Mire Sheekh Cumar oo xubin ka noqday guddiga
abaalmarinta Nobel
,
(International Nobel Peace Prize Recommendation Forum,
INPPRF). ….
Mire Sheekh Cumar oo in muddo
ah ka mid ahaa mas'uuli-yiinta maamulka Ciyaaraha
Soomaaliyeed ayaa loo doortey inuu noqdo xubin guddiga
fulinta ee hay'adda Abaalmarrinada Nobel gaar ahaan
qaybteeda Golaha Caalamiga ah ee Talo-bixinta Abaalmarinada
Nabadda ee Nobel, (International Nobel Peace Prize
Recommendation Forum, INPPRF). Md. Mire Sheekh Cumar Muddo
dheer ayuu la shaqeynayey hay'ado caalami ah oo taageera
Nabadda iyo Ciyaaraha. Taas oo keentey in sanadkan 2004,
Shir weyne ka dhacey Dalka Hindiya loogu doorto Xubin Gudiga
Fulinta ah ee Hay'adda Abaalmarrinada Caalamiga ah ee Nobel.
Md. Mire waxa uu maamulka
Isboortiga Somaaliyeed ku soo jirey illaa 1985-kii kolkaa oo
uu ka mid ahaa gudiyaddii Wasaarada Isboortiga ee maamulayey
ciyaaraha Gobollada, illaa iyo markaana si buuxda ayuu uga
tirsamaa lana shaqaynayey xiriirada kala duwan ee Isboortiga
iyo gudiga Olombikada, waxaana uu ka qayb galey shirar fara
badan oo heer caalami ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha
Xiriirada ciyaaraha Afrika, Aasiya iyo Yurub. Mire waxa
sanadkii 2000 Shir ka dhacey Magaalada Addis_Ababa loogu
doortey Xubin ka mid ah Gudiga Fulinta ee Xiriirka Kubadda
Miiska ee AFRICA, isagoo horena u ahaa xubin gudiga
warfaafinta ee isla xiriirkaas. Golaha INPPRF waa hay'ad
caalami ah oo qayb ka ah loona aasaasey inay la shaqayso
hay'adda caanka ah ee bixisa Abaalmarinnada Nobel (Nobel
Prize Foundation) waxayna wakiilo ku kala leedahay dalal
badan ee dunida ah. Wuxuu goluhu talo ahaan ku soo gudbin
doonnaa Shaqsiyaadka dunida dacal-adeeda ku kala nool ee
dadaalkooda iyo naf huridooda ku mutaysta in la siiyo
Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ama soo gudbinta xubnaha
musharrixinta billada ah. Waxa uu sidoo kale goluhu faafin
doonaa farriimaha Hay'adda Nabadda ee Nobel ee lagu
dhiirrigelinayo laguna horumarinayo nabad kuwada
noolaanshaha dadyowga, Dhowrista xuquuqda aadanaha,
Dimoqraadiyada, IWM.
Md. Mire Sheekh Cumar oo
hadda ku nool dalka Sweden waxa uu heley aqoonsi caalami ah
oo dadaalkiisa iyo hawl karnimadiisa ah muddooyinkii uu ka
soo jirey hawlaha maamulka isboortiga sida iyadoo magaalada
Porta-Elizapeth ee dalka K/Afrika lagu gudoonsiiyey Shahaado
heer qaaradeed ah iyo laba billadood oo lagu kala
guddoonsiiyey magaalooyinka El-Minia ee dalka Masar iyo
Pezerte ee dalka Tuniisiya sanadihii 2001 iyo 2002-da. Ka
dhex muuqashada iyo ka mid noqoshada ururrada caalamiga ah
ee shaqsiyaadka Soomaalida ah sida Mire Sheekh Cumar ayaan
dhihi karnaa waa sharaf iyo maamuus u soo hoyatey guud ahaan
Soomaalida, waxaana wax lagu farxo ah maanta laga heli karo
ururro kala duwan oo heer qaaradeed ama caalami ah
Shaqsiyaad Soomaaliyeed oo hawlkar ah kuwaas oo xubnaha
beesha caalamka ee u dhaqdhaqaaqa nabadda iyo arrimaha
bulshada u noqon kara xarig ku soo jiida ummadda
Soomaaliyeed.
Hay’adda Xuquuqda aadanaha ee Gaashaan
..
Hay’adda Xuquuqda aadanaha ee
Gaashaan ayaa ugu baaqaysa maamullada Somaliland iyo
Puntland inay dhowraan xuquuqda maxaabiista oo ay dhawaan ku
kala qabsadeen dagaalladii ku dhex marya deegaanka ari
caddeeye ee degmada Laaso-caanood ee gobolka Sool.
Hay’addu waxay ka codsanaysaa
madaxa maamul-ladaasi inay ka fogaadaan wax walba oo
xadgudub ku ah xuquuqda ay leeyihiin Maxaa-biista Dagaalka.
Waxaa qoraalkaan ku saxiixnaa
guddoomiyaha hay’addaasi Cali Maxamed Maxamuud.
Ahlu-sunna wal jamaaca oo soo dhaweeyey in
dalka ...
Ururka Ahlu-Sunna wal jamaaca
ayaa mas’uuliyiintooda waxay shalay shir jaraa’id ku qabteen
magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in taageero hiil iyo
hooba leh ay la garab taagan yihiin dowladda Cusub ee u
dhalatay Soomaaliya.
Culummada Ahlusunna wal
jamaaca waxay soo dhaweynayaan in dalka la keeno ciidammo
hubka ka dhiga malleeshiyooyinka ee ku daadsan dalka oo dhan.
Culummaa’uddiinka Ahlu-sunna
wal jamaaca waxay sheegeen inay si aad ah uga soo horjeedaan
waxay ugu yeereen kooxaha caadaystay inay carqaladeeyaan
rajada iyo nabadda Soomaaliya.
Waxaana xubnihii bayaankaan
soo saaray ka mid ah Sh. C/nuur Sh. Axmed, Sh. Rufaaci Sh.
Axmed, Sh. Max’ed Sh. Abba, Macallin Nuur Max’ed Siyaad, Sh.
Cismaan Xiddig iyo xubno kale
.
Shirweynihii koowaad ee ururka Wargeysyada
madaxabanaan oo furmey..
Waxaa
maalintii shalay ahayd Hotel City View ee magaalada Muqdisho
ka furmay shirweynihii koowaad ee ururka Wargeysyada Madaxa
Bannaan ee Soomaaliyeed (SOINA) Somali Independent News
Papers Association.
Waxaa shir weynahaasi ka
qaybgalay xubnaha ururka waxaana warbixin laga dhageystay
Guddoomiyaha Ururka C/llaahi Maxamed Xasan (Black) iyo
xoghayaha guud ee ururka Xasan Axmed (Xasan Fanax) oo
labaduba ka hadlay waxyaabihii muddada sanadka ahayd u
qabsamay ururka iyo wixii aan u qabsoomi waayay iyo weliba
sababihii keenay inay qabsoomi waayaan.
Intaa kaddib golaha ee ururka
ayaa si aad ah uga dooday waxyaabihii qabsoomi waayay,
taasoo ugu dambeyntii la isla xariiqay sababaha dhabta ah ee
qabsoomid la’aantaas, iyadoo la isku afgartay in xilliga
cusub la saxo arrimahaasi.
Shirweynaha waxa uu markiiba
gudogalay in laga doodo xeerka ururka iyadoo la soo
bandhigay dhowr qodob oo qaar u baahan in wax laga beddelo
iyo kuwo u muuqday in wax lagu daro iyo ku daris qodobbo
cusub.
Maanta ayaa lagu wadaa in
shirweynaha uu sii dhamey-stiro doodihii la xiriiray xeerka
ururka, iyadoo kaddibna guddgia qabanqaabada soo bandhigi
doono musharraxiinta cusub ee u kala tartamaya jagooyinka
ururka, sidoo kale waxay guddigu soo badhigi doonaan qaabka
ay doorashadu u dhacayso iyadoo gababada shirku la rajeynayo
in ay hoggaan cusub loo doorto ururka wargeysyada madaxa
bannaan ee Somali Independent News Papers Association
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah
la yeeshey xildhibaanada ka soo …..
Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya
C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maalmahaan waday kulanno uu la
yeelanayay siyaasiyiinta iyo xildhibaannada baarlamaanka,
wuxuuna shalay uu kulan la yeeshay xildhibaannada ka soo
jeeda gobollada Puntland isagoo kala hadlay xaaladda
gobollada Sool iyo Sanaag gaar ahaan dagaalladii dhawaan
dhex maray Maamul goboleedyada Puntland iyo Somaliland,
wuxuuna C/llaahi Yuusuf sheegay in loo baahan yahay in
dadaal loo galo sidii loo gacan looga geysan lahaa
qaboojinta xiisaddaasi, isagoo sheegay in labada dhinac ay
yihiin dad walaalo ah oo weligood ku noolaa darisnimo wanaag.
C/llaahi Yuusuf wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada
xaajood la galo maamulka Somaliland si loo so oaf-jaro
dhibaatada ka dhex taagan labada dhinaca oo soo jiitamaysay
muddo aad u dheer, waxa kale oo uu C/llaahi Yuusuf sheegay
inuu soo dhawey-nayo cid walba oo ka qaybqaadanaysa deminta
colaadahaas, haddii ay noqon lahaayeen Soomaali iyo
shisheeye intaba. Dagaalkii dhawaan dhex maray labada dhinac
waxaa ku dhintay dad aad u fara badan, waxaana ku baro kacay
tiro kale oo aad u fara badan, waxaa lagu warramay in labada
dhinac ay haatan isku hub urursanayaan iyadoo ciidammo fara
badan soo dhoobay goobaha ay isku haystaan labadaasi maamul
mana jirto illaa iyo haatan cid isku howshay joojinta
dagaalkaasi. Beesha caalamka ayaa iyagu indhaha ku hayay
dagaalkaasi waxayna u jeediyeen labada dhinac baaqyo lagaga
dalbanayo inay joojiyaan dagaalka u dhexeeya labada dhinac,
waxaana loo soo jeediyay in khilaafka lagu xalliyo wada
hadal iyo dib u heshiisiin.
Xasan Sheekh (Cirro): "Suxufiyiintu waa
macalimiin wax bara ....
Xasan
Sheekh Max’uud (Xasan Cirro) oo ah milkiilaha Hotel City
View ayaa sheegay in suxufiyiintu ay yihiin macallimiin
dadka wax bara, haddii ay xumaadaanna ay dadku xumaanayaan.
"Dal waxaa laga fiiriyaa Saxaafadda, haddii
ay noqoto mid wax dhistana dalku waa dhismaa, haddii kalena
wax walba ay isdaba marayaan" ayuu yiri Xasan Cirro oo la
hadlayay weriyayaal ka tirsan ururka SOINA oo ka qaybgalayay
shirweynihii koowaad ee ururkaas uga socday Hotel City View.
Xasan Cirro oo ka mid ah Soomaalida qurbaha
ku soo raagtay ayaa aad u amaanay dadaalka saxaafadda
Soomaali-ya iyo xorriyaadka ay haystaan: "balse waa inay
noqdaan kuwo xorriyaddooda wax ku saxa isla markaana
ilaaliya anshaxa suubban ee saxaafadda".
Xasan Cirro oo ah nin saxaafadda guud jecel
beryahaanna aad u aqrinayay ayuu wuxuu ku boorriyay xubnaha
SOINA ee shirweynuhu u socdo inay ku dadaalaan sidii ay u
hormarin lahaayeen warbaahinta gaar ahaan wargeysyada.
Maxaa ku soo beegay xilligaan oo dowlad
dhalatey in la dhisto.dhulkii jaamacadda...
Iyadoo
dhawaan dalka Kenya lagu dhisay dowlad Soomaaliyeed ayaa
haddana dhul boob xooggan uu ka socdaa dhulkii ay lahayd
Jaamacadda gaar ahaan halkii ay ku yaalleen jaamacadda
Gahayr, waxaana dhul boob ka la mid ah uu ka socdaa dhulkii
wasaaradda xannaanada xoolaha iyo weliba halkii ay ku
taallay xaruntii dabdamiska, waxaa lagu warramay in xittaa
la fuqsanayo qaybihii kala duwanaa ee uu ka koobnaa
dhismihii jaamacadda.
Jaamacadda ummadda waxay ka
mid tahay jaamaca-daha ugu waaweyn ee qaaradda Afrika. Illaa
iyo haatanna ma jirto cid isku howshay ka hortagga dhul
boobkaasi, waxaana halkaasi ka taliya hoggaamiye kooxeedyo
ka mid noqday golaha baarlamaanka.
Waagii dowladdii Carte ayaa
waxa uu dhul boob kan la mid ah ka socday fagaaraha
tarabuunka hase ahaatee dowladdaasi si buuxda ayay uga
hortagtay, waxayna gabi ahaanba dhulka la sintay guryihii la
dhisay, haddaba su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay
dowladdaani ma ka hortagi doontaa dhul boobka ka socda
jaamacadda ummadda.
Xubno ka tirsan baar-lamaanka oo ka dalbaday..
Wararka
naga soo gaaraya magaalada Nairobi waxay sheegayaan in xubno
ka tirsan baarlamaanka ay ka dal-badeen midowga Yurub in
aysan wax lacag ah siinin dowladda Kenya oo ay isaga bixiso
daymanka lagu leeyahay dowladda Kenya.
"Kharashka uu midowga Yurub u
aruurinaayo dib u dhiska Soomaaliya ma ahan xilligaan in loo
weeciyo ama la siiyo dowladda Kenya si ay isaga bixiso
daymanka lagu leeyahay" ayay yiraahdeen xildhibaan-nadaas oo
intaa raaciyay: "Shirkii Carte waxaa ku baxay, waxaa ku
baxay kharash aad u fara badan sidaa darteed dowladda
Jabuuti kama gudan waxyaabihii soomaaliya loo ururiyay
xil-ligaasi, marka waxaan leen-nahay dowladda Kenya meel
kale ha ka raadsato lacagtaas, ama ha sugto waqti dambe.
Lacag gaaraysa 15-Milyan oo
Dollar ayaa Midowga Yurub u ururiyay dib u dhiska
Soomaaliya, lagactaas shan ka mid ah waxaa markiiba codsaday
dowladda Kenya si ay isaga bixiso qarashyadii galay xilligii
shirkii Soomaalida