Ma
Marqaansanyahay Maamulka Somaliland
C/Waaxid C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo
naxariis nabi Muxamed ha ahaato.
Sidii horay loo sheegay waxaa
boggagga internetka laga arkayey
meydad iyo maxaabiis Soomaaliyeed oo
ka kala socday “maamul-gobollo”
Soomaaliyeed. Saraakiisha ka kala
dhimatay labada dhinac waxay u
dhowdahay in wax lagu soo baray
canshuurtii laga qaadi jiray xaabo
iyo caws ay hooyooyin Soomaaliyeed
dhabarka kusoo qaadi jireen ama nin
ceesaantiisii, dibi ama tulud geel
ah seylad keensaday. Bal adigu
isweydii sida Zenawi u arko ragga
halkaas la waray?
Ina Sanweyne waxa laga hayaa: gari
Eebbahay bey taqaan. Dhowr
waxyaalood dartood waxaa laga raayey
maamulka Daahir Riyaale:
-
Runtii ma ogi cidda xabbadda
bilowday dagaalkii Ari-cadeeye
laakiin waxaan fahmi karnaa
sababta ka dambeysa ciidamada is
horfadhiya oo haddii aanan
khaldaneyn lala xiriiriyey
xudduuddii Ingiriisku sameeyey.
Horta markii dad muslim ahi
isqabtaan oo arrin ku murmaan
waxaa loo celiyaa Ilaah iyo
Rasuulkiisa (SCW) micnaha
Islaamka. Marka haddii arrintii
Ingiriisku sameeyey la isku
qabto waa in loo ceshaa
Ingiriiska; sida muuqata
Ingiriisku wuu ka warwareegay
inuu si cad u yiraahdo ama u
taageero xudduud beenaadkaas.
Marka ilaa hadda, Ingiriis oo
dhibkaas dhigay iyo Maraykan oo
adduunka horbooda midna ma
taageerin maamulka Daahir
Riyaale.
-
Daahir Riyaale waxaa soo maray
fursad uu ku qaadi karay weerar
isagoo marmarsiinyo heystay
kaddib markii lagu dili lahaa
Laascaanood. Sidoo kale waxaa
maamulkaas soo maray fursad ah
iyadoo C/hi uu Puntland keliya
heysto ayaa waxaa ku furmay
dagaal sokeeye. Ciidamada ay ugu
yeeraan “Majeerteenya” qaarkood
oo mucaarad ah ayaa ugu tagay
“Somaliland” laakiin maamulka
Hargeysa kama faa’iideysan
fursadaas.
-
Waxaa kaloo hadda garabka
Somaliland ka baxay Itoobiya oo
isu muujisay inay garab taagneyd
maamulka Daahir Riyaale. Waxaan
arkayey sida Itoobiya u
maaweelinaysay inuusan maamulka
Daahir Riyaale weerarin C/hi
markii uu nuglaa; iyadoo
maamulka Hargeysa ku hafisay
wufuud iyo ka hadal ganacsi
dhexmara Adisababa iyo Hargeysa
ilaa maamulka Riyaale uu is
mahadiyey oo uu galay inuu ka
hadlo la dagaalanka
“argagixisada” iyagoo is leh
waxaad helaysaan soo-dhoweynta
Zenawi; sida la sheegana dad
xornimo-doon ahna xabsiyada
dhigay, qaarna Itoobiya u
gudbiyey.
-
Haddii C/hi dhibaatadii la ogaa
ka dabaashay; oo mucaaradkiisii
la heshiiyey, sidee maamulka
Daahir Riyaale ku keenay inuu
hadda ka hadlo weerar ama ciidan
xuduud-soo-dhoob? Maaddaama C/hi
heysto waayo-arginimo Itoobiya
ah oo ku aaddan laga soo bilaabo
1978 ilaa hadda; maxaase
Somaliland u keentay Daahir
Riyaale oo haysta waayo-aragnimo
dhowr sano ah oo keliya? Haddii
hogaamiyayaasha SNM la keeni
lahaa waxaa dhici karta in
qaarkood heystaan waayo-aragnimo
ah laga soo bilaabo 1982 ilaa
hadda; marka farqiga dhowrkaas
sano ah waxaa lagu dhaafi karay
caqli ama karti kale. Marka C/hi
oo guulahaas la arkay hadda ka
soo hooyey Soomaaliya sidee
Daahir Riyaale ula jaanqaadi
karaa?
-
Maalmahaan waxaad saxaafadda
Somaliland qaarkood ka maqleysaa
iyagoo leh si isir ah ayaa
Somaliland loo soo weerarayaa!
Horta isirka Ilaahay baa
sameeyey ee Ingiriis ma samayn
inkastoo Soomaalidu si qaab
daran u isticmaashay. Marka
haddii dastuurkii Soomaaliyeedba
lagu saleeyey qaab qabiil, la
yaab ma leh in la arko Soomaali
oo qaab qabiil isagu hiilinaysa.
Waqtigaan xaadirkaa,
habarwacashadu waa waxyaalaha
ciidan iyo cood lagu helo waana
arrin kornaylka anfacaysa.
-
Horta siyaasaddu waa turubka oo
kale marka qofka haddii turubka
laga badsho waa inuu iska
baandheeyaa ee dani kuma jirto
inuu guuldarradiisa dheereeyo
si dadku usii fiirsado isagoo
gabaahiir looga tagayo. Caqligu
wuxuu keenayaa in maamulka
Hargeysa ay iska sugaan wuxuu
kornaylku Xamar kala kulmo.
Haddii uu halkaas dharbaaxo kala
kulmo waxaa dhici karta in
Riyaale isna tabartiisa geysan
karo laakiin ilaa hadda taasi ma
muuqato ee waxaa muuqata in
kornaylku uu hogaamiye kasta oo
Xamar ka yimid oo qaarkood
colaad xun kala dhaxaysay,
markuu mid qaabbiloba la arkayo
iyagoo qoslaya ama leh ninku waa
mujaahid; marka waxay ku
fiicnayd in maamulka Riyaale
kaadsado.
-
Sidaan horay u soo sheegay waxaa
jiray mar ciidamada Puntland
kala qaybsanaayeen. Joogitaanka
C/hi Puntland joogay waxaa
dhibaato ku qabay ciidanka
Puntland! Sababtu waa iyadoo ay
isaga waardiyeyn jireen ciidan
aan ka yarayn kii Puntland ee
Ari-caddeeye ka qayb galay;
maanta ciidankaas wuxuu awoodaa
inuu dagaal galo.
-
C/hi oo ay hor safinyihiin
gammaan badan oo uu ka xulanayo
faraskii uu heensaha saaran
lahaa (ra’iisul wasaare). Soow
ma dhici karto in kornaylku
dhaho: faraskeyga Bullaale
Berberuu u socdaayoo biyo waa ka
WALLAAHI? Markii C/hi nimankan
la kulmay, muxuu Cismaan Caato u
faraxsanaa; muxuuse Muuse Suudi
uu hal mar isu rogay isagoo
qanacsan? Kolley xaqiiqda ma ogi
laakiin waxaan is iri ma waxaa
jirta shuruud lakala dhigtay oo
leh: in C/hina uusan ciidamo
shisheeye waddanka keenin,
nimankaasina Xamar kala baxaan
maleyshiyadooda oo ka dhinac
dagaalaan kuwa Puntland ee jooga
Ari-cadeeye dabadeedna haddey
Burco, Hargeysa ama Berbera
galaan aan loo qabsan cidday
dilaan ama haweentay kufsadaan
ama jiingadday fuqsadaan. Miyaan
mooryaanta iyo jirridu ahayn
ciidamo shisheeye? Iyagaa ah
shisheeyaha koowaad. Waxaa
fiicnaanlahayd in la helo
fannaannaddii weydiin lahayd
meesha Sayid C/hi u socdo
micnaha “Sayid Maxamed baan iri:
waa adiga seefta haystee,
sengaha dheer ku joogoo, saaran
Dhoodi-meere xaggee baad u
socotaa?
-
Cinwaankaan maqaalka siiyey
waxaa ka weecin kara maamulka
Somaliland haddii Riyaale uu
dhaho waxaan nacayey anoo
madaxweynaa inaan la dagaalo nin
maamul goboleed heysta; isagoo
ku sii daraya waxaan rabay inaan
mucaaradkii Cadde Muuse iyo
isaga heshiisiiyo dabadeedna aan
sugo intuu madaxweyne Koonfureed
noqonayo si aan u la dagaalo
isagoo dhiggey ah marka maantana
ayuu ii dhigmaa anna maantaan
dagaal ku qaadi karaa! Hadday
arrintu saas noqoto waxaa
dhacaysa in Riyaale soo derriyey
xeer cusub oo dagaal oon horay
loo aqoon. Waxaa caadi ahayd in
labada qof ee seefaha isu qaataa
aysan dhabarka iskaga dhufan
jirin iyagoo is gaadaya ee si
ka-fool-ka-fool ah loo dagaali
jiray laakiin weligeed waxaa
jiray qaacidada dagaalka ee ah
“Al-xarbu khudcah/khadiicah” oo
ah dagaalku waa xeelad”.
Waan ogahay in badan oo ka mid ah
dadka reer Somaliland aysan raalli
ka ahayn kala-goynta Soomaaliya,
marka waxaan maamulka Riyaale iyo
dadka arrintaas u ol’oleeyaba ka
codsanayaa in daba-orodka arrinta
xudduudda laga waantoobo. Haddii
Cabdi-qays u arkayey Jibuuti dhul
Soomaaliyeed; sidoo kalana Ina
Gahayr Harar u arkayey;
Barkhad-casna uusan Ingiriisba maqli
karin iska daa inuu xariiqdaas
raacee; Salaan Carrabeeyna lahaa:
-
Ma hambeyn dhulkii tan iyo
Hiiraane.
Isagoon raacayn sharci Ingiriis ee
aamminsan wixii uu cududiisa ku helo
ilaa Hoosingoowba ha ahaatee.
Shacabkaas Soomaaliyeed uma baahna
dagaal dame iyo dhib. Bal suurayso
dadkii labada kooxood ka dhintay oo
Ilaahay horti istaagay? Ka warran
markuu Allaah weydiiyo maxaad isku
disheen, maxay oran? Ka warran kii
dhaha xaq Ingiriis ii gooyey baan
dabosocday?!
F.G. Markaan faaqidayo fursadihii
Riyaale lumiyey waxaan ka hadlayaa
caqliga hogaamiye-maamuleed ama
kooxeed ee micnaha maahan inaan ka
hadlayo arrin diin ahaan ama
shariciyada dadku degsaday sax ku
ahayd. Waayo-aragnimada Amxaarada
loo leeyahay waxaan ka wadaa
khiyaamo.
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan.
C/Waaxid C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com