Barnamujka
caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu
ka kooban yahay.
-
Khilaaf lacageed oo ka dhex
taagan wasaarada gaashaan dhiga
gumaysiga Itoobiya.
-
Midowga Yurub oo gargaar ugu
deqay dalal ku yaalla bariga
Afrika
-
Xukuumadda
Itoobiya oo dhalan rogaysa
magaalada Bademe
-
Dowlada maraykanka oo ka digtay
weeraro argagixiso.
-
Deeq raashin oo loo qaybiyay dad
Itoobiyaan ah oo ku tabaalaysnaa
Boosaaso
-
Barnaamujkii aragtida halgamaaga
oo aan ku soo qaadan doono
qoraal taariikh ah oo uu
diyaariyay aqoonyana
Soomaaliyeed oo la dhaho Dr.
Enow iyo suugaan halgameed
Khilaaf
lacageed oo ka dhex taagan wasaarada
gaashaan dhiga gumaysiga Itoobiya
Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhex
galay taliyaha ciidamada qalabka
sida ee dawlada gumaysiga Itoobiya
Semora Yuunis iyo askartii ka soo
laabatay wadamada Burundi iyo Sierra
Leone ee ay xukuumada gumaysiga
Itoobiya ku biirisay ciidamada nabad
ilaalinta ee Jamciyada quruumaha ka
dhaxaysa ay labadaas dal u dirtay.
Ciidamada nabad ilaalinta ee la
geeyay labadaas dal ayaa waxay
ilaalinayeen amaanka iyo
kaladnbaynta dadka ku dhaqan
labadaas dal, kadib makii uu dagaal
sokeeye oo lagu hoobtay ka dhax
oogmay shucuubta labadaas dal,
nadaamkii iyo kala danbeeyntiina ay
faraha ka baxeen.
Cidamada wadamadaas la geeyay ayaa
waxaa maamulayay Jamciyada quruumaha
ka dhaxaysa waxaana askarigiiba la
siinayay $9000 oo doolar oo
mushahaar ah. lacagtaas oo loo soo
marinayay xukuumadaha ay
ciidamadaasi ka kala yimaadeen ayaan
waxba laga soo gaadhsiin ciidamada
ka socday taliska ay xaruntiisu
tahay Adis Ababa ee Itoobiya.
Ciidanaka Itoobiya ee ka soo laabtay
labadaas dal ayaa rabshado iyo amar
diido ku kacay iyaga oo ka cadhaysan
lacagtaas laga musuq maasuqay ee ay
xaqa u lahaayeen. Taliyaha ciidamada
taliska Itoobiya ayaa askartaas si
cad ugu diiday in la siiyo lacagaha
dawladooda loogu soo dhiibay,
taasina waxay keentay khilaaf
balaadhan oo soo kala dhex galay
saraakiishii wasaarada
gaashaandhiga, kaas oo gaadhay
kaligii taliye Melis Zenawi.
Inkasta oo uu kaligii taliye Melis
Zenaawi ciidamadii cadhaysnaa ka
balan qaaday in uu siin doono qaar
ka mid ah lacagihii ay codsanayeen,
hadana waxaa muuqata in ayna marna
ku qanacsaneeyn habka laysu daba
mariyay lacagahooda, walina waxaa
taagan rabshadihii ay askartaasi ku
muujinayeen cabashooyinkooda iyo
kala qaybsanaantii saraakiisha
wasaarada gaashaan dhiga xukuumada
kaligii taliye Malez Zanawi.
Midowga Yurub oo gargaar ugu deqay
dalal ku yaalla bariga Afrika
Midowga Yurub ayaa uggu yaboohay
gargaar cunto iyo kaalmooyin kale
afar waddan oo ku yaalla Bariga
Afrika, waxaana gargaarkaas loogu
talagalay sidii loola tacaali lahaa
abaaraha ba’an ee dalalkaas ka jira
iyo waliba cudurro laga baqayo inay
ka dhashaan xaalada qallafsan ee ka
taagan goobaha ay abaaruhu
saameeyeen.
Midowga Yurub wuxuu jimcihii sheegay
inuu dalalka Soomaaliya, Itoobiya,
Eritereya iyo Kenya u qoondeeyay
lacag gaadhaysa 12,5 mailyan oo
Euro, taasoo u dhiganta 16,000,000
milyan oo doollarka Maraykanka ah.
War
saxaafadeed ka soo baxay Midowga
Yurub ayaa lagu sheegay in 6,5
milyan oo Euro loo adeegsan doono
hawlaha la xidhiidha biyo siinta
degdega ah iyo gargaar cunto oo la
gaadhsiinayo dadka ku nool goobaha
ay abaaruhu wax-yeelleeyeen.
Khamiistii la soo dhaafnay waxay
Qaramada Midoobay sheegtay in
gobolka Ogadenya uu qarka u saaran
yahay xaalad bani’aadanimo oo aad u
xun, taasoo ay keeneen abaaro iska
soo daba noqday oo horseeday in
ceelashii biyuhu ay gudhaan, dhulkii
daaqsinta aahana uu nabaad guuro.
Xukuumadda Itoobiya
dhalan rogaysa magaalada Bademe
Afhayeenka ciidamada Qaramada
Midoobey ee kala dhex fadhiya
Itoobiya iyo Eritereya UNMEE Gail
Bindley ayaa sugtay in xukuumadda
Itoobiya ay dhismayaal badan ka wado
nawaaxiga magaalada Bademe oo dalka
Eritereya loo xukumay, waxayna
arrintaasi xadgudub cad ku tahay
qaraarkii Golaha Ammaanka ka soo
baxay 14 Maarso 2003, kaasoo
mamnuucayay in degaanno laga sameeyo
xadka u dhexeeya Itoobiya iyo
Eritereya.
Gail
Bindley waxay arrintan ku sheegtay
warbixin kooban oo ay soo saartay 21
bishii Oktober, waxayna tilmaantay
in Golaha Ammaanku uu ka dooday
deegaamaynta sharci darrada ah ee
xukuumadda Itoobiya ka wado
nawaaxiga Bademe, isla markaana
qoraal arrintaas ku saabsan loo
gudbiyay.
Xukuumadda Addis Ababa ayaa lagu
tilmaamay inay ku talajirto sidii
dagaal cusub uga billaaban lahaa
xadka ay la wadaagto dalka
Eritereya, sababtuna waxay tahay
iyadoo ku hungowday rajadii ay ka
qabtay in maxkamadda adduunku ay u
xukunto dhulkii ay xoogga ku
boobtay.
Deeq
raashin oo loo qaybiyay dad
Itoobiyaan ah oo ku tabaalaysnaa
Boosaaso
Sida
aan kasoo xiganay bogga internetka
ee Qorahay Online :ganacsatada reer
Puntland oo iskood isu xilqaamay
ayaa gurmad iyo kaalmo ufidiyey dad
shacab ah oo kasoo cararay
dhibaatadda Ciidamada Itoobiya ay ku
hayaan dadka shibilka ah ee aan
waxba galabsan,dadkaas ayaa in
muddo ahba kusoo qulqulayay gobolada
somaliya gaar ahaana gobolada
Puntland,
Dadkaan ay Ganacsatadu Deeqda
Raashinka ah u qaybiyeen ayaa Tiro
ahaan gaadhaya 200 qof waxaana
Ganacsatadu ay u xilsaareen in ay u
Qaybiso Dadkaan Hay'adda Wadaniga ah
ee la yidhaahdo Hay'adda isku xidhka
Nabada iyo Xuquuqda aadanaha ee
Puntland marka magaceeda lasoo
gaabiyana la yidhaahdo (INXA).
Xidhiidhiyaha Hay’adda INXA Cabdi
Faarax Axmed oo ay Idaacadda SBC ka
waraysatay arrimahan dadkaan
qoxootiga ah iyo raashinkan maanta
loo qaybiyey ayaa waxaa uu sheegay
in deeqdan raashiinka ah ay ku
deeqeen qaar ka mid ah ganacsatada
magaalada Boosaaso iyo hay’adaha
NGO-yada wadaniga ah.
Si
kastaba ha ahaatee, Dadkan
Itoobiyaanka ah ee Maanta Deeqdan
raashinka ah loo qaybiyey ayaa ahaa
dad in mudo ahba ku Tabaalaysnaa
Deegaanka Gobolka Bari ee Magaaladda
Bosaaso halkaas oo ay Doonayeen in
ay badankoodu uga sii gudbaan dhanka
Dalka Sacuudiga.
Maraykanka
oo ka digay weeraro argagixiso.
Dowladda
Maraykanka ayaa digniin u soo
jeedisay muwaadiniinta Maraykanka ee
ku sugan goballada Nordic iyo
Baltiga oo ka tirsan qaaradda Yurub.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka
Maraykanka ayaa waxaa ay warbixin ay
soo saartay ku sheegtay in ay
taxadar dheeraad ah sameeyaan
muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan
dalalka ku yaalla goballadaasi,
islamarkaana ay ka yaraadaan meelaha
ay dadku ku badan yihiin iyo
kaalimaha laga raaco basaska.
Wasaaradu waxay sheegtay in laga
yaabo in dalalka ku yaalla labadaasi
gobal ee Nordic iyo Baltiga suuragal
tahay in ay weeraro argagixiso ka
gaystaan argagixisada caalamiga ah.
Hasa-ahaatee wasaaraddu wax faah
faahin oo dheeraad ah kama aysan
bixin in digniintan cusub ay la
xiriirto doorashada dalka Maraykanka
oo billaabatay manta oo Talaado
ahayd kuna began 02-11-04.
Gobalka Nordic ayaa ka kooban
dalalka Sweden, Finland, Denmark,
Norway iyo Iceland, halka dalalka
Estonia, Latvia iyo Lithuania ay ka
tirsan yihiin gobalka Baltiga.
02.11.2004
C/Nuur
Sh. Maxamed
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio
Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay
9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo
Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada