Xaaladda Ammaan ee
Kismaayo oo Loo Caal WaayayDhaca iyo dilka loo gaysanayo dadka
shacabka ah ee ku dhaqan gudaha magaalada kismaayo
iyo nawaaxigeeda ayaa baryahan sii badanaya kadib
markii loo caal waayay wax ka qabashada xaalada
amaan ee magaalada kismaayo
Faysal xaaji siyaad muumin
kismaayo soomaaliya | SomaliTalk.com
faysalsiyaad@hotmail.com
November 28, 2004
Waxaa shalay galinkii danbe dhintay hal qof
waxaana si xun loo dhaawacay labo qof kadib markii
uu nin maleeshiyo ah oo hubaysan uu tacshiirad ku
furay gaari caasi ah oo marayay wado ku taala
xaafada isku filan ee magalada kismaayo.
Ninka tacshiirada ku furay
gaariga ayaa waxa uu ahaa nin maleeshiyo ah oo
hubaysan ayadoon lagaranayn sababta dhabta ah oo uu
ninkaan ugu furay rasaasta gaarigan, ayadoo labadii
qof ee ku dhaawacantay shilkaas loola caray
isbitaalka guud ee magaalada kismaayo, islamarkaana
hada ay xaaladooda caafimaad wanaagsantahay.
Hadaba waxaa haatan laga cabsi qabaa in ay fal
aar gudasho ah ku dhaqaaqaan beeshii uu ka dhashay
qofkaasi shalay dhintay ayadoo ilaa iminka ay
socoto waan waan laga dhex wado labadaasi beelood,
sidoo kale waxaa iyana shalay hal qof lagu
dilay magaalada kabsuuma oo saqaashan kiloomitir u
jirta magaalada kismaayo waxaana lagu soo waramayaa
in uu falkaasi geestay nin maleshiyo ah.
Dhanka kale waxaa shalay dhac loogu geestay
gudaha magaalada kismaayo ilaa sadex baabuur oo ah
nooca loo yaqaan BL-ka, gawaaridaan ayaa waxaa qaarkood loo dhacay hab
aargoosi halka kuwa kalana ay dhaceen rag dableey ah
oo hubaysan waxaana rintaan ay saamaysay dhamaan
dadwaynaha ku dhaqan magaalada kismaayo iyo
nawaaxigeeda.
Iskusoo wada duuboo dilka iyo dhaca loo gaysanayo
dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada kismaayo
iyo nawaaxigeeda iyo isbaarooyinka yaala gudaha magalada
ayaa waxay sii kordhinaysaa cabashadii iyo cabsidii
ay ka qabeen dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka
jubbada hoose gaar ahaan magaalada kismaayo.
faysal xaaji siyaad muumin
kismaayo soomaaliya | SomaliTalk.com
faysalsiyaad@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2004
Beesha Mataan
Cabdulle oo u Sharaxan Guddoomiyaha G/ Banaadir...
Beeshaas ayaa soo sharax
Dr. Maxamed Cumar Nuur in uu matalo beesha oo
uu yahay ninka keliya ee...
Guji...
Nov 28
Baaq Nabadeed: Isimada Puntland
Isimada Puntland ayaa maanta Baaq nabadeed ka kooban shan
qodob ka soo saaray Garoowe kaas oo..
Guji.. Nov
28
Olole Tabarucaad:
Dadkii ku tabaaloobay roobabkii ka da’ay Nugaal iyo Qardho
Shirkadda Amal Bank iyo masaajidada &
dadweynaha Boosaaso ayaa ka qayb qaatay Olole aad u ballaaran oo...
Guji... Nov 28
Warbixin Ku
Saabsan Jaamacadda Nugaal (Nugal University)
War bixintii
Asad Caddaani...
Nov 28
Kulan maanta
Nairobi ku dhaxmaray ganacsatada Soomaliya iyo Talyaaniga
War-bixintii
Axmed Idaawaqaca...
Nov 28
Shirweynihii Koowaad ee Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo Muqdisho
Ka Dhacay | Warbixintii
Amiin
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|