Waftigii uu Hogaaminayay
Madaxweynaha DFKMG oo Ka Degay Kampala

MDFKMG oo uu soo dhoweynayay Madaweyne ku xigeenka
Ugadha.
ISHA SAWIRKA: Newvision
Uganda
|
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
FKMG ee Soomaaliya iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa waxa
shalay galab 3:40pm waqtiga Afrikada bari ka degeen garoonka
caalamiga ah ee Entebbe Airport. Waxaana halkaas ku soo
dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka Uganda, Prof. Gilbert
Bukenya, iyo wasiirada kala ah: Kirunda Kivejinja iyo
Nshimye Sebuturo, iyo Safiirka Kenya u fadhiya Ugandha Brig.
Matayo Kyaligonza. Waxaana madaxweynaha lagu soo dhoweeyay
21 mad-fac oo salaan sharaf ah.
Waxaa kale oo garoonka
waftiga kusoo dhoweeyay jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan
Ugandha oo uu hor kacayay ganacsade Umar Ahmed Mandella.
Halkaas oo uu Cabdullaahi Yusuuf ku qacan qaaday dadkii soo
dhoweeyey intii aysan u dhaqaaqin magaalada, halkaas oo uu
kula kulmi doonaan madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri
Museveni iyo saraakiil kale oo ka tirsan dawlada Uganda.
Waftiga Soomaaliyeed waxa
ay Ugada booqasho ku joogi doonaan muddo laba maalmood ah,
kadibna waxay uga sii kicitimi doonaan dalak yemen.
Tarjumadii: SomaliTalk | Nov 5, 2004 |
Isha: Newvision Uganda
XIDHIBAAN MAXAMED
MAXAMUUD GUULEED GACMO DHEERE: MIDNIMADA UMADA SOOMAALIYEED
KU BADALANMAAYO MANSAB SIYAASADEED WAANA TAAGEERSANAHAY
MADAXWAYNAHA IYO WASIIRKA KOOWAD
Axmed Muuse
Cabdulle(Idaawaqa)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi
Somalitalk | Nov 4
Xidhibaan Maxamed Maxamuud
Guuleed (Gacmodheere) oo ku sugan magaalada Nairobi kana mid
ahaa xubnihii Xaadirka ku ahaa shirka Soomaalida ee lagu soo
Doortay Doowlada uu madaxda ka yahay Madaxwayne Cabdulaahi
Yuusuf Axmed ,
Dhinaca kale Xidhibaan
Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmodheere) oo isagu ah aqoonyahan
ayaan wax ka waydiinay aragtidiisa ku aadan sida ay ula
muuqato Magacaabida Porf Maxamed Cali Geedi oo habeenimadii
xalay loo magacaabay Wasiirka Koowad,
Xidhibaan Maxamed Maxamuud
Guuleed(Gacmodheere) waxa uu sheegay in shirkan loo soo
maray dhibaatooyin badan isaga oo sheegay in soomaalidu muda
14 sanadood ah ucadilneed Nidaamka Doowliga ah marka manta
hadii aan helnay Bidhaan doowladed Alla ayaan ku xamdinaynaa
waana soo dhawaynayaa waxaana Bulshada Soomaaliyeed ugu
baaqayaa in ay Taageeraan Dawolada Cusub lana shaqayaan ,
Xidhibaan Maxamed Maxamuud
Guuleed(Gacmodheere) Mar aan waydiinay Fikirka uu ka qabo
Raysul Wasaraha Dhawaan la magacaabay waxa uu sheegay in
lamagacaabay Xubin Firfircoon oo ka mida Aqoonyahanka
Soomaaliyeed Isla markaana waxa sii siyaaday ama Kobcay
Rajadi aan ka qabnay Dhamaystirka doowlada,
Xidhibaan Maxamed Maxamuud
Guuleed(Gacmodheere) Waxa uu sheegay in Dadka Soomaaliyeed
aysaarantahay mas uuliyad wayn loona baahanyahay in ay
Danahooda gartaan ayna ogaadaan in dhalaankooda iyo
wadankooduba dayacnaa mudo badan ,
Dhinaca kale Xidhibaan
Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmodheere) oo aan waydiiyay
qoraal saxaafada qaarkeed qortay waxa uu cadayay in lagu
ban abuurtay oo umado kale ayaa adeegsaday buu yiri
Ujeedadooda balse ma ahayn Afkaar aniga iga timid waxaana
codsanayaa ayuu yiri in laga fiirsado qoraalada iyo dadka ay
waraysanayaan wariyaashu,
Dhinaca kale Saxafiga
warkan laga soo xigtay ayaa ii sheegay in Teleefoonka
Xidhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmodheere uu qalday
isla markaana si qalada warka loo siiyay kadibna waxaan
ogaaday in Xidhibaanka uusan warkan dhihin laakiin ayuu yiri
Waxaan ogaaday xiligii aan
warkan siiyay Shabokadaha qaarkood wariye dayax waa saxafi
Wargayska Ayaamaha ujooga Shirka Dibu heshiisinta Soomaalida
Dhinaca kale Xidhibaan
Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmodheere) ayaa sheegay in uu
wadanka Soomaaliya u hurayo dhiigisa maalkiisa iyo
Aqoontiisa Isagoo sheegay in uusan mansab Siyaasadeed ku
xirayn Horumarka dalkiisa iyo dadkiisa waligay waxaan ka
shaqayn jiray Nabada Midnimada Cadaalada Sanado badan ayaan
dantayda gaar ahaaneed ka doorbiday mida guud ee umada
Soomaaliyeed maantana Suuro gal iima ahan in aan ka hor
imaado Midoowga iyo maslaxada umada Soomaaliyeed ayuu yiri
Xidhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmodheere) oo
Goordhawayd iigu waramayay Hotelka 680 ee Magaalada Nairobi
Cidii si gaara Xidhibaan
Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmodheere) xiriirkiisa gar
ahaaneed urabtaa ama Jacel Figradiisa ku wajahan Maamulka
Cusub ee Soomaaliyaay Waxa ay ka heli kartaa Teleefoonkan
+ 254722218181
MADAXWAYNAHA
SOOMAALIYA MUDANE CABDULAAHI YUUSUF AXMED OO
MAANTA KA DHOOFAY NAIROBI
Nov 4, 2004
madaxwaynaha
Soomaaliya mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyi
wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhoofay magaalada
Nairobi wafdiga madaxwaynaha Ayaa Booqasho ku
soo gaalaa bixin doona wadamada Yugaandha iyo
Yaman Madaxwane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa
Hagaamiyaasha dhigiisa ah ee Cali Cabdalle
Saalax Iyo Yuwere Musanfani kala hadli doona
arimaha labada dal iyo soomaaliya wafdiga
madaxwaynaha waxaa ka mid ahaa
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudana
Shariif Xasan Sh Adan
- Xidhibaan
Cabdulaahi Sh Ismaaciil
- Xidhibaan
Moowliid Macaane Maxamuud
- Xidhibaan
C/kariim Axmed Cali
- Xidhibaan
Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
Madaxwaynaha
Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed ilaa iyo
Xiligii Xilkiisa qaran loo magacaabay waxa uu
safar ku tagay Magaalada Adis Ababa ee Wadanka
Itoobiya isaga o halkaa kula kulmay Hafya salano
Mile Sanawi Cumar Alfa iyo masuuliyin kaloo
badan ,
Madaxwaynaha
waxaa la falayaa in uu waydiisto wadamada u hada
booqanayo Taakuleen iyo ciidamo si doowladiisu u
noqoto mid saldhigi karta
Dadka siyaasada
Madaxwayne Cabdulaahi Yuusf Dura waxa ay
sheegayaan in Safarada lagu aadayo Dibada ay ka
Muhiimsantahay Mida Gudaha Soomaaliya
Dhinaca kalle
saraakisha ku dhawdhaw Madaxwaynaha Waxa ay
sheegayaan in inta aan gudaha Soomaaliy la aadin
lo baahanyahay in Aduunka la waydiiyo Mucaawino
iyo Agab si loo soo celiyo Haykalkii Siyaasadeed
iyo dhaqaale ee Soomaaliya
Axmed Muuse
Cabdulle(Idaawaqa)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi Somalitalk
Wafdi uu hogaaminayo
madaxweynaha oo ay ka mid yihiin wasiirka kowaad iyo
gudoomiyaha baarlamaanka oo maanta ka ambabaxay NBI.
Canab mumtaz
SomaliTalk |Nairobi | Nov 3