
Madaxweyne Abdulahi Yusuf oo kor u haya
gacmaha ra'iisul wasaaraha cusub
Ali Mohamed Ghedi, Kenya Nairobi,
November 3, 2004.... Sawirka: Reuters |
Madaxweynaha Dowlada FKMG ah ee
Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmad ayaa
caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay Ra'iisul
wasaaraha Dowlada FKMG ah ee Soomaaliya
Cali Maxamad Geedi oo aan ka mid ahayn
Xubnaha Baarlamaanka Balse Maanta uu
Xilkiisi u baneeyay Maxamad Cumar Xabeeb
maxamad Dheere.
Munaasabada lagu magacaabayay wasiirka
kowaad oo ka dhacday Norfak Hotel ee
Magaalada Nairobi,ugu horeyn waxaa hadal
gaaban soo jeediyay Madaxweynaha oo
sheegay dadaal dheer iyo la tashiyo
badan in ay ku suurta gashay in caawa
magacaabo wasiirka kowaad nasiibna uu u
yeeshay in jagadan hayo shanta sano ee
KMG ah Cali Maxamad Geedi oo aan horey
uga mid ahayn baarlamaanka.
Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamad Geedi
oo ka hadlay munaasabadii lagu
magacaabay ayaa sheegay in uu Dowlada ku
soo dhisi doono Mudo 30 Maalmood
gudahood ah,waxa uuna balan qaaday in
sida xilka loogu dhiibay uu u gudan
doono.
Wasiirka
Cusub oo aan wadno wali baaritaan ku
saabsan taariiqdiisa waxa uu ka mid ahaa
xubnihii aadka loo hadal hayay in ay ku
guulaysan doonaan wasiirka koowaad,ama
madaxweynaha uu damacsanaa in uu
magacaabo balse kala tashaday beesha uu
ka dhashay (Abgaal) waxayna siyaasada
ahaan iyo isku dhawyihiin Maxamad dheere.
Codbixintii Baarlamaanka ee Maanta oo ku
saabsanayd labada Qodob ayaa mid ka mid
ahi qodobadaas (47)uu ka baxay Axdiga
KMG ah kadib markii codka uu u batay in
wasiirka kowaad laga qaato oo kaliya
gudaha baarlamaanka,waxaana qaar ka mid
ah baarlamaanka ay soo jeediyeen hadii
banaanka laga qaato wasiirka kowaad in
mudane beeshiisa ah uu xilka ku wayn
doono.
Taariiqda.
waxa uu
dhashay 1947 Shabelada dhexe.
waxbarasho
Dugsi/hoose/dhexe illaa sare magaalada
Mogadisho.
waxa uu ka
baxay Jaamacada Gahayr.
Shaqooyinkiisi.
Waxa uu
macalin ka noqday jaamacada Gahayr
sanadihii 1980-90.
Xiligaas
waxii ka dambeeyay illaa hadda waxa uu
ka shaqeynayay hay'daha samafalada ee
Somaliya ka Shaqeeya.
Wasiirka
waxa uu ku sugnaa sanadihii ugu
dambeeyay magaalada Nairobi isagoo la
shaqaynayay Hay'daha ka shaqeeya
samafalka Somaliya.
NB.Taariiqdan
waa mid kooban laakiin iyadoo
dhamaystiran waxaan ku howlanahay inaan
helno saacadaha soo socda hadii Alla
Idmo.
Anab
Mohamoud Abdulle <canabmumtaz@hotmail.com>
WARBIXINTA
LABAAD:::
MADAXWAYNAHA
SOOMAALIYA OO CAAWA U MAGACAABAY WASIIRKIISA
KOOWAAD CALI MAXAMED GEEDI OO MAANTA LOO
DHAARIYAY XUBINIMADA BAARLAMAANKA SOOMAALIYEED
Madaxwaynaha
Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf
Axmed ayaa Caawa ku dhawaaqacay Wasiirkiisa
koowaad Cali Maxamed Geedi waxa ay
magacaabistani ka danbaysay wada tashiyo badan
oo madaxwaynuhu lalahaa shacabka Soomaaliyeed ee
ku sugan wadanka kenya iyo gudaha Soomaaliyiba,
Cali Maxamed
Geedi maanta ayuu ka mid noqday baarlamaanka
Soomaaliya isaga oo galay booski Maxamed Cumar
Xabeeb Maxameddheere oo isagu sheegay in uu uga
tanaasulay Cali Maxamed Geedi,
Cali Maxamed
Geedi waa aqoonyahnkii Labaad ee ka mida Xubnaha
sasare ee Doowlada Federaaliga kumeelgaarka ah
ee Soomaaliye Gudoomiye ku xigeenka Koowaad
eeBaarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar
Dalxa ayaa ah aqoonyahnkii ka horeeyay
Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Caawa la magacaabay
hadab Cali
Maxamed Geedi oo ah nin waayadan danbe ku jiray
Hay adaha Samafalka Macalina ka ahaa kuliyadii
Lafoole ee Jaamacada umada Soomaaliyaa ayaa
calaamo u ah in Doowlada Soomaalida loo
dhanyahay Dhinaca kooxaha iyo dhinaca
aqoonyahanka Taariikhda Cali Maxamed Geedi dib
ayaan ka soo gudbin doonaa Insha alaahu