SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

JAHAWAREERKA KU DHACAY INA RIYAALE IYO REER WAQOOYI

Hereri Haji
Nairoobi, Kenya
<hereri01@hotmail.com>

RAbbiga ina ahaysiiyey baa mahdleh magaciisa ayaana kubilaabaya naxariis iyo nabd gelyo korkiis ha ahaato Rasuulkeenii suubaanaa.

Tan iyo horaantii sanadkan markii uu billawday dagaalka ka dhexeeyey kooxaha Hargaysa afduubka ku haysta iyo ciidanka gobolka puntland waxa ay ku celcelinayeen in dagaalka ay ka qayb qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee JABHADA WADANIGA XORAYNTA OGADENYA.

sidoo kale 31kii oktoobar markii galinkii hore fooda la daray ciidankood  iyo draawiishta Puntland ayaa ay sheegteen in ONLF ka qayb qaadatay dagaalka.

Kuma aysan ekaanin dagaal nalala galay ayay ONLF kaqayb qaatay waxa ay sidoo kale ku sheekaystaan in dalka Jabuuti ku taageero JABHADA WADANIGA XORAYNTA OGADENYA hub iyo saanad kale oo ay wadanka kaga kociso gumaysiga Itoobiya waa yaabe hadiiba ay jabuuti oo ah dal ay degaan dad soomaliyeed oo walaalaheen ah siiyaana ONLF hub ay iskaga difaacdo cadawgeeda wadanka ka haysta oo ah Axmaaro, maamulka waqooyi ma Axmaaraa maxaase ka galay? hadayba ONLF Axmaaro la dagaalami ma iyagaa Axmaaradu? saw in ay wax kala fahmaan maaha inta hadal afkooda ku jiro.

Eedaymahaas  nafla caaridnimada ah ayaa waxaa laga yaabaa inay keentay arimahan midood.

  • Inay kaliftay jahawareerka haysta kooxaha ku xayndaaban magaalada Hargays
  • In ay kaliftay maadaama kooxahaas hore dab uga dhexshideen labada shacab ee waqooyi iyo shacabka Ogadeniya oo ay leeyihiin aad sii huriseen maadaama ay rabaan uun wax shacabku kaga jeedo.
  • In ay sababtay cabsi ay ka qabaan ciidanka qalabka sida ee ONLF maadaama ay kooxdani tahay daba dhilif Xabashiyeed.
  • Maadaama kooxahani siwayn u asqaysan yihiin kadibna inta dagaalka si wan looga guulaystay u maleeyeen in ciidanka xoogan leh ee galin wax ku maaruqay ka mid ahaayen cutubyo kamid ah ciidanka qalabka sida ee ONLF..
  • In mar hadiiba dagaalka lagu jabiyey ay iskaga afgobaadsadeen maadaama xoogoodii gelin hore laga dhigay, horena ugu dhiiran waayeen in ay xabad qashka siiyaan aagga laas caanood.

Jahawareerka haysta kooxdani maaha midku eg inta fadhida meesh ay ugu yeedhaan madaxtooyada ee waxay ku faaftay guud ahaanba inta aaminsan fikirka aan laga fiirsan ee iska qoqobida shacab waynaha soomaliyeed taasi oo ku dhalisay in ay dadka Soomaliyeed oo dhan dhinac iska mariyaan .

Nidaamka ay ugu yedheen in ay kaga go'ayaan Soomaaliya ayaa waxa ay fikriyan qaateen in ay ku gaadhi karaan ka fogaanshaha Soomalid in ay tahay jidka ay ku helayaan in ay dib ugu laabtaan mustacmaradii Elzabeth.

Taasi waxa ay dhalisay in ay kala garan waayaanba guud ahaanba dadkii Soomalaiyeed ee ay sida wayn u yaqaaneen kala saari waaayeena waxay yihiin.

Waxaa kamid ah cadaymaha in ay isku dhexdaateen kala garanaynina waxa ay raadin iyo cida ay ka raadin dadka ay dhulkooda leeyihiin waxa uu kamid yahay gobolada ay ugu yeedhaan soomaliland ayaa ay dadka dega ku tilmaami FAQASH, DABA DHILIFKA MAJEERTEENIYA , DABA DHILIFKII AFWAYNE.IWM.

Sidoo kale waxay kooxdaasi la dagaalameen guud ahaanba dadka soomaliyeed jabuutina alla hakayeelee, aaminsan yihiin in ay yihiin cadawgooda keli ah ee ay iska ilaalinayaan halka saaxiibkooda ugu wanaagsan ay u yaqaanaan Axmaarada iyo Yuhuudda!.

diyaarintii Hereri Haji

Nairoobi

Kenya
<hereri01@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


MADAXWAYNAHA SOOMAALIYA  OO UMUUQDA IN UU HELAY KAL SOONIDA HOGAAMIYAASHA SIYAASADA
Kulamo xiriir ah oo uu madaxweynaha DFKMG la yeeshay hoggaamiyayaasha Siyaasada ayey u muuqataa in uu.. Guji..

MADAXWAYNAHA DFKMG OO KA DHURSUGAYA XUBNAHA BAARLAMAANKA IN AY IS WAA FAJIYAAN QODOBADA 46-47  Si uu u magcaabo wasiirka koowaad...  Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD