SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

WARARKA MAANTA::::

  • kulankii baarlamaanka soomaaliya ee maanta oo ansixiyay in wasiirka koowaad laga soo dhaxdoorto xubnaha baarlamaanka Soomaaliya

  • Culimada Soomaaliyeed oo baaq samo ka talin ah u jeediyay madaxda S/land iyo P/land 

kulankii baarlamaanka soomaaliya ee maanta oo ansixiyay in wasiirka koowaad laga soo dhaxdoorto xubnaha baarlamaanka Soomaaliya

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya, Nairobi Somalitalk

Kulankii baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si habsami ah uga furmay madasha shirka soomaalida ee Mbagathi kulankaa waxaa ka soo xaadiray 220 Xidhibaan.

Kulankaa waxaa gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya  Shariif Xasan Sh Adan ,

Dhinaca kale waxaa maanta u tana sulay Cali Maxamed Geedi oo ku wareejiyay Xubintiisii Xidhibaanimo Maxamed Cumar Xabeeb Maxamedheere Hogaamiye kooxeedka Maxamed Cumar maxamed dheere waa Hogaamiye kooxeedkii labaad ee aan ku jirin xubnaha baarlamaanka Soomaaliya waxa uu la baynayaa Jan Maxamed Xirsi Saciid Morgan,

Hogaamiye kooxeed Maxamed Cumar Maxameddheere ilaa iyo xiligii la caleemo saray madaxwaynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed kama uusan soo xaadirin kulamadii baarlamaanka ,

Ma cada in Maxameddheere la shaqayn doono Dowlada Madaxwayne Cabdulaahi yuusuf. 

Dood iyo falanqayn badan ka dib waxaa la guda galay in loo codeeyo si qarsoodiya qodobadii 46-47 oo kala sheegayay in Wasiirka koowad ka imaan karo banaanka iyo gudaha baarlamaanka Soomaaliya waxaana xaaladii ku soo gaba gaboowday Sidan  

122 Cod gudaha iyo dibada

 96 Cod Gudaha

  2 Cod way haloowday  

hadaba sida sharciga yahay waxaa loo baahanyahay 184 Cod  oo muushinka ansixin karta sidaas ayaana lagu qaatay in gudaha uun uu ka imaankaro wasiirka koowad  iyadoo dad badan oo aqoonyahan Soomaaliyeed ah halkaa fursadoodii ku luntay.

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya, Nairobi Somalitalk


Culimada Soomaaliyeed oo baaq samo ka talin ah u jeediyay madaxda S/land iyo P/land 

       Culimada ugu waaweyn ee ay leedahay bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibaddaba ayaa u jeediyay madaxda S/land iyo P/land baaq nabdeed oo ku aaddan dagaalladii dhawaan ku dhexmaray labada dhinac tuulada Adhcaddeeye ee degmada L/caanood. Culimadu waxay ku muujiyeen qoraalkooda tiiraanyada iyo murugada weyn ee ay ku hayso colaadda dhexmartay dadka walaalaha ah. Waxay kale oo carrabbaabeen culimadu in dhiigga xaqdarrada lagu daadiyo yahay xaaraan iyo dambi weyn, haddana ay sii dheertahay dagaalkaan oo dhacay bisha barakaysan ee Ramadaan. 

       Culimadu waxay soo jeediyeen talooyin ay tahay in lagu dhaqaaqo si loo xalliyo khilaafka ka dhex taagan labada dhinac, waxaana ka mid ah:

1- In si degdeg ah loo joojiyo xabbadda.

2- In ay labada dhinac oggolaadaan wadahadal iyo dhexdhexaadin ay sameeyaan culimada, salaadiinta iyo waxgaradka soomaaliyeed.

3- In waxyaabaha la isku hayo loo celiyo, loona bandhigo shareecada Islaamka. 

       Culimada soomaaliyeed oo ku caanbaxay heshiisiinta, walaalaynta iyo ka shaqaynta danta guud ee bulshadooda ayaa tillaabadaani tahay mid laga sugayay ayna mudnaayeen, waxaana hadlkooda ka muuqata kalsooni weyn oo ay ku qabaan madaxda ay baaqa u jeediyeen. Dadweynaha deegaanadaas oo lagu yaqaan qadarinta ay u hayaan diinta iyo culimada ayaa aad loogu rajoweyn yahay in ay u hoggaansami doonaan baaqa culimada iyo ku kala bixista Shareecada Islaamka, Rabbina waxaan ka baryaynaa in uu dhexdhigo dadkeenna nabad iyo walaalnimadooda oo ay sii adkeeyaan. 

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada
dacwah@hotmail.com  

Hoos ka Eeg baaqa culimada

 

BAAQ FURAN: OO KU SOCDA MADAXDA SOMALILAND IYO PUNTLAND       

UJEEDO: SAMO KA TALIN DAGAALKA GOBOLKA SOOL 

Waxaa tiiraanyo iyo murugo u ah dadka Somaaliyeed ee jooga dibed iyo gudoba, gaar ahaana culimadda diinta ee Soomaaliyeed, guud ahaana muslimiinta oo dhan dagaalkii dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Puntland.

Iyadoo siddeeda dhiiga muslimiintu oo la daadiyaa sharci la'aan ay xaaraan iyo dembi wayn tahay waxaa ka sii xag jira waqtiga la jiro bisha Ramadaan ee barakaysan. 

Si loo xaliyo khilaafka labadda dhinac, culimadda soomaaliyeed ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin iyo in badan oo ay magacyadooda ku hadlayaan waxay madaxda Somaliland iyo Puntland ugu baaqayaan arrimaha soo socda:

1. Inay si degdeg u hirgeliyaan xabad joojin dhab ah;

2. Inay oggolaadaan wadahadal iyo dhexdhexaadinta guddi ka kooban culimo, isimo iyo waxgard Soomaaliyeed.

3. In arrimaha laysku hayo loo celiyo laguna dhammeeyo shareecadda Islaamka. 

Culimadda baaqan soo saartay: 

  • 1. Sheikh Shariif Cabdinuur Xassan                       Makkah
  • 2. Sheikh Cumar Faaruuq                                        Jabuuti
  • 3. Sheikh Cali Warsame                                          Burco
  •  4. Sheikh Maxamed Cumar Dirir                            Hargeisa
  • 5. Sheikh Cabdulqaadir Nuur Faarax                      Garoowe
  • 6. Sheikh Mustafe Xaaji Ismaaciil                          Norway
  • 7. Sheikh Maxamed Idriis Axmed                           USA
  • 8. Sheikh Cabdinaasir Xaaji Axmed                       Laascaanood
  • 9. Sheikh Yusuf Aadan                                           Hargeisa
  • 10. Sheikh Cabdulwaaxid Xaashi                           Laascaanood
  • 11. Dr. cabdulqaadir Maxamed C/laahi                  Bosaso
  • 12. Sheikh Cabdullaahi Makkaawi                         Hargeisa
  • 13. Sheikh Maxamuud Salaad                                 Laascaanood
  • 14. Sheikh Daahir Cabdi                                         Bosaso
  • 15. sheikh Maxamuud Ciise                                    Makkah
  • 16. Sheikh Axmed Daahir                                        Bosaso
  • 17. Sheikh Cabdiraxmaan Sh. Cumar                      USA
  • 18. Sh. Maxamed Abdi Umal                                   Nairobi
  • 19. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan                         Bosaso
  • 20. Sh. Maxamed Sh. Cisman                                    Nairobi
  • 21.   Dalladda Culimadda Muqdisho                          Muqdisho                 
  • 22. Sheikh Ibraahiim Sh. Maxamed                            USA

WIXII FAAHFAAHIN AH KALA SOO XIRIIR: 

SH. MUXAMAD IDRIS AXMAD - IMAAMKA MASJIDKA IBNU TAIMIAH – COLOMBUS – OHIO   USA

HAATANA JOOGA MAKKAH AL MUKARRAMAH

TEL: 966509596875 E-mail: Muhaajir@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor [Silsiladda Taariikhda Islaamka]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
 

 



HTML CD