SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 


JAWAAB KU SOCOTA FAYSAL CALI WARAABE

  • FAYSAL CALI WARAABE SHALAY “NINKA ADIS ABEBA JOOGA AYAA IIGA DHOW NINKA MUQDISHO JOOGA, MAANTANA QORI DAB LEH”

Faysal Siciid Warsame
Email:- hogolroob@hotmail.com
Badhan, Sanaag, Puntland J. F. Somalia

Tan iyo intii uu dhamaaday Shirkii Mudadda Dheer u Socday umada Somaliyeed ee ka dhacay Kenya, oo midhihii ka soo Baxay uu noqday  dhismaha  Jamhuuriyadda  DFKMG ah,  waxa soo if baxayay Qoraallo fara badan,  oo lagu soo daabacayay Shabakadaha Wararka Somalida, kuwaas oo xambaarsanaa diidmo iyo Mucaaridnimo  Dawladda Curdinka ah. Qoraaladaasi, intooda badan maaha qoraalo laga soo fekeray lana eegay macnaha ay bixinayaan markii lagu soo bandhigo Shabakadaha Wararka, waxaadna moodaa inayba salka ku hayaan laabla kac iyo jar iska tuuris aan loo meel dayin, Qoraaladaas Waxaa ugu danbeeyay Qoraal uu maalin dhowayd Faysal Cali Waraabe ku soo daabacay Shabakabada SOMALILAND.ORG oo uu maqaal uga dhigay DOORASHADA CABILLAHI YUUSUF MA RIYAA? MISE WAA FIDMO HOR LEH ? 

Hadii aynu raadraac kooban ku samayno Qoraalkaas waxa markiiba kuu soo baxaya inuu yahay mid xaqiiqada ka fog kuna qotoma cuqdad,  is qarin kari wayday oodana Soo jabsatay. 

Waa xaqiiq jirta in markii maamul ama nidaam la dhiso inuu yeesho Mucaarid iyo Muxaafid labadaba, hase yeeshee qofka wax mucaaradaya ama arin ka qoraya maamulkaas iyo kan ayidaya labadaba waxa looga baahan yahay inaysan ka tegin xaqiiqada lagama gudbaanka ah. 

Qoraalka faysal waxa uu is lahaa(Isaga garaadkisa) cabdulahi baad ku mucaradaysaa, lakin waxa ka muuqata xumaan iyo cadawinimo fogaatay oo uu u hayo Beel ka mid ah beelaha Somalida. Sideedaba hadii qofku uu wax qorayo misana uu qabo rajo siyaasadeed damacna uu ku jiro in mar uun uu noqdo Hogaamiye, ma haboona inuu qoro ama ka hadlo wax aanu hubin kuna soo noqon karta, taas oo mustaqbalka dhow iyo kan fog labadaba saamayn ku yeelanaysa aayihiisa Siyaasadeed.  

Faysal waxa uu ka hadlay Taariikh dheer lakin nasiib daro waxa uu baal maray dhabtii ama xaqiiqadii ay taariikhdaasi lahayd, waxa kale oo uu ka hadlay Dagaaladii Jabhadaha Hubaysani  ay kala hor yimaadeen Nidaamkii Military-ga ahaa ee Siyaad Bare, waxa uu faanin iyo Buunbuunis cirka ku geeyay SNM iyo USC halka uu SSDF iyo SPM uu ka dhigay wax aan jirinba oo aan lahayn ujeedo iyo Macne ay ku dagaalameen. Taas waxay muujinaysaa In uu Faysal Cali Waraabe Qarsan Kari Waayay nacaybka uu u qabo Beesha DAAROOD.  

Waxa uu meesha ka saaray in Dawladii Somaliyeed ay Burburiyeen Jabhadahaas hubaysnaa ee aan kor ku soo xusnay, sida xaqiiqadu tahay dhamaan waxa ay ka midaysnaayeen in ay ridaan Maamulkii talada wadanka hayey, mana ay ahayn kuwo leh nidaam iyo hab u degsan, iyo sida ay u wada shaqayn doonaan marka maamulka la rido. 

Waa la ogaa wixii dhacay oo qof Somaliyeed oo ay ka qarsoon tahay ma jirto, waxa la Burburiyay wax kasta oo wadanku lahaa laga Bilaabo Xaashida ugu yar ee Wasaarad Taalay ilaa Warshadihii waawaynaa, Magacii wadanka,  Sharaftiisii iyo Karaamadii Shacbiga Soomaaliyeed, waxaas oo dhib ah iyo Hagardaamo Wadanka ka dhacay waxa aabe u ahaa Ururadaas Hubaysan ee Faysal uu ku sheegay inay Malaa’ig ahaayeen, anigu kala Saari mayo lakin dhamaan waa isku Mid  SSDF, SNM, USC, iyo SPM waxaana ay dhamaamtood ka midaysnaayeen in wadanka la burburiyo Qabiilna Gacanta loo galiyo.  

Waxa dhacay Burburkii ugu xumaa taarikhda Somalida, inta la og yahay, waxa meel la isagu keeni kari waayay dadkii Somaliyeed ee walaalaha ahaa ee kala irdhoobay oo ninba meel uu xayn yar u goostay, 14 Sano iyo ka badan ayaa dagaal iyo burbur iyo halaag iyo anigaa sidan ah iyo reer hebel lagu jiray.  

Waxa dhacay in shirkii ugu danbeeyay ee Kenya la isagu yimid, Caalamka oo idilna uu isagu Habar wacday, waxa ka soo baxay Dawlad Loo dhan yahay, qof dafiri kara wixii meesha ka dhacayna aanu Jirin, waayo 2 sano iyo ka badan ayaa loo fadhiyay oo la qodxo qaaday, caqabad kasta oo hor imanaysay shirka, waxaana dhacay Doorasho ku dhacday si waadix ah aduunka oo dhan laga daawanayay sida ay wax u dhacayeen, Somaliduna way ka dheregsanayd. Qofkii ilaah u qoray ayuunbaana ku soo Baxay oo Madax loo doortay.  

Faysal Waxa uu yidhi Cabdulaahi lacag ayuu isticmaalay, oo Tollow cida kale ee Tartanka ku jirtay ma cid u diiday baa jirta oo tidhi lacag ha isticmaalina, waxa kale oo uu ka sanqadhiyay Faysal in Cabdulaahi $200,000  Bixiyay,  Mar Shirku lacag la’aan noqday, waa su’aale dadwaynoow Shir umada u socday hadii qof muwaadin ah oo ka mid ah ergadii Shirka Joogtay uu bixiyo lacag lagu socodsiiyo shirka ma waxay noqotay Danbi iyo in eed looga dhigo qorshe ayuu ka wataa qofkii lacagta Bixiyay. Yaase u diidan qofkii kale ee Somali ah ee awoodi karay inuu lacag siiyo shirka “Yaab iyo Amakaag”. 

Faysal Waxa uu xusay in Cabdilaahi Yuusuf iyo Beesha uu ka dhashay ee DAAROOD midna aanay Xaq u lahayn in ay Talada wadanka Wax ka qabtaan, wuxuuse iska indha tiray in waxa laga hadlayo ee loo fadhiyaa uu yahay Taladii Somalida, qof kasta iyo Qabiil kasta oo Somali ahina uu xaq u leeyahay in uu ka mid noqdo cida Hogaaminaysa wadanka, sharci ama Wax u diidayaana aanu Jirin. 

Taariikhdu been ma sheegto mana duugowdo, tan iyo intii uu Faysal u soo ban baxay Siyaasada, waxa duuban oo la hayaa hadaladii uu ka akhriyay fagaarayaasha dadku isagu yimaadaan sida Khayriyadda hargaysa iyo meelo kale oo Yurub ah.  Mar uu caayo Qabaa’ilka Soomaalida, mar uu yidhaahdo Ninka amxaarka ah ee ADIS ABEBA jooga waan is fahmi karnaa lakin kan Muqdisho Jooga isma fahmi karno, iyo wax ka sii daran. 

Faysal Iyo Dadka La fikirka ah waxaan leenahay DOORASHADA CABILLAHI YUUSUF RIYO MAAHEE ADIGAA  FIDMO HOR LEH ABUURAYA? 

Faysal ha ogaado in Shacbiga Somalidu uu yahay kan uu ka rabo inuu ku gadho mansab Siyaasadeed sidaas darteedna wax hala hadho. 

Faysal ha ogaado in reer Sool, Sanaag iyo Cayn (Dhulbahante & Warsangali) aanay ahayn ISAAQ ee Ay yihiin Qabaa’lka uu u hayo colaadda sida marar badan laga arkay hadaladiisa. 

Faysal Waxaan leenahay ka shaqee Nabada iyo is dhex galka umadda Walaalaha ah halka aad ka shaqaynaysid Fidno Hor leh. 

Faysal iyo dadka la fekerka ah waxaan u sheegaynaa in midnimada umadu aanay gali Karin wax gorgor tan ah, Hargays & Burco ma noqon karaan wadan gooni u taagan, marka Tareenka soo fuula Tawradii socotaye yaan la idinka tagine? 

Waxaan ku soo gunaanadayaa Qormadan  

  • Somaliya Soomaali baa leh
  • Hadii Silic iyo Dhib gaadho
  • Sareedo haday ku waarto
  • Samaan iyo Xumaanteed
  • War hooy Soomaliya Soomaali baa leh
  •  
  • Ninkii Kala Sooc lahoow
  • Ninkii Kala Saar lahoow
  • Ninkii Si xun u fikiroow
  • Adey taladii ku seegtee
  • Sidaad moodayso maahee
  • Warhooy Somalia Soomaali baa leh.

Faysal Siciid Warsame

Email:- hogolroob@hotmail.com
Badhan, Sanaag, Puntland J. F. Somalia

Afeef: Aragtida qoralkan waxa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 3004


Shan Soomaali ah oo Loo Xiray Dilkii Yasmin
USA: Shan Soomaali ah ayaa lagu soo oogey dembiga ah in ay geysteen dilkii Yaasmiin Cali Geelle oo ahayd gabar Soomaaliyeed oo lagu diley Minneaplis. Magacyadooduna waxay kala yihiin..
Guji...

MAQAALADA DADWEYNAHA:::

»WARQAD FURAN: HARTOOW CADDE WAA KAA::: [Maxamed Xasan]
»QANYARE SIDUU RABO HA LOO YEELO!!  [Nabadoon]
»HAWIYOOW RUN BADANE MARAGGII HORAA MAQAN?! [Garaad]
»Muraaradillaaca iyo maangaabnimada Faysal Cali Waraabe!!  [Aden]
»Jawab: Cawil oo lagu tuhunsan yahay weerarkii Madaxweynaha | Duale
»Faysal iyo Fudfudeedkiisa [Samatar]
»Somalida & Somalia, maxaa ku dhacay dawlad la’aanta awigeed | Malla
»Yaa ku Abaal sheegan kara bulshadan baa’baday?! [A/yare]
»XAQIIQADII OGAANNAYE, XALKA MA U ISTAAGNAA?? [Nabaddoon]
»SL IYO PL WAXAA LA GAARAY WAKHTIGII MIIS LA ISKUGU diridhaba
»
Aqoonyahanka yaan la Gumaadin! [Mohamed Haji]
»Isbahaysiga Shimbiraale iyo Guwantanamo [Obsiiye]
»Jawaab "MADAXWEYNE C/LAAHI: LAGU DOORAYEE  HA DILIN "
»
Dhalinyarada Soomaaliyeed:  Uguntada Badbaadinta Qaranka
»CALOOSHII WAX BOOBTA DIBBAY CIRIB XUMAATAA [Garaad]
»Gaashaanle Sare Aljazeera [Obsiiye]
»Ciil Kama Kore [Qoraalkii Maxamed Hirad]
»Mustaqbalkii Ubadkeena oo  la Marooqsaday [Hashi]
»DHIBAATADA KA TAAGAN DHISMAHA GOLAHA WASIIRADA |a/risaq
»Sideey isu qaldeen walaalaha Hargeysa ee hada soo miyirsanaya| dirir
»Guushii xuriyada iyo fashilkii qaranimada [C.C.Shafici]
»Gacan Yarayaasha Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo..  [A.Mohamed]
»WADDANKAYGA SHARCI KAMA JIRO! [cabdinuur]
»14+5+2=21 sano oo qaran la aana [Xasan]
»Soomaalyeey Ciidamada shisheeye ma inoo danba? [Mire]
» MAQAALADII HORE EE DADWEYNAHA... GUJI... 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada