SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

 Walaahi haddii anan xishoonayn waxan idinsiinlaha meeshii aad igala soo xariiri laheyden si’aad u’ogaatan inay aduunyada kajirto masaa’ib kaweyn waxa uu insanka kufikiro, ama maskaxdiisa kusoo dhicin!(part1) 

Al-Hasani  abuzuhri1@hotmail.com

Tani waa sheeko murugo leh oo aan idiin soo gudbinayo si’uu warmooguhu ugu bararugo, caasigana ugu waano qaato oo u ogaado meesha wadada uu saaranayahey ay kudhamaato!

Hada iyo sheekadii:

Wiil yar oo kasoo jeedo qoys akhlaaq iyo asturaad Allah kumanaystey ayaa wuxu yiri isagoo kasheekeynayo musiibo lasoo gudboonatey:

“Ilaa intii aan weynadey” Ayuu isagoo bilaabey sheeko kudhamatey dhiiga walaashiis , dhimashada aabihiis, indha la’anta hooyadiis iyo xarashka gurigooda. “Waxan kunooleyn xayaato wanagsan oo kudhisan is jeceyl iyo wax wada qabsi!

6caruur ah ayaan ahaa kan7aad, midka labaad dhanka wiilasha. Waxa jirtey gabar walaashey oo la’oron jirey ‘Sarrah’ oo hal sano iga weyned.

Waxan ahaa mas’ulka guriga, marka laga yimaado Aabo. Cid waliba aniga ayey ila iman jirtey marka ay soo wajahdo wax dhib ah oo ubahan latashi.  

Dugsiga sare, waxan kamarayey classka labaad, halka ay Sarrah kujirtey classka sedexaad ee dugsiga sare. Carurta naga yarna, sanka ayey nagu soo hayeen ayagoo nahiigsanaya.

Yadadiiladu waxay aheyd inan Engineer noqdo inkasta hooyadey kasoo horjeedey ayadoo leh “waxan raba inad pilot noqotid” Aabeheyse aniga ayuu ila saftey oo wuxu ila rabay inaan Jaamici takhasus gooni ah leh noqdo!

Ama walashey Sarrah waxay kuriyoon jirtey inay macalimad (madada Diinta iyo adabka) inay kanoqoto mid kamid ah jamacadaha waaweyn ee wadanka. 

Yeegii oo dhanka kale urogmay!! 

Waxas oo dhan waa amal iyo riyooyin, imisa qof ayey noolashiisa soo dhamatey isagoon howshiisa gudan, maxa dad badan kacajisey inay karunsheegan waxay kutaami jireen sababo jiro awgood! Waxase badan inta kadhabeeye!

Dhanka kale, waxan raadinaysay oo aad wayday dhibaato malahan laakinse bil cagsi isu badasho waa shay qariib!

Waxa go’ay amalkanagii, sida ay wax udhaceen, qof waalan iyo mid miir qabo midna ku kifikiri karo ma’ahan!

Waxan schoolka isku baranay wiilal aad moodid wanagooda sida malabka, hadal macan oo afmishariin ah, dhaqankooda waa malab kale!

Dhowr jeer ayaan racay anigoo kaqarinayo reerka;

waxan qoonsado oo aan kaga cararo ma arag!

Waxan yeelana kulamo kabaxsan schoolka, anigoo dhanka kale wali ilaalinaya schoolka. Waxan galnay fasax, fasax aanu Allah barakeyn!  

Waxay aheyd markii uu aabehey dareemey in uu batey kabixitankeyga guriga, iyo inan howsha guriga waxba kaqaban. Marka  uu aabahey iyo hooyadey igu qayliyaan, waxa idifaaci jirtey walashey Sarrah waayo aad ayey ii jecleyd oo waxay iiga baqaysay garacista aabehey oo marka uu wax dilayo aan unaxariisan!

Anagoo wali fasaxa kujirna, maalin…. haddii aan ogaan lahaa meesha ay kudhamaneyso aan anigu nafteyda udhameyn lahaa, balse jirkeyga ayaan cad cad ugoogeyn lahaa, fasaxna magaleen laakinse IRAADADA ALLAH AYAA KAA AWOOD BADAN!! 

Aniga iyo wiilashii aya fadhiisanay qol bananka kuyeelo(mulxaq) guri uu leeyahey mid kamid ah saaxibadey, anagoo daawanayno cajalad video, marar kalana iska ciyar ciyaareyno. Maqribkii sidan ufadhiisanay ayan kusoo gaarney 11ka habeynimo, waxay aheyd saacadaha aan caadada kadhigtey inan guriga kulaabto; hase ahaate, ninkii guriga lahaa aya iga codsaday inan sii yara jooga ila iyo nus saac kale markaas oo  ‘gedigeen wada bixi doona hal mar’  

Haddii aad ogaan laheyd ‘nus saacas inta uu iigu kacay?’ Nus saacas gudihiisa ayuu dumiyey cumrigeyga inta kaharta, cumriga aabehey, hooyadey balse reerka oo dhan wuxu dumay nusa sacaas. .! Waa run, kuligood nusa saacas ayey kuwada halaagsameen!! 

Waxay aheyd turning point, markii  aan kawareegney noolashii barakada laheyd oo aan kuwareegney noolashii  burburka iyo cadabka!!

Sidey wax udhacen? Mid naga mid ah ayaa kutabarucay inuu shaah noo kariyo si’an waqtiga ugu dilno, shaahii ayaan cabnay anagoo kaftan iy qosol nooga cadahey.

Waxyar kadib, qof waliba wuxu bilaabey inuu kankale kudhaco, waxaa noogu xigtey ayadoo qof waliba matag lasoo booday? Haa anagoo dhan, mana garankaro waxa dhacay, ilaa aan wada daadanay.

Kii uhoreeyey ee soo kacay ayaa nawada toosiyey.  

Ninkii guriga lahaa ayaa nala dagaalamay isagoo kacaraysan waxa aan samaynay; anagana warba uma hayno waxa dhacay iyo sida ay udhaceen! Wuxu lafuulay kii shaaha noo kariyey!

Midkale ayaa soo booday oo yiri: Waxay aheyd tijaabo fiican oo aan kuraxaysanay. Jirkeena ayaaba ubaahna! 

Nadiifin iyo dhaqis kabacdi, qof waliba wuxu qabtey gurigiisa. Gurigii ayan galay anigoo sidii shinbiraha uqaylinaya; dadka oo dhan way jiifan walashey Sarrah mooye, gacanta intay iqabatey, ayey igalisay qolkeeda, kadibna ii nasteexeysay oo igu caga jugleysay inay ii sheegeyso aabehey haddii aan dib danbe kasoo daaho guriga.

Alle! may faraha iga qaado… aabahey ha’igaracee, Alle! may idisho oo dunida iga kaxayso, Ya Rabbi maxay ii cafisay Allaha cafiye! 

Maalmo markii ay kasoo wareegtey ayan markale ku kulanay midkale gurigiis anogoo dalbanayno in nagula soo celiyo cabitankii oo kale waayo waan wada jecleysanay! Ninkii guriga laha ayaa nagu yiri: Sharabkan, waxa lagu iibiya lacag aanu qof kaligiis bixin karin…!

Lacag ayan isku dardarnay si’an usoo iibsano dhowr xabo. Waxan filaya inaad fahanteen waxa lasoo iibinayo…? Waa mukhadarad laakinse waxan uhaysana wax lagu maaweesho!

Bartii ayaa lagu wada sar qaamay markale!

Waxa go’an lasoo saarey inan joogteyno labadii isbuucba mar in laysugu yimaado midkaayo gurigiisa, daroogada lasoo wada iibiyo madama ay qaali tahey! 

Waxay arin sidas ahaataba, xaladeyda ayaa kasii dartey ilaa aan iskuulkii wadi waayey! Daroogadii iyo asxaabteydii xumeyd ayan laqabsadey! Natiijada imtixankii ayaa noqotey mid ay qoyskana rumaysan waayeen, oo rajadii ay iga qabeen hoos udhigtey! Laakinse Sarrah ayaa ceebta reerka kameertey oo keentey darajo fiican. “Mabruuk, yaa Sarrah” Ayaan ugu mahad celiyey.

Si niyad wanag ah ayan ugu mahad celiyey, waxay aheyd markii iigu danbeysay ee aan farxad qalbigeyga kadareemo. “Maxan kuu iibiyaa Sarrah, munaasabadan muhiimka ah” Ayaan waydiyey. Ma garanaysan waxa ay iigu jawaabtey? Waxad mooda inay isoo aragtey aniga iyo saaxibadey oo wada joogna- waxay iigu jawabtey “Waxan kaa raba inad naftaada unaxariisatid! Walaal, waxad tahey garabkeyga midig ee aan isku haleynayo ilaahey kasokow!” 

Hadalas ayey ku hadaaqday miskiin ayadoon ogeen inuu noolashayda inta kahartey igu noqondona waran laygu taagay! Allah, haddii anay dhihilahena, haddii anan waydiin laheena, Aahhh, waa maxay sharafta aad iga sugaysid Sarrah, XASBIYALLAH, WANICMAL WAKIIL!!! 

Sarrah waxay gashay mahadka macalimiinta  ayadoo isu diyaarinayso inay noqoto wixii ay kuniyad wayneyd, macalimad caruurta barta diinta islaamka, waxay aheyd qof dadal udhashay oo hadana sii labo laabtey. 

 Aniga sow ma’ah, mugdi ilaa mugdi, imtixankii oo aan kudhacay ilaa aan go’goys bilaabey… kasooreyn hashegin.

Waxan ilaa iyo iminka layaabanahey ‘sida ay reerahanaga nooga warheyn!!’ waxan mareyna inaan daroogadii joogteyno oo labadii maalmoodba aan mar soo iibsano.

Mid kamid ah asxabta(cadowgeyga kamid ah) ayaa nagu yiri: War wax ma ogidiine… waxa jira shaykale oo kamacaan badan, kana qaalisan . Oo waliba inta muda ah aanu raaxadeeda dareemeyno ee maxay idinla tahey? 

Waxan weerar kuqaadnay sidii lagu helilaha alaabtaas uu sheydanka noo xayeysiiyey- ilaa aan soo iibinayba!

Arin kale oo iga fajicisay waxay aheyd, waxas oo lacag ah waxan kasoo aruurina jaabka waalidiinta, runtii, magaran karo inay kaqayb qaateen baadiyeyntanada iyo inkale? In ay danbiga qeyb kuleeyihiin iyo inkale?  

Maalin markii aan guriga kusoo laabtey, Sarrah ayaa kashakisay xaaladeyda, kadibna waxay ii baneysay qolkeeda inan saaxdo! Waaga markii uu  baryey ayey ii timid ayadoo ii waanineyso, waxay iigu hanjabtey inay ikashifeyso haddii anan xaqiiqada usheegin! 

Anagoo doodeyna ayey hooyadey soo gashey, hadalkii ayaa naga kala go’ay! Alle may soo gali laheyna, Aah, may iska dhimato inta anay soo galin, maba joogi laheyn dunida oo  dhan waaba intas oo aan uqirto danbigeyga walaashey… lagayabe inay ibad baadiso, bal bad baadiso nafteeda iyo nafta reerka oo dhan! 

Hooyadey ayaa dukanka adeeg iiga dirsatey, waxayna ii aheyd fursad aan kaga fakaday waraysigii aan horeyba udiidana, markan kasoo noqdeyna, waxan bilaabey inan kamer-meero walaashey cabsi aan kaqabo in ay fashiliso wixii aan ladhudhumanayey inkabadan sanad! 

Waxan utagay mid kamid ah asxaabta anagoo sii aadnay midkale gurigiisa.Waxan cunay wixii aan heli karney ee darooga ah.

Waxan ugu waramay cabsida aan kaqabo walaahey iyo xaalada guriga meesha ay mareyso oo arinteyda udhowdahay inay fashilmadato, oo markas anagoo dhan wada fashilmano!

Marumaysanaysa, wali waxay ilaashanayna sharaftanada oo madoonayno in nalagu sheekeysto! 

Go’an adu qaarbu Sheydanku ka aa cuudi bileysta! 

Arintii ayaan kadoodnay, bal waxa kadoodey xita shayadiintii, sidii aan ugu hortagi laheyn arintan! Midkood ayaa yiri: Aniga ayaa xalka haya laakinse madoonayo inad hadal kakeentan!!

Magaranaysan waxa uu kutaliyey ee uu xalka usoo jeediyey? Walaahi, haddii sheydan lawaydiyo waxa uu xalka usoojeediyey madaxa ayaa weynanlahaa! magaranaysan waxa uu kutaliyey?! Ma waxay kula tahey inuu kataliyey inan carabka iyo indhaha kasaarno? Wuxu kutaliyey  wax kaweyn inuu yirahdo aan gubno ama aan dilno ayadoo dhan!!! Balse wax intas kadaran, maxay yihiin wax intaas kadaran oo uu kutaliyey?? XASBIYALLAH WANICMAL WAKIIL!!!

Allah ayaan kamagan galaya ahlul mukhadaraad iyo maskaxda ay kushaqeeyan! Allah ayaan kamagan galaya sharta qofka aan saaxibka kadhigtey! 

Wuxu yiri, Ilaahey xubnihiisa cad cad ha ukala gooye, Ilahayey indhaha hatiro, caqligana hakaqaado, ilahey garabkiisa hakabaxo Aakhiro iyo Aduunkaba, ilahayow towbadiisa aqbalin, waayo waa shaydan, ilaahayow waad ogtahay isaga ayaa sabab u ahaa waxa igu dhacay oo dhan! Ilahayow nafta kaqad inta uusan towbad keenin, ilahayow ciqaab Aakhiro iyo Aduunba! 

Wuxu soo jeediyey dulmi, xad gudub, munkar iyo colaad tii ugu xumeyd!, wuxu kutaliyey sida ugu fiican ee aan ugu soo darilaheyn Sarrah lafteeda groupka(Ilaahey hakudaro maalinta Aakhiro kuwa Fircown iyo Haaman lala soo safayo).

Waxan siinayna” Ayuu yiri isagoo soo jeedinaya fikrad sheydankiisa, “…xabad kaniini ah si’ay noogu soo biirto oo ay noo difaacdo! Haddii aan sidaas yeelno waligeed nama fashilinkarto waayo waan kuwada jirna! 

Go’ankas, sitoos ah ayan ugu gacan seyray, anigoo kuleh: War qofta aad sidas leedahey waa Sarrah, qofta edebta iyo akhlaq miiran! Walaashey aan jeclahey, Sarrah walaashey miyad ….! 

Waxay isku dayeen inay diidmadeyda kasoo qaadan waxan jirin ayagoo leh: Maxaad isu waalaysa, anaga kuma dhihin meeshan keen oo hanala cabto daroogada! Adiga ugu gee guriga xabad kaniini ah, waadna ogtahey inuusan sidaas waxba yeelin! 

Cadadiska darogada iyo shaydanada saaxibadey, iyo waliba shaydankeyga awadood- ayaan waafaqay inan howshaas fuliyo!

Sarrah oo kusoo biirtey daroogeystayasha! 

Waxan tagey guriga, Sarrah ayaa isoo qaabishey ayadoo ii yeereyso, waxan ku iri: Shaah iikari haddii aad doonaysid inan kuu waramo dhamaan arinteyda oo dhan! 

Miskiintii orad ayey isxaabisay ayadoo doonayso inay mushkiladeyda xaliso, aniga, maskaxdayda waxa kuwareeganayso boqolal fikradood oo shaydaynimo ah, hamigeygu waa inan dumiyo noolasheeda! Shaahii ayey keentey. Waxan kacodsadey inay aniga iyo ayadaba noo wada shubto!

Kadibna inay ii keento biyo aan cabo, ayan kacodsadey! Markii ay qolka kabaxdey, intii ay biyaha kumaqned ayan ugu dhex ridey xabad kanini ah!

Walaahi, waxa iga soo daadatey ilmo anan garanayn inay aheyd naxariis aan unaxsanahey mustaqbalkeeda meesha uu kudanbeyndoona! Ama farxad aan kufaraxsanahey madama aan fuliyey saaxibadey balantoodii ay igu lahayeen “sirteena cid dambe oo ogaan karto majirto!” 

Waxay soo noqotey ayadoo ii dholo cadaynayso, aniganase waxan u arka sida canug yar oo dhex galay dhul howd ah oo ay yeyda iyo dhurwaaga kubadanyihiin!

Niyadeeda oo wali ii saafi ah awgeed ayey aragtey ilmada indhaheyga kasocoto, waxay bilowday inay iga tirtirto ayadoo leh: Raga ma ooyan, ceeb… aamus!

Waxay iskudaydey inay isamirsiiso ayadoo uhaysato inan kaxumahey wixii aan nafteyda u gaystey! Ayada ayan unaxsanahey!!! Sideen ugu ooya anigoo nafteyda aan kanaxeynin, waxan la ooyaya sida uu mustaqbalkeeda noqondoona, waxan la ooyaya qosalkeeda iyo niyad wanaageeda iyo qalbigeeda nadiifta ah, sheydankuna wuxu igu leeyahey: War ha unixin ayada iyo adigaba saa dambe ayaad iska daaweyn doontane, oo kali ah mushkiladada ayey ogaandoonta; wayna kuu garaabi doonta, sikale oo aad kudarensiinkarto xaaladada majirto, waa lagama maarman inay dhadhamiso!

Sheydankii igama suulin in uu ii qurxinayo fisqiga iyo fasaadka aan samaynayo! XASBIYALLAH CALAYHI!  

Anigoo doonayo inay sifiican udaroogowda ayaan ku iri: Haye aan cabno shaaha, markan qac kasiino ayan kuu sheekeynaya! Miskiin, shaahii ayey cabtey! Alle may cabilaheyna, Alle haddii shaah ii karinlaheyna!!

Waxan bilabay inan usheekeyo, mar waan qosla, marna waan ooya, managaranayo sababta ay ilmada dhabankeyga ugu hoorayso! 

Ninkii Ibliiska ahaa, aya igu akhriyey inan lay ogandoona, aabo iyo hooyo marka ay arkan walaashey oo isku dhexyaacsan in layga garaci doono~!

Waxan go’ansadey inan cararo. Almuhiim, waxan abaarey saaxibadey anigoo ubishaareynayo musiibadii aan gaystey! Dhamaan saaxibadey way ii  wada istagey ayagoo iimahad celinayo!

Walaahi waa cadowgeyga kuwas ma’aha saaxibadey! 

Waxay yirahdeen ayagoo abaalmarin iiga dhigayo: Waxas kaa rag ah, laga bilaabo maanta adiga ayaa kooxda amiir u ah, qof kaa dabo hadli karo majiro, adiga na amraysid, nagana reebeysid! Taajka adiga ayan kusaarney, hadalkada hadal kama danbeeyo! 

Lasoco qaybta 2aad, insha’Allah

Al-Hasani  abuzuhri1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor [Silsiladda Taariikhda Islaamka]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
 

 



HTML CD