London, UK
2/11/2004.

Ibraahim Cali Xasan:
Gudoomiyaha Ururka
Saaxiibtimada jarmalka iyo
Soomalida ahna la talyaha
Xaga arimaha Somaliya
safraadda Jarmalka ee
Nairobi |
Waxaa Dhowaan Magaalada Nairobi ka
soo laabtay Ibraahim Cali Xasan oo
ah uqaybsanaha Arimaha Soomaaliya ee
Safaarada Jarmalku ay ku leedahay
Magaalada Nairobi isla markaana ka
tirsan Ururka Saaxiibtinimada
Jarmalka iyo Soomaalida Ee
fadhigiisu yahay Magaalada
Frankfort.
Mr
Ibraahim ayaan waxaa ii suurta
gashay in aan ka waraysto Socdaalkii
uu ku tagay Nairobi iyo kaalinta
dawladda Jarmalka kaga aadan
taageerada Dawladda Cusub ee
Soomaaliya ee uu madaxwaynaha ka
yahay Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed.
Waxaana ugu horayn aan waydiiyay in
uu warbixin guud naga siiyo
Socdaalkiisii Magaalada Nairobi iyo
waxyaabihii uu halkaasi u joogay
waxaana uu ku jawaabay sidatan:
Ibraahim:
Mahadsanid Ridwaan Walaal, Waxaan
Nairobi joogey Muddo 3 bilood
ah,waxaana ka soo laabtey isla
Todobaadkan, inkastoo aan jeclahay
in aan dib ugh laabto dhowaan si aan
usii wadno hawlaha dib u
heshiisiinta.
Waxaana ka shaqeeyey maadaama aan
aniga halkaas joogey sidii aan isugu
xiri lahaa Wakiilada Hayadaha
Caalamiga ah iyo Safaaradda Jarmalka
u fadhida Nairobi iyo Dawladda
Soomaaliyeed ee halkaa laga sugayey
mudadii dheereyd ee ay
Hogaamiyeyaasha iyo Siyaasiyiinta
Soomaaliyeed u fadhiyeen Shirkoodii
dheeraa.
Waxaan ku guuleystey inaan la
shaqeeyo Safaaradda Jarmalka ee
Nairobi,taa oo ugu qaabilsaneyd
Dawladda Jarmalka arimaha
Soomaaliya, Ilaa markii aan halkaa
hawsha ka bilaabay waxaa soo ifbaxay
in labada dhinac aan dhahee dhinca
Dawladda Jarmalka iyo Siyaasiyiintii
Xusuusneyd waxqabadka Dawladda
Jarmalka iyo Xiriirka qotada dheeraa
ee u dhaxeeyey labada dal isku soo
dhawaansho horseedey inuu soo
cusboonaado Xiriirkaas.
Taana waxaa marqaati u ah in ay
Safaaradda Jarmalka ay Casuumaad
qado sharaf ah ay ugu sameyso Serena
Hotel Nairobi Gudoomiyaha
Baarlamaanka Federaalaka Soomaaliya
Mudane Shariif Xasan Sh Aadan taasoo
aan qabanqaabadeeda aan aniga ka soo
shaqeeyay.

waa
sawirka Ibraahim Cali Xasan,
Col Shaati Gaduud,
Gudoomiyiyaha Baarlamanka
Iyo Dr Lorenz oo Jarmalka Ka
socda |
Waxaan kaloo intaan joogey shirkii
Mbagathi uga wakiil ahaa arimaha
Shirka Dawladda Jarmalka qaasatan
Safaaradda Jarmalka ee Nairobi,
Waxaa kaloo Gudoomiyaha lagu
casuumey Xaflad lagu Maamuusayey
Sannad guuradii 14aad ee isku darka
labada Jarmal xafladdaasoo lagu
qabtey Guriga Safiirka Jarmalka ee
Nairobi Mudane Bernd Braun
xafladdaas oo aad u qurux badneyd oo
ay ka soo qeyb galeen Madaxweyne
Kibaki iyo wasiirkiisa arimaha
Dibadda iyo Safaaradaha iyo
Diblumaasiyiintii fadhiyey Nairobi.
Ridwaan: Mudadii
aad joogtay Shirka kulamada aad la
yeelateen Beesha Caalamka iyo
Hogaamiyeyaasha Kooxaha Maxaad ka
wada hadasheen?
Ibraahim: Intaan
halkaa joogay waxaan diyaariyey
kulankii ay Safiirka Dawladda
Jarmalka ee Nairobi Mudane Bernd
Braun iyo Madaxweynaha Federaalka ee
Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf
Axmed ay ku yeesheen 17.10.2004
Hotelka Intercontinental Nairobi.
Waxaana kala hadli jirey marwalba Dr
Lorenz Barth oo ah Xoghayaha Kowaad
ee Xagga arimaha Siyaasadda
Soomaaliya Safaaradda Jarmalka ee
Nairobi kaasoo aan la shaqeynayey
intaan joogey Nairobi sidii kaalmo
iyo aqoonsi loo siin lahaa Dawladdan
Cusub iyo sidii ay Hayadaha
Samafalka Caalamaiga ah ee Jarmalka
oo fadhigoodu ahaa Nairobi sidii ay
ugu soo laaban lahaayeen
Soomaaliya.taana waxaan ka heley
ballanqaadyo,shuruudaha leygu
xireyna waxey ku xiran tahey sidii
ay Dawladda Soomaaliyeed uga
faa´iideysan laheyd fursadda qaaliga
ah ee ay maanta heystaan
Ridwaan: Sideed u
aragtaa Dawladda Cusub ee uu
Madaxweynaha ka yahey Cabdullaahi
Yuusuf iyo Waxyaabaha ay ilaa hadda
ku talaabsatay intii aad joogtay?
Ibraahim: waxaan u
arkaa intaan aniga ka arkey haddaan
la sixin qaladaadka aan soo arkey
iyo kuwa kale ee laga sheegto ineyan
Shaqeyn doonin ayna u badnaan doonto
dibad joog iyo Hotelada ay u barteen
waxaana muhim ah in la saxo wax
walba oo muhim ah.
Waxyaabaha aan ku arkey waxaa ka mid
ahaa iyadoo ayana labada Masuul
heysan Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha
Baarlamaanka Xogheyn u bisil
shaqadooda isla markaana aysan kala
aqoon ilaaladooda iyo Xogheyntoodaba
.
Ka
hor Kulankii aan soo diyaariyey
Madaxweynaha iyo Safiirka Jarmalka
ee Nairobi waxaa imaaneysey 13kii
Oktober 2004 Wasiirad ka socotey
Dawladda Jarmalka una qaabilsan
arimaha Afrika, maadaama ayana jirin
xafiis ay Safaaradda kala xiriirto
ayaan waxaan ka soo qaadey
Safaaradda Jarmalka ee Nairobi
warqad u qoran hab Diblumaasi oo aad
u qurux badan kuna socotey
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf
looguna Hambalyeynayey guushii
doorashada iyo Baarlamankii
doorashadii ka dhacdey Kasarani.
waxaan keeney Hotelka uu degenaa
Madaxweynaha,waxaana warqaddaas iga
qabtey Mid kamid ah Ilaalada au
aanan jeclayn in aan magaciisa
sheego waxaana kula hadley
Afsoomaali wuxuuna iigu jawaabey
English aniga waxaan u qaatey
ilaalada Madaxweynaha kuwa
Kenyaatiga ah wuxuuna yiri anigaa u
gudbin doona Madaxweynaha.
Laba Maalin ka dib baan isku aragney
Kasarani ninkii Kenyaatiga aan u
heystey Maalintii Caleema saarka
anagoon wax jawaab ah ka
helin,waxaana ila joogey Dr Lorenz
Barth oo ah Xoghayaha Kowaad ee
Xagga arimaha Siyaasadda Soomaaliya
Safaaradda Jarmalka ee Nairobi waxaa
la weydiiyey warqaddii waxaan u soo
taagay salaan, wuu iga qaadi waayey
wuxuuna la hadley ninkii Dr Lorenz
Barth kuna yiri ma dooneyno ninkan
Soomaliga ah waxaana loogu jawaabey
waa nin Jarmal ah anagana nala
shaqeeyo waana nin jecel waddankii
uu ka yimid,
kulankii ninkaa baa ballan been ah
ku baajiyey wasiiraddiina isma ayana
arag Madaxweynaha oo wey baxday.
Waxaan markale ka warhelay inuu
aniga i diidanaa , Waxaana habeen
kale aan indhaheyga ku arkey isagoo
sii deynaya dad markaasi aan u
arkayay in ay muhim ahayd in laga
hormariyo Siyaasiyiin iyo waxgarad
kaloo Soomaaliyeed oo ka cabanayay
balan xumo.
Ridwaan: Maaxaad
kula dardaarmeysaa Dawladda Cusub
iyo Shacabka Soomaaliyeed?
Waxaana kula dardaarmayaa
Baarlamaanka una sheegayaa in wax
laga qabto dadka au laga gudbo nin
jeclaysi iyo in si daacadnimo ah
dawladdu ay ugh shaqayso dadka
soomaaliyeed iyo in wixii sumcadda
madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha wax u
dhimi kara laga fogaado gaar ahaan
maamulka dadka wada,
Shacabka Soomaaliyeedna waxaan kula
dardaarmayaa walow nin baa noqon
lahaa Hogaamiye ineyan ka horboodin
waxqabadka odeyga.