SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 


Qorigii iyo qaadkii Soomaaliya oo ka daba yimid Somalida Minnesota

Maxamed Maxamuud
korwaayeel@yahoo.com

  • Soomaalida Minnesota iyo qaad iyo qori (xabad) maxaa kala haysta!

1) 3 usbuuc ka hor wiil soomaali ah ayaa toogtay gabar Soomaaliyeed oo gurigeeda qaad lagu gado.

2) Shalay 2 wiil oo Soomaali ah oo qori ku cayaaraya mid ayey la tagtay kii kale waa xiran yahay.

3) Qoysasaka Soomaaliyeed oo guri waayey qaad awgiis waa sii badanayaan. waxaase ceebta ugu daran dhigay 60 jir ama 70 jir reerkiisii guri laaan dhigay ka dib markii qaad lagu qabtay waana badan yihiin.

Soomaalida Minnesota oo runtii ahaa kuwa ku dayasho mudan sida ay isu jeclaayeen ama u shaqaystaan ama wax u bartaan weliba ayagoo ahaa kuwa ugu badan oo bixiya biilasha reero badan oo Soomaaliyeed oo dhibaataysan ayaa hadda waxay noqdeen kuwo laga walaaco mustaqbalkooda ka dib markii ay ku soo bateen qaadka iyo qoriga.

Soomaalida Minnesota oo runtii aad loogu hanweynaa inay tusaale u noqdaan soomaalida qurbaha xagga horumarka iyo weliba inay supper powerka cadka soomaalida u soo dhacshaan sida qowmiyadaha kale ayaad hadda moodaa inaysan ku socon wadadii laga filyey. Koox aanan ixtiraam u hayn Soomaalinimada iyo walaaltinimada ayaa ka bilaabay MN radio iyo TV ay ugu magacdareen codka soomaaliland ayagoo marna yiraahda Soomaali baan nahay marna ma nihin Taasoo sharaf dhac weyn u keentay guud ahaan Soomaalida Minnesota.

Idaacadan oo ay wadaan dhallin yaro ku taqasusay bah-dilka Soomaalida iyo caynta qabiilooyinka kale iyo kobcinta colaada Soomaalida dhexdeeda waxa ay doorbideen hurinta colaada Soomaalida - wayna diideen in wax faaiido u leh umadda qabtaan. Dhibtii dhallinyaradan waday waxaaba ka daray dhibta cusub ee Soomaalida Minnesota la soo korortay ee qaadka iyo qoriga.

Caruurta Soomaaliyeed ee ku barbaaray North America gaar ahaan Minnesota ayaa ku doodi jirey -- ma dhici karto in qof Soomaali ah dilo qof Soomaali ah waxayba ku leeyihiin horena uma dhicin hadda ka dibna ma dhacayso. Caruurtaas waxay kaloo qabaan in qof muslim ah dhiigiisa iyo cirdigiisa iyo maalkiisaba xaaraan ka yahay qof kale oo muslim ah oo markaa makaa yeelayaan oo waxay ku leeyihiin ma dhici karto in qof soomaali ah dilo qof kale oo Soomaali ah amase dhaco maalkiisa.

Waxaa laga yaabaa in dadka qaar is yiraahdaan caruurta war moogsanaa ma waxaanayba maqal in Soomaalida is disho weliba is dhacdo, kuwo kalena waxaaba laga yaabaa inay is yiraahdaan ninku maxuu noogu sheegayaa caruur aan waxba ogayn iyo warkooda. Yaanan ogayn in Soomaali dilo Soomali kale ama dhaco. Aqristow waa wax jira oo dhab ah waana wax lagu farxo xataa intii aanan laga dhigin caruurta Soomaaliya dhex jooga kuwa adduunka ugu badiya rididda iyo qori nadiifinta iyo sharaxa hubka sidan oo kale ayey ahaayeen.

Caruurta qurbaha jooga waxaa loogu yeera Soomaali ama muslim mana arkaan muslim isdilaya sida Soomaaliya hadda caadada ka ah. Jabhadaha ka hor ma jirin dhibtan oo dadku sidan ayuu u qalbi fiicnaan jireen oo waa kii la dhihi jirey dhiig islaam qabe dhulka ayaa u dhaqdhaqaaqa.

Haddaba caruurtii Sidaas ahayd Minnesota waxaa la soo dersey dhib hor leh.

Gabar Soomaaliyeed ayaa waxaa qori ku toogtay wiil soomaaliyeed saddex usbuuc ka hor. Shalayna wiil soomaaliyeed ayaa waxaa qori si kama ah ugu dhuftay wiil kale oo Soomaaliyeed. Caruurta qoriga ama miinada ku dhimataa Soomaaliya caadi ayey ka tahay laakiin Minnesota dadkii waaweynaa waa fahmi layihiin. Meeshu ma Minnesotaa Mise Soomaaliya ayaa ka soo hartay. Waxaa intaas sii dheer ayadoo hadda la ogaaday in caruur badan oo Soomaaliyeed hubaysan yihiin iyo dhibaatada qaadka oo faraha looga sii gubanayo. Qoysaska uu qaadka guri tiray ayaa soo badanaya waayo sharciga Minnesota qaadku waa sida daroogada oo kale oo looma ogola guryaha dadka dan yarta ah ee dawlaadu ka bixiso in lagu dhecx cunaa. Odayaasha waxay ku doodaan in caruur qaadka guriga keentay ayagoon ogayn dadka qaarna waxay aaminsan yihiin in odayaasha naftigood cunaan qaadka markii lagu qabtana ay caruurta eedeeyaan si ay ceebta isaga dhaqaan.

Caruurta iskuulada ka taga oo rabshoolayaasha ku biira ayaa Minnesota ku sii bata. Dawlad laaanta dhibaatooyinka ay u keentay Soomaalida ayey kuwani ka mid yihiin oo kama duwana kuwa badaha ku dhamaada ama dalka dhexdiisa ku dayacan. Soomaalida waa inay kala barataa farqiga u dhaxeeya madaxweyne iyo dawlad qaran oo mardanbe aan la gelin qaladkii hore oo kale. In dawlad la dumiyo waa sahlan tahay laakiin in la dhiso ma sahlana. Qaadka iyo qoriga halaga digtoonaado Soomaaliyey waa kuwii riday dawladdeenii ee ogaada.

Maxamed Maxamuud
korwaayeel@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoralkan waxa aleh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 3004


Shan Soomaali ah oo Loo Xiray Dilkii Yasmin
USA: Shan Soomaali ah ayaa lagu soo oogey dembiga ah in ay geysteen dilkii Yaasmiin Cali Geelle oo ahayd gabar Soomaaliyeed oo lagu diley Minneaplis. Magacyadooduna waxay kala yihiin..
Guji...

MAQAALADA DADWEYNAHA:::

»WARQAD FURAN: HARTOOW CADDE WAA KAA::: [Maxamed Xasan]
»QANYARE SIDUU RABO HA LOO YEELO!!  [Nabadoon]
»HAWIYOOW RUN BADANE MARAGGII HORAA MAQAN?! [Garaad]
»Muraaradillaaca iyo maangaabnimada Faysal Cali Waraabe!!  [Aden]
»Jawab: Cawil oo lagu tuhunsan yahay weerarkii Madaxweynaha | Duale
»Faysal iyo Fudfudeedkiisa [Samatar]
»Somalida & Somalia, maxaa ku dhacay dawlad la’aanta awigeed | Malla
»Yaa ku Abaal sheegan kara bulshadan baa’baday?! [A/yare]
»XAQIIQADII OGAANNAYE, XALKA MA U ISTAAGNAA?? [Nabaddoon]
»SL IYO PL WAXAA LA GAARAY WAKHTIGII MIIS LA ISKUGU diridhaba
»
Aqoonyahanka yaan la Gumaadin! [Mohamed Haji]
»Isbahaysiga Shimbiraale iyo Guwantanamo [Obsiiye]
»Jawaab "MADAXWEYNE C/LAAHI: LAGU DOORAYEE  HA DILIN "
»
Dhalinyarada Soomaaliyeed:  Uguntada Badbaadinta Qaranka
»CALOOSHII WAX BOOBTA DIBBAY CIRIB XUMAATAA [Garaad]
»Gaashaanle Sare Aljazeera [Obsiiye]
»Ciil Kama Kore [Qoraalkii Maxamed Hirad]
»Mustaqbalkii Ubadkeena oo  la Marooqsaday [Hashi]
»DHIBAATADA KA TAAGAN DHISMAHA GOLAHA WASIIRADA |a/risaq
»Sideey isu qaldeen walaalaha Hargeysa ee hada soo miyirsanaya| dirir
»Guushii xuriyada iyo fashilkii qaranimada [C.C.Shafici]
»Gacan Yarayaasha Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo..  [A.Mohamed]
»WADDANKAYGA SHARCI KAMA JIRO! [cabdinuur]
»14+5+2=21 sano oo qaran la aana [Xasan]
»Soomaalyeey Ciidamada shisheeye ma inoo danba? [Mire]
» MAQAALADII HORE EE DADWEYNAHA... GUJI... 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada