Talaabadani
waa mid ay qabaan
dad badan oo ka mid
ah taageerayaashiisi
hore iyo kuwo ka
rajo beelay in ay
kooxaha iska soo
horjeeda ee
soomaalidu si
nabadgelyo ah wax u
xaliyaan.
Doorashadiisa ka hor,
dad badan ayaa ku
celcelin jiray (waxaa
loo baahanyahay nin
askari ah oo waxaan
cagta mariya sida C/llaahi
Yuusuf).
Madaxweynaha
laftigiisu arintaa
wuu aaminsanaa oo
marar badan ayaa ka
dhawaajiyay in
wadanka xoog kali ah
wax looga qaban karo,
isaga oo muujiyay in
uu yahay nin awood
iyo kartiba u leh in
uu shaqadaa qabto.
Waa mid ka mid ah
saraakiisha ugu
da'da weyn ee hada
nool.Waxaa lagu
tilmaamaa in uu
yahay nin khibrad
ciidan oo aad u
saraysa leh. Hase
yeeshee su'aasha
meesha taali waxay
tahay, arinta ka
jirta Koofurta
Soomaaliya ma u
baahantahay nin sida
C/llaahi oo kale
ah?.
Waxaa aad u
muhiim ah in aan is
weydiino, ma jiray
nin kale oo
tilmaamahaa leh?. Haa,
waa
Jen.Caydiid
oo waliba la
kowsaday waqti ay
dadka badankiisu
xiise u hayeen
dagaalada qabaailka.
Saldhigiisu wuxuu
ahaa Muqdisho. Wuxuu
haystay hubka ugu
faraha badan iyo taageerayaal
u daacad ah oo
amarkiisa un sugaya.
Jananku waxa uu ka
quustay in uu
xaafadaha Muqdisho
wada qabsado.
Siddeed sano ka
bacdi way adagtahay
in uu C/llaahi
yuusuf xabad ka
bilaabo xuduuda
Itoobiya, Xamar galo,
xaafadah dariiq
dariiq ugu dagaalamo,
hubka aruuriyo oo
halkaa ka dhiso
dowlad lagu naaloodo.
Adeegsiga
ciidamo shisheeye
ayaan
iyaduna haba
yaraatee wax ku soo
siyaadinayn hub ka
dhigista
malayshiyooyinka
iyadoo ay tusaale
inoogu filanyihiin
36,000 ee uu
Maraykanku
hogaaminayay
sanadkii 1993 dii
guul daradii ay la
kulmeen, inkasta oo
la oran karo dad
badan ayay
badbaadiyeen in ay
gaajo u la'daan,
halka ay in badana
ku xasuuqeen.
Waxaa kale oo
iyaduna intaa sii
dheer in ku
jiritaanka C/llaahi
Yuusuf uu mudo dheer
ku soo jiray
dagaalada sokeeye,
in aanay micneheedu
ahayn in uu yahay in
guul u nasiib badan.
Laba dagaal oo uu la
galay
taageerayaashii
ururkii Al-Itixaad
iyo kuwii Jaamac
Cali Jaamac
oo uu labadaba
Boosaaso ku qabsaday
ayaa ka dhigtay
xidig dagaal
oo Bari ka soo
baxay.
Meelo ka mid ah
koofurta oo ay
Muqdisho ka mid
tahay iyo Somaliland
ayaa dadkii uu C/llaahi
dagaaladaa ku
jabiyay looga arkaa
rayid aan waxba
sidaa u hubaysnayn,
sidaa darteed, wuxuu
ula muuqdaa nin aan
wali ka qayb qaadan
wax dagaal weyn lagu
tilmaami karo.
2- IN UU NABAD WAX
KU XALIYO;
Runtii waa
mida ay u
riyaaqayaan dadka
badankiisu,hase
yeeshee, hoggaamiye
kooxeedyada
koofurta Soomaaliya
oo aan lahayn
siyaasad leh meel
loogu soo hagaago
iyo balan ka xirma
toona, ayaa caqabad
weyn ku ah maamul
dawladeed oo la
hirgeliyo.
Dhamaantood waxay
doonayaan jagooyinka
dowlada ugu sareeya
lagamana yaabo in ay
isku tanasulaan.
Dowlad in la dhiso
waxaa ka fudud in la
carqaladeeyo. C/llaahi
qudhiisa ayaa ah nin
ay ku taal sumad la
yiraahdo
dawlad diid.
Laga soo bilaabo
dawladii
Maxamed Siyaad Bare,
C/llaahi Yuusuf
shaqada ugu weyn ee
uu qabtay waxay
ahayd fashilin
dawladeed. Hogaamiye
kooxeedyada koofurta
badan koodu waa
raggii ay wax isla
majaxaabin jireen,
sidaa darteed
ayaanay jirin awood
weyn oo shacab oo
taageero u haysa
dawlada uu C/llaahi
Yuusuf madaxweynaha
ka yahay, taasi oo
hadii uu haysan
lahaa noqon lahayd
unuggii ugu horeeyay
ee aqoonsigiisa.
Ugu
danbeyntii, dadka
badankiisa oo aad
ugu haraadan dowlad
soo celisa sharaftii
Soomaaliya, ayaa ku
talinaya in duud
duub loo qaato
dowlada ay madaxda
ka yihiin C/llaahi
iyo hogaamiye
kooxeed yada kale,
waa labo daran mid
dooro e, iyadoo
aanay jirin hadii la
mucaarado rajo laga
qabo dowlad
soomaaliyeed sanado
badan oo soo socda.
Abdirizaq Ahmed
Rochester MN, USA