Ciidan iyo caasimad
Shaafici
Xassan Maxamed
Gothenburg Sweden
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
Arrin sharci darro weyn ah
oo qaynuunka iyo caqligaba la gabomaray baa waxa ay Nayroobi ka dhacday
tobankii Oktoobar sannadda 2004. Doorashadii madaxweynaha warreeggeedii
labaad buu mid tartameyaashii ka mid ahaa waxa uu codbaxiyeyaashii ka helay
56% (boqolkiiba konton iyo shan), taas oo ahayd in uu helay aqlabiyaddii
codbaxiyeyaasha oo uu macneheedu ahaa in ay doorashadii dhammaatay, oo
markaas laga bilaabo uu asagu ahaa madaxweynihii Soomaaliya.
Doorashadii oo sharci ahaan
dhammaatay baa waxaa la sii waday doorasho kale oo aan qaynuunka iyo caqliga
midna ku saxnayn, waayo qofku aqlabiyadda codbaxiyeyaasha kalsoonidooda
markii uu helo ka dib ma uu aha musharrax ee waa madaxweyne. Sidaas awgeed
wareeggii saddexaad waxa uu ahaa laqwi iyo lunsanaaan oo sharci ahaan waxa
ay doorashadii ku afjarantay wareeggii labaad. Wareeggii saddexaad oo sharci
darrada ahaa buu waxa uu helay 71%, waana wareeg uu intii aan la bilaabin
ahaa madaxweyne, oo aysan waxba ka jirin markii la raaco qaynuunka.
Baraarujintaas kooban oo ka
baxsan ujeeddada uu qoraalkaani u abuurmay waxa aynu uga jeedna in uusan dib
u dhacin khalad sharciga iyo xisksa sidaas u garabmarsan oo ku saabsan
doorashooyinka soomaalida. In la iska socdo ayada oo aan qaynuun la
cuskanayn waa waxa daneheennii oo dhan kharribay, waana in hadda ka dib la
ogaadaa in ay doorashada noocaan ahi afjaranto markii uu qof helo in kala
bar ka badan codbaxiyeyaasha kalsoonidooda.
Ereyga ciidan waxa uu ka
mid yahay kalmadaha soojireenka ah, waxa uuna leeyahay labo macne oo kala
duwan. Macnaha kowaad waa qof ama dad kasta oo shaqo loo baahnaa qabta,
waxaana waayadii hore ereyga macnihiisa buuxin jirey dadka xoolaha raaca ama
ceelasha wax ka waraabiya. Shaqo kasta oo yar ama weyn qofkii qabtaa waxa uu
qaadan karaa ereyga ciidan, siiba markii ay shaqadu joogto tahay oo ay soo
noqnoqoto.
Maxamed Cabdulle Xassan baa
waxa uu carabta ku tilmaamay dad aan ciidan ahayn, waxa uuna malaha uga
jeedey in aysan wax shaqo ah qaban karin, oo aan sidaas awgeed waxtar la
weydiisan karin, waxaana uu yiri hadal mindhaa sidaan ahaa:
”Nimankii
canbuurrada xumaa, ciidan ma ahayne”
”Waxtarid” iyo ”waxqabad”
guud ayuu malaha uga jeedaa ciidanka, waxaana macnahaas mid la mid ah niman
soomaali ah ku liidey Aadan-Carab, oo yiri:
”Waxba yaan canbaarayn dad
aan, ciidanba ahayne”
Ciidanka xoolaha
raaciddooda iyo dhaqaalayntooda ah waxaa waayadii hore lagu xasuusan jirey
qofka madiidinka ah ama qabbaanka ah ama qawsaarka ah, oo reero uusan u
dhalan xoolaha u raaca si uu noloshiisa iyo aayihiisa ugu helo waxyaalaha
daruuriga u ah, waxaana ciidanka noocaan ah gabay ku sheegay Cismaan
Keenadiid, oo yiri:
”Kuwo reer ka ciidamin
jiraa, caarran waayaha’e”
Ciidanka shaqada iyo
waxqabadka guud ku salaysani aad buu murtida soomaalida ugu soo noqnoqdaa,
waxaana midka shubitaanka ceelasha ah gabay ku daray mudane Khaliif shiikh
Maxamuud Saciid, oo naftiisa ku yiri:
”Curyaan laaban oo jiifah
baan, ciidan kuu tarine
In uu ceel Walwaaleed
shubaa, waa ka caariyo’e”
Macnahaas guud waxaa
jira macne ka uruursan oo ah dad hubaysan oo si maamulan oo siyaasadaysan u
wada shaqeeya, waana macne aad u xoog batay muddadii dawladnimada la isku
hafray, laakiin macnahaani weligiis waa uu jirey, oo waxaaba laga yaabaa
mirkii gabayga ahaa oo Maxamed Cabdulle uu carabta ku xaqiray in uu
macnahaan ula jeedey, waxaase si qeexan u badan gabayo soomaaliyeed oo uu
ereygu macnahaan danbe yahay, waxaana ka mid ah:
“Cudud kula dhaqaaqdiyo
Allaa, ciidan kuu fidine
Anna caafimaad talo
qabtaan, ku callimaayaaye
Culuumtayda maqal waa mid
aad, ka cabbi doontaaye”
Si toos ah baa waxaa
mirahaas Khaliif shiikh Maxamuud looga dareemayaa in uu ciidanku yahay mid
hubaysan oo habaysan, waxaase ka sii qeexan mirarkaan kale oo uu isla
gabyaagaasi ciidanka noocaan ah ku sheegay:
”Cilmi baan u leeyahay in
aan, cidi u aarayne
Maxaan ’ciidamowda’ u
hayaa, lagala caalwaaye?”
”Ciidamin” iyo ”ciidmid”
waxaa muuqata in ay kala dhadhan geddisan yihiin, oo dareenka qofka af
soomaaliga xoogaa ka yaqaan waxa uu ereyga danbe ku samaysanayaa shucuur ka
duwan midda hore. Waxaa ciidamin kara ilma saqiir ah keli ah, laakiin
”ciidmid” waxaa ka muuqda hub iyo olole ay ka qaybqaadanayaan dad waa weyn
oo isku ujeeddo ah, iskuna dubbadhacsan.
In kasta oo uu ereygu
labadaas waji leeyahay haddana waxaan tuhusanahay in uu asalkiisu ahaan
jirey macnaha shaqada ah oo guud, maxaa yeelay ”ciidanxumo” iyo ereyo kale
oo la mid ahi hub iyo siyaasad midna kuma ay saabsana, isla markaas dareenka
dadka aan reer magaalka ahayn waxaa ku badan macnaha uu ereygu shaqada
yahay.
Haddaba ereygaas uu malaha
asalkiisu ”shaqaale” la mid ahaa waxaa jajuubay oo siyaasadda iyo hubka
xaggooda u raray in shaqada ugu lamahuraansan oo xoolodhaqatadu u
baahnaayeen ay ahayd rag isku duuban oo wax u soo dhaca ama difaacooda u
suga. Sidaas awgeed ereygii shaqada oo dhan khuseeyey baa waxaa loo afduubay
shaqo ay dadku aad ugu baahnaayeen oo gaar ah.
Markii uu ereygii magaalo
soo galay ayaa waxaa sii xoogaystey macnihii danbe, oo waxa uuba noqday erey
aan shaqo kasta lagu soo xasuusan ee gaar ah. ”Ciidan” iyo ”shaqaale” oo
awal isku macne ahaa baa waxa ay yeesheen dhadhammo kala duwan, oo ereygii
”ciidmid” baa waxa uu isku ballaariyey aaggii oo dhan, waxaana ”ciidamin”
booskii ka riixdey ”shaqayn”.
”Shirkad baan ka
ciidamiyaa” ama ”warshadda ciidankeeda” haddii ay dadka magaalooyinka joogaa
maanta maqlaan waxa ay dareemayaan af aan la caadaysan oo uu dareenkoodu ka
didayo, laakiin qofka reer miyiga ahi waxa uu dareemayaa af soomaali fiican
oo la fahmi karo.
In aynu ereyga labadiisa
dheeg gabayada kala duwaya iyo sida uu u xuubsiibtey sii dabaalanno uma aynu
baahnin, oo sidaas darteed waxa aynu uga sii tallaabaynaa waxyaalaha eegga
inaga galay kalmaddaan iyo baahida xagga siyaasadda iyo maamulka loo qabo.
Labada nuxur oo ereyga
markii dawlad midaysan ama qaran la noqday mid kastaa waa uu sii xoogaystey,
oo macnihiisa ”shaqaale” ahaa waxaa laye loo helay hay’ado, warshado,
mashaariic iyo arrimo aan la soo koobi karin oo laga ciidamiyo.
Wajiga kale oo ah dad isku
dubbaridan oo xagga hubka ama sharciga gaarsiisan heer shacabka ka duwan aad
buu u xoogaystey. Waxa ay dadyowga kala duwani meel kasta oo ay joogaan sida
badan maanta leeyihiin ciidan badan oo aag ballaaran ku baahsan oo isku
ujeeddo ah isku qaab uga hawlgala, kuwaas oo shacabka ka xoog badan.
Inta ciidanka lagu
talaxtegey ayaa waxaa laga dhigay noocyo kala duwan oo uu macaga ”ciidan” ka
dhexeeyo, hase yeesho ee habkooda shaqadu uu sida biyaha iyo subagga u kala
miiran yahay. Sidaas darteed ayaa ereyga ”ciidamada” la yiraahdaa, oo aan
aalaaba la oran ”ciidanka” haddii aan la qeexin nooca uu yahay sida
nabadsugid.
Gumaysigii soomaalida baray
in ay xudduudo iyo astaamo qaran yeeshaan waxa uu habaabiyey fakarkii
ummadda, oo xagga ciidanka iyo xagga shaqaalaha kale waxa ay ka qaateen
qiyaasaad nololeed oo aan fiicnayn. Horta muddadii ay soomaalida
gumaysanayeen wax shaqo ah oo aan ciidan ahayn ma ay barin, shacabka
soomaaliyeedna midnimo uma ay yeelin, oo ciidankii gumaysigu soomaalida ka
samaystay wax loola jeedey soomaalidu tan iyo haddeer ma ay oga! Xataa
qofkii ka mid ahaa waxa uu ogaa in uu mushaar iyo nolol shakhsi ahaaneed u
galay iyo in uu helay tabobar iyo nadaam uu sida diimaha oo kale iska
xambaarsanayey ee uusan hubin ama dareensanayn yoolka lagu gaari dooney in
uu dhab yahay.
Horta ciidan ummadeed
muxuu yahay? Inta aan dadka ciidan loo yeelin malaha waa in ay dano u
midaysan yihiin, isla markaas ciidanka ay yeelanayaan waa in uu baahidooda
ku saabsan yahay ee uusan baahi kale u dhisnayn. Gumaysigii haddii uu rabi
lahaa in ay soomaalidu noolaadaan uma uu sameeyeen ciidan badan oo juhalo ah
oo aad u hubaysan, ee waxa uu u samayn lahaa shaqaale badan oo xirfado kala
duwan leh.
Waxaa hubaal ah in aysan
soomaalidu xilligaas hortiis haysan hub macne leh, waxa ayna ahaayeen dad
baahan oo ay ku xeeran yihiin bado, oo xoolo badan dhaqda, isla markaas dhul
wax laga beeri karo deggan. Soomaalidu waxa ay u baahnaayeen oo ay niyad iyo
xiiso weyn u hayeen in ay lacag iyo magaalo helaan, waxaana u daliil ah sida
ay dhallinyaradu ugu qamaameen in ay galaan ciidankii gumaysiga.
Markii uu gumaysigu
yimid waxa ay awoodeen in ay shaqooyin ka abuuraan badda iyo birriga
soomaalida, oo ay dadku ku shaqeeyaan lacag iyo dhar, isla markaas ay
bartaan warshadaha iyo qalabka ay gumaysigu hayeen, oo xagga dhulka iyo
xagga baddaba ay soomaalidu ku khayri lahaayeen.
Soomaalidii oo aan
noloshooda waxba laga doorin baa waxaa laga qoray kumannaan askar ah, oo
jimicsi iyo qoryo la barayey, kuwaas oo bulshada ay booliska u ahaayeen aan
waxba laga beddelin, laakiin la isku sii diray oo loo badiyey madaxdii
qabyaaladda oo ay maanta soomaalidu u yaqaanniin madaxdhaqameed.
Madaxdii jahliga oo hore
ayaa xagga siyaasadda la dhiirrigeliyey oo la badiyey oo weliba
dhaqanxumooyin hor leh la baray, xagga ilbaxnimadana waxaa dadkii muraayad
looga dhigay dhallinyaro xoolodhaqatada u badnaa oo la baray qoryo iyo
gaardiyid. Xaggii hoggaanka waxaa xoogaystey oo la tarmiyey juhalo
qabyaaladda wax ku haga, xagga shaqadana waxaa la isku guray ciidan gumaysi
oo dalkiisii aan ka keenin wax aan qoryo iyo rasaas ahayn!
Dad aan madax macquul ah
lahayn oo aan wax shaqo ah haysan in ay xoolo raacaan ma ah ee ayaa ciidan
loo samaystay! Wax lacag ah oo aan mushaarka askariga iyo odayga jaahilka ah
ahayn lama helin, isla markaas wax arradtir ah oo dabogaabyada askarta aan
ahayn dalka lama keenin. Xagga cuntada dadkii lama dhaafsiin in ay xoolaha
maalaan oo ay qashaan, oo dadka cuntada badda iyo birriga laga kasban karo
laguma baraarujin, ee waddankii oo qaawan baa waxaa alifyo iyo xiddigo lagu
taxay dhallinyaro aan fahmayn sidii soomaalidu cunto iyo dhar ku filan loogu
heli lahaa, oo ay u sii jiri lahaayeen.
Markii ay gumaysigii
soomaalida isku fasaxeen, oo ay dawlad aan soconayn ku hafreen waxaa batay
noocyadii ciidamada, oo soomaalida oo ay ku filnaayeen xoogaa boolis ah baa
isla markiiba waxaa lagu daray millateri iyo waxyaalo kale oo aan loo
baahnayn. Markii noocyada ciidamada soomaalida loo badinayey wax shaqaale
ahi ma ay jirin marka laga reebo shaqooyinkii hore oo u badnaa in xoolaha
loo kaxeeyo hadba meeshii uu roob ka da’o.
Millaterigu sida la og
yahay waxa uu kor ka difaacaa ummadda, laakiin waa in ay ummaddaasi sida
maraykanka haystaan wax loo difaaco, isla markaas waa in ay leeyihiin cadow
laga difaaco. Soomaalida waxaa geesaha ka xigey, welina ka xiga Afrikaan aan
dhar iyo cunto haysan, ayaguna waxa ay ahaayeen afrikaan aan shaqo, cunto
iyo wax ay cawrada ku asturtaan heli karin. Sidaas awgeed millateri loogama
baahnayn Soomaaliya, ee waxaa loo baahnaa in xoogaa boolis ah oo loo kala
dacwoodo lagu baahiyo dhulka si nabadda loo sugo iyo in laga fakaro sidii
dhar, hoyaad iyo cunto loogu heli lahaa soomaalida. Taas oo uu macneheedu
ahaa in ay aqoon iyo shaqo isla helaan, oo bal la nafaqeeyo oo loo arradtiro
inta aan dagaal la gelin.
Askartii baa la sii
badiyey oo waxaa la gaarey heer aan noocyada askarta la aqoon wax ay ku kala
saabsan yihiin. Millateri aan loo baahnayn waa la iskala gudbey oo waxaaba
dariiq kasta iyo derbi kasta la taagey “guulwade” gaajaysan oo aan
xishoonayn. Intii uu gumaysigu joogey askarigu cunto ayuu heli jirey,
laakiin markii ugu danbaysey dawladdii cadowga ahayd wax cunto iyo lacag ah
lama arag, oo askari kastaa injir buu lahaa.
Qofka soomaaliga ahi
waxa uu ku seexday baqdin iyo baahi, waxaana la gaarey in cadowga keli ah oo
soomaaligu uu noqdo askari soomaali ah oo ay labadooduba gaajaysan yihiin.
Dalkii waxa uu noqday meel cadaab ah oo in laga tago ma aha ee aan dawo kale
lahayn, waxa uuna baabuurka ciidanku markii uu shacabka baahan u muuqdo ahaa
naartii jahannama oo albaabkeeda la furay.
Kuwo koofiyad gaduudan
madaxyada loo geliyey oo ummadda lagu cadaabi jirey baa habeen fiidkii waxa
ay xoog qariskaxoornimo ah ku mareen laami aannu agtiisa marayney. Nin aan
jidka u dhaweyn baa waxa uu yiri: “War waa aynu sigannay”. Waxa aan moodey
in uu fule yahay, waxa aanna ku iri “Inooma ay dhaweyn”, waxa uuna ku
jawaabey “Qof dhar ciidan qaba haddii aad aragtid waa aad sigatay, kuwaanina
kumaba ay sii jiraan”. Waa runtiis oo haddii ay rasaas oodda nagaga qaadaan
macne ma aannu lahayn.
Dadka soomaalida ah oo
inta ay lebbis ama koofiyad ciidan arkeen uu wadnuhu istaagey lama koobi
karo. Inta qof naxdin uu koofiyad ciidan muuqaalkeed ka sasay la waalatay
Rabbi bay u xisaaban yihiin. Inta dumar uur lahaa qarracmay oo dhiciyey lama
soo koobi karo, waxaase ugu darnaa markii uu mid askarta ka mid ahi shardi
ka dhigay in dukaan kasta sawirkiisa oo koofiyad qaba oo lebbisan la suro,
haddii kale dukaanka la xirayo!
Haddii uu qofka shacabka
ahi askarta ka dhuunto oo uu intii karaankiisa ah meeshii ay uga muuqdaan ka
fogaado waxaa naxdin iyo sas ugu filnaa in midkii ugu arxan darnaa
sawirkiisa loo suray meeshii uu rubuca sonkorta ah ka gadan lahaa. Waa sawir
ka daran naartii Jaxiima, oo uusan araggiisa jeclayn! Waa qof u samaysan in
uu jir ahaan, maskax ahaan iyo dareen ahaan kuu cadaabo oo aan la haysan
meel looga dacwoodo iyo meel looga dalaabo.
Markii ugu danbaysey
1990 waxa uu askari kastaa qorigii uu haystey ula dhaqaaqay meeshii
wajigiisa ku aaddanayd, shacabkiina waxa uu gurtay qoryo malaayiin ah iyo
rasaas balaayiin ah. Ciil iyo gaajo ayuu qof kastaa qabey markii uu qorigu
gacantiisa galay, waxaana maskaxdiisa ku jirtey in ay madaxweynaha iyo
dabadhilifayadiisu ladnaayeen intii uu asagu baqdinta, ciilka iyo baahida la
cabbursanaa.
Maxaa ka galay?! Qof kastaa
qori buu haystaa, oo guriga ugu dhow albaabkiisa ayuu gudaha isu dhigayaa,
waxa uuna jarayaa waraaqaha yaal haddii aysan lacag ahayn. Qofkii dhinta
qiimihiisa sow kama ay horrayso in qofka diley uu qiimo leeyahay? Weligiis
dilaaga naxariis looma gelin, mana uu helin wax hadalkiisa qaddariya. Shaqo
iyo xorriyad waxaa ugu horraysey maanta oo uu guri albaabkiis jebiyey, oo uu
wax diley, waxna uu fuulay.
Haddii uu shaqo helay oo uu
sidii loo dili jirey si ka daran wax u diley maxaa ka galay wax kale? Waxa
aan maalin 1990 Disembar arkay nin jabhadda USC ka tirsanaa oo guri
albaabkiis jebiyey, dabadeedna ay asaga iyo kuwo kale oo gaajaysani gurigii
ka soo daldaleen alaabo qubaash ahayd. Mid santuukh iyo khaanad uusan malaha
wax ku jira aqoon la roorayey bay khaanaddii dhulka kaga dhacday, waxaana
alaabtii ka daadatay ka mid ahaa sawir dumar oo bac adag ku jirey. Sawirkii
buu ku xanaaqey oo waxa uu damcay in uu jaro, waxaana ku adkaatay bacdii uu
sawirku ku jirey, dabadeedna waxa uu sawirkii in uu ku jaro damcay ilkaha.
Asaga oo sawirka labada gacnood ku haya oo ilkaha ku rifaya ayaan weydiiyey
sababta uu sawirka dhibta badan ilkaha ugu jagaynayey, waxa uuna asaga oo
caraysan iigu jawaabey ”Afweyney isku jufo yihiinaan u malayhaa”!
Ugaar iyo geedo midna
maanta Soomaaliya laguma arko, xoolihiina haddii aysan geedo jirin ma ay
jiraan. Dhirta iyo noolaha Soomaaliya waxaa ka badan rasaasta iyo qoryaha ku
firdhaday Soomaaliya. Badihii oo aysan cidina lahayn oo malaha sumaysan baa
dabaylo kulul soo afuufaysa. Dabayluhu geed ay ku hakadaan laguma arko
gudaha Soomaaliya, dadkana indhohoodu waa ay wada dhadsan yihiin oo isha
gudeheeda meeshii caddayd ma ay cadda ee waa baroon habeed geel la moodo,
waana calaamadda ugu weyn oo qofka silicsan lagu yaqaan.
Buntukh iyo baahi!
Ciidamada Somaliland iyo Puntland oo isku duulaya waxaa wajiyadooda ka
muuqda rafaad, waxa uuna mid kastaa u qabaa in xaqiisii la dhaafiyey oo la
dulmiyey! Asaga iyo midka kale oo qoryaha iskula soo jarmaaday midna guri
iyo gasiin ma uu haysto, oo qaaxo iyo waalli bay wada qabaan, mushaarna lama
siiyo ee waxaa la siiya casharro been ah oo asaga oo baahan cuqdad iyo ciil
ku sii huriya. Sidaas oo ay tahay waa labada ciidan oo ugu nolol roon dadka
soomaaliyeed oo qoryaha ku raran.
Soomaalida gudaha
Soomaaliya maanta ku jirtaa waa wada ciidan. Waa ciidan aan hay’ado kala
duwan ahayn oo isku wada nooc ah, haddana uu qof kastaa ujeeddo u gaar ah u
ciidmo. Qoriga uu sito xabbadaha ka dhaca tiradooda iyo meesha uu u rido
go’aankooda asaga ayaa gaar u leh. Asaga ayaa dable iyo jeneraalba ah.
Hubka casriga ahi waa wax
halis ah, oo haddii uusan nadaam helin qofkii uu gacanta u galo ayaa dawlad
ah. Sidaas awgeed waxaa gudaha Soomaaliya ka jira malaayiin dawladood oo
kala siyaasado iyo kala hadaf ah, oo aan xudduudo kala duwan lahayn. Qofku
haddii uu qori uusan cidna uga amarqaadan haysto waa dawlad madaxbannaan, oo
waxii ay rabto fulin karta. Dawlad xor ah waxaa hubka ka qaadi karta oo
qabsan karta dawlad kale oo ka sii xoog badan.
Malaayiin iyo malaayiin
qori oo aan isku ujeeddo loo sidan, oo aan kala amarqaadan, oo aan kala
sarrayn, oo ay dadka kala wataa kala shakisan yihiin, oo ay wada gaajaysan
yihiin, oo ay wada jaahil yihiin baa dadkeenna gacnooda maanta ku jira. Wax
shaqo fiican haysta waxaa maanta jira Malakulmawd iyo gaajo oo Soomaaliya
gudeheeda ku xasilay.
Waxaa jira doodo waayadaan
ku saabsan sidii hubka dalka gudihiisa ku jira la isugu keeni lahaa! Waxaa
hubaal ah dadkii loo diro in ay hubkaas mideeyaan in ay dareemi lahaayeen
shaqo aan madax iyo majo lahayni in ay hortaal. Xaggee laga bilaabaa shaqada
ah in malaayiin iyo malaayiin qori oo cabbaysan oo uu midba meel u jeedo la
wajaho, oo isku ujeeddo loo yeelo, oo nadaamo kala duwan oo kala sarreeya
loo habeeyo?
Soomaalida inta jecel in ay
waxa Nayroobi lagu asaasay ka hawlgalaan Soomaaliya oo aan shakhsi ama koox
gaar ah ximinayni waxa ay aragtiyohooda ku aaddiyaan in hawsha ugu weyn ee
maanta soomaalida u taallaa ay tahay in ay dhanka nabadda wax ka qabtaan,
taas oo ah in uu hubku yahay xayiraadda ugu weyn oo ku gudban in ay waddanka
dawlad iyo nololi ka suurtoobaan.
Horta qofka soomaaliga ah
oo samaanta jeceli waxa uu mar kasta ka fogaanayaa in uu qof soomaali ah ama
koox soomaali ah xinif uu u qabo ku dabakho danta ummadda soomaaliyeed oo
maqan, waxa uuna maskax caafimaad qabta ku eegayaa sidii loo daboqaban lahaa
soomaalida dhulka taal oo ay nabad iyo nolol u higsan lahaayeen.
Soomaali iyo cid kaleba
waxaa la isku raacsan yahay in ay Soomaaliya maanta u baahan tahay kaalmo
ajnebi, waxaana in arrintaas la isku raaco keenay in ay wax kastaa eber
yihiin oo aysan soomaalidu waxba ku tillaabsan karin haddii aan wax lala
qaban oo aan la garabjoogsan.
Xagga dhaqaalaha in
Soomaaliya laga caawiyo cidina kama ay muranto, ee waxaa jira hadallo xagga
ciidanka in laga kaalmeeyo ka soo horjeeda. Badanaaba dadka doodaha diidmada
ah ka muujiyey in dhanka ciidamada la inaga caawiyaa waxa ay ka kooban
yihiin dad si kale uga soo horjeeda barlammaanka Nayroobi lagu unkay iyo
xukuumadda dhawaan la taagi doono.
Qofkii yiraahda ”Soomaaliya
yaan lacag lagu kaalmayn” waxa uu ka baqayaa in lala yaabo oo uusan asiibin
meeshii uu dawladda ka jillaafayn lahaa, hase ahaato ee ciidanka iyo hubka
waxaa laga baxin karaa sawirro kala duwan oo qofkii raba in uu dawladda
diidaa waxa uu ka samaysan karaa sawir uu intii ka qaadanaysa tuso iyo
qalloocyo kuu wax ku marinhabaabiyo.
Inta aynaan ciidanka xoogaa
ka oran ayey oraaho kooban oo xagga dhaqaalaha ku saabsan si fudud u
dulmaraynaa. Waxaa cad in dalal iyo ururro badan oo Soomaaliya xagga
dhaqaalaha ka gacanqaban karaa ay jiraan, hase ahaato ee waxaa jira
dhibaatooyin dhaqaalahaas ku saabsan.
Midda kowaad dhanka
soomaalida waxaa lamahuraan ah in la helo dad diyaarin kara oo gudbin kara
qorsheyaal ku saabsan barnaamijyada lagu xallin doono baahida soomaalida iyo
hantida dabooli kartaa inta ay noqon karto. Qorsheyaashaasi waa in aysan
qalloocan ama aan laga ilduufin oo ay xukuumadda la dhisi doonaa noqoto dad
caalamka fahmi kara, isla markaas baahida soomaalida waafajin kara kaalmada
ay suurtaggal tahay in ajnebi laga helo.
Labo dhibaato ayaa dalalka
la caawiyo qabsada, waxa ayna kala yihiin in ay la imaan waayaan qorsheyaal
ay dalalka iyo ururrada wax caawiya kaga keeni karaan waxyaalihii ay ka heli
kari lahaayeen, taas oo sida badan ka timaadda aqoonyari iyo warqab la’aan
haysata madaxda waddamada deeqaha qaata.
Midda labaad waa in
kaalmada la helaa aysan gaarin baahidii loogu talogalay oo dhexda looga
baxo. Sida badan waxaa kaalmada badankeeda afka u dhigta dadkii baxiyey
laftooda oo lacagaha ku qaata shaqooyin been ah iyo turufo ay ugu talogaleen
in ay lacagtu ka soo baxdo meelihii ay tiil oo ay dadkoodu qaataan. Taas
waxaa dheer in waddannada la caawinayo laftooda ay dadka metelayaa yihiin
kuwo aan waddaniyiin ahayn oo ajnebiga la qaraabta, kuwaas oo leexsada
deeqaha dadkooda baahan in lagu horumariyo loo dejiyey.
Labadaas dhibaato ayaa
maanta soomaalida ku soo wajahan, oo markii ay barlammaanku madaxweyne
doorteen oo uu si duuduuban oo guudmar ah u sheegay in ay Soomaaliya kaalmo
dhaqaale u baahan tahay waxaa meelo badan oo caalamka ka mid ah ka bilowday
ololeyaal loogu mindiyo lisanayo in la helay meel kaalmo u baahan oo
dhaqdhaqaaq lacageed uu bilowday.
Adduunka maanta turitaan
iyo axsaan kama ay jiraan oo waxaa wax kasta shamaago u dhigta dad inaga
aqoon horreeya oo aynaan xeeladohooda aqoon, kuwaas oo raba in ay dusheenna
mariyaan gacno isdhaafaya oo aynaan wax ku jira aqoon. Haddaba walwalka ina
hayaa waa sidii aynu uga badbaadi lahayn in deeq iyo dayn wax soomaalida
lagu hafray ay iska qaataan isla dadkii baxiyey iyo soomaali aragti gaaban
oo jeebabkooda iyo jirkooda la cayaaraa.
Dadka soomaalida metelayaa
waa in ay ku dadaalaan in soomaalida rafaadsan waxii la siiyaa aysan dib ugu
noqon gacnihii dhiibey laftoodii oo magaceenna ku bannaysta in ay
khasnadohooda waxyaalo ku jira kala soo baxaan. Waxaa kale oo lamahuraan ah
in uu jiro qaynuun soomaalida madaxda ah ka waardiyeeya in ay ummaddooda
baahan ka leexdasadaan xoogaa lacag ah oo loo soo diray.
Wax kasta oo ay soomaalidu
dhisteen waxaa wiiqay in aysan dadka xilka hayaa u dhexayn karin soomaalida
iyo caalamka kale iyo uusan jirin sharci dadka awoodda leh ka celiya kuwa
aan awoodda lahayn. Qofkii awoodda lahaa waxa uu u adeegsadey in uu hantida
ummadda ku boobo iyo in uu waxyeelleeyo oo uu handado dadkii baahnaa oo uu
xilkooda hayey.
Casharradaas hore waxa ay u
digayaan dadka maanta xil ummadeed u soo istaaga, waxaana in lagu cibroqaato
mudan waddadii ay mareen madaxdii iyo masuuliyiintii hore. Qofka masuulka
ah, carruurtiisa iyo carruurtoodu magac iyo aayo nololeed kuma ay helayaan
in uu qofka madaxda ahi lacag xado oo uu ku tamashleeyo iyo in uu awooda u
adeegsado in uu ummaddiisa ku dhibaateeyo.
Soomaaliya waa gurigeenni,
gurigeenna uma ay fiicna in ay tuugta iyo juhaladu ku bataan. Gurigeenna
waxaa ku nool carruurteennii iyo xaasaskeennii oo haddii aynu caqinno oo
hantidooda si xun u dhacno ay taariikhdu ina caayi doonto. Haddii aynaan si
fiican u metelin ayaga ayaa innaga oo mootan ina caayi doona, sidii loo
caayey madaxdii hore oo ina dhibaateeyey.
Xagga ciidanka Soomaaliya
in laga kaalmeeyo dadka diiddani waxa ay u kala baxaan dhawr nooc. Kooxda
kowaad waa siyaasiyiin raba in aysan dawladda federaalka ahi shaqayn oo
xaasidnimo iyo xinif ay shakhsiyaad u qabaan ay kala weyn tahay in
Soomaaliya dib loo hagaajiyo. Fakarkooda ugu weyni waxa uu ka duulayaa in
haddii xagga ciidanka ay dawladdu guulo ka gaarto ay shaqayn doonto, taasina
ay guul u tahay soomaalida inteeda taageersan waxii ka soo natiijoobey
labadii sannadood oo ay soomaalida silicsani jeeqaaqayeen Kenya.
Siyaasiyiinta ay doodohoodu
xagga ciidanka ku warwareegayaan iyo dadka ay saameeyaan labadaba waxaa
aqoonta ciidanka ku dhaama nimanka madaxda looga dhigay dawladda federaalka.
Sidaas awgeed siyaasaddooda xagga ciidanka ahi waxa ay la mid tahay carruur
waalidkood baraya sida la isugu galmoodo!
Hubka Soomaaliya yaal iyo
hawlaha ciidan nabaddii soo celiya sidii loo abbaari lahaa in lagala tashado
waxaa hubaal ah in ay soomaalida ugu aqoon roon yihiin qof ama labo uu
madaxweynaha cusubi ka mid yahay, taas ayaana sabab u ahayd in ay
xildhibaannadu codkooda siiyeen Cabdullaahi Yuusuf, waayo dhibta ugu daran
oo wax kasta oo la dhiso dumin kartaa waa nabadda iyo hubka ay ku raran
yihiin ciidamada aan habaysnayni.
Waddannada ka walwalsan in
ay Soomaaliya ammaankooda cid waxyeellaysaa ugu soo gabbato ayaga oo
xasillooni la’aanta ka faa’iidaysanaya laftoodu waxa ay danaynayaan in aad
looga fakaro sidii gacan dawladeed loogu soo celin lahaa hubka, waxa ayna
jeclaan lahaayeen in ay xilligaan hoggaanka qabtaan dad ciidamada iyo
nabadda wax ka qaban karaa.
Dadka in Soomaaliya xagga
ciidamada laga kaalmeeyo diiddan waxaa ka mid ah kooxaha wadaaddada
qaarkood, oo ka walaacsan mustaqbalkooda ku aaddan aragtida ay diinta ka
haystaan iyo kooxnimadooda. Waxaa la wada ogaa in uu madaxweynaha la
dooratay muddo dheer aamminsanaa in ay jiraan dad magacooda ”Itixaad” la
yiraahdo oo aan oggolayn in uu awood siyaasadeed oo sare gaaro! Mar kasta oo
uu caqabado siyaasadeed jiirayo waxa uu afka ku hayey in ay jillaafooyin u
dhigeen ”Itixaad”, oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn dhaqdhaqaaqyada
aragtiyaha kala duwan diinta ka kala qaba.
Labo arrimood baa ugu
wacnaa in uu Cabdullaahi ururka colaaddiisa la jahro, waxa ayna kala yihiin
in ay run tahay colaadda iyo ciilka ay isu qabaan Itixaad iyo kooxaha
Cabdullaahi taageera oo ay xataa dhaceen dagaallo xabbad la isku abuufay iyo
in uu Cabdullaahi og yahay in ururka ay cadowga isku yihiin iyo kuwa la
nooca ah aan laga jeclayn dawladaha maanta jira xaggooda, oo uu garawsho ku
helayo haddii uu Itixaad colaadiyo.
Dad badan baa markii ay
maqleen Cabdullaahi oo Itixaad sida shaydaankii isaga naaraya waxa ay
moodeen uu diinta islaamka neceb yahay maaddaama ururka Itixaad ragga ka
tirsani ay wadaaddo u badan yihiin, isla markaas ay soomaali badani
wadaaddada iyo diinta isku mid u qabaan.
Xassan Daahir Uweys oo mar
ay Itixaad iyo kooxaha Cabdullaahi taageeraa haraati isla dhaceen ahaa
kuxigeenka guddoomiyaha ururka iyo xoghayaha gaashaandhigga ayaa waxa uu
markii Cabdullaahi la doortay oo uu sheegay in ay Soomaaliya u baahan tahay
in xagga ciidamada laga saacido waxa uu iclaamiyey jihaad cusub oo mar
labaad wajiga la isugu diiro ciidamo Itixaad ah iyo ciidan uu Cabdullaahi
matoor u yahay.
Waxaa bogagga internetka
qaarkood lagu soo sawiray Xassan Daahir oo gacanta bidix kitaab ku haya,
midda midigna mindi afaysan, oo cimaamad gaduudan ku asturan, oo malaha
mindida ugu hanjabayey dawladda federaalka oo uu madaxweynaha u yahay
Cabdullaahi Yuusuf, oo laftiisu dhawaan sheegay in ay Soomaaliya joogaan
ururro uusan qarsan karin xumaanta ay la maaggan yihiin xukuumaddiisa, in
kasta oo uu ka afgobaadsadey in uu carrabka ku dhufto urur gooni ah
maaddaama markaas loo dhaariyey in uu yahay madaxweyne qaran, oo soomaalida
u dhex ah.
Dhammaan dadka ka soo
horjeeda in Soomaaliya laga caawiyo xagga ciidamada waxaa ka muuqata in
aysan sheegi karin aragti lagu diidi karo in ay dad ajnebi ahi dawladda
cusub ka caawiyaan ciidamada. Hadalka ugu culus oo lagu diido cawinaadda
ciidamada waa in ay ciidamo shisheeye mar Soomaaliya soo galeen, dabadeedna
ay ka noqdeen iyo laga yaabo in ay dalka soo galaan shisheeye qaba curro.
Midda hore ciidamadii
waddanka Soomaaliya tobaneeye sannadood ka hor gaaray oo ka laabtay ma ay
ahayn ciidamo dawlad soomaaliyeed ay dalbatay, ee waxa ay ahaayeen kuwo aan
isku meel ka amarqaadan oo si habqan ah dalka u galay, isla markaas aan tan
iyo haddeer hadafkoodii ka sheegi karin. Ma ay jirin markaas ciidammo
soomaaliyeed oo ay tabobarayeen iyo qaab ay nabadda Soomaaliya u soo
celinayeen oo ku salaysnaa in ay dawlad soomaaliyeed ka xasisho waddanka.
In lagu doodo in ciidanka
wax tabobaraya oo nabadda ka caawinaya soomaalida laga yaabo in ay ku jiraan
kuwo jirrani waa aragti aan weyneyn. Maanta ajnabiga jirran oo Soomaaliya
baasaboor la’aanta ku galaa waa imisa qof bishiiba? Bad iyo birri dalka
waxaa laga shaki qabaa in sun lagu aaso, waxaana markii ay rabaan iska gala
tirooyin ajnebi ah oo aysan cidina baarin jirrooyinka ay qabaan.
Xagga ciidamada markii ay
soomaalidu dalbanayaan waxaa fiican in laga fakaro ciidamo badaha iyo hawada
Soomaaliya ilaaliya. Cabdullaahi Yuusuf waxa uu ka sharqamiyey 20 kun oo
tabobarrada iyo hubdhigista soomaalida ka caawiya, laakiin waxaa xukuumadda
cusub oo dhismi doonta la gudboon in aysan hadda ka dib Soomaaliya noqon
meel badaheeda iyo hawadeeda ay ciddii rabtaa iska aaddo, oo aysan cidina
lahayn. Xudduudaha iyo badaha haddii aan xal degdeg ah loo gelin waxba ma ay
tarayso in hubka gudaha yaal lagu mashquulaa.
Waxa ugu lamahuraansan oo
dawladda horyaallaa waa in ay kalsoonida soomaalida wanaajiyaan oo ay dadku
dareemaan in ay dawladdu u dhisan tahay in ay danahooda iyo aayahooda
hagaajiso. Kooxaha soomaalida ah oo ka kooban ururro wadaaddood iyo
qabiilooyin dhammaantood waa in loo muujiyo in ay dawladdu tahay dawlad
soomaaliyeed oo u taagan waxqabad, ee aysan ahayn cadow ayaga jiritaankooda
lid ku ah.
Haddii ay dhacdo in ay
kooxaha qaarkood wax soomaalinimada iyo nabadda dalka ka weecsan isla soo
taagaan waxaa habboon in sidii la fursan waayo arrimohooda lagu dhammeeyo,
waxaaxe shacabka iyo dawladdaba u fiican in si wadajir ah looga wada
shaqeeyo soocelinta nabadda iyo raadinta midnimo soomaaliyeed.
Kooxaha hubaysan
badankoodii waxa ay ka mid noqdeen ama ay ka mid noqon doonaan barlammaanka
iyo xukuumadda, taas oo sabab u ah in ay dad aan awal rajo qabi jirini
dareemeen in uu mustaqbalku fiican yahay oo ay taageereen shirkii Nayroobi
iyo natiijadii ka soo baxday. Haddaba in ay kooxahaas qalabaysani hubkooda
kaga qaybgalaan asaaska hawlgallada nabadda Soomaaliya waxa ay fududaynaysaa
in hubka dalka yaal intiisa kale lagu raadin karo si sahlan, ayada oo aysan
ciidamo qalaad meesha ka marnayn.
Kolley haddii lagu talogalo
in malaayiin qori la uruuriyo waxaa dhacaysa in loo marayo tub iyo hawlo aan
fududayn oo waxaaba laga yaabaa in ay dad ku dhintaan uruurinta hubka, hase
ahaato ee kooxaha waaweyn oo qabiil ahaanta u hubaysan waxaa lamahuraan ah
in ay si niyadsami ah u qarameeyaan hubka iyo ciidanka ay hayaan, dabadeedna
shacabka kale loo qabto muddo ay hubka ugu soo gudbiyaan dawladda, haddii
kale qofkii muddadaas la qabtay ka dib qori lagu arko meesha uu markaas
marayo lagu toogto, waayo waxaa hore loo yiri ”Ninkii soo joog laga waayo
soo jiifso ayaa laga helaa”.
Waxaa iska jira doodo aan
macne weyn lahayn oo ku laalaabta arrimaha caasimadda. Haddaba caasimad in
laga doodo waxaa ka kahyr badan in laga doodo sidii kala danbaynta guud ee
dalka loo soo celin lahaa iyo sidii ay u cagodhigan lahayd dawlad u adeegta
soomaalida meel kasta ku rafaadsan oo ay karaamadoodii luntay.
Meeshii awal caasimadda
ahayd eegga waxa ay noqotay meesha ugu nabadgelyo liidata guud ahaan geyiga
ay soomaalidu degaan, taasina waxa ay keentay in ay dad badani caasimad
kumeelgaar ah in dawladda laga dejiyo ku baaqaan, waxa uuna afku u badan
yahay magaalada dekadda leh ee Kismaanyo in ay xarun kumeelgaar ah u noqoto
dawladda dhexe ee federaalka ah. Waxaa kale oo laga sharqamiyaa magaalada
Baydhabo in ay noqoto xarunkumeelgaar ah.
Kolley dalku dhammaantiis
waa dal soomaaliyeed oo dawladda iyo shacabku meel ay meesha kale ka jecel
yihiin ma ay jirto, waxaase hubaal ah in aan Muqdisho maanta dawlad la geyn
karin, maxaa yeelay waxaa jooga ciidamo badan oo aan isku ujeeddo ahayn,
waana xaaraan in dawlad xarun looga dhigo magaalo ay joogaan ciidamo kala
ujeeddo ahi.
Waxaa magaalada Muqdisho
jooga labaataneeye ciidan oo in la mideeyaa ay xilli dheer qaadanayso,
waxaana ciidamada ragga dawladda soo dhisay oo Nayroobi wax ku soo unkay ka
amarqaata ka badan kuwa hoosyimaada kooxaha wadaaddada oo ay qaarkood ku
baaqeen in ay jihaad holcaya kala hortegayaan dawladda federaalka ah iyo
dalalka caawin doona.
Barlammaan iyo dawlad waxaa
la geyn karaa meel xasilloon oo aysan ka dhaweyn ciidan iyo hub aan
dawladdaas hoostegini, taas oo caddaynaysa in haddii Muqdisho ay xukuumadda
iyo barlammaanku fariisanayaan ay lamahuraan tahay in marka hore qoryaha
magaalada yaal oo dhammi ay noqdaan hub dawladeed, oo ay ururrada wadaaddada
koofurtu iska soo dhiibaan madaafiicda iyo qoryaha ay hayaan, oo xad-dhaafka
ah.
Waxaa la hadalhayaa in uu
ra’iisulwasaaraha dawladda soo dhisi doonaa noqon doono qof ka soo jeeda
degaanka Banaaddir beesha degta, isla markaas uu duqa magaalada Muqdhiso
isla beesha Muuse Suudi noqon doono, taas oo laga yaabo in ay labada
sannadood oo soo socda gudohooda Muqdisho qoryaha yaal badankoodu galaan
gacanta dawladda, waayo Muuse Suudi iyo Maxamed-Dheere laftooda waxaa lagu
wadaa in ay noqdaan labo wasiir si ay degaankooda iyo guud ahaan Soomaaliya
ugu raadiyaan nabad ay ummaddooda ammaan iyo duco kaga helaan, oo sharaf iyo
mustaqbalka u noqota naftooda iyo shacabkooda rafaadsan, oo ay doorashada
middaan ku xigta shan sannadood ka dib u noqdaan rag wanaaggii ay sameeyeen
dartiis loo dooran karo madaxda ugu sarraysa qaranka Soomaaliya.
Shaafici Xassan Maxamed
Gothenburg Sweden
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004
Habnololeedka
Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor
[Silsiladda Taariikhda Islaamka]
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|