Maba dhalane dhoowrteeysan ogidaa!!!
Eng:C/qaadir xaashi Maxmed
Email:
madaalaha@yahoo.co.uk
Dowladda lagu dhisay Nairobi iyadoon
jirsan 2 usbuuc ayey bilaabeen
madaxweeyneheedii iyo gudoomiyihii
baarlamaanka in eey jebiyaan axdigii
iyo sharcigii lagu dhisay iyaga oo
an dhameeystirin intii kale sida
golihii xukuumada iyo hey'adihii
kale ee dowladda maxaase keenay go'
aankaas madaxweeynaha iyo
gudoomiyaha baarlamaanku kaligood
qaateen dabadeedna lagu macneeyey
arin kedis aheeyd oo qalad u dhacday
kadib markii dantii la lahaa la
gaaray ???
Sidoo kale waxaa waxaa uu
madaxweeynuhu magacaabay ilaa 6 qof
oo xogheeyn afhayeen iyo wakiilo
isug jira oo kuli ilma adeeradiis ah
iyo wiilkiisa oo wafdi usoo
hogaamiyey Yaman (boqortooyo
biloowgeed) taasna waa aragti
iyadana somalida qabiilka caabuda
lagu yaqaanse loomase waa bariisan
ayey ila tahay
Waxaa jira sadex arimood oo aad u
muhiim ah oo uu madaxweeynuhu u
aaday adis kuwaas oo ah :
Tan koowaad :
madaxweeynaha la doortay oo gacanta
meesha keentay marki horayba eey
aheeyd itoobiya oo labadii wiig ee
uu jiray wax kalsooni ah ka waayey
saaxiibadiisa kale hogaamiye
kooxeedyada somaliya ee ku jira
baarlamaanka tayadiisu aadka u
hooseeyso ee lagu soo dhisay
qabiilka kuwaaas oo nin walba oo ka
mida uu doonayo kursi uu san
cilmigeeda iyo diblomaasiyadeeda
laheeyn (c/laahina ku doortay
shirqool eeysan fahamsaneeyn oo
wadanka loo dhigay) taas oo ku
kaliftay c/laahi inuu maciin bido
cadowgii u adeegi jiray
doorashadiisana ka danbeeyey
waa(itoobiyee) taas oo uu
qeeyladhaantiisii ugu horeysay
kabilaabay caasimada soomaliya(Adis
ababa) ee xiliga kala guurka soo
socda taasoo si toosa looga hagi
doono siyaasada iyo dhaq dhaqaaqa
wadanka taasoo bilaabatay durbaba
iyadoo aan lala ganban cidnana
lagala tashan waa sidii laga
sugaayey korneeylkee -NIN ABEESO
KORIYOOW ADIGAA U AAYA AXDI MALAHA
XABASHIDU LAGU AAMINAAYEE -arintaas
oo eey dad badan u arkeen ineey wax
u dhintay taageerada c/laahi ee
gudaha wadanka iyo dalabkiisa ciidan
shisheeye oo wadanka u qabta iyadoo
hogaamiye kooxeedyadi hubeysnaa ee
saaxibadiis ahaa midna aan horay
safarkaas loogu sii wadin sidii
col. shaati guduud uu c/qaasim u
geeyey new york oo kale taasoo
muujineeysa inuusan c/laahi
kalsoonidooda heeysan uuna ka
doorbiday kalsoonida tigreega
oo ah ciidanka dhabtaa ee hadiiba
eey dhacdo uu heli karo c/laahi
iyadoo eeysan jirin ciidan kale oo
iyadoo la diidan yahay imaankara
muqdisho iyo somaliya intaba
aduunkuna shardi uga dhigay ineeysan
cid somaliya oo diidan jirin
ciidanka waayo waxaa la wada
xasuusanyahay dhibaatadii loo
geeystay ciidankii Unisom2 1993 dii
oouu hogaaminayey mareeykanka oo
dhulka lagu jiiday ciidankii ugu
taba barka fiicnaa dunida sida eey
sheegtaan.
Sidoo kalana go'aan kaas aaney waxba
ka ogeeyn barlamaanka iyo hogaamiye
kooxeedyada aan waxba ka aqoon
maamul iyo siyaasada midna iyagoo ah
raga dowlad kasta hortaagnaa oo
hadana baarlamaanka katirsan, go
aankaas jebinaya sharciga iyo
dastuurkana uu c/laahi gaaray
kaligis iyadoo aan barlamaan las oo
marin isagoo dhegta ugusii sheegay
inuu sii raaco oo kaliya gudoomiya
baarlamaanka oo u muuqda mid sidii
boorso ookale jeebka loosii gashtay.
Tan labaad:waa
in uu korneeylku codsadaa ciidankii
u qaban lahaa wadanka iyo hogaamiye
kooxeedyada Ex saaxiibadiis uu ugu
weeyn yahay ee shacabka soomaaliyeed
lagu saliday ka hor inta uusan ku
dhawaaqin jagada rai'sulwasaaraha oo
aad leeysugu dilayo taasoo keenaysa
ku dhawaaqisteedu in rag badan oo
hada u aamusan c/laahi iyo kuwa la
shaqeeya ama damac uga jiro in iyaga
loo magacaabo iyo weliba kuwa badan
oo balamo in lala galay sheeganaya
eey dib ugu laaban doonaan wadanka
halkaasna sidii caadada u aheeyd eey
diidi doonaan taasoo darba cusub ku
noqoneeysa dowlada aan taageerada
shacabka heeysan ee dabada eey ka
riixayaan cadowga umada
soomaaliyeed(itoobiya, talyaaniga
iyo Kenya) ugu horeeyaan .
Tan sadexaad: in
lagu xayiro Nairobi hogaamiye
kooxeedyada iyo inta kale ee aan
raaliga ka aheeynba qorshaha sida uu
usocdo inta looga dhawaaqayo
raisul wasaaraha oo eey kasii
doodaan topics aan muhiim aheeyn
sida ma waxaa laga keenayaa banaanka
mise barlamaanka ra'isul wasaaraha
?? taasoo inta go aanka c/laahi
hirgalayo eey ku sugaan meesha
iyagoo aan hadli Karin, doodi Karin,
bixina Karin hadhow goor go' aankaas
la ansixiyey eey baxaan hadeey
doonaantaasoo muujineeysa inuusan
xiligaan hogaamiye kooxeed wadanka
maamuli Karin ha ahaado mid weeyn
sida c/laahi oo kale ama mid yar,
figrada eedeeyneeysa reer
muqdishana waa mid qaldan waayo
muqdisho ma ahan meel
qabiil,reer,koox,urur ama hogaamiye
kooxeed maamulo ee waa meel caalamku
maamulo kadib markii eey dhacday
dowladii dhexe ee soomaaliya waxaa
door iyo joogitaan siyaasadeed iyo
weliba mid ciidan kuleh itoobiya oo
cadowga koowaad ah sidoo kale waxaa
raad muuqda oo danahooda u adeegaya
kuleh Kenya Jabuuti Masar Liibiya
Yaman Maraykanka iyo Talyaaniga oo
ka wakiil ah wadama yurub(EU)
waayo waa miraayadii wadanka
afrikaana caasimadaa laga xukumaa
hadii maamulkeedu hagaago inta kale
weey hagaagtay hargeeysa,baydhabo
boosaso dhuusamareeb iyo kismaayo
ayaa noqon lahaa sida xamar hadii
eeysan jirin muhiimadaas.
Ugu danbeeystii waxaan hadalkeeyga
kusoo gebagebeynayaa tixdan:
Ma dhabbaa warkaagani
Riyo miyaad dhexqaadoo
Webi aan dhamaan iyo
Dhulka baaxadiisiyo
Ma buurbaad dhiseeysaa
Ereyada aan kala dhigay
Haku dhaadheceenoo
Yey noqonin dhaantee
U dhugyeelo hadalkaan
Halyey nimadu waa hibo
Ee maahan hiil ka raadsi
Nin aannaan heeyb wadaagin
Ha hungoobin wiiloow
Soomaalaan hiil u raadin
Iyo hooy barakeeysan
Hubaal maaha warkaasi
Humaag baa ku dahsoon
Iyo hoowlo qarsoon
Horaa looyiri heeyboow
Hoos inuu kugu jiido
Ninkii hiinka ku gooyey
Waa hadal aan sal laheeyn
Qarankii aan hungeeyey
Ayaan heybad udooni
Miyaan kaa hanqalnaa
Doqonaan wax ogeeyne
Damiinaan wax fahmeeyne
Ma dammanaad wax usheegi
Iyo duulaan wax dareemin
Koleey diidnay warkaase
Koleey diidnay warkaas.
Afeef:
Qoraalkeeygan inta aragtidoodu
gaabantahay waxa laga yaabaa ineey u
fahmaan inaan qabiil u hadlayo ama
la hadlayo waxaanse la hadlayaa inta
dareenka leh ee wax garadkaa kana
fekereysa danta dadka iyo dalka
somaaliyeed ee lana socota waxa
soconaya odorosi kartana dheriga
karaya waxa uu xambaar sanyahay si
aan loogu laaban 1992 dii iyo 93 dii
markale kana digtoon dibin daabyada
cadowga muuqda iyo kan qarsoon.
W/Q:
Eng:C/qaadir xaashi Maxmed
Email:
madaalaha@yahoo.co.uk
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004
Habnololeedka
Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor
[Silsiladda Taariikhda Islaamka]
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|