Somaali-diidkii
oo leh, "Hoheey
Buuraha hargaga
, nin
duulahayeey
dabraan"
A.Dirir
<burashadley@hotmail.com>
Waxaa mashaqo ku
ah reerkii
iskood
dawladnimda
sheegtay in
14kii sanadood
ee tagtay lagu
maaweelinayey in
la aqoonsan
doono, mar ay
yiraahdaan
dhanka Itoobiya
ayey ka iman iyo
mar ay wakhtiga
ku dhunshaan
mayee waa
Jabuuti ama markan
waaba Britsihka.Waxaasna,
waxaa faafinayey
saxaafad ku
sheegggga
marqaansan ee ku
faanta , "Dee
shabakadeennu
wax reerkeenna
ka dhan ah maba
qorto iyadoo xor
ah". Illaa iyo
maantana kama
waantoobin in
qabiilkooda ay
runta u sheegaan
oo ay yiraahdaan:
1.Britishkii,
Itoobiyaankii
iyo Jabuutiba
weey na diideen
ee ha laga
tashado.
2.In 14kii sanoo
tegay maamul la
yiraahdo S/land
in uusan ka
jirin Sool ,
Sanaag iyo Cayn.
3.In sida uu
sheegay Qaybe ay
dhabtu tahay ,shacabkuna
uu maamulka Pl
oo horay u
dhisteen ay
keensadeen.Sidaas
darteedna,wakiiladii
uu qaybe sida uu
sheegay suuqa ka
soo qabtay ee
Cigaal
ka
geeriyooday ee
iska yuurura
ayan metelin.
4.In ay
shacabkooda u
sheegaan in
haraagii Siyaad
uu maanta xukumo
ee dantoodu ay
tahay in
in meesha ay
xoolo ka
tabcadaan inta
goori goor
tahay.
Iyagoo dadkiiba
runta ka dhowray
ayey waxay
faafiyeen
maweelintii
Riyaale iyo
riyadii reerka
SNM ee labaduba
dhabta ka fog ee
aheyd xuduudda
ayaanu tageeynaa.
Waxaase xusuusin
mudan labo
sandood ku
dhowaad ay
Somaali-diidku
ay ku
qeylinayeen oo
mararka
qaarkoodna ay
kuba
dhaaranayeen
sida Shekh
Madarkii
geeriyooday oo
yiri, "Wallee
in aan Garoowe
galayo". Runtuse
waxay tahay in
Shekha karamadii
iska xayuubiyey
uu geeriyooday
iyadoo
ciidamadii ay
waa hore
lahaayeen way
ruqaansadeen oo
ku jira gaaf
wareeg joogta
ah iyo xishood.
Wixii oo marka
hore sameyn kari
waayeen ayey
maanta oo dad
badani isakga
soo carareen,
Cabdullahina uu
yahay Madawenaha
Guud ayey waxay
isku soo
miqiiqeen Jiidda
hore ee Sool ,
wixii ka
raacayna waaba
la ogaa.
Maanta Riyaale
waxay ishayaan
Maxamed Xaashi
oo looga fadhiyo
in Iidoorka
doolka ah uu
dibedda ka dhigo
Pl, una soo
celiyo dhulka
wali uga maqan
Sanaag oo aan
rajeeynayo in uu
ku dhaqaaqi
doono hadduu
Eebe idmo.
Gabogabadiina,Somaali-diidka
rabi ka furtay
ee gaaladii
dhimatay ku xusa Waqooyiga,
ka daawo Radio-Laascaanood
maxaabiistoodii
sawiradii laga
soo qaaday ee
tirada badan ee
aan ku jirin
kuwoodii tirada
badnaa ee laga
laayey .Waxaad
kaloo ka
dhegeysan kartaa
wareeysigooda oo
maqal ah Radio-laaascanood
oo labo website
kala ah iyo
Widhwidh.com oo
aad ka arkeeyso
sida
aadaminimada leh
ee loo
daweeynayo
dhawicii
Iidoorka ee
yaalla
Isbitaalka
Laascanood oo ay
booqanayaan
saraakiil ka
tirsan Puntland,
Waxaase,
nasiibdarro ah
in wax ma
garatda
Somalilandnet ay
garan waayeen
ixtiraamka
Somaalida ka
dhexeeysa iyo
xushmada bisha
barakeeysan ee
Ramadaan oo soo
bandhigay
meydhkii labo
nin oo ay dileen
.Marka
xumaantaas aad
eegtana , waxaad
ka garaneeysaa
in kuwa guusha
ku doontay
sawirka meydka
dad muslim ah oo
midkoodna uuba
ka tirsanaan
jiray ciidanka
maamulkaas,
labadana u
dhasheen Sool in
haddii kuwo
kalena ay
jiraana ay
iyagoo qaawan ay
soo sawiri
lahaayen.
Waxaana talo iga
ah in aanan lagu
dayan kuwa ku
tuntay dhaqankii,
diintii iyo
Somaalinimadii,
arrimahaas uu
Illaahay jab ku
badi doono ,
aakhirana lagula
xisaabtami doono
iyagoo carabka
laalaadinaya oo
leh " Hoheey
Buuraha Hargagaa
, Nin duulahayey
dabraan"....