Warqad Furan: Hartoow Cadde waa kaa
Maxamed Xasan Cumar
m.omar@bellnet.ca
Canada
Nov 28, 2004
Waxan qoraalkan ku soo bandhigayaa Qormo aan ugu tala galay waraysi uu
siiyey Radio ka mid kuwa Soomalidu leedahay
Gen Cadde Muuse. Markay
baahiyeeen Website-yada Soomalidu leedahay waraysigaas Ummada ku dhaqan
Gobolada Puntland wuxuu waraysigaasi ku ridey fajac iyo amankaag wayna
qaadan waayeen hadalduu ku andacooday Cadde muuse.
Waxaa is waydiin leh maxaa Cadde Muuse ku kalifey mawqifkaa aan ku
haboonayn ee uu is taagey. Markaan arintaas maskaxdayda la kaashaday waxa
ii soo baxay in Cadde Muuse Saddex arimood ay ku kalifeen oo kala ah sida
hoos ku qoran.
1- Cadde Muuse oo abaalgud uga dhigaya Isaaqa magangelyadii ay siiyeen
Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.
2- Hunguri xumo uu doonayo inuu dhaqaale kaga helo Isaaq.
3- Magac raadis uu doonayo in magaciisa Radio iyo saxaafada laga sheegsheego.
Masbaa baa abur dhala Allah haw naxariistee hadii Muuse Boqor noolaan
lahaa oo maqli lahaa ereyada ka soo yeedhay Cadde wuu dayrin lahaa
dhaxalkiisana waa ka qadin lahaa. Allah haw naxariistee Muuse Boqor
Luxudka ayuu maddax ku gujinayaa iilkana waa qaban la yahay cadho awgeed.
"Hadaad Nuur Cubudhiyoow ogtahay caawa waxa jooga Ciidaad ka soo bixi
lahayd cadho daraadeed"
Caddow adigu Lugtana ma tihid Faraskana ma tihid. Puntland rag baa u
talaiya oo birta u soo calashaday iyaga ayaa go'aankeeda gaadhi kara.
Adigu Maddax kama tihid Puntland,maddax dhaqameed kama tihin. Laguuna
dooran mayo Maddaxtinimo iyo maddax dhaqameed midna "ka calool go dhaha
waadigaa cunay dhashaadiiye"
Waxa ku soo afjarayaa qoraalkaygan tuducan gaaban.
"Xalay Sooryo Wanaagsan iyo xeedhyo kuu salaxeen oo
seleshood isla booday oo saar wax kuu tuma wayday ee
xaalku maaha sidaas"
Hadii Isaaq iyo Harti heshiinayaan qolana Cadde Muuse soo mari mayso dad
ku filan hawshaas way joogaan. Cadde Muusoow meesha kale ee aad qalalaase
iyo dagaal ka oogayso raadi.
Maxamed Xasan Cumar
m.omar@bellnet.ca
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Idaacadda
SBS Australia oo waraysatay cadde Muuse..
Halkan ka akhri ama
Halkan dhegeyso
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|