MADAX
HAWIYE MAHADSAN:
Waxaa qoray Max,med Xasan Yusuf (shariifka)
Email
shariifka99@hotmail.com
WAA JAWAABTII
QORAALKIII C/WAAXID EE AHAA MADAX HAWIYE SAHANSAN:
Sida caadada ii ah aniga iyo dhamaan inta
wax aqrisa isla mar ahaantaan jecel in ay wax ka ogaadaan oo la socdaan
meesha ay marayso xaaldda dalku ku suagnyahy, Dowlada noo dhalatay,
marxalada kala guurka ah ee lagu jiro, iyo guud ahaanba waaga cusub ee
ubaray somalida, ayaan waxaan furay ama galay INTERNETKA. Si aan uhelo
aqbaar cusub oo kusoo kordhay wararka wadankayga aan aadka u jeclahay, iyo
meesha ay maryso Dowalda noo dhalatay ee aan baahid wayan uqabanay, waxaan
guda galay inaan mid mid u furo bogga Interka ee ku qoran af soomaliga ama
Websadyad somalida,waxaan aad ugu baahnaa in ay ishaydu qabto wararkii ugu
danbeeye eeku soo kordhay magacaabista Ra’iisul wasaaraha ama Wasiirka
koowaad laakiin nasiib daro ma aan ka heli faahfaahinta warkaas boggii aan
furay, waxaan uga sii gudbay midkale si aan u helo balse kuma guulaysan in
ay ishaydu qabato wax cusub oo kusaabsan arintaan baadi goobkeeda ku jiray,
intaa kadib waxaan bilaabay inaa wax ka
ogaado figradaha dad waynaha iyo dareenkooda ku aadan arintaas ,laakiin ma
helin wax cusub oo figrad ah oo ku wajahan wax aan goobayo,
hayeeshee ishaydu waxa ay qabatay maqaal
ciwaan looga dhigay."MADAX HAWIYE SAHANSAN:"
intii aanan eegin qoraaga ku saxiixan
maqaalka magciisa,waxaan is iri malaha kanaa ugu dhaw wax ka hadalya
mowdiicii aad doonaysay ee ahaa magcaabista Ra’sul wasaaraha maxaa yeelay
waxaan maskaxda ku haye niydaydan iiga jirtay in Ra’isul wasaaruhu ka iman
dono beesha hawiye,
si aad ah ayaan ugu farxay dhab
ahaantii,laakiin waxaaa igalay shaki kadiba markaan arkay qoraaga maqaalka
iska leh ama kusaxiixan magaciisa,inuu yahay C/waxid Xaashi.
Oo aan ku aqaanay inuu yahay in xagjir ah
inkastoo shaqsiyadiis aanan aqoon fiican ulahayan hadan qoraaladiis ayaan
aad uqaan,
Hadaba anigoo og waxaas oo dhan ayaan hadan
waxaan furay maqaalkii waxaan si dagan isha umariye bilow ilaa dhamaad wax
ku qoram meesha, waxaan ku celiye mar labaad iyo marsadexaad si macnuhu ii
dhaco,
waan aamin sanaa inaan ajar iyo xasnaad
badan la iiga qorayan hadan ujeedadaydii,baadi goobka khayrka iyo bishaarad
warka fiican hayd,ayaa is badashay kadib markaan ogaaday in ay aad u kala
fog yihiin wax aan baadi goobka ugu jiray ee ahayd baahidayda kowaad iyo wax
uu ka hadalayo wadaadku,
waxaana uu hadafkaygu noqday,markaa kadib.
(sharta baro oo aqri si aad uga badbaado sharta iyo dhibatadeeda)
Si kastaba ha ahaatee qoraalkani waxaa uu
ahaa mdi loola jeedo kicin iyo hurin colaad qabiil oo hor leh in laga dhex
abuuro bulshada somalida gaar ahaan (Hawiye iyo Daarood)
Waa qoraal guubaabo ah oolagu guubaabinayo
hogaanka ama madaxda beesha hawiye si ay uga hor yimaadan dowlada cusub iyo
madaxwayna heeda ladoortay dhawaan.
Waa qoraal aan in badan ka hadlayan
xaqiiqad dhabta ah ee ka jirta gudaha wadan iyo baahid loo qabo nabad iyo
xasi looni kadhalta cariga somaliya.
Waa qoraal aan haboonaya in xiligaan loo
soo bandhigo bulshad aydoo waliba lagu jiro bisha barkaysan ee Ramdaanka oo
ah bil cibaado iyo khayraad.
Waa qoraal iskaba daa beelaha kalee keeni
kar dagaal markale ka dhex qarxa beelaha Hawiye dhexdooda waxaan daliil cad
u ah taas in qoraagu uu xusay dilkii Jen: Maxmed Faaraax Cayadiid,
Asgoo ku eedeeye hogaanka hawiye dilka
Jananka waxaan uu sheegay in ay taasi suura galisay in maaanta C/laahi
madaxwayne noqdo, arintaani waxaa ay abuuri kartaa dagaal hor leh oo
marlabaad ka dhex qarxa beesha dhexdeeda (waase hadii warkiisa dhag jaqal
loo siiyee)oo lamid ah kii dhacay sanadihii 1997 iyo 1998 ee ay ku dhinteen
dad badan kuwo aan yarayana ay ku naafoobeen halka tiro aan laxisaabi karin
ay ku bara kaceen oo ay ku gurya beeleen,
Waa qoraal aan wax tar badan ulahayan
bulshada somalida wax dhibaalkiiuna ka badan yahay wax tarkiisa.
inkastoo aan ogahay inuu ka turjumayo
figarada qoraaga iyo argatidiisa aanan rumaysanhay in qof walaba uu xaq u
leeyahay inuuu figardadiisa xor u yahay ha u fiicnaatoo asaga ama dadku ha u
arkaan in aysan fiicnayane, laakin taasi macnaheedu ma ahan in qoraayahanka
soomalidu ay wixi ummada kal fogayna iyo balo ka dhex abuurya usoo gudbiyaan
waxaan ay noqonyaan kuwo Qalinka wax ku dila oo lamid ah qabqablayasha
Qoriga wax ku dila,
Waxaan maqlay abwaan Ashir Nuur Faarax (Abshir
Bacdle) oo leh waxaa dhib nagu haya oo aan rabnaa hadii aan nahay ummada
somaliyeed in nalga qabto sexdda (Q) oo uu ula ajeeday sida uu sheegaya
- Qabyaalada.
- Qorig
- Qaadka.
Waxaa hubaal ha hadii abwaanku aqrin lahaa
maqaalkan iyo kuwa lamid ka ah ee fidnadda iyo qabyaalda huriya inuu ka
dhigi lahaa afar (Q) oo uu kudari lahaa QALINKA.
Hadii aan yar tilmaamo madaxda Hawiye
dhabtii waa ay mahdsan yihiin ee ma sahansana .
Waa madax naga mudan ama loo baahan yahay
hadii aa nahay qoraaga somaliyeed inaan ku boorino oo aan ku dhiira galino
sidii ay uga qayab qaadan lahaayee dib udhiska iyo soo celintoo qarankii
burburay ,halkii aan ku waanin lahayn ama ku guubaabin lahayn in ay diidaan
wax dhiska iyo nabad raadinta,waxaana rumaysanahay in badan oo kamid ah
madaxdaas in ay ayagu naga jecel yihii dib u dhiska Dalaka ayan safka hore
kaga jiraan Dowalada cusub ayagoo udub dhaxaad u ah habdhiska Dawladda,
Waa hogaamiyaal ka soo daalay dagaal iyo
colaad sida soomalida kalaba ay uga soo daaleen waxaan aya jecla yihinn in
ay wax ka dhisaan dowalda cusub oo ay ka qayab qaataan dhismaha qarankii
burburay,
Hogaamiyaasha reer Muqdisho in badan oo ka
mid ah waxaa ay ku ammanan yihiin sidii ay uga dhiidhiyeen ugana
horyimaadeen nidaamkii kaligii taliyaha ahaa ee wadanka haystay mudada ka
badan 20sano, inkasoo aan ka xumahay in halgankii usu badalaya dagaal
sukeeye oo dhiig badani ku daatay kadib markii Siyaad barre Muqdisho laga
saaray hayeeshee
Waxaana shaki ku jirin in soomaalida oo
dhan ay taageeri lahayd urukii (U.S.C) markii ay muqdisho ka saareen SIYAAD
hadii intaa dagaalku ku ekaan lahaa ayan ku dhawaaqi lahaayeen ama ay dhisi
lahaayeen dowlad soomalidu udhan tahay,dadka rayidka ahna ay badbadin
lahaayeen, ayagoon u eegayan qabiilkood iyo beesha ay ka soo jeedaan,
Hogaanka Hawiye ee jooga Nairobi ee kamid
ka ah dowlad cusub waa kuwa ugu firfircoon Barlamanaka dhexdiisa sida aadka
ahan uga dhex muuqda, waan kuwii u doortay C/laahi madaxwayana nimada.Dalaka
Doorashadii madaxwayanah ka dib waxaa
hadalay madax dhowar ah oo ka mid ah beesha Hawiye sida: C/qaasin Salaad
Xasan oo ahaa madaxwaynihii dowladii Carta waxaa uu qiray in C/laahi yahay
ama loo doortay madaxwayane somaliyeed, waxaan uu beesha caalamaka ka
codsaday in ay isla garabtaagan taageero hiil iyo hoo ah, waxaan uu xusay in
dowladii uu madaxda ka ahaa ay wayday wax taageero dibdeed ah taasna ay
sababtay in ay socon waydo waxaa uu cosaday in si ay u hirgasho oo u socoto
dowladaaan loo baahan yahay taageerada beesha caalamaka,
Sidoo kale (Maxmed Qanayere Afrax) oo
kamida ah siyaasiyiin muqdisho kuwood ugu caansan hadeerna xubin ka ah
Baarlamanka ayaa isna sheegay in uu taageersan yahay dowlada waxaan uu xusay
in loobaahan yahay in lala shaqeyo dowlada cusub.
Waxaa isna hadalaya (Xaaji Muuse Suudi
Yalaxow) oo xubin ka ah Baarlamanka ahan hogaamiye mayal adaga oo aad looga
yaqaan dalaka soomaliya Xaajigu waryasi u siiye idaacaada "HORN AFRIK" ee ku
taal magaalada muqdisho asgoo ku sugana Nairobi, waxaa uu sheegay in
doorasha madaxwayanuhi ay ahayd mid xaq ah oo si cadaalada ah ku dhacday,
waxaan uu sheegay in loo baahan yahay in lala shaqayo, waxaa uu carabaabay
in C/laahi uu xaq u leeyahay in uu noqdo madaxwayane soomaaliyeed waxaan uu
ku tilaamay Madaxwayne C/laahi nin soo hagalmay uguna wayan isla markaasna
ugu horeeye raggii ka horyimd nidaamkii Siyaad Barre, hadladiisii waxaa ka
mid ahaa :
NINKAAN WAXAAN U AQOONSANAHAY NIN JABHAD AH
OO RAGGA MUJAAHIDIINTA AHAA EE WAX TOWDAY NINII ODAYGA U AHAA EE UGU HOREEYE
IN UUYAHAY,HADDAN WAX KALA FAHAMAY OO INUU AY WAX QURXOONAADAAN JECEL.
Mar hadii ay yihiin madaxda Hawiye raga
tilmaamahaas aan soo xusnay leh kuna hadalay hadalaas aan soo guurinya
waxaan leeyahay waad mahdsan yihiin sidoo kale waxaan aaminsahay in aysan
dhag jalax usiin doonin hadalada C/waaxid iyo kuwa lamidka ah, una arki
doonaan nin fidno ka talis ah oo qori dab ah la dhex wareegaya bulashada
soomaliyeed.ee muslinka ah,
Jawaabta rasmiga ah ee ay siin doonaana ay
noqonayso mid lamid ah tii uu (Qabaan Bulxan)
Siiye (Cali Dhuux Aadan ), kadiab markii uu
Cali Dhuux uu too tiriye gabay guubaabo ah oo uu ku kucinayo beesha uu ka
dhashay Qamaan
Abwaanku waxaa uu tiriye gabaygan kadib
markuu u arkay in Cali dhuux hurunayo fidno iyo dirdire sababi karta colaad
qabiil, waxaa na uu yiri
Dab baad ololisaa kumana gubo, daayin
abidkaaye
Intaad dogob shiddaa baad taqaan, diradirayn jaane
Daaskaad fadhido sow gubee, degelka qiiqaabi!
Haddayse daacad xaajadu tahaan, lagu dambaabaynnin
Dambaaburada Naareed haddaan, dhinacu dooneynnin
War seeddow maxaad noogu digan, daqarku waa kiinne?
Goormeyse degmadu noo miirin, dawgal baa jira’e
Abwaanku sida uu ku sheegay beedadkaan soo
socda waxaa jira in dad badan oo kamid ah aadanaha waxaa ay iska dhigaan oo
isu ekaysiiyaan xabiib iyo gacal sukeeya ah waxaan aya jecla yihiin lugaayda
iyo dhibaatada ummada ay isga dhigayaan sukeeyaha iyo gacalaka, inta aanan
ku soo hoorin qoraalka meerisyada ragaas tilmaamaya, waxaan u mahdcelinyaa
dhamaan bulsha soomaliyeed ee jecal nabad iyo dib u dhiska qarankii burburay
gaar ahaam Madaxda Hawiye waxaan leeyahay waad mahdasan tihiin.
Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa
badane
Aan doonihayn inaad heshaa, daa’in abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashaan, wax u dahsoonayne
Dallo ma laha Aakhiro haddii, loo kitaab dayo’e.
Dullaal iyo mallaal wuxuba waa, Carabta deyntoode
Dibnihiinna uun baan galoo, way duddubiseene,
Allay diliye Iiddoor adaa, iiga sii darane!
Waxaa qoray Max,med Xasan Yusuf (shariifka)
Email
shariifka99@hotmail.com
Nairobi kenya .
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004
Habnololeedka
Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor
[Silsiladda Taariikhda Islaamka]
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|