SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 


WARARKII NOVEMBER 27::::
  • Adan Yuusuf Culumo ayaa wada taageero uu ka raadinayo dhinacyada kalla duwan ee Soomaalida si loogu magaacaabo gudoomiyaha Gobolka Banaadir
  • Waa maxay farqiga u dhaxeeya magaalooyinka Nairobi iyo  Mombasa iyo Soomaalida kukala Nool
  • Sheekh Xasan Daahir Aweys "Wanaagga dadka Soomaaliyeed ayaa igala muhiimsan danahayga gaarka ah"
  • Xidhibaan Muunye: Anigu waxaan qabtay shacabku way ogyihiin Taariikhda ayaana xusi doonta...
Adan Yuusuf Culumo ayaa wada taageero uu ka raadinayo dhinacyada kalla duwan ee Soomaalida si loogu magaacaabo gudoomiyaha Gobolka Banaadir

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi Somalitalk

Shirkaa waxaa lagu taageeray musharaxa Gobolka Banaadir Adan Yuusuf Culumo waxana ka soo qayb galay xubno badan oo iskugu jira Siyaasiyiin Culumaudiin Aqoonyahan iyo wax garad kala oo kakala Socday Beesha uu ka dhashay , 

Waxa ayna hoosta ka xariiqeen in ay taageerayaan hamiga iyo ujeedada Adan Yuusuf Culumo oo ah musharaxnimada Gobolka Banaadir, 

Dhinaca kale Adan Yuusuf Culumo ayaa isaguna kulankaa ka hadlay waxa uu sheegay in isagu doonayo in ay ku dadaalaan taageeradood iyo sidii ay ugu hirgali laheed waxaana la ii sheegay in Magaalada muqdisho iyana uu ka  socday shir midkan o kale ah oo lagu taageerayo Musharaxnimada Gobolka Banaadir, 

In ay dad badani isku soo taagaan xililka iyo mansabka Soomaalida wa wax iska caado ah waloow aysan Ii cadeen inta qof ee xilkan u sharaxan  hadana waa jiraan rag u taagan xilkaan Sida C/qaadir Muriidi Xaaji Golof oo isagu ka mid ahaa ragii loogu awood sheegay tartanka Madaxwaynenimo ee Soomaaliya , 

Dhinaca kale waxaa isagana la ii sheegay in uu jiro nin lagu magaaco Cade Cali Xasan Gaabeey balse mar aan wax ka waydiiyay ragii caawa ka soo xadiray shirkan in uusan jirin cid kale oo iyagu ay la doonayaan Xilkan beeshuna ay ku midaysantahay Xil uraadinta Adan Yusuf Culomo


Waa maxay farqiga u dhaxeeya magaalooyinka Nairobi iyo  Mombasa iyo Soomaalida kukala Nool

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi
E-Mail:
axmeddheere65@hotmail.com

Magaalada Mombasa waa magaalo madaxda labaad ee Wadanka Kenya waa Magaalo leh Dakeda ugu wayn Bariga iyo Bartamaha Afrika,

Magaalada Mombasa oo ah magaalo facwayn ayna daganyihiin dad xadaarad&ilbaxnomo badan waxa ay magaalada caasimada ah ee Nairobi ujirtaa ku dhawaad 480 Kmt,

Magaalada oo aan ku gaaray booqasho shaqo muda labo cisho ahna aan joogay waxa aan kala kulmay wax yaabo badan oo ay kukala gadisanyihiin magaalada Nairobi,

Ugu horayntii waxaan booqday Dakeda caalamiga ee Magaalada Mombasa oo runtii aheed meel ku mashquulsan shqooyin kalla gadisan dekeda waxaa ka soo daga maalin walba maraakiib kalla duwan oo ka soo shiraacda dekedaha caalamka oo dhan iyadoo ay xiligan aheed xili ay aad ushaqo badneed waxaan halkaa kula kulmay dad badan oo Soomaaliyeed oo ii sheegay in ay iyagu keenaan alaabo kala gadisan ayniguna aan arkay iyadoo hada lagu jiro isku diyaarintii maalmaha Kirismiska oo ah bisha Fooda nagu soo haysa 25keeda, 

Ka so koow dadka Soomaaliyeed ee iyagu wax ka soo dajiya dekeda Mombasa waxaa kaloo jira ganacsato kakala socda meelo badan oo iyaguna wax ka la soo daga dekeda Mombasa sideedaba dekeda waxaa wax u maraan wadama Burundi Tansaniya Ugaandha Suudaan iyo goobo kale, 

Dhinaca magaalada hadii aan faalo kooban ka bixiyo waa magaalo aad u qurxoon oo runtii aadan ka dalayn in aad joogto wallow ay aad magaaladu u kulushahay  

Nabada magaalada Mombasa waa heer sare marna kama cabsi qabtid in lagaa dafo Moobilkaaga sida Nairobi haweenka waxa ay ku xardhanyihiin dahabkooda iyaga oo an ka cabsi qabin in dhagtooda iyo dahabkoodaba la gooyo , 

Ganacsiga waa magaalo aad uganacsi badan iyadoo ay soo galaan ganacsato meelo badan ka yimid inta badana waxaad arkaysaa baabuur wada shixnado kalla duwan oo iskaga gooshaya goobo badan oo ka mida gudaha wadanka Kenya iyo wadamada Dariska ah sida Ugaandha iyo goobo kale soomaalidu waxa ay ku leeyhiin goobo ganacsi oo kalla duwan oo lagu iibiyo wax badan oo kalla gadisan , 

Kala duwanaansha Soomaalida ku  nool Mombasa iyo Caasimada Nairobi waxaa jira faraq wayn oo dhinaca Siyasada ah dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca Diinta intaba leh  

Tusaalle ahaan dadka Soomaaliyeed ee jooga Nairobi inta badan waxa ay ku waydiinayaan Siyaasada Soomaalida waxaadna arkaysaa iyagoo inta badan ku mashquulsan Wabseedyada iyo Idaacadaha halka reer Mombasa ku mashquulsanyihiin ganacsiga iyo dabarida naftooda ,

Guud ahaan marka aad eegto dareenka iyo muuqaalka dadka reer Mombasa ayaa umuuqda mid farxadeed iskana dagan iyagoo markiiba kuu muujinaya niyad samidooda Xaafadaha Magaalada Mombasa ma ah mid ay soomaalidu udaganyihiin hab qabiil ,

Magaalada Mombasa waxaa ku yaala Masaajido badan iyo Madarasado Badan oo lagu Barto Diinta Islaamka iyo Luuqada Carabiga waxaana runtii xusid mudan in inta badan dumarka Magaalada Mombasa ay xiranyihiin Niqaab ama indhasharer oo kuligood way xijaabanyihiin,

Raga magaalada Mombasa waxaa ka muuqda shacaairu diin iyadoo garku inta badan udaysanyahay waxa ayna ku labisanyihiin khamiisyo iyo Macawiso oo waxaad moodaa in aad Joogto magaalo ka mida Wadanka Dahabiga ah ee Soomaaliya,

Wali waxaa aad ku arkeeysaa Magaaladaa Iftiinkii ciida oo waxaa wadooyinka Magaalada ku xiran nalal habeenkii Nuuraya oo kala midab ah mid walibana bixinayo Qurux gaara ,

Waxaa xusid mudan in magaalada Mombasa ay dadku iskugu soo baxaan gobaha Cabitaanka iyagoo sidii magaalooyinka Soomaaliya ku dheelaya goobahaa Dumlad iyo Turub ama laadhu Xitaa runtiina waa wax aan ku soo Xasuustay Magaalada Muqdisho inta la fadhiisto Biibito hadana la ciyaaro Turub iyo wixii la mida,

axmeddheere65@hotmail.com 

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)

Kenya,Nairobi

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2004

 

<><><>


Sheekh Xasan Daahir Aweys "Wanaagga dadka Soomaaliyeed ayaa igala muhiimsan danahayga gaarka ah"

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Brussels, Belgium

November 27, 2004


Sheikh Aweys | Sawirka: Google search

Kaddib September 11, Soomaaliya waxaa lagu sumadeeyey inay ku jirto dalalka ay ku gabbadaan kooxaha Mareykanku ugu yeero argagixisada. Nin weriye ah oo reer galbeed ah oo la yiraahdo Joseph Winter ayaa dhowaan Soomaaliya tagay, waxaana uu la soo kulmay qaybo badan oo hoggaamiyeyaasha bulshada ka mid ah. Dadkii uu la kulmay waxaa ku jiray Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah mashaa'iqda waaweyn ee Soomaalida.

Sheekhu, waxa uu si adag u fogeeyey in wax argagixiso ah ay ka howlgalaan waddanka. Ma jiro ayuu yiri qof Soomaaliya jooga oo la dirirsan Mareykanka, waxaana uu ku adkeystay oo keliya inuu yahay caalim Islaami ah oo rumeysan in xukunka shareecada Islaamka uu ku yaboohi karo xalka Soomaaliya.

Weriyuhu, waxa uu yiri markii aan la kulmay Sheekhu waxa uu salli kula fadhiyey dhulka, waxaana uu u hadlaayey si xasilan oo degenaansho leh, mana bixinaynin dareen qof abaabula wax argagixiso ku leh. Sheekh Aweys ayuu yiri weriyuhu waxa uu si nabadgelyo ah ku maraa Muqdisho iyadoo ay waardiyeynayaan ciidamo hubeysan oo wata tikniko. Laakiin, Muqdisho oo aan sharci ka jirin, ammaan gelinta sidan u sugan kuma adka qofkii ka bixi kara ayuu yiri weriyuhu.

Sheekh Xasan Daahir si raalli ah ayuu iiga aqbalay ayuu yiri inaan ku wareysto gurigiisa ballaaran ee ku yaalla duleedka Muqdisho, si kasta oo ay tahay Shiikhu wuxuu raacsan ayuu yiri dadka ku dooda in dunidoo dhan Muslimiintu ay bartilmaameed u noqdeen Mareykanka iyo xulufadiisa. Waxa uu Sheekhu ku eedeeyey Mareykanka inay siiyeen qabqableyaasha dagaalka Soomaaliya awood ay ku soo afduubaan kuwa uu ku eedeeyo argagixisada.

Sheekh Xasan Daahir, waxa uu xusay illaa afar qofood in qaabkan lagu afduubay, inkastoo uusan sheegin magacooda, haddana laba ka mid ah dib baa laga sii daayey ayuu yiri. Saraakiisha Mareykanku, waxa ay yiraahdeen 'ma hayno wax war ah oo ku saabsan sheegashooyinkan,' laakiin dad badan oo arrimaha Soomaaliya la socda ayaa aqbalay in warka Sheekhu run yahay.

Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu yiri 'ballan-qaadka Cabdullaahi Yuusuf ee ah inuu burburinayo kooxaha argagixisada waa qorshe uu ku doonayo inuu ku kasbado caawimaadda reer galbeedka, kuna sii xoojiyo taageerada dowladdiisa."

Laba sano kaddib qaraxyadii September 11 ayuu yiri weriyuhu, waxaa Soomaali badan ku adkaatay nolosha, markii la xiray bankigii weynaa ee xawaaladda Al-Barakaat oo Mareykanku ku eedeeyey inay gacan maaliyadeed u fidiyaan kooxaha argagixisada, taasoo keentay in Soomaali badan oo ku nool qurbaha ay ku dhibtoodaan inay lacago u diraan dadkoodii joogay Soomaaliya.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa weli ka walaacsan ayuu yiri weriyuhu inay degdeg ku soo noqon karto maamulkii qarankooda. Xitaa Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu yiri buu yiri 'haddii Cabdullaahi Yuusuf uu qaado tallaabooyin ka dhan ah Al-Itixaad, laakiin uu si fiican u maamulo danaha dadweynaha isagoon jebin sharciga Islaamka, waan soo dhoweynayaa."

Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxa uu hadalkiisa ku soo afjaray "wanaajinta dadka Soomaaliyeed ayaa igala qiime badan danahayga gaarka ah." Diblomaasi magaciisa qariyey ayaa u sheegay weriyaha in Soomaaliya ay weli ka jiraan kooxo firfircoon oo argagixiso ah. Hase ahaatee, khabarkan mid ka duwan ayaa waxaa weriyaha u sheegay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Winston Tubman oo ku adkeystay inaysan jirin caddeymo adag oo muujinaya in kooxo argagixiso ahi joogaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Brussels, Belgium

 ingiriis@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2004


Sam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa  Waqtigaas oo uu na xukumay wasiir... Maxamed Diridhaba

Dhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadigaa ah Shuqul kuma laha waxaase dhabarka u ridanaya xukuumadda SL C/Waaxid Khalif


Xidhibaan Muunye: Anigu waxaan qabtay shacabku way ogyihiin Taariikhda ayaana xusi doonta hantida aan hayana waan wareejin doonaa balse waa in ay dadka kelana wareejiyaan si uusan u dhicin midab kalla sooc

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi
Axmeddheere65@hotmail.com

 Xidhibaan Muunye Saciid Cumar oo noogu waramayay Hotelka Jacaranda ee Magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya ayaa noo sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Xidhibaanimadiisa uu ku iibsaday lacag warkaas Sida Xidhibaanku tilmaamay in lagu qoray goobo ka tirsan warbaahinta Soomaalida,

 Xidhibaanku waxa uu sheegay in amuurtaasi tahay xadgudub wayn oo aan laga fiirsan waana lagala xisaabtami doonaa cida warkaasi baahisay ,

 Dhinaca kale Xidhibaan Muunye Saciid Cumar waxa uu sheegay in uu yahay muwaadin Soomaaliyeed isla markaasna yahay ninka kaliya ee badbaadiyay Hantidii Umada Soomaaliyeed balse wax walba waxaa xusi doonta Taariikhda oo iyadu ah Iftiin aan waxba Lumin,

 Dhinaca kale Xidhibaan Muunye Saciid Cumar waxa uu sheegay in ay wareejin Doonaan hantida Shacabka Soomaliyed ee ah Maraakiibta Doomaha hadii ay soo noqoto nidaamki iyo kala danbayntii isla markaasna ay soo celiyaan hanitada qaranka Soomaaliyeed cid walba oo lagu tumayo in ay hantidii soomaaliyeed qadatay ama haysataba Hadii kale waxaan u qadaneeynaa in ay jirto Midab kalla Sooc

Anigu waxaan shacabka Soomaaliyeed uqabtay way ogyihiin marqaati bayna ka yihiin waxaana ka mida waxyaabaha aan qabtay sida Warshada Kaluunka ee Baraawe iyo Warshadi Hargaha iyo Saamaha ee Xamar iyo Warashadii Xoolaha lagu goowrici jiray iyo Mushruucii lagu dhisay Dekeda Boosaaso iyo Jidka Boosaaso iyo Garoowe isku xira sidaa darted anigu hantida aan hayo waxaan u hayaa danta Qaranka Soomaaliyeed ee anigu Shaqsiya uma isticmaalo

Dhinaca kale Xidhibaan Munye Saciid Cumar waxa uu sheegay in uu rajo fiican ka qabo in qaranka Soomaaliyeed mar kale luguhiisa ku istaago maadaama ay Soomaalidu dhisteen Dowlad ay udhanyihiin 14 Sano ka dib Burbur iyo colaad hareeyay Soomaalida

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi
Axmeddheere65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2004


Waraysi ay Somalitalk.com la yeesheen Xildhibaan "Jinni Boqor"
"Waa in wadanka gudihiisa laga abaabulo hubka dhigista ee aan loo aadin Addis-abbaba. Waana in dadka la wacyi galiyaa..." Sidaas waxaa yiri Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid “ Jinni Boqor” oo..
Guji... Nov 26

Socdaalkii Garyare iyo Gobalka Shabeeladda Hoose
Warbixintii AbdiWali Ibraahim Aden “Garyare" Guji.. Nov 26


QISADII MADHOODHOW: Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

<><><>

SOMALITALK.COM KA AKHRI:

Sawirada: Google & Yahoo search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada