Socdaalkii Garyare iyo Gobalka
Shabeeladda Hoose.

W/Qorey: AbdiWali Ibraahim Aden
“Garyare”
Garyare20@hotmail.com
Waxay ahayd Barqanimo Maalin Sabti
ah markii aan ka baxay Magaaladda Muqdisho, Saacaddu waxay ahayd
Abaaro 5:30 Daqiiqo. Waxay ahayd Maalin Ciid ah oo ay Dadka oo dhan
damaashaadayeen. Waxaan ka billaabay Socodkayga Magaaladda Muqdisho.
Iyadoo aan ku sii hakaday Degmadda Afgooye ah oo ah Xuduuda
Gobaladda Banaadir iyo Shabeeladda Hoose.
Intii aan ku sii jiray wadada
Afgooye waxaan ku sii arkay Isbaarooyin dhawr ah oo wadada u yaalay
Maleeshiyooyin Hubaysan oo aan cidna ka amar qaadan. Kuwaasoo Lacago
baad ah ka qaado Gawaaridda Dadwaynaha. Waxaan Naxdin iyo wax xoogaa
Cabsi ah ku sii maro wadada waxaan ugu dambayntii gaaray
Koontoroolka Degmadda Afgooye oo ah Isbaaradda ugu dambaysa ee
Maleeshiyooyin Beeleedyadda aan cidna ka amar qaadan.
Intii aan joogay Afgooye
waxyaabihii iigu yaabka badnaa ee aan ku arkay waxaa ka mid ahaa
Dadka oo dhamaantood wada dacas la’aan ahaa. Iyadoo sababta
arrintaasna aan u arkay Dhiiqada badan ee Magaaladda ku teedsanayd.
Waxayna ahayd Maalin Roob iyo Iid Wadaagsatay.
Ma ahayn wax ceeb iyo argagax la
leh Dadka Reer Afgooye ah inay Kabo la’aan ku dhex maraan
Magaaladda. Laakiin waxay yaab ka muujinayeen markii ay arkeen
anigoo oo kabahaygii gashan. Waxaana halkii aan la yaabi lahaa ay
igu billaabeen inay I waydiiyaan su’aalo ku saabsan sababta aan
kabaha isaga siibi waayay.
Indhahaygu waxay sidoo kale
qabanayeen Dadka oo Waayeel iyo Da’yarba wata Ulo dhaadheer oo sida
la ii sheegay qofka ka caawinaya inuusan ku kufin dhiiqadda.
Laakiin aniga dhamaan dhaqamadaasi waxay ahaayeen kuwo aniga igu
cusub, inkastoo aysan ahayn markii ugu horaysay ee aan taggo Gobalka
Shabeeladda Hoose. Laakiin Jawiga oo isbadalay markan ayaa badalay
Muuqaalkii hore ee aan ka haystay Gobalka Shabeeladda Hoose.
Degmadda Afgooye markii aan ka
gudbay waxaan intii aan jidka ku sii jiray arkayay Dad Reer Guuraa
ah oo wadada qarkeeda xoolo ku raacanaya. Inkastoo Xoolo dhaqashadda
aysan caan ku ahayn Gobalka Shabeeladda Hoose, haddana waxaa jira
dad xoolo ku dhaqda Gobalkaasi, waxaan dareemayay wax xoogaa Doog
iyo Caws ah inuu ka soo iftiimiyay Hareeraha Wadada, kadib markii ay
Raxmaddii Eebe ku hoortay Gobalka Shabeeladda Hoose.
Waddada Waxyaabihii iigu yaabka
badnaa ee aan ku arkay waxaa ka mid ahaa Daanyeero faro badan oo
safan wadadan. Kuwaasoo ay Saaxiibadayda Safarka igu wehliyay ii
sheegeen inay sugayaan Gawaaridda Mooska. Waxaana ay igula kaftameen
waa Isbaariistayaasha Duur Joogta.
Ammaanka Wadada waxa uu ahaa mid
hagaagsan. Waxaana Marka illaa iyo Afgooye aan ku arkay Labo Isbaaro
oo kaliya kuwaasoo hoos tagga Maamulka Gobalka Shabeeladda Hoose.
Waxaana Isbaarooyinkaasi ay u dhaqmayeen Maamulayaashooda sidii ay u
dhaqmaan "Check Points"-ka meelaha uu Maamulku ka jiro.
Markii aan galay Gudaha Marka
waxaan ku arkay in isbadal wayn oo ku yimid hab maamulka iyo
Ammaanka Magaaladaasi. Waxaanan dareemayay in Magaaladdu ay noqotay
goob uu ka jiro Maamul hagaagsan. Waxaan soo xusuustay Warbixin uu
horay Saaxiibkeey C/casiis Maxamuud Guuleed Afrika Gobalka uga
qoray.iyadoo warbixintii C/casiis ay gabi ahaanba iiga muuqan waysay
arimihii uu inta badan ka qoray Maamulka iyo guud ahaan Gobolka sida
uu yahay.
Maalmo kadib markii aan dhex galay
Magaalada Marka isla markaana aan waxbadan ka ogaaday Xaalada guud
ee Gobolka ayaan waxaa qadka Teleefoonka kula soo xiriiray
Saaxiibkey C/Casiis Afrika oo aan wax ka weydiiyay halka uu ka soo
xigtay qoraalkii uu ka qoray Gobolka iyo hadda waxa uu kala socdo
jawiga guud ee Gobolka,waxaa uu iisheegay in uu aad ula socdo
xaalada guud Gobolka,Laakiin laf ahaantiisa C/casiis oo dhawaan isna
tagay Gobalka waxa uu ka marag kacay in Gobalka isbadal wayn oo
dhinacyadda Ammaanka, Caafimaadka, Dhaqaalaha, iyo Maamulka uu ku
yimid.
Magaaladda Marka waxyaabaha aan ku
arkay waxaa ka mid ahaa in Goobihii Gaadiidka Sharci Daradda ah la
dhigi jiray laga mamnuucay. Isla markaana gaadiidka lagu celiyay
Boosteejadoodii hore. Waxaana gaarigii si sharci darro ah jidka loo
dhigo laga qaadayay Tallaabo dhinaca Sharciga ah.
Xarunta Maamulka oo aan tagay waxay
ahayd mid ay ka socotay Shaqo xoogan waxayna hawl wadeenadda Xaruntu
ku mashquulsanaayeen kala qaabiladda dadka Xarunta soo booqanaya.
Iyagoo is badal wayn ku sameeyay Dhaliilihii hore ee uu ku soo arkay
Wariyihii igu horeeyay ee Gobalkaasi tagay.
Guddoomiye Ku Xigeenka Gobalka
Shabeeladda Hoose, Maxamed Xaaji Cali Baaboow oo aan Xarunta Gobalka
kula kulmay ayaa waraysi aan la yeeshay waxa uu sharaxaad iiga
bixiyay Horumarka uu Gobalku sameeyay. Waxaana uu sheegay in Gobalku
uu haatan ka mid yahay meelaha ugu nabdoon Somalia.
Mar aan hor dhigay su’aal la
xiriirtay waxa ka jira in Dad Beero Xoog looga haysto waxa uu ii
sheegay inaysan arrintaasi waxba ka jirin. Isla markaana ciddii
Maamulka u soo gudbisa in lagu xadgudbay ay Maxkamadda Gobalka wax
ka qabato. Wuxuuse sheegay inay jiraan Dad warar been abuur
faafiyaan.
Arintan ayaa waxaa ay ahayd mid
inbadan ku soo noq noqotay Saxaafadda Magaalada Muqdisho,iyadoo ay
jireen qaarka mid ah Dadka Gobolkaasi dega oo saxaafadda soo
gaarsiiyay qoraalo ay kaga cabanayaan Dhul-beereedyo xoog looga
haysto,waxaana haba yaraatee waayay intii aan Gobolka ku sugnaa dad
iisheega inay jiraan wax dhul ah oo xoog looga haysto marka laga soo
tago qolyaha saxaafadda Muqdisho inta badan u soo gudbiya
eedeeymahaasi.
Dhinaca kale mar aan Baaboow
waydiiyay Waqtiga uu dhamaanayo ka talinta Gobolkaasi Maamulka uu
isagu ka mid ka yahay waxa uu sheegay in Waqtiga Jiritaanka
Maamulkooda uu ku xiran yahay Rabitaanka Dadka u dhashay Gobalka.
Waxaana uu ku dooday in markii horaba uu Maamulkoodu ku yimid
Rabitaanka dadka u dhashay Gobalka.
Waxaa Gobolka intii aan joogay ka
maqnaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Yuusuf
Maxamed Siyaad indha-cadde,iyadoo aan ka maqnaashihiisa wax ka
waydiiyay Xoghayaha warfaafinta Maamulka Gobolkaasi Cali baashi
Jimcaale abtidoon oo ii sheegay in howlo Maamul uu ugu maqan yahay
Magaalada Muqdisho,hase ahaatee arintaasi Cali Baashi igama siin
faahfaahsan dheeri ah oo la xiriirta socdaalka Guddoomiya Gobolka.
Cali Baashi ayaa intii aan ku
sugnaa Gobolka waxaa uu xooga saarayay sidii kor loogu qaadi lahaa
xoriyada Saxaafadda Madaxa banana ee ka howlgasha Gobolka Shabeelaha
Hoose,iyadoo ay taasi jirto hadana Warbaahinta Madaxa banana ee ka
howl gasha Gobolkaasi waxaa ay wali tabanayeen tacadiyo loo gaystay
Wariyayaashooda.
Mar aan ka qeyb galay Shir jaraa’id
oo uu qabtay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed
Xaaji Cali Baabow ayaa gabagabdisii lagu soo qaatay in maalintaasi
wixii ka danbeeya aan lagu xadgudbi doonin Saxaafadda Gobolka iyo
guud ahaan tan Soomaaliya,laakiin aniga oo ka mid ahaa Wariyayaashii
ka soo qeyb galay Shirkaasi jaraa’id ayaan waxaan waydiiyay intii
nagala joogtay Maamulka Gobolka oo uu ka mid ahaa Baabow,Cali Bashi
iyo Nuuriye oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka Gobolka
Shabeelaha hoose bal inay iiga waramaan hadalkaasi ka soo yeeray
inuu yahay mid ku siman afka oo kaliya iyo inuu yahay mid laga
dhabeen doono,Waxaana ay iisheegeen inay markan ka tahay dhab inay
si wanaag ku dheehan yahay ula dhaqmi doonaan Wariyayaasha Gobolka
iyo kuwa kaleba.
Magaaladda Marka waxaa ka jira Hal
Isbitaal oo ay gacanta ku hayaan Guddi laga soo dhex doortay
Dadwaynaha Gobalka. Waxaana Guddigaasi oo lagu magacaabo Guddiga
Taakulaynta Isbitaalka Marka ay Dhaqaalaha lagu socodsiiyo
Isbitaalka ka soo ururiyaan qaybaha Bulshadda ee Gobalka iyo
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo bishii ugu deeqa Isbitaalka
deeq lacageed oo dhan Toban milyan oo shilin Soomaali ah sida ay ii
xaqiijiyeen Guddiga gacanta ku haya Howlaha isbitaalka iyo Maamulka
Gobolka.
Dhinaca Waxbarashadda Gobalka waxaa
ka furan Dugsiyo Waxbarasho oo gaarsiisaan illaa iyo Waxbarashadda
Sare. Waxaana I cajab galiyay in dhamaan waxbarashadda hoose iyo
sare ay Muqdisho uga duwan tahay Marko inaan Ardayga wax lacag laga
qaadayn.
Waxaana Magaaladda ka furan inta
badan Dugsiyo ay maalgaliyaan Hay’adaha ay ka mid yihiin COSV iyo
New Way oo ay Maamuli jirtay Hawenaydii dhimatay ee Varrena Career
oo lagu dilay Gudaha Marka.
Hay’adda COSV oo ka mid ah
hay’adaha ugu dhaq dhaqaaqa badan Magaaladda ayaa Gobalka intii aan
joogay waxaan dareemayay inay barnaamijyo badan oo horumarineed ka
waddo. Waxaana Masuuliyiinta Hay’adaasi aan marar badan ku arkay
iyagoo booqanaya Isbitaalka Marka.
Maxamed Daahir Guuleed oo ka mida
Saraakiisha Hay’adda COSV ayaa ka mid ahaa dadkii aan ku arkay
iyagoo kaalin fir fircoon ka qaadanaya taakulaynta Isbitaalka Marka.
Waxaana dadaalka Masuuliyiintan qiray Maamulka Isbitaalka gacanta ku
haya oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Guddiga Taakulaynta Isbitaalka,
Shiiq Xasan Macallin Maxamed “Shiiq Xasan Jiis”
Intii aan joogay Magaalada Marka
waxaan sidoo kale aan booqday Xarunta Maxkamada Degmada Marka iyo
Xabsiga dhexe,iyadoo aan halkaasi kula kulmay Guddoomiyaha Maxkamada
Degmada Marka Dr,Jeylaani Qaali Huurshe oo aan ka xog areeystay
arinta Maxkamada iyo guud ahaan howlaha garsoorka,waxaana uu
tibaaxay inay howlaha garsoorka ku socdaan sidii loogu talagalay.
Dr,Jeylaani Qaali Huurshe oo aan
wax ka weydiiyay arintii dhexmartay isaga iyo Maamulka Gobolka
Shabeelaha Hoose uu uu Madaxka ka yahay Yuusuf Maxamed Siyaad
Indha-cadde ayaa waxaa uu iisheegay in arintaasi ahayd mid lagu
fududaaday oo uu ku qaldamay Maamulka Gobolka,laakiin waxaa uu iska
fogeeyay dhamaan wixii isaga xilligii arintasi socotay lagu soo
eedeeyay oo uu sheegay inay ahaayeen waxa uu ugu yeeray owr ku kacsi
uu sameeynayay Maamulka Gobolkaasi ka taliya.
Intii aan ku guda jiray Socdaalka
aan ku marayay qeybo badan oo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose
waxaan isku dayay bal in aan wax ka ogaado wax qabadka Ururo inta
badan ay saxaafada ka hadasho oo la yeeshay inay wax ka qabtaan
arimaha Gobolka,inta badan Ururadii aan isku day in aan waraysi la
soo yeesho waa ay ka meer meereen arintaasi.
Laakiin ugu danbeeyntii Waxay la
kulmay Xaliimo Cabdi Caruush oo ah Guddoomiyaha Ururka Horumarinta
haweenka IIDA ee Xaruntiisu tahay Magaalada Marka,waxay ahayd
Barqanimo markii aan xarunta Ururka iida kuwada kulanay aniga iyo
Xaliimo,waxaana inta badan aan ka xog wareeystay bal inay ii
sharaxdo waxa ay ka qabtaan Gobolka Shabeelaha hoose,waxayna inta
badan ku dheeraatay ka hadalka waxa ay Umada Soomaaliyeed u qabteen
gaar ahaan kuwa Gobolka Shabeelaha Hoose,iyadoo ciddii wareysigaasi
rabta inay akhrisata inay Website-ka ka heli karaan waraysiga oo
dhameystiran .
Waxaa Magaalada xarun ku leh Laba
Idaacadood oo kala ah Horn Afrik iyo Shabeele,kuwaasoo dadka
gobolkaasi usoo gudbiya wararka Caalamka iyo barnaamijyo lagu
banaarujinayo Dadka Gobolka sidii ay ula soo bixi lahaayeen
kheyraadka uu ilaahay ku maneystay Gobolka Shabeelaha Hoose.
Maamulka idaacada horn afrik ee
Xarunta Marka ayaa maalin isniin ah igu marti qaaday barnaamij loogu
magacdaray Marka iyo maanta oo uu daadihiye ka yahay Maahir Jaamac
Aadan oo ah Wariye in badan ka shaqeeyay Idaacadaha Magaalada
Muqdisho isla markaana ka mid ah Mas’uuliyiinta Idaacadaasi Horn
Afrik ee Marka,iyadoo inta badan uu Maahir Jaamac Aadan iga xog
wareeystay socdaalkeyga Gobolka Shabeelaha Hoose oo aan markasi ku
jiray Maalintiisii 3-aad iyo wax yaabihii aan ku arkay Gobolka intii
aan joogay,waxaana aan inta badan halkaasi ku soo bandhigay
socdaalkeyga Gobolka oo ahaa mid ay u jeedadiisu ahayd la kulan ka
Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Mudane ,Aadan C/lle Cismaan
“Aaden Cadde” oo la iisheegay inuu ku sugan yahay meel aan sidaasi
uga fogeeyn Deegaanka Janaale,hase ahaatee markii danbe la iishegay
in loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.,waxaana ay taasi sababtay in
aan soo afmeero socdaalkii aan ku tagay Gobolka Shabeelaha
Hoose.dibna aan ugu soo baqoolo Magaaladii aan markii hore ka
bilaabay Socdaalkeyga ee Muqdisho.
Gobalka Shabeeladda Hoose waa Gobal
Hodan ku ah Wax Soo Saarka Beeraha. Waana Gobalka Kaliya ee Somalia
wadaaga Khayraadka Badda iyo Bariga. Iyadoo sidoo kale Gobalka
Shabeeladda Hoose uu yahay Baaxad ahaan kan ugu wayn Somalia.
Gobalka Shabeeladda Hoose waxa uu
ka kooban yahay Siddeed Degmo. Waxaana Gobalka uu caan ku yahay
dhinacyadda Tacabka Beeraha iyo Kalluumaysiga. Iyadoo Gobalku uu si
wayn ugu tiirsan yahay Tacabka Beeraha oo ah Il dhaqaale oo muhiim u
ah Gobalka.
Guud ahaan Gobalka Shabeeladda
Hoose ayaa ahaa mid ka duwan Muuqaalkii hore ee aan ku aqaanay
waxaana Gobalka uu ahaa mid runtii safarkan si wayn iigu xiiso
galiyay. Waxaanan soo xusuustay in Nabaddu ay tahay Furaha Nolasha
marka loo eego Nabadda ka jirta Gobalka Shabeeladda Hoose.
W/Qorey,Abdi Wali Ibraahim Aden
“Garyare”
Garyare20@hotmail.com