SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

 


Beesha Mataan Cabdulle oo u sharaxan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaallada Muqdisho

Xubno isugu jira aqoonyahano, siyaasiyin, odayaal iyo Ganacsatada kasoo jeeda Beesha Mataan Cabdulle ee Deggan W/Magaallada Muqdisho oo maanta soo sharaxday musharaxa u qabanaya xillka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaallada Muqdisho.

W/Qorey, Abdi Wali Ibraahim Aden "Garyare"
Garyare20@hotmail.com  Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Muqdisho | SomaliTalk.com | Nov 28,2004


Dr.Maxamed Cumar Nuur Musharaxa xilalkaasi

Maxaadey Xasan Hadaafow: Oday dhaqameed

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen dhamaan xubnahaasi ayaa waxaa lagu cadeeyay sida ay dhamaan xubnaha kala duwan ee Beeshaasi isugu raacsan yihiin inay iyaga iminka xaq u leeyihiin inay qabtaan xilalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaallada Muqdisho.

Xubnihiii halkaasi ka hadlay oo lahaa aqoonyahano, siyaasiyiin, ganacsato iyo odayaasha dhaqanka ee beeshaasi ayaa waxaa ay si wada jir ah ugu dhawaaqeen inay xilalkaasi u soo sharaxdeen Dr,Maxamed Cumar Nuur oo ay sheegeen inuu yahay ninka kaliya ee xilkaasi kasoo bixi kara isla markaana ka wakiilka ah Beesha Mataan Cabdulle.

Maxaadey Xasan Hadaafow oo ka mid ah odashaaya dhaqan ee magaca ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho gaar ahaan Waqooyiga Magaalada ayaa waxaa uu kulan kaasi ka sheegay in isaga oo ku hadlaya Magaca odayaasha dhaqanka Beesha Mataan Cabdulle ay soo sharaxdeen Dr,Maxamed Cumar Nuur oo uu sheegay inuu isaga shaqsiyan aaminsan yahay inuu yahay nin dhabarka u dhigan kara xilalka aanu soo sheegnay ee ah Gudoomiyaha Gobolka iyo Duqa Magaallda Muqdisho.

"waxaan idiin sheegayaa maanta laga bilaabo aniga oo ah Maxaadey Xasan Hadaafow in Dr,Maxamed Cumar Nuur aan u aqoonsanay inuu yahay Musharaxa kaliya ee Beesha Mataan Cabdulle ugu tagaan xilalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaallada Muqdisho" hadlkaasi waxaa kulangii maanta ka jeediyay Maxaadey Xasan Hadaafow oo ka mid ahaa Odayaashii dhaqan ka ee kasoo qeyb galay kulankaasi.

Arintan ayaa timid kadib markii ay soo ifbaxdey baryahan in beelaha Hawiye ay ku rajo wayn yihiin in Dowlada laga soo dajiyo Magaallada Muqdisho,iyadoo beelaha wada degan Magaallada Muqdisho ay isu qaban qabinayaan inay soo diyaarsadaan Mas’uuliinta u malateeysa jagooyinka ay ka helaan Dowlada marka ay Wadanka soo gaarto,Beesha mataan Cabdulle ayaana noqotay beeshii ugu horeeysay ee soo gudbisata Musharaxooda xilalka ay ka rajeynayaan Dowalda inay ka helaan.

Ugu danbeeyntii kulankaasi ayaa waxaa laga soo saaray baaq ku wajahan Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalak Somaliya,dhamaan xubnaha xildhibaanada Beesha Mudulood kaasoo looga codsanayo in Ra’iisul wasaaraha iyo Xildhibaanaduba ay tixgeliyaan baaqooda ku aadan musharaxooda Dr,Maxamed Cumar Nuur. 

W/Qorey, Abdi Wali Ibraahim Aden "Garyare"

Garyare20@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2004


Xaalaadda Ammaan ee Kismaayo oo Loo Caal Waayay
Waxaa shalay galinkii danbe dhintay hal qof waxaana si xun loo dhaawacay labo qof kadib markii... Guji.. Nov 28

Baaq Nabadeed: Isimada Puntland
Isimada Puntland ayaa maanta Baaq nabadeed ka kooban shan qodob ka soo saaray Garoowe kaas oo..  Guji.. Nov 28

Olole Tabarucaad: Dadkii ku tabaaloobay roobabkii ka da’ay Nugaal iyo Qardho
Shirkadda Amal Bank iyo masaajidada & dadweynaha Boosaaso ayaa ka qayb qaatay Olole aad u ballaaran oo... Guji... Nov 28

Warbixin Ku Saabsan Jaamacadda Nugaal (Nugal University)
War bixintii Asad Caddaani... Nov 28

Kulan maanta  Nairobi ku dhaxmaray ganacsatada Soomaliya iyo Talyaaniga
War-bixintii
Axmed Idaawaqaca... Nov 28


Shirweynihii Koowaad ee Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo Muqdisho Ka Dhacay | Warbixintii Amiin
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada