Ammaanka
Soomaaliya waa Udub dhexaadka
jiritaanka Dadka Soomaaliyeed
w/Q Ahmed Qassim FArah
caatoos@hotmail.com
Dawladda cusub ee dhawaan lagu dhisay dibadda
dalka, Kenya waxaa sugaya hawl aan yareyn. Hasayeeshee, waxa ugu horeeya ee
ay hadal hayaan dadka Soomaaliyeed iyo bulsho weynta caalamka waxa ay tahay
"Hub kadhigista" - Disarmament. Hadaba, sidee bay sahal u noqon kartaa in
hawl gal hubkadhigisa loogaga fuliyo dalka Soomaaliya oo mudo 13 sano ah
kusoo jiray dagaalo sokeeye iyo is bar bar yaacii dhibaatadda badnaa? Bulsho
walba oo caalamka kunool waxa ay qaab nololeed keedu kudhisan tahay qaab
dhismeed ay degsadeen, sida in la helo (b) amni, (t) hoy, (j) cuno, (x) biyo
iyo (kh) waxbarasho. Bulshada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan ba waxa ay
kawada siman yihiin baahida loo qabo qodobada aan kor kusoo xusay. Balse,
qormadan waxaan si faah faahsan ugaga hadli doonaa "amniga" hubka dhigista.
Ammaanka: Caalamkan aynu kunool
nahay, wax waliba waxa ay kudhisan yihiin kala dambeyn. Hadii aysan jirin
kala dambeyn wax walba uma ay dhacayaan sida loogu talagalay. Dawladda cusub
ee uu hogaaminayo, C/llaahi Y. Faarax, waa middii labaad ee ceynkeeda ah oo
lagu soo dhiso dalka dibaddiis. Waxa ay ahaayeen, iyada iyo middii
kahoreysayba tilaabooyin loo qaaday dhanka san. Hasayeeshee, hal cillad oo
soo wajahday dawladdii kahoreysay middan, waxa ay aheyd inay ku guul
dareysatay wax kaqabashada xaaladaha amniga oo udub dhexaad u ahaa
jiritaankeeda, halka dawladda cusub ay hormarisay ama ay muhiimadda siisay
xaaladaha ammaanka. Mar walba oo ladoonayo in maamul uu meel maro
hindise-hiisa waxaa loobaahanyahay in la helo, cuddad ciidan iyo shacab
taageero buuxda u haya maamulka, "dawladda".
Mararka qaarkoodse, shacabku waxa ay iska
indhatiraan dhibaatooyinka ay ku sugan yihiin, sida shacabka Soomaaliyeed.
Hadii ay dhacdo in shacabku ay garan waayaan dantooda, waxa jira dadyaw ay
iyagu u xilsaarteen inay matallaan ilaa heer maamul oo ay soo doorteen.
Sidaas darteed, shacabka rabitaankooda waxa ugaga masuul ah masuuliyiintooda
oo ay u xil saarteen danahooda. Arinta ammaanka maaha mid sahlan ama la
dhayalsankaro. Waayo, waxa ladoonayaa in dib loogu soo celiyo kala dambeyn
dal muddo 13 sano ah kusoo jiray dagaal sokeeye iyo dagaalo aan ahmiyaddooda
sidaasi usii buurneyn.
Sida aynu kawada dhageysannay idaacadaha ama
aynu ka aqrinay jaraaiddada caalamka. Madaxweynaha dawladda cusub waxa uu
kacodsaday in lasiiyo ciidan tiradiisu ay gaareyso 15,000 ilaa 20,000 oo
African ah. Dalalka ku bahoobay 'African Union', waxa laga filayaa inay
ciidamo udiraan dalka Soomaaliya, balse aragtida shacabka Soomaaliyeed ee ku
aadan ciidamada shisheeyaha ah ee iman doona dalka waxa ay u muuqataa mid
murugo leh. Soomaaliya maanta waxa ay joogtaa heer laga samata bixiyo qori
caaraddii oo ay soo saarneyd muddo 14 sano kudhawaad ah. Ummadda
Soomaaliyeed maanta majoogto heer ay tahay mid xulasho leh. Maah maah
shisheeye ayaa oraneysa, "Tuugsade Xulasho umaysan sugnaan". Hadii
aynu nahay Soomaali, maanta majoogno heer aynu niraahno waxaan rabnaa
ciidamo sidaas iyo sidaas ah. Balse waxa aynu kujirnaa xaalad u baahan gar
gaar deg deg ah, dadyawga inoo fidinayana waa dadyaw aan nagu af, diin,
jinsi iyo dhaqan toona aheyn. Waxaan kusoo jirnay dagaal aan jid iyo jaho
toona laheyn in muddo ahba.
Marka aad dhex marto dadka Soomaaliyeed
gobolkasta oo ay kunool yihiin ba waxa ugu horeeya ee ay afka ku dhuftaan
waa, "Alloow Dawlad Nasii". Shacabku waxa uu u muuqdaa inuu kadaalay
dagaalkii una baahan yahay dawlad iyo jiritaankoodii oo dib loo soo celiyo.
Balse wali waxa ay kusugan yihiin xaalad ay yihiin kuwo taageeraya dadyaw
dano gaara wata oo doonaya inay kumeel marsadaan dana hooda gaarka ah ka hor
imaasho ay ka hor imaadaan hindisaha dawladda cusub ee dib u hanashada
xaaladaha amaanka ee dalka. Dhamaan dadyawga Soomaaliyeed meel walba oo ay
joogaan ba way daney nayaan dawlad uu dalka yeesho iyo kala dambeyntii oo
dib loo helo. Laakiin, wali waxa ay ka eegayaan arinta taagan ee maanta
dalku uu kusugan yahay dhanka xun. Waa run ciidamo ajnabi ah oo dalka
lakeeno inay dalka soo geliyaan cuduro aan dalka horay uga jirin, dhaqamo
aan horay loo aqoon, iyo diimo aan aheyn tan Islaamka ee xaqa ah.
Aqristoow, wax walba marka la qiimeynayo waxa
ay leeyihiin faaiido iyo khasaare labaduba, balse marka lais bar bar dhigo
faaiidooyinka iyo khasaarooyinka ayaa waxa loo gudbaa waji xulasho ah.
Wajigan xulashada ah waxa laqiimeeyaa hadba kii badan (faaiidooyinka iyo
khasaarooyinka). Tusaale ku haboon arintan waxa noqon kara, "Maanta
Soomaaliya waxa looga yaqaanaa meelo badan oo caalamka kamid ah, 'godkii
maddoobaa ee dawlad la'aanta' waxa ayna soo martay sadex iyo toban sano oo
dawlad la'aan ah, in dawlad dib loo helana waa danta guud ee dalka iyo dadka
Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba. Hadii aan lahelin dawlad, dadkii
way cirib tirmayaan oo waxaa ka qaalib noqonayo dagaal ooge mooryaanoon diir
naxeyn. Hadii dawladda cusub ay kuguuleysato inay hesho ciidamo ammaanka
suga oo dalka lakeenana, waxa uu dalku qarka usaarmayaa in cuduro badan oo
aan dalka kajirin ay soo galiyaan ciidamada iman dooan. Sidoo kale waxa
macquul ah iyana in ay saameyn kuyeeshaan dhaqanka iyo diinta oo ay barxaan".
Hadaba, xaaladdu waa "Laba daran mid dooro".
Hadii aynu nahay Soomaali waxa aynu hubnaa,
hadii aan dawlad lahelin inay naga qaalib noqon doonaan qab qab layaal aan
marnaba faaruqineyn danahooda gaarka ah. Halka, hadii dawlad la helo oo ay
imaadaan ciidamo shisheeye ah ay dhici karto inay cudur soo galiyaan dalka
ayna misena dhici karto inaysanba soo galin. Suura gal nimada ay ciidamada
shisheeye cudurada ku gudbin karaan waa kuwo aad u hooseeya. Halka, suura
gal nimada ay dagaal oogayaasha dib ugu afduuban doonaan shacabka
Soomaaliyeed uu aad uga sareeyo marka loo bar bar dhigo qodobka keenidda
ciidamada shisheeye.
Had iyo dan, xal u helidda xaaladaha ceynkan
oo kale ah waxa ay u baahan yihiin in la qabto dooddo ay ka qey qaataan
dadweynaha Soomaaliyeed kooda yar iyo kooda weyn intaba.Websites ay
Soomaalida leeyihiin ee ay gacanta ku hayaan iyo idaacadahu, waxaan yara
dareynsiin lahaa inay haboon tahay inay qabtaan dooddo loogaga hadlayo
arimaha taagan sida, "Ciidamo shishiiye oo dalka lakeeno sidee u aragtaa?"
Si qof walba uu aragtidiisa uga kadhiibto arinta ammaanka iyo xasiloonida
dalka maadaama ay tahay arin si guud dadka soomaaliyeed u saameynaysa.
Ahmed
Q. Farah
caatoos@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004
Habnololeedka
Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor
[Silsiladda Taariikhda Islaamka]
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|