SAYIDKEYGII JOHN,
CHARLES IYO VALADMIR
BAA IGULA SOO
DARDAARMAY!!!!!!
EELAAY <eediran@yahoo.com>
Waxaa dhalinyaro
badani hor
dhoobnaayeen
Wasaaradii Tacliinta
ee Dawladii Kacaanka
ahayd ee galbatay.
Waxaa la akhriyayaa
deeq waxbarasho oo
arday Soomaaliyeed
ay wax ka soo baran
doonaan dalal ka mid
ah Shuucigii Bari
iyo kuwa ka mid ah
Rer Galbeedka.Waxaa
halkaa ka qudbeeyey
nin madax hoosaad ka
ahaa Wasaarada una
sheegay in
Imtixaanka la qaadi
doono lagu soo
xayeeysiin doono
wargeyska Xiddigta
Oktoobar oo ahaa
wargeyska keliya ee
wadanka ka jirey
kuna hadli jirey
afka Dawlada.
Ardayda ugu buunda
sareysa ayaa soo
baran doonta qaybaha
kala duwan ee
Basaasida, Baarida
denbiyada, tababarka
Booliska iyo
Militeriga,
Horumarinta
Waxbarashada,
Beeraha iyo
Shuuciyada. Markay
soo noqdaana waxay
noqon doonaan madax
sare oo tababarta
una gudbisa cilmigii
ay soo barteen
wadanka intiisa
kale.
Mudda ka dib ayaa
isla Wargeyskii lagu
soo qoray in ay
ardaydii ku baastay
imtixaankii aadka u
adkaa loo sameynayo
xaflad oo ay u
ambabixi doonaan
dibada si ay wax u
soo bartaan. Ummadii
oo dhan baa yaabtay:
Goormaa imtixaankii
la qaaday?
Iskooladee ka qayb
galay? Maxaa loosoo
daabici waayey
ardayda ku baastay
magacyadooda aanu
soo niraahno Augurio?.
Nin meesha taagnaa
baa ardaydii
isweydiineysay
su’aalahaa soo
jaleecay isagoo war
doon ah. Waxaa loogu
jawaabay saaxiib Ma
oran! Ma maqal! Ma
arag! Ma urin! Ma
aqaan!
Akhristayaal
dawladu dad dibada u
dirtaye, yay
dirsatay? Waxay
Soomaalidu dirsatay
oo lacagtii
canshuurta ahayd ee
dadweynaha lagu
quudinayey dad
markii ay soo
noqdeen na baday
hoog iyo halaag aan
la hilmaami Karin.
Waxaa dibada loo
diray dad muuqaalka
qof weyn uga eg
maskaxdana ka ah
denbi laawe saqiir
ah. Qofkan weyn ee
haddana ah “carruur
caga weyn” ayaa
maskaxdiisu ay tahay
sida sanduuqa oo
kale waayo wixii
lagu shubtaaba waxaa
loogu imanayaa
iyagoon waxba laga
bedelin oo sidoodii
ah. Fikir
shakhsiyadeed, maxay
ku dhacday iyo
maxaan anigu ahay
intaba maankiisu ma
suureysan karo.
Laakiin maxaa lagu
soo naasnuujiyey oo
ay maskaxdiisu dib u
soo sawirtaa:
Sayidkeygii aan
jeclaa ee wax isoo
baray John, Charles,
Valadmir iyo Guzman
waxay yiraahdeen….
Ardeydii ku baastay
darjada sare ee aanu
dibada u dirsanay
Soomaaliyana
matelayey ayaa
hiraaboodkii soo
fariistay kuraasta
Jaamacadihii ay
aadeen si ay u
bilaabaan
waxbarashadoodii.
Macallinkii Ruushka,
Ingriiska,
Mareykanka ahaa ayaa
qola walba meeshay
joogeen u soo galay
si uu waajibaadkiisa
waxbarasho u guto.
Ardaydii buu
salaamay oo u
sheegay in aysan 6
bilood ka badaneyn
barashada luqadu
kadibna ay dhexgeli
doonaan
tababarkooda. Waxaa
markiiba inuu miir
doorsoomo ku
dhowaaday
macallimiintii wax u
dhigaysey
ardaydeenii
mataleysay Qarnkii
Soomaaliyeed. Waxaa
la yaab ku noqotay
Macallimiintii iyo
Maamulayaashii
Machadyada kala
duwanaa in Qaran
dhan oo Soomaaliya
la yiraahdo ay
ardaydooda ugu
heerka sareysay ee
ay dibada u soo
diraan ay noqdeen
kuwa aan waxna
qorin, waxna akhrin!
Waxay garan waayeen
meel ay wax uga
bilaabaan: Sidee qof
aan afkiisa qori
Karin uu ku baran
karaa Warisgaarsiin
iyo Babaasnimo ama
Baarida iyo war ka
keenida qof maxbuus
ah oo la
tuhunsanyahay in uu
denbi galay! Ama
kaba darane sidee
buu ku baran karaa
cilmiyada Beeraha
iyo Horumarinta
Waxbarashada iwm.
Haddaba maxay
ahaayeen qoladani,
beerka lagu dhufay?
Maxaase la soo
baray?
Waxaan ka mid ahaa
10-kii dhalinyaro ee
ugu soo horeysay ee
qaxootinimo ku timid
Gobolkan Minnesota
kana soo dhergay
takoor iyo quudhsi.
Waxaanu dhex seexan
jirnay warshada
digaaga aanu ka
shaqayn jirnay, kana
qubeysan jirnay
waayo guryihii baa
nalaga kireyn
waayey. Markaanu
qadhmuunka warshada
iyo dacaayada
dadkaanu la shaqayno
aanu u adkeysan
weynay ayaanu go’aan
ku gaadhnay in aanu
gawaadida dhex
seexano. Waxaa
walwal weyn nagu
hayey qaboow iyo
baraf baas oo laga
sheekeynayo, kadibna
waxaanu go’aansanay
in aanu ka
faaiideysano maalma
fasax ahaa oo aanu
magaalada weyn ee la
sheegayo soo eegno.
Anagoo habqan ah oo
iska bulaamana,
marba wadooyinka
magaalada dhinac u
raacayna ayaa qol
yar oo ka waardiyaha
oo kale ah laga dhex
qayliyey: “Waryaa,
ma Soomaali baad
tihiin! Bismillaahi
weligey ma arag
intaasoo Soomaali ah
oo isla socota”. Mar
keliya anagoon xataa
wadada iska eegin
ayaanu sidii adhi
weer ku dhex dhacay
xagii laga
qaylinayey ku
yaacnay! Alla
walaale haa Soomaali
baanu nahay! Alla
nasiibkayaga! Alla
farxad weynaa!.
Wuxuu ahaa Cabdi
Wagad oo ilaa 10
sano naga soo
horeeyey ahaana nin
aad u wacnaa oo nala
raadiyey guriyeyn
iyo shaqo.
Jaarkiisii baanu
noqonay, Meesha
gawaadhida la dhigto
(Parking) oo uu ka
shaqaynayey buu naga
shaqaalaysiiyey.
Alla maxaa ku nasiib
ah!.
Cabdi Wagad wuxuu
ahaa nin waaya hore
dugsiyadii
Talyaaniga ee Xamar
wax kusoo bartay.
Wuxuu ahaa nin waxa
Soomaaliya ka socda,
oo ay ahayd xilligii
ugu darnaa ee umula
dooxa iyo qabyaalada
ay Soomaalidu la
wareegayso, aanba
war u hayn. Anagu
waxaanu isugu jirnay
dhamaan qabiilada
Soomaalidu ay ka
kooban tahay
kuwaasoo isku qalaya
waddankii. Waxaa
magaalada la joogay
Cabdi Wagad ilaa 7
dhalinyara ah oo ay
isku wakhti ahaayeen
ama isu dhowaayeen
oo ama dawladii soo
diratay ama dadkoodu
waxbarasho u soo
diray.
Waa sanadkii 1992,
waxaa bilawday
sahankii ay
Soomaalidu caanka ku
ahayd.
Telefoonkayaga meel
laga helay garan
mayno, laakiinse
muusan kala joogsan
jirin: Walaalow
waxaan joogaa Gegida
Diyaaradaha,
Basaska, waan soo
socdaaye ii diyaar
garooba!. Waxaanu
go’aan ku gaarnay in
dhibkii nasoo maray
uusan qof Soomaali
ah uusan dib u
taaban. Waxaan dadka
iska soo daba
dhacayey ka caawin
jirnay shaqooyinka,
guriyeynta,
turjumaada iyadoon
Jaaliyadaha faraha
badan ee sanooyin
danbe noo yimid
aysan joogin laakiin
ay maanta sheegtaan
in ay iyagu dadka
wax u tareen. Waa
Soomaali iyo
Caadadeed in aysan
karaameyn ama aysan
hormoodkooda iyo
halyeeyadoodii hore
aysan waxba u qirin
waxna u quurin!
Waxaa jiray nin
keliya oo Jaamacada
Minnesota dhigan
jirey wuxuuna aad
noogu guubaabiyey in
aanan noqon dadkii
lasoo dirsaday ee
gees maray ujeedadii
loosoo diray,
dadkoodiina lacagtii
ka dhameeyey. Wuxuu
nagu waaniyey
Muxiyadiin in aanu
waxbarano oo aanu
ka faaiideysano
fursada aanu helnay
taasoo wadankii
dadka waxbartay lala
gees mari jirey
iyadoo lasoo dirayo
reermiyi aan waxba
akhrin Karin waxna
qori Karin! Doodan
ayaana na
dhexmartay.
Alidheere: Maxaad
ugu sheegi wayday in
asxaabtaada kale ay
wax bartaan?
Muhiyadiin: Saaxiib
waan ka daalay
Cali-baashi:
Xilligan
Muxiiyadiinow ma
anagaaba xataa afka
naqaana?
Muhiyadiin: Waxaan
idiin sheegayaa meel
aad afka ka barataan
ee diyaar ma tihiin
Eelay: Saaxiibow
waad mahadsan tahay
laakiinse maatadii
ayaa meel walba
daadsan oo qaxooti
ah markaa sidee
baanu wax u baran
karnaa?
Muhiyadiin: Eebe
ayaa quudin kara
dadka ee la soco!
Mida kale miyaadan
gelina shaqaysan
Karin, gelina wax
baran Karin
Daahir Weyne: Laba
shaqo ka yar nama
anfacasee ka warran?
Muhiyadiin:
Saaxiibayaal waxaad
is arki doontaan
idinkoo 10 sano
kadib weli laba
shaqo ka shaqeeya
dadkiina aydan
dherjin ee qorshe
samaysta.
Abdalle: War
nimanyahow ninkan
waa nala taliyee
aanu taladiisa
raacno
Eelay: Heey!
Cabdalle waa gartaa
oo dadkaaga oo dhan
baa jooga! Abooto,
ayeeyo, macooyo!
Alidheere: Heey
wakhtigii waa
lagaaray nasoo wada!
Bugta yaysan dhicin!
Muhiyadiin: Haddii
aad ii baahataan
sabti iyo Axada iigu
kaalaya Matxafka
Jaamacadda
Kuligeen: Nabadeey
saaxiib
Usbuucii ku xigay
ayaan meel aan aado
intaan garan waayey
baan Muxiyadiin ka
raadiyey Matxafkii
Jaamacada. Mise waa
dhex yuururaa!
Salaan ka dib wuxuu
ii bilaabay sheeko
dheer oo aan weligay
hilmaamayn, wuxuuna
ku bilaabay sidan:
Eelaayow dhibaatada
ugu badan ee
nahaysata tii Eebe
ka sokow waa
aasaaskii oo laga
tegey, waxaanan ka
baqayaa in haddii
wadankeenii uu mar
uun mustaqbalka dego
in ay dhibaatada aan
ka baqayaa dib noogu
soo noqoto!.
Waxaa la soo diri
jiray Arday
Soomaaliyeed oo ay
soo dirsan jireen
dad Madax ah oo soo
boobay hantidii
qaranka ama dad
xoola leh oo fara ku
tiris ahaa.
Carruutoodii oo aan
aasaas waxbarsho
fiican lahayn ayaa
markii ay yimaadeen
dhulkan la qabsan
waayey waxa laga
hadlayo. Waxaa bil
walba loosoo diraa
masruuf laba jibaar
kabadan, markaasay
bilaabeen
mukhaadaraad iyo
ciyaalsuuqnimo.
Waalidkood ma oga in
ay meelahaas
dhacdhacaan oo waxay
ugu sheekeeyaan
Jaamacaddii waan
dhamayn rabaa ee
lacagta soo badi.
Maantana indhihiina
ayaad ku aragtaan
idinkoo qaxooti ah
in aysan waxbadan
idin dhaamin!
Eelaayow kuwaa waxaa
ka siidaran kuwa
Dawladii Kacaanku
soo diratay oo
Hantidii Qaranka iyo
Canshuurtii
Hooyooyinkeen lagu
soo masruufayey.
Waxay ahayd in
imtixaan la qaado oo
ardayda ugu buunda
sareysa dawladu soo
dirto. Mase dhicine,
ninkasta oo Wasiir
ahaa ama Madax ahaa
Inaadeerkiis oo aan
weligiis iskool soo
marin aqoona sida
wax loo akhriyo buu
soo diray. Waxaa la
soo diray kuwo dhega
xiran oo sida haanta
oo kale wixii lagu
shubo sidooda u
haynaya, wixii la
amrana sideeda u
fulinaya. Waa qolo
aan isweydiin Karin
“ Waayo”?
Markaasna! Ayaan ku
idhi.
Markaasna waad
aragtaa ayuu yidhi
waxa dhacay!
Macallimiintii
ajnabiga ahaa markii
ay fahmi waayeen oo
ay arkeen in ay
Soomaaliya Xoolo soo
dirsatay ayay dhinac
iska dhigeen
duruustii ay siin
lahaayeen, waxayna
bareen casharo aan u
baahnayn hadal iyo
aqoon ee u baahan
fara ka hadal: sida
dadka korontada
loogu dhejiyo, sida
loo garaaco, sida
loo ciqaabo, sida
argagax dadka loogu
rido, sida loo
kufsado, sida miig
loogu xiro, sida loo
toogto, sida loo
faafiyo anshax
xumada, sida loo
ceebeeyo dadka, sida
dadka laysaga
horkeeno, sida
mukhaadaraadka loo
isticmaalo sida
haddii war lagaa
waayo dadkaaga
laguugu hor dilo,
sida gabdhahaaga iyo
haweenkaaga laguugu
hor kufsado haddaad
hadli waydo, iwm.
Intaa marka ay
khabiir ku noqdeen
dadkan la soo marin
habaabiyey ayaa loo
shegaa in ay ku
qalin jabiyeen
daraja sare lana
siiyaa shahaado
amaan ah oo ka
sheekeyneysa wixii
la soo baray wax aan
ahayn. Tusaale ahaan
waxaa lagu soo qoraa
wuxuu ka soo
qalinjebiyey
basaasnimo iyo
telefoon talaalid
iyo dhegeysasho,
xaqiiqduse waa in la
soo baray sidii uu
dadkiisa u halaajin
lahaa. Wuxuu ku soo
noqdaa wadankii
hooyo isagoo aad ula
dhacsan wixii uu soo
baray Sayidkiisiii
uusan hadalka ku
celin keri jirin.
Iyagoo isgodaya ayaa
si heer qaran ah
loogu soo dhoweeyaa
Soomaaliya,
darajooyin sare iyo
xilal sarena loo
dhiibaa. Ka dibna
muxuu barayaa dadka
uu tababarka u
furayo ama dadka uu
xukumo? Yaase isaga
imtixaan ka qaaday
bal inuu wax soo
bartay iyo in kale?
Taliyahan baasi
isaga oo sidii uu
garbaha iyo faraha u
qalqaloocin jiray
Sayidkiisii wax soo
baray u
qalqaloocinaya ayuu
ku amraa askar,
boolis ama dharcad
ka sii jaahilsan oo
aan hadal ku soo
celinayn in la
garaaco oo koronto
lagu dhejiyo, la
kufsado, la toogto
dad aan denbi gelin
oo masaakiin ah ama
kuwo denbi galay oo
uu baahan in si
biniaadinima ah loo
xanaaneeyo inta
sharciga lala
tiigsanayo!
Maanta oo la joogo
xilligii uu
Muxiyadiin ka cabsi
qabay in ay
arrintaasi soo laba
kaclayso ayaan
aniguna ka baqayaa
in Mooryaan, Jirri,
Dagaal Ooge
Dhiigyacab ah laga
dhigo Ciidamada
Xooga Dalka, kuwa
booliska iyo kuwa
Nabad Sugida. Waxaa
dunida kale Ciidan
ama Sirdoon u ah dad
wax bartay oo ugu
yaraan ilaa Dugsi
Sare ka soo baxay
haddii aysan ka sii
badsan. Waxaa ay
dadkani ka dhisan
yihiin cilmi diin
iyo mid adduunba si
ay u kala gartaan
waxa san iyo waxa
xun. Waxaa ay soo
maraan imtixaan aad
u adag oo aan
aniguba soo arkay.
Haddii ay ku
dhaqaaqaan wax xun
sida mararka qaar
dhacda waxaa u geeya
cunsuriyad, nacayb
iyo ula kac iyagoo
weliba og waxa ay
sameynayaa in ay ku
khaldan yihiin
haddii lagu ogaadana
laga abaalmarin
doono.
Waxaan kula
dardaarmayaa
dhalinta
Soomaaliyeed ee wax
baratay in ay ka
qayb qaataan dib u
dhiska wadanka oo
aan looga dheereyn
jagooyinka oo dhan
iyo Ciidamadaba.
Haddii kale waxaa na
xukumi doona kuwa
jaahil ah oo aan
naxariis lahayn,
biniaadamna ahayn oo
ku leh waxaan ka soo
baxay Jaamacadii
John, Charles,
Valadmir iyo Guzman
cid kale warkeedana
ma rabo. Waxaa na
xukumi doona nin
nala jinsi ah
laakiin aan nala
caqiido, wadaniyad,
iyo fikir midna
ahayn nooguna soo
geli doona
guryaheena,
Masaajidada,
iskoolada iyo
makhaayadaha iyagoon
waxna na weydiin
nagu bilaabaya
qoobab, suxulo,
jilbo iyo madax ka
garaac aad u daran.
Haddii dhallinta
waxbaratay aysan
meelna ka qayb gelin
waxaa soo baxaysa in
Aw Dhoore oo dhami
uu madax noqdo ka
dibna lala diriri
doono cilmiga iyo
qofkii wax garad ah
oo is yiraahda ka
hadal darxumada iyo
dhibaatada. Markaa
xagee lala qabanayaa
cilmiga iyo
waxbarashada? Sow
dibada u carar maaha?
Sow xabsi gal maaha
ama Sow Nacamlee
maaha?
Dhalinyaro, yeeynaan
ka xishoon qabashada
xil aan noo qalmin!
Yeynaan oran
Injineer baan ahay
oo askari noqon mayo
ama Dr. baan ahay oo
daraja hoose ma rabo.
Dhalinyaro ogow in
xilkasta oo aad
qabataa ay tusaale
wacan u noqonayso
jiilka soo socda oo
kugu dayanaya.
Dhalinyaro haddii
adigii wax bartay
aad ka carartay
qabashada xilalkaa
sow mid aan kuu
turayn oo ku
afgaranayn maadan
siin boos.
Dhalinyaro iska ilow
madaxdu diin ma leh,
wadaado maaha, gar
maleh, waxba lama
qaybsan karno oo
qaabkaan u ekahay
baa laydiidayaa in
aan jaqo qabto.
Dhalinyaro,
qaabkaaga ilow,
wixii basiid ah ka
tag oo u gunto
badbaadada ummadeena.
Dhalinyaro aynu u
horseedno dadkayaga
iyo dalkayaga masiir
wanaagsan kana qayb
qaadano camirida iyo
buuxinta jagooyinka
na sugaya inta aysan
noqon Ciyow Waa ka
Baryey oo aysan
hadhow na qabsan
calaacalkii
Abwaankii ka muraara
dilaacsanaa sida ay
wax u dhacayeen ee
markaa yidhi:
MA OGTAHAY ASKARI
JAAHILAAN AMAR KA
QAATAAYE!!!!!!!
EELAAY <eediran@yahoo.com>