SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE

 


DGPL oo aan Xilka Kororsan Doonin Mar Labaad
& Iyo Ciidamo Gadoodsan oo Qabsaday Bangiga Garoowe
  • Shirkii Ismada uga Socday Garoowe oo la soo Gabagabeeyey

c/fatax jaamac
somalitalkpl@yahoo.com

Nov 30, 2004

Waxaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 30 November 2004 sacaduna ahayd 11 Barqanimo lagu soo afjaray Magaalada Garoowe Shirkii uga socday Hogaamiye Dhaqameedyada Gobolada ku bahoobay Puntland Qaarkood, Shirkaas ayaa Gabagabadiisa ay soo baxday markii ay saaka la kulmeem Hogaamiye Dhaqameedyadaasi Gudi ay shalay soo xuleen Golaha Xukuumda markii ay yeesheen shir aan caadi ahayn, Gudigaas ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Xiligaan ee DGPL Maxamed Cabdi Xaashi iyo Kuxigeenkiisa Gaagaab Waxaa kaloo Gudigaa ku jiray Wasiiro iyo Wasiir kuxigeeno.

Kulankaa Maanta ayaa Gudigaa ka socday Golaha xukuumada iyo Hogaamiye Dhaqameedyada ayaa ay isku afgarteen in Xiliga Doorashooyinka lagu soo qabto xiligii loogu talagalay oo ah xiliga ay ugu egtahay Xukuumada in ay xilka sii hayaan oo ah January 01, 2005 si ay Maamulaka cusub ay ula waregaan Xilka January 07, 2005 arintaas ayaa ay isku raaceen Gudigiiay soo magacaabeen Golaha xukuumada iyo Hogaamiye Dhaqameedyadii, kahor Dorashooyinkaa ayaa waxaa ay Gudigaan ku wargaliyeen Hogaamiye Dhaqameedyada in ay soo magacaabaan Xubnihii Baarlamaanka ee Dooran lahaa Madaxweynaha iyo kuxigeenka Madaxweynaha.

Arintaan ayaa keentay kadib markii ay Culeesyo badan kaga yimaadeen Xukuumada Dhinacyo kala duwan ayagoo markii hore u xilsaaray in arintaa ka soo taliyaan sidii la yeeli lahaa madama aan loo diyaar garoobi Karin Doorashooyin ayadoo ay jiraan Dad Xoolo dhaqato ah Cayroobay oo ku soo ururay Magaalooyinka iyo Xeryo ay sameesteen dadkaa kadib markii ay xoolihii ay kaga dhamaadeen Abaarihii iyo Roobabkii Dabaylaha watay, waxaa kaloo ay Xukuumada sheegtay in ay jiraan Colaado Dagaal Dhaliyey oo ka soo cusboonaaday Gobolda Sool iyo Sanaag oo ay ay hada kahor Dagaalo ku dhex mareen Ciidamada Maamulka Puntland iyo Kuwa Somaliland, Waxa kaloo jira siyaasiyiin iyagu doonaya in ay Xilka la wareegaan oo culays ku saaray in la qabto Doorashooyin Dhanka kale waxaa warar lagu kalsoonyahay lagu sheeagay in uu Madaxweynaha DKGFS Col: C/laahi Yuusuf uu kula taliyay Nimanka hada haya Xukuumada DGPL in ay arintaa ku soo afjaraan in la qabto Doorashooyin.

Xiliga Doorashooyinkaa ayaa keentay Muromo badan oo soo jiitamayay iyadoo ay Dadweynaha ka baqayeen in ay keento isku dhac la mida kii xiligii hore ee Madaxweynaha uu ka ahaa Col: C/laahi Yuusuf oo ah hada Madaxweynaah DKGFS iska hor imaadkaas oo Puntland dib u dhigtay Horumaro ay Samaynaysan keenayna in ay ku dhintaan Dad aad u badan iyo Dhaawac u il daran ilaa hada, Dadweynaha ayaa hadal hayay manta arintaa ay xukuumadu soo bandhigtay iyagoo Dadweynaha u arka mid Horumara ah madaama ay jiraan Rag hubaysan oo doonaya in ay qabtaan Xilka Maamulka DGPL kuwaas oo keeni kara Dagaalo la,isaga horyimaado oo soo cusboonaysiiya Barakac, Dhimasho iyo Dhaawac.

Ciidamo Gadoodsan oo Qabsaday Bangiga Garoowe

Dhanka kale waxaa Dadweynaha ay hadal hayan iska hor imaadyo bilowday xiligii ay mushaarooyinka DGPL shaqaalaheeda iyo Ciidamada yaraadeen oo keenay in Ciidamada hubaysan ay qabsadaan meelaha lagu keydiyo Lacagaha ee lagu magacaabo Bank kuwaas oo inta badan soo noqnoqanaayay waxaa loo qaaday magaalada Garoowe Lacag laga bixiyay Bank Boosaaso malintii Axada kadib markii ay gaartay Bank Garoowe ay qabsadeen Bank Ciidamo ku hubaysan Hubka noocyadiisa kala Duwan aydoo ilaa hada ay heystaan aana la sheegin wax waanwaan ah oo looga qaadayo Ciidamadaa aydoo la soo sheegayo in ay ciidamadaa sii saa,idyaan arintana ay walwal horleh ku bilowday Dadweynaha Nabada Jecel ee ku nool Puntland.

Waxaad arkaysaa Maleeshiyo ku hubaysan hubka Darandooriga u dhaca oo dhex maraya Magaalooyinka waaweeyn wadooyinkeeda aydoo marka aad waydiiso Ciidamadaan waa kuwee lagu leeyahay waa Maleeshiyadii Ninka la yiraahdo hebel, Arimaha Hub ku qaadshada Magaalooyinka ayaa waxaa Maamulka DGPL ay u sameeyeen Gudi lagu magacaabo Gudiga Nabadgalyada oo uu leeyahay Gobolkasta Gudoomiyena uu u yahay Gudoomiyaha Gobolkaa iygoo hoos taga Wasaarada Arimaha Gudaha, Gudiyadaa ayaa arimo badan wax ka qabtay Goboladoodaa lakiin aad moodaa arintaan in ay ku adkaatay madaama ay hubaydsan yihiin Dadku Beel iyo Shaqsiyaad, Dadweynaha ayaa mararka qaarkood arkaysaa in ay Taageerayaan Ciidamada Hubka dhigista ee la keenayo Dalka si looga dhigo hubka Gumaaday Dhan walba aydoo ay jiraan kuwo kasoo horjeeda Ciidamadaa oo ku andcoonaya inay keeni karaan Dhibaato taa ka badan.

c/fatax jaamac
somalitalkpl@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 3004


Olole Tabarucaad: Dadkii ku tabaaloobay roobabkii ka da’ay Nugaal iyo Qardho
Shirkadda Amal Bank iyo masaajidada & dadweynaha Boosaaso ayaa ka qayb qaatay Olole aad u ballaaran oo... Guji... Nov 28

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada