Sargaal la dhashay Ugaaska
Beesha Duduble oo lagu dilay Magaalada Muqdisho
Maxamed Axmed Ugaas-Foodeey oo
ahaa allaha u naxariistee sarkaal ka tirsanaan jiray
ciidankii badda ee Soomaaliyeed,ayaa habeenkii bishu ahayd
30kii Oktober lagu dilay gurigiisa hortiisa isagoo markaas
ka yimmid Masjid ku yaala Suuqa Xoolaha salaaddii
taraaawiixda.
Maxamed Axmed Ugaas-Foodeey
oo ay labo walaalo ah kala dhaleen Ugaaska Maxamuud Hiiraab
(Duduble) ayaa niman isa soo qariyay oo ka koobnaa 3 nin
waxay ku fureen rasaas darandooriya,taasoo isla markiiba aan
naf la gaarin dhacniinkii dhulka,waxaana dad ugu soo
horeeyay Xaaskiisii oo waliba umul ahayd laguna magacaabo
Nimco iyo wiil uu dhalay oo 12 jir ah,ilaa iyo haddana lama
garaanayo gacan ku dhiiglayaasha sababata ay usoo abaareen
Marxuum Maxamed Axmed Ugaas oo sida la xaqiijiyay aan
siyaasad shaqo ku lahayn isla markaana aan ahayn dadka
hantida haysta oo iska danyar ahaa.