SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEDO

 


War-saxaafadeed cambaareyn ah oo ku saabsan cabsi-gelin loo geystay suxufi A/shakuur Ali Mire oo uu soo saaray United Gedo People's Council


Ali Malaaq Ahmed, chairman

Aadan A. Colujoog, vice-chairman

Anaga oo ku hadleyna magaca Gedo Intellectual Group ayaa waxaan cambaareyn buuxda u soo jeedineynaa xubin ka tirsan maamulka sare ee Dooxada Jubba oo handadaad, caga-jugleyn iyo cabsi-gelin ujeedo gaaban ku dhisan u geeystay suxufi A/shakuur Ali Mire, kaddib markii uu ka faalooday xaaladda nabad galyo, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Faalada suxufiga waxay si waafi ah uga hadashay sida fadhiidnimada iyo karti darada ah ee uu Hoggaanka Dooxada Jubba ugu guul-dareysatay inay wax ka qabtaan kadeedka iyo cadibnaanta dadka ku hoos nool maamulkooda ee dhinaca nabad-gelyada iyo nolosha.

Arragtida suxufigu waa mid suuban oo sixitaan ah, waana qeybta ugu weyn ee howsha saaxafada xorta ah oo ah inay tooshka ku ifiyaan meelaha ay wax ka haleysan yihiin si loo saxo. Guuldarada Dooxada Jubba ee arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadaba waa mid aan la difaaci karin.

Haddaba waa qeyb ka mid hab-dhaqanka kuwa caqliga iyo fekerkaba ka curyaansan inay weerer ku soo qaadaan aqoon-yahayanada iyo saxaafada xorta ah markii qaloocaada la tilmaamo, meeshii ay sixitaan u arki la'haayeen. Qalooca galey arragtida xorta ah ee Soomaaliya waa mid qoto dheer oo toosintiisu ku baxayso qiimo iyo waqti badan. Waxaa horey loogu dilay arragtidooda siyaasadeed iyo isku day ahaa inay wax-saxaan aqoonyahano iyo suxufiyiin ka soo jeeday Gobolka Gedo oo ay ka mid ahaayeen. Dr. Ali Nuur Mukhtaar, Dr. Hassan Ugaas, Col. Khaliif Qoryoolay, iyo Suxufi Maxamed Carab Falax-Falax. Shaqsiyaadkii ka dambeeyay mu'aamaradan wali waa maxkamad sugeyaal.

Waxaanu xasuusineynaa shaqsiyaadka wali aaminsan hab-dhaqanka duurjoogta inay ka waantoobaan ficiladooda guracan, maxaa yeelay Soomaalida maanta waa mid soo jeedo oo irdheysan, sidaa darteena qofna lama baxsan doono dhagarta uu galo. Waxaanu usoo jeedinaynaa Ururada Xaquuqda Aadanaha inay cambaareeyaan falka lagula kacay suxufiga A/shakuur Ali Mire. Waxaanu u soo jeedinaynaa Col. Abdi Ahmed inuu si buuxda raali gelin uga bixiyo handaada uu geystay. Sidoo kale, waxaanu u soo jeedinaynaa Col. Barre Aadan Shire inuu shaqada ka eryo Col. Abdi Ahmed.

Ali Malaaq Ahmed, Chairman, Gedo Intellectual Group
Aden Ahmed Colujoog, Vice/chairman | Email: allgedo@allgedo.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2004

Xaalaadda Ammaan ee Kismaayo oo Loo Caal Waayay
Waxaa shalay galinkii danbe dhintay hal qof waxaana si xun loo dhaawacay labo qof kadib markii... Guji.. Nov 28

Sagaal Doonyood iyo Labo Markab oo Kismaayo Dhuxul ka Qaadi lahaa..
...oo Maleeshiyo Isbaarooyin dhigtay waddooyinka waaweyen ee magaalada kismaayo ay ka Xanibeen in xamuulka laga dejiyo oo Dhuxul loogu raro Khaliijka... 
Guji.... Nov 28


Olole Tabarucaad: Dadkii ku tabaaloobay roobabkii ka da’ay Nugaal iyo Qardho
Shirkadda Amal Bank iyo masaajidada & dadweynaha Boosaaso ayaa ka qayb qaatay Olole aad u ballaaran oo... Guji... Nov 28

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada