Ayadoo uu maanta socdo shirkii isimadu ay ku lahaayeen xarunta maamul goboleedka Pl ee garoowe, ayaa golaha wakiiladu soo gaarsiiyeen qoraal uu kaga hadlayay dammaanad ka qaadidda hantida dadwayne. Isimada ayaa qoraalkan waxay kaga codsadeen in ay ajandaha shirka ku darsadaan daynta dadka kamaqan ayadoo ay jiraan in shaqaalaha, dowladda,ciidanka iyo goloyaashuba aysan qaadan mudo gaaraysa sideed bilood wax mushaara ayna jiraan dad shacaba oo dowladda dayn ku leh ayna sheegeen in ay gaarayso 60 bilyan oo shilin soomaaliya. waxaa iyana Ergayga Madaxwaynaha gaarka u ah ee wakiilka shirka u fadhiya Md.C/kaafi Cabdi Abshir ayaa shirka isimada u socda u sheegay in ay san jirin wax khilaafa ee u dhexeeya Isimada lana filayo in ay maalmaha dhow ku guulaysanayaan talooyin iyo aaraa muhiim u ah danaha shacabka iyo kuwa dalka intaba. Hay,adda Cilmi barista ayaa qado sharaf u samaysay dhamaan Isimada waxaana kal soo qayb galay sadexda gole ee dowladu ka koobantahay. Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2004
Gen. Cadde Muuse oo
Isu Sharaxay Madaxweynaha DGPL Itoobiya oo heshiis Qaad loogu dhoofinayo Puntland la gashay maamulkaasi Puntland
Maxaa Kajira in "la Dhaawacay" Islaan Bashiir
Qaar kamida Hogaamiye Dhaqameedyada
G/Bari oo u kicitimay Garoowe
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
©
www.SomaliTalk.com |
|
|
|