Bismillaah, ACWW - Shabakadaha kore, fadlan
maqaalkan ii daabaca haddii ay suurtowdo -
Mahadsanidin
Maxamed S M Xirsi
Soomaalidu marka ay ka ducaysanayso akhbaar
naxdin leh oo dhibta maqalka iyo qalbiga
waxay la soo boodaan duco la soo gaabiyey oo
ah "war xumow lagu waa"
oo ka dhigan allow an akhbaartaasey dib
laguu maqlin. Sidoo kale, marka la maqlo
akhbaar wax fasasinaysa, wax isku diraysa
ama xiisad kicinaysa waxaa ciddii laga soo
wariyey lagu habaaraa "war xun
sheege warkii ha ba'o".
Ninna waxaa laga sheegay inuu yiri
"hubsiino hal baan daafsaday ama ku
iibsadey". Iyadoo la ogyahay
qiimaha wayn oo uu Soomaalidii hore ugu
fadhiyey geelu ayuu haddana jirey nin isagu
hashiisii geela ahayd ku iibsadey xigmad uu
ku ilaaliyo sharaftiisa si aysan uga tegin
wax uusan hubsan in ay sax yihiin. Mabda'an
waxaa asal u ah "hadal wuxuu
ammaano kuu yahay intuusan afkaaga ka bixin".
Marka la doonayo in layska fogeeyo hadal loo
arkay inuusan habboonayn markaana lagu kali
yeelo qofkii laga maqlay, waxaa la yiraahdaa
"waa nin sheega ma dhaafto".
Dhamman xikmadaha kore waxay u socdaan
Website/yada ama Shabakadaha Internetka ee
Soomaalida dhammaantood ama badidood
waxaanna jeclahay in aan halka uga soo
jeediyo cabasho culus oon isla markaas ka
codsanayo in ay wada faafiyaan.
Shabakadahu wax weyn ayay ka tareen
isgaarsiinta Soomaaliya 14kii sano oo la soo
dhaafay oo dawlad la'aanta ahayd, qaar
badani waxay kaabayeen saxaafadda xorta ah
ayagoo soo bandhigayey boqollaal araa'da
dadweynaha iyo macluumaad kale sida wararka.
Waxaa u dheeraa iyagoo wax weyn ka taray
xayeesiinta iyo ganacsiga iwm.
Intaa oo waxtar ah waxaa garab socdey iyagoo
looga taag waayey in ay laliyaan oo nagu
xididdeeyaan awoodda dagaal-oogayaasha
markaana nagu shabbadeeyey in ay yihiin
Leader/rada Soomaaliya uguna yeerayey
erayada ay ka mid yihiin: hoggaamiye, mudane
iwm. Haddaba marka aan isu miisaamo
waxtarka kore iyo dhibaatada hoose waxaa noo
culus tan hoose oo ah kobcinta
dagaal-oogayaasha oo tirtiraysa horumarka
kore oo ay Soomaalidu ku kasbatay sida
rafaadka iyo naf la caariga ah.
Waxay Shabakaduhu cayiliyeen shirbeenaadkii
ka socdey Nairobi 2da sano kaasoo dadkii
isugu tegey ay ahaayeen kuwo aan matalaad,
dirsasho iyo kalsooni midna ka haysan ummad
waynta Soomaaliyeed. Shirkaas sida la
ogyahay waxaa hoggaaminayey dagaal-oogayaal
waxaana kala qaybgalay shaqaalahooda iyo dad
iska gurdan raac ahaa oon shirka ku lahayn
talo iyo go'aan midna.
Sidaas darteed, qaanuun ahaan shirkaasi
wuxuu ahaa mid aan waxba ka jirin oon lahayn
sal sharciyeed (illegal).
Website/yada anigu marna kama akhriyin mid
si cad u muujiyey in uu shirkaasi ahaa mid
aan sharci ahayn walow ay jireen araa' ay
dad badan oo ay daabaceen.
Waxaynnu ognahay in "wax aan sharci ahayni
aysan dhalin wax sharci ah".
Haddii aynu sidaas isku raacno, shirkaas
kama uusan dhalan baarlamaan (parliament)
sharci ah, haba yaraatee.
Baarlamaan aan sharci ahaynina (illegal
parliament) ma dhali karo ama ma magacaabi
karo madaxweyne.
Sidaas darteed, waxa loogu magac daray "madaxweyne"
Soomaaliya oo laga maqlay shirkaasi waa wax
kama jiraan qaanuun ahaan. Waa halka ay
Soomaalidu ka tiraahdo "hal xaaraan
ahi ma dhaso nirig xalaal ah".
Anigu ma garanayo ihaano ka wayn beentaas oo
loo gaysan lahaa ummaadda Soomaaliyeed.
Haddaba, Website/yada Soomaaliyeed oo sannadihii
la soo dhaafay ahaa indhihii Soomaalida ama
meelaha ay wax ka akhristaan, halka BBCdu ay
ka ahayd dhegihii ama halka ay ka
dhegeystaan akhbaaraadka waxay labaduba nagu
shaabbadeeyeen in ay wax aan jirin ama aan
lahayn aasaas sharci ah ay run noogu
ekaysiiyaan.
Waxaan si cad uga digayaa Shabakadahaas
khatarta iyo cawaaqib xumida ka soo socota
haddii ay sii wadaan isticmaalka erayada iyo
jagooyinka beenta ah oo ay ku mihinayaan
dadwaynaha Soomaaliyeed sida: xildhibaan,
mudane, guddoomiye baarlamaan, ku xigeen,
madaxweyne iwm oo laga soo xaabsaday Nairobi
kuwaasoo aan lagu kasban magaca dadkeenna
laguna matali karin. Cidna kama dahsoona in
ay jagooyhinkaas qaybisay xabashidu
ifafaaluhuna uu yahay sidii ay rabtey iyo in
ay noo soo hooyaan burbur iyo dhiig daadasho
kale iyo in ay sii durugto rajadii laga
qabey dib u dhalasho dawlad Soomaaliyeed.
Shabakaduhu haddaba ha ogaadeen, in ay
sumcad xumo u tahay cayilinta
dagaal-oogayaashu isla markaana ay dembi ka
galayaan ummadda Soomaaliyeed haddii ay sii
wadaan xayeesiinta xukuumad beenaadka.
Waxay runtii dad badani is leeyihiin:
KAADSIINYO DARANAA Website/yada Soomaaliyeed
may wax hubsadaan inta aysan
dagaal-oogayaasha ugu wanqalin darajooyinka
beenta ah oon shaqayn doonin ummadda
Soomaaliyeedna hafrin ama ihaanayn.
Wa Billaahi Towfiiq