SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

 

Wasaarada Warfaafinta Puntland oo Garan la si ay Aduunka war u gaarsiiso.

jagne dahir <jagne3@hotmail.com>

Waxay Wasaarada Warfaafinta ee Puntland ay Warka siisaa BBCda Laanta Afsomaliga oo kaliya oo iyagu Warkii la siiyey ee Puntland ku saabsan haddii uuna xumayn aan badanaa soo tabin, haddii ay afsomali ku soo tabisana aan afka ingiriiska ku turjumin, si aanay Wakaalada kale ee Wararka tabiyaan aanay u qaadan warka Puntland laga soo tabiyo. 

Isku koobiya ay Wasaarada warfaafinta puntland ay BBCda Laanta afsomaliga iyo warbaahinta puntland oo kaliya ay isku koobeen waxay keentay in aduunku ka dhago la´aado waxa puntland ka socda iyo in warbaahinta aduunka lagu soo qoro war markasta reer puntland ka soo horjeeda, sida dagaalka gardarada ah ee ay somaliland soo qaatay oo aduunka laga indho saabay siday wax u dhaceen ilayn waxay warbaahinta aduunku soo daabacaday wixii ay somaliland soo tabiyeen. 

Waxaana keenay in ay aduunku sidaas warka somaliland u soo qaateen. 

1.    BBCda laanta afsomaliga oo somaliland u hagar baxday.

2.    wasaarada warfaafinta ee somaliland  oo ku dadaalaan in ay wakaalada warka ee aduunka warkooda gaarsiiyaan.

3.    Iyo wasaarada warfaafinta puntland oo aan aqoon in ay jiraan hay´ado kale oo aduunka ah oo diyaar u ah in ay warka puntland soo tabiyaan haddii la gaarsiiyo. 

War puntland laga soo tabiyo oo uu aduunku maqlo waxaa ugu danbaysay waagii uu cabdi shakuur mire aadan uu wasiir ku xigaanka warfaafinta puntland ahaan in kasta oo isaga laf´ahaantiisa markii uu shir ku sheegii qorayaasha somaliyeed ee jabuuti ka dhacay uu ka qayb galay ay wax iska badaleen oo uu joogiye in uu soo tabiyo waxa puntland ka dhaca. 

Waxaanse cabdi shakuur ku amaanayaa sida uu waagii uu puntland u hagar bixijiray uu aduunka warka uga haqab tirijiray.Wuxuuna cabdi shakuur mire aadan waagaa BBCda laanta afsomaliga ku khasbay in ay warka puntland wakaalado kale ka soo qaataan iyo in ay BBCda laanta afsomalugu qudheedo qaabka ay wax u tabinaysay wax ka basho ilayn war aduunku uu ogyahay iyagu ma qarin karaane. 

Haddaba iyada oo laga tabaabushaysanayo Qaabka eexashada ah  ee ay BBCda Laanta Afsomaligu wax u tabiso waa in Wasaarada Warfaafinta Puntland ay ka tashadaaan BBCda Laanta Afsomaliga oo ay isku howliyaan sidii ay hay´aha kale ee wararka soo tabiyaan ay ula xiriiri lahaayeen si Warkoodu Aduunka u gaaro oo aan loo oron wixii xunba reer puntland baa leh. 

Mahadsanidin

jagner
<jagne3@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor [Silsiladda Taariikhda Islaamka]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD