma nooga sheegi kartaa waxa dhaliyay khilaafka
intii muddo aha ka dhex jiray ururka ONLF maadaama aad hadda ka baxday?
J-kol haddaan ka baxay waxay ku fiicantahay inaanan
arimihiisa dhex galin,haddaanse ka sheego intaan ogahay,ururkan khilaaf
dhaqan uma ahaan jirin,waase wax dhici kara inay dad badan oo gadaal kaga
soo biiray iyo kuwo hore oo si khaldan u xisaabtamay la ymaadeen waxyaabo
aan horay loo aqoon jirin,waxaanse ka warhayaa in arinta ay gacanta ku
qabteen dad ururka dhexdiisa tixgalin ku leh,haddana ay xaaladda ONLF caadi
tahay.
S-waxaad tiri ururkan khilaaf caado uma ahaan
jirin,markuu dagaalka ku dhawaaqay miyuusan garab isaga ka go'ay nabad
qaadanin dawladdana la heshiinin?.
J-waxa aan leeyahay khilaaf ma lahaan jirin waa ONLFtii
danta dadka loo asaasay ee la sameeyay sanadkii 1984kii,qolyahan aad
sheegayso uma aqaanno inay ONLF yihiin shacabka ogadenya iyo dawladda
Itoobiyana sidaas ayay u ogyihiin.
S-Bishii (8aad)siddeedaad ee sanadkan markuu
guddoomiyaha ONLFta booqashada ku joogay dalkan koofur afrika qaar ayaa ka
hadlay Idaacadda BBCda iyagoo mucaaradayo Jeneral max'ed cumar cusmaan
sideed iyaga u aragtaa?.
J-waa dad aragtidooda cabiray xaq bayna u leeyihiin
inay ka hadlaan wixii ay is leeyihiin waa la qalloociyay ee danta dadkooda
ah,wayse jiri karaan amaba jiraan waxaan ku diidanahay.
S-sideed u aragtaa maamulka killilka ee aad adiga mar
ka mid ahaan jirtay madaxda ugu sarraysa?.
J-waxaan ku kala gaddisanahay aniga maamulka killilka
aragtida ku aadan qaabka in bulshada lagu dhaqo ay tahay,waxaanse qirayaa
inay yihiin kuwo ka wakiil ah danaha dadkooda halka ay joogaan,in lagu
kalsoonaadana ay ku xirantahay sida ay u gutaan mas'uuliyadda ay qaa deen,in
kastoo ay dhici karto wax badan oo ay garanayaan fulintooda inay ka
horistaagto duruufta ku xeeran ee aan wada garan kano.
S-warar baa jira sheegaaya inay wada hadallo u socdaan
ONLF iyo EPRDF,kuwaasoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in maamulka killalka
gacanta loo galiyo ururka ONLF,maxaad ka ogtahay arintaas?.
J-wada hadalka iyo wada xaajoodka ma aha wax reeban mar
walbo iyo meel walbo,waxa ururka ONLF u qorshaysannaa wuu ka fogyahay sida
ay dad badan sawiraayaan,mase jiro ilaa iyo hadda wax arintaas xaqiijinaaya
oo aan xog ogaal ka ahay ama maqlay.
S-Mr:daahir ma la dhihi karaa dareen qabiil ayaad
jabhadda isaga casishay?.
J-maya,aragtida xubnaha ururkan isu keentay mid qabiil
ma ahayn haddana kuma wada joogaan taasoo meesha ka saaraysa wax dareen
qabiil la yiraahdo,waxa ay doonayaana qabiil gaar ah ma laha,saaxiibadayda
aan ururkan ka wada tirsanaan jirnayna way ogyihiin sida aan sheegayo inay
aragtidayda runta ah tahay,waxaase jira wax dhacay marar dhowr ah oo markaan
intii muddo ah ka fakaray igu kallifay inaan sidaan xal u arko,mase doonayo
in aan hadda ka hadlo ama tafaasiil ka bixiyo,waxaase hubaal ah wax walbo
inay bannaanka imaan doonaan xilligooda.
Waxaa soo diyaariyay:Wali
Cabdi Faarax.
Dhuubo104@yahoo.com ama
shariifo104@yahoo.com