SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

 Ciidamo Shisheeye ma looga Baahanyahay Soomaaliya?
 khadra yuusuf cabdi
columbus ohio
khadra1800@hotmail.com
 

Ramadaan Kariim,

 
Waxaan jeclahay in aan arag tideyda amaba sida ay iila muuqato hadii dalka la keeno ciidamo shi sheeya ah dhibaatada laga la kulmi karo iyo colaada ka dhalataa inta ay legtahay amaba ay le'ekaan karto waxaana ka dhiiban rabaa fikrada aan ka qabo arintaa.
 
Marka hore laba arimoodba looma baahan karo ciidamo shi sheeya ah marka koowaad waa ayadoo maanta dowladaa la dhisay ay qeybta ugu badan ay yihiin ragii hor kacayey ciidamadaa hubka laga dhigaayey oo ayagu aay maanta saaran tahay in ay shaqadooda ugu horeysa ay qabanayaan uu yahay in marka hore ay amaanka sugaan oo ay ciidamadii ay shalay hubeeyeen ay hubka ka dhigaan waata soo maalidu yiraahdaan JINI NINKII KEENAA BIXIYA ileyn ayagaaba doowladii ka mida oo waxaan qabaa in dantoodu ku jirto dowladii ay dhiseen iyo dhaartii in ay ka dhabeeyaan si ay ugu hirgasho hamigii ay qabeen oo ahaa mar un dalkaas madax ka noqda oo ninba meel baa uu gooni uga talinaayaye maanta ay helaan soomali isku dhan  in ay hor boodaan oo qeyb qeybtii laga baxo oo magicii ahaa qab qable dagaal ama dagaal ooge ee ahaa magac laga xishoodo in ay ku bedelaan Nabad Ooge oo ku dhawaaqidiisu iyo ooraah ahaanba kal qurux badan iyo ayagoo kalsooni ka heli doona umadii soomali yeed oo  u hamuun qabatay in mar un ay helaan dowlada soomali yeed oo loo dhan yahay taasna ay noqoneyso guul lagaarey.
 
Arinta labaadna waxaan anigu u arkaa in ay tahay ayadoo bulsha weynta soomaliyeed ay maanta u bislaadeen in ay helaan dowlada soona dhowey nayaan kuna farax sanyihiin oo ay ka gudbeen qabiil qabiilkii iyo taageeradii ay qab qabla yaasha dagaalka oo markii hore uu qof kastoo soomali ahba ay arigtidoo ku kal fogaayeen qaran mida maantase loo gudbay Axyaa wadani yaa soomali ahay taasna waxaa kuu cadeyn kara xafaladihii aduunyada meel kastoo soomali joogto lagu soo dhoweeyey dowlada markii horana mid dibad jooga iyo mid dallkii joogaba taageero hiil iyo hooba la garab taagnaa dagaal oogayaasha ayaa maantana sidii si ka daran ula garab istaagi doona taageero nabadeed oo hiil iyo hoob leh waa hadii ay nooga dhabeeyaan dhaartii ay dhaarteen.
 
Hadaba waxaa laga rabaa C/llahi yuusuf in uu ka kaaf toomo ciidamo shisheeye in uu dalkiisa iyo dadkiisa u dalbado kuna kalsoonaado xildhibaanada baarlamaanka oo maanta talada dalka ay dhextaalo ogaadana iney yihiin kuwii kersiga u doortay umadana soomaaliyeedna ay tixgelintooda lee yihiin soo dhoweyntii ay dowlada soo dhoweeyeena aan loogu abaal gudin ciidan shisheeya ah in  la dul keeno oo xoriyadeenii aanu ka qaadanay lixdan kii ka hor aan maanta dib naloogu soo celin gumeysi taas oo dhaawac gaarsiin doonta dowladaa aan islaheen kaga nasta oo ku ilaawa 14 kii sano dhibtii iyo dhaawicii nagaaray, waxaan maqlayey xildhibaano ku andacoonaaya waa in ciidamo hadii la keenaayo nalagala tashadaa ayagana waxaan uga digeynaa ayagoo danahooda gaarka ah fushanaaya ineysan isku deyin in ay axsixiyaan in ciidamo naloo keeno ogaadaana in ciidamada soomaliyeed aan ciidan ka badan aan africa laga heleyn marka la isku daro ciidamadii hore iyo ciidamada hada dalka ka abuurmay mudadii dagaalka sokeeye aan ku jirnay xaaladuna noqoneyso qaran u dirir halkii shalay ay ka ahayd qabiil u dirir ee xaajadu noqoneyso jihaad yaa muslimiin hadii xuquudayada la damco in la duudsiyo taas waa arimaha aan u arkay inaan loo baahneyn loona bahan doonin ciidamada cadowga soomaliyeed in naloo keeno iyo kuwa kaleba diintey rabaan ha haystaane midabkey doonaan ha lahaadaan uma baahnin doonina meyno ciidan taas halkaas.
 
Waxaan hadalkeygii ku soo gaba gabeynayaa c/llahi yuusuf inuu umada ku kalsoonaado oo ILLAHAY isku xiro oo haduu kursigii uu weligii ku riyoonayey uu u rumoobay uusan iska tuurin asagaana iska tuuri kara hadii wax aan noo cuntamin uu noola yimaado  kuna talagalo ineysan dowladu la mid ahayn maamul goboleed ee ay xaajadu tahay sidee magaalo madaxdii lagu tagaa ee kursigii madaxweyne dhaba loogu fariistaa taasna waxaa lagu gaari karaa umada iyo xildhibaanada in aad ku kal soonaatid oo aadan noqon buundadii uu cadowga amxaarka ah nooga soo talaabaayey c/llahi MUHU MIHII MAAHAN DADKUNA DAKII MAAHAN waa talo loo baahan yahay inaad qaadato mala waayey adna dowlad weyday halna ogow hadii aad adoo ciidama wadanin oo xidhibaanada wata aad xamar tagatid in rooga caduudan oo amxaarka kuu goglay xamarba aad ka heleysid weliba soo dhoweyn dhaba oo caleemo laguu ruxaayo aad heleysid usa maleyn maayo inaad umada ka kasbaneysid saa adoo weli wasiirkii koowaad sameynin wasiiradii kale la sameynin baarlamaankii la tashan ayaad ardisabab ka soo jeesatay adoo weli moodaaya inaad tahay madaxweyne maamul goboleedkii butlland markii ugu horeysayba waad ku dhiiqatay anaga nafteena xaalkeenu ahaa ku qabatay iyo qadar alla waa la qaataa aadba noola timid amxaar doon adoo og xasasiyada lagu kacaysa markaan amxaar maqalno, waxaa hada kuu furan inaad cafis weydiisatid xildhibaanadii aad katashatey kana noqda riyada amxaarada iyo ciidamada aad ku dhegan tahay iyo in aad iska bedeshid la taliyayaashii maamul goboleedka ee aad la timaadid lataliyaal soomaliyeed ee kaagala taliya see qaran lagu gaaraa ee qabiil looga gudbaa nabad see lagu heli karaa oo colaad llga bixi karaa taasna xildhibaanadaada ayey gacantooda ku jirtaa ee gacan amxaar kuma, jirto fariinta aan umada ka wado waxay tahay waa naga dar daarane yaa u diga amxaarada Wabillahi Towfiiq
 

khadra yuusuf cabdi
columbus ohio
khadra1800@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor [Silsiladda Taariikhda Islaamka]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD