SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.

  • Dagaalo dhex maray ciidanka wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.
  • Gudoomiye xigeenka Hogaanka xaga Jaaliyaadka iyo Unugyada oo booqday magaalada Toronto ee dalka Kanada.
  • Urur mucaarad ah oo dawlada Itoobiya canbaareeyay.
  • Booliska Itoobiya oo xabsiga u taxaabay dad Oromo ah.
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo Woqooyiga Kenya dad ku laayay.
  • Qoxooti Oromo ah oo bannaanbax ku sameeyay magaalada Muqdisho.
  • Barnaamujkii Abwaankii waxuu yidhi oo aanu ku soo qaadan doono Abwaan C/laahi M.Axmed (Dhoodaan)iyo gabayadisii mid ka mid ah waxaan kaloon idiin haynaa suugaan halgameed.

Dagaalo dhex maray ciidanka wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.

 

Dagaalada aan kala go’a lahayn ee u dhexeeya Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogadenya iyo Ciidamada Gumeysatada Itoobiya ayaa aad loogu naafeeyay ciidamada naflacaariga ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaaladaas oo si aan kala joogsi lahayn uga socda gobolada Ogaadeenya ayaa waxaa ugu danbeeyay kuwan.

 

Dagaal ku dhex maray 01.11.2004 Maygaago oo ka tirsan Dagmada Dh/Buur ciidamada dulmiga iyo gardarada ku caan baxay ee gumaysiga Itoobiya iyo ciidamada gobonimadoonka Ogaadenya ayaa ciidamada cadawga Itoobiya lagaga dilay 5 askari waxaana lagaga dhaawacay 8 askari oo kale.

 

 

Sida oo kale 2.11.2004 weerar ay Ciidanka Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya ku qaadeen Ciidanka Taliska Dulliga ah ee gumeysatada Itoobiya ayaa lagaga dilay 7 askari, 5na waa laga dhaawacay.

 

15/11/04 Dagaal ay cutub ka tirsan Ciidanka Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya ku qaadeen calooshooda u shaqaystayaalka gaashaanka u ah ciidanka gumeysiga Itoobiya ayaa waxaay kaga dhaawaceen 2 dhuuni qaate, waxaana calooshood u shaqaysta yaasha laga qabtay 5 askari, waxaana laga furtay 12 qori oo nooca Outomaatiga u dhaca ah.

 

Gudoomiye xigeenka Hogaanka xaga Jaaliyaadka iyo Unugyada oo booqday magaalada Toronto ee dalka Kanada.

 

Wafti uu hogaaminayo Mudane Maxamed Macali Axmed oo u qaabilsan Gudoomiyaha hogaanka arimaha Dibada iyo Jaaliyadaha Ogaadeenya dhinaca Jaaliyadaha ayaa maalitii Sabtiada ee bisha Nov 20, 2004 shir ku qabtey Magaalada Toronto ee dalka Kanada. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen xubnaha Unuga Toronto, ayaa waxaa lagu soo qaadaa dhigey isbedelada ka socda Geeska Afrika iyo saameynta ay ku leedahay geedi socodka Halganka shacabka Ogaadeeniya.

 

Mudane Maxamed Macalin, wuxuu xubnaha Unuga warbixin ka siiyey socdaalo uu ku soo maray wadamada Yurub iyo Geeska Afrika, isagoo xubnaha xasuusiyey in loo baahan yahay sidii ay u gudan lahaayeen kaalinta kaga aaden waajibka wadniyadeed ee saaran

 

Waftigan oo ka soo kicitimay Magaalada Ottawa ee Kanada ayaa waxaa ka mid ah Dr Cabdirxamaan Yuusuf (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka mid ah odayaasha iyo indheer garadka safka hore kaga jira halganka shacabka Ogadeeniya.

 

Waxaa iyaguna goobtaas ka hadlay mas'uuliyiinta unuga iyo xubno badan oo dhamaantood carabaabey in ay lagama maar-maantahay sidii loo laban laabi lahaa wax qabadka Unuga iyo jaaliyada Ogadeeniya ee Magaalada Toronto.

 

Urur mucaarad ah oo dawlada Itoobiya canbaareeyay.

 

Urur dhawaan laga sameeyay dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyada iyo Cadaalada Bulshada ayaa si wayn u canbaareeyay xukuumadda EPRDF iyo xisbiyada mucaaradka ah labadaba, wuxuuna ku dhalliilay inay ku guul darraysteen xal u helida dhibaatooyinka haysta dadwaynaha Itoobiya.

 

Guddoomiyaha Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyada iyo Cadaalada Bulshada Berhanu Nega ayaa shir jaraa’idoo uu ku qabtay magaalada Addis Ababa ku sheegay in ururka talada haysta ee EPRDF uuna ku guulaysanin 13-kii sanee uu dalka haystay inuu xal asaasi ah u helo dhibaatooyinka dadwaynaha haysta, siyaasadiisuna ay tahay mid waraaqaha lgu daabaco oo kaliya.

 

Wuxuu sidoo kale xisbiyada mucaaradka ah ku dhalliilay inay ku guul darraysteen inay is-abaabulaan oo samaystaan siyaasad midaysan oo lagu doorsan karo siyaasada silloon ee xukuumadda Addis Ababa.

 

Booliska Itoobiya oo xabsiga u taxaabay dad Oromo ah.

 

Qaybta denbi baadhista ee ciidanka cabudhiska Itoobiya ayaa sheegtay inay xabsiga u taxaabeen 15 qof oo u dhashay qawmiyada Oromada, kuwaasoo lagu tuhmay inay xidhiidh la leeyihii ururka Oromada ee OLF.

 

Booliska gumaysiga Itoobiya ayaa sheegay inuu siddeed qof oo dadkan ka mid ah uu ka qabtay magaalada Addis Ababa, toddobada kalana uu ka soo qabtay magaalada Nazareth, ka dib markii cutubyo qarsoon oo booliska ka tirsan ay u soo gudbiyeen xogo tilmaamaya in dadkaasi ay xidhiidh la leeyihiin ururka OLF.

 

Booliska gumaysiga Itoobiya wuxuu sheegay inuu dadkan ka helay dukumintiyo muhiim ah oo xidhiidh la leh ururka OLF, labo bambaano iyo qalab kale oo ururka OLF uu hawlgaladiisa u adeegsan jiray. Ehelada dadka la xidh xidhay oo aan la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in ayna dadkoodu wax lug ah ku lahayn arimaha lagu eedeeyay, waxay kalooy intaasi raaciyeen cidii aan Taliska EPRDF daba dhilif u noqon in loo sameeyo eedeeymo aan waxba jirin.

 

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Woqooyiga Kenya dad ku laayay.

 

Koox hubaysan oo Itoobiyaan ah ayaa toddobaadkan soo weerartay tuulada Manyatta oo woqooyiga Kenya ku taalla, waxayna weerarkaas ku dishay sargaal booliska Kenya ka tirsan, labo qof oo kalana maxaabiis ahaan ayay ula tegeen, sidaas waxaa arbacadii sheegay booliska Kenya.

 

Labada qof ee kooxdani ay maxaabiis ahaanta ula tegtay waxaa ku jira qof dawlada Kenya u shaqeeya, sidaas waxaa sheegay madaxa saldhigga booliska ee gobolka woqooyi ee dalka Kenya.

 

Wuxuu kaloo intaas ku daray in booliska Kenya uu gacanta ku dhigay oo hadda waraysanayo nin ka mid ah kooxdii weerarka gaysatay oo ku labbisan labbiska Tuutaha ah ee ciidamada Itoobiya.

 

Sargaalkan booliska Kenya u hadlay ayaa sheegay in saraakiil ka kala socota Kenya iyo xukuumadda Itoobiya uu magaalada Mooyaale uga socdo wadahadal ku saabsan sidii loo soo dayn laha dadka Kinyaanka ah ee weerarkan lagu afduubay.

 

Bishii Julay waxaa dhinaca Kenya soo weeraray ciidamo aad u hubaysan oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo meel u dhaw Laagta Turkana ku dilay afar qof oo kalluumaysato ah iyo labo ka tirsan ciidamada booliska millatariga ah ee dalka Kenya.

 

Qoxooti Oromo ah oo bannaanbax ku sameeyay magaalada Muqdisho.

 

Qoxootiga Oromada ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa horraantii toddobaadkan bannaanbax ku sameeyay magaalada Muqdisho, iyagoo ka cabanaya xadgudubyada loo gaysto oo beryhan denbe intii hore ka sii badanaya.

 

Qoxootigu waxay sheegeen in xadgudubyada loogaysto ay ka mid yihiin dil, dhac iyo afduub. Waxaana ugu denbeeyay nin qoxootigaas ka mid ah oo dhammaadkii toddobaadkii hore lagu dilay xerada uu qoxootigu deggan yahay dhexdeeda iyo nin kale oo isagana loo afduubay meel aan la garanaynin.

 

Qoxootiga Oromada ahi waxay rumaysan yihiin in dilalka iyo afduubka loo gaysto qoxootiga ay ka denbeeyaan sirdoonka xukkumadda Itoobiya oo adeegsanaya dabley soomaali ah.

Qoxootigu waxay maxkamadda islaamiga ah ee Muqdisho ka dhisan iyo dadwaynaha soomaaliyeedba ka codsadeen inay xil iska saaraan sidii loo wanaajin lahaa ammaanka dadka Oromada ah ee magaalada Muqdisho qoxootiga ku jooga.

 

Dad badan oo reer Muqdisho ah ayaa rumaysan in sirdoonka Itoobiya uu adeegsado kooxo hubaysan oo awooddoodu ayna sidaas u badnayn, balse la shaqeeya sirdoonka Itoobiya oo iyagu fuliya dilka iyo afduubka ay xukuumadda Itoobiya doonayso inay ka fuliso gudaha Soomaaliya.

 

26.11.2004

Dhoodi Danwaa
 radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kus axiixan


:::MAQAALLADA DADWEYNAHA:::
»Yaa ku Abaal sheegan kara bulshadan baa’baday?! [A/yare]
»XAQIIQADII OGAANNAYE, XALKA MA U ISTAAGNAA?? [Nabaddoon]
»SL IYO PL WAXAA LA GAARAY WAKHTIGII MIIS LA ISKUGU diridhaba
»
Aqoonyahanka yaan la Gumaadin! [Mohamed Haji]
»Isbahaysiga Shimbiraale iyo Guwantanamo [Obsiiye]
»Jawaab "MADAXWEYNE C/LAAHI: LAGU DOORAYEE  HA DILIN "
»
Dhalinyarada Soomaaliyeed:  Uguntada Badbaadinta Qaranka
»CALOOSHII WAX BOOBTA DIBBAY CIRIB XUMAATAA [Garaad]
»Gaashaanle Sare Aljazeera [Obsiiye]
»Ciil Kama Kore [Qoraalkii Maxamed Hirad]
»Mustaqbalkii Ubadkeena oo  la Marooqsaday [Hashi]
»DHIBAATADA KA TAAGAN DHISMAHA GOLAHA WASIIRADA |a/risaq
»Sideey isu qaldeen walaalaha Hargeysa ee hada soo miyirsanaya| dirir
»Guushii xuriyada iyo fashilkii qaranimada [C.C.Shafici]
»Gacan Yarayaasha Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo..  [A.Mohamed]
»WADDANKAYGA SHARCI KAMA JIRO! [cabdinuur]
»14+5+2=21 sano oo qaran la aana [Xasan]
»Soomaalyeey Ciidamada shisheeye ma inoo danba? [Mire]
» MAQAALADII HORE EE DADWEYNAHA... GUJI... 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD