Waraysi ay Somalitalk.com
la yeelatay Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid “ Jinni Boqor”.
Waa in wadanka gudihiisa
laga abaabulo hubka dhigista ee aan loo aadin Addis-abbaba.
Waana in dadka la wacyi galiyaa.
Bad iyo barri wixii
hanti ka soo galayey P.L wuxuu C/Laahi u isticmaalay
tartankiisii musharaxnimo
Xildhibaan Cabdi Cabdulle
Siciid “ Jinni Boqor” |
Xildhibaan Cabdi Cabdulle
Siciid “ Jinni Boqor” wuxuu kamid yahay raggii mudada dheer
saaxiibada Siyaasadeed ay ahaayeen Madaxwenaha cusub Mudane
C/Laahi Yuusuf Axmed. Wuxuu Jinni boqor xubin firfircoon
ka’ahaa Jabhadiii S.S.D.F. sida dad badin ay sheegaan Jinni
Boqor waxay C/Laahi Yuusuf isku xulufo noqdeen sanadkii
78.kii ilaa muddo dhawna waxay ahaayeen dad isku siyaasad
ah. Waxayse is qabteen wax yar ka hor intii aysan doorashadu
dhicin.
Hadaba Jinni Boqor oo kamid
ah Sharciyaqaanadda Soomaaliyeed ayaa fikradiisa ka
dhiibanaya sida ay ula muuqato mustaqbalka Soomaalida,
wuxuuna talooyinka ka bixinayaa sida ugu hoboon oo dadka
hubka looga dhigi karo.
S: Mudane Xildhibaan.
Dhismihii dowaldda Soomaalida intii ugu muhimsanayd waa
lataagay, makula tahay in tallaabo weyn horay loo qaaday
intii ay dowladdu jirtay.
Jini-Boqor: Anniga
arragtidaya dowladdu wali wax hor mar ah oo la taaban karo
maysan sameyn marka laga reebo madaxweynaha oo safar ku
tagay Itoobiya, Ugandha, iyo dhawr dal oo carbeed, wararkuna
waxaa ay sheegayan marka dhanka dublumaasiyadda la eego in
si qabow loosoo dhaweeyey, dhaqaalo uu illa hadda helayno ma
jirto, dalabkii uu ciidamada shisheeye dalbadayna sidii uu
rabay uma hirgalin, Waxaa ay u eg tahay in aan baraf ku
dulsocono. Amuuruhuse waxay kala cadaan doonaan markii
dowladda lageeyo Muqdisho dib u heshisintiina gudaha laga
bilaabo, labadaas qodob ayaad moodaa in ay beesha caalamku
cabdullaahi Yuusuf ka sugayso wuxuu ka qabandoono
Su`aal: Waxad Og
tahay dhawaan haddii lagu dhawaaqo Gollaha Wasiirada in ay
dowladdu aadi doonto gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana
jira in la isku hayo magaaladda ama meesha ay dowladdu xarun
ka dhiganayso sidee u arragtaa arrintaas magaaladeese kula
haboon in ay dowladdu ku shaqeyn karto?
JiniBoqor: Arrintaas waa
cadahay magaala madaxdu waa Muqdisho, dowladda in la geeyana
sharci ahaan, siyaasad ahaanba, iyo dhaqaale ahaanba, wey
haboon in Muqdisho lageeyo. Waxaanse maqlay inuu
Madaxweynuhu doonayo inuu caasimad kale sameeyo oo meeshuu
doono dowladda geeyo. Taasna waxaan u arkaa in ay
qalad-weyntahay, umana arko inay shaqeyn doonto. Taariikhda
aan ognahay dowlado badan ayaa isku dayey inay laba
caasimadood sameeyaan. Jarmalka ayaa ka mid ah, dagaalkii
labaad kadib Baarliin ayuu ka guuray oo Boon uyii
caasimaddii uraray, dhawaan ayeyna Baarliin ku soo noqdeen.
Nayjeeriyana sidoo kale Abuuja ayey ka dhigatay caamisamad
iyadoo ka soo guurtay Leegos, labaatan sano ka hor ayaduna
waa shaqeyn wayday. Tanzaniya ayaa ka mid aheyd oo isku
dayday inay caasimad ka dhigto Dhadhoma iyadana Sodon sano
ka hor iyana waa shaqeyn wayday. Dhinac kasta oo laga eego
dhinaca siyaasada, dhinaca dhaqaalaha, dhianaca sharciga,
dhinaca dib-u-heshiisiinta, iyo is’aaminnada Soomaalida
dhexdeeda, caasimadu waa inay Muqdisho noqotaa. Haddiise uu
Cabdullaahi Yuusuf isku dayo inuu Meel kale la aado magaalo
madaxda, taas macanehede waxaa weeye dib u heshiisintii waa
faanole fari kama qodna, waa in geesinimo iyo niyad sami
lagu shaqeeyaa, USC oo Cabdullaahi si lama filaan ah
madaxweynanimadii uga qaatay inuu haddana yiraahdo
Caasimadii ayaan Muqdisho ka rarayaa, waa bahdilid iyo
ihaanaysi uu ula bareeray beesha Hawiye, mana shaqeyn doonto
fikradaasi. Waxan qabaa inaan la carqaladeyn sharciga,
dowladdana Muqdisho la geeyo.
S: Sida aan ognahay
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf dhawaan markii uu booqday
xarunta Midowga Afrika ee Addis-abbab ee dalka Itoobiya
waxaa uu midowga afrika ka codsaday Ciidamo gaaraya illaa
labatan kun oo askari, si ay hubka dhigista uga qeybqaatan,
dawladdana gacan u siiyaan, waxaanan ognahay inaad adigu
madax ka aheyd gudigii labaad ee shirweynihii qaranka
Soomaaliyeed uu u xilsaaray hubka dhigista iyo dhaqan
celinta, marka sidee kuugu muuqataa ciidamadaas uu
madaxweynuhu ka dalbaday Midowga Afrika, mase kula tahay
inay gacan ka geysan karaan hubka dhigista?
JiniBoqor: Waa run
gudigaas oo ka mid ahaa lixdii gudi ee joogtada ahaa ee uu
shirku u xilsaaray inay diyaariyaan hawl fududeyna ku
smaeeyaan sida ugu haboon, uguna fudud ee dadka Soomaaliyeed
hubka looga ururin karo, aad baan uga shaqeynay, bulshada
caalamkuna waa nala shaqeysay, illaa saddex goor ayaan
Soomaaliya geynayn wafdi xaqiiqo raadin ah, gobolada dalka
oo dhan wey booqdeen, laga soo bilaabo Boosaaso, Muqdisho,
Baydhabo, Bladweyne, iyo Kismaayo, arragtida hubka dhigistu
waxay ahayed oo aan ku talinay in wacyigalin balaraan
lasameeyo oo loo sheego dadka Soomaaliyeed in hubku
cadowgooda yahay, ayna haboontahay iney iska dhigaan, iyadoo
aan lacagna laga siin, xoogna looga qaadin, waayo qorshaha
dib-u-heshiisiinta marnaba kuma jirin in xoog la isticmaalo.
Aniga waxaay iila muuqatay inuu Madaxweynuhu arrintaas ku
deg degay oo uu ku fududaaday, iyadoo aan xukuumaddii la
dhisin, dalkiina la tagin, dadkii Soomaaliyeedna aan wada
tashi lala sameyn, inuu Midowga afrika waydiisto Ciidan dhan
labataan kun ilaa soddon kun oo soomaaliya hubka dhigis ku
sameeya, taas madaxweynuhu kamfiirsan, wuxuuna qaatay fikrad
ah in Soomaaliya hubka Xoog looga dhigo iyadoo
la’adeegsanayo ciidamo shisheeye, weynu ognahay oo horaybaa
taas loogu khasaaray. Soomaalidii shirka joogtay iyo
caalamkuna waxay ku heshiiyeen in xooggii, iyo is caburintii
dhamaatay, shakigii qabaa’ilkii dagaalayna wali ma dhamaan,
Soomaali badan madaxweynaha waxaa ay utaqaan nin aan la
aamini Karin, oo wuxuu doona sameeya assagoo aan cidna la
tashan, Wuxuu jecel yahay ciidan iyo xoog in la isticmaalo,
sifiican ayaan u aqaan Madaxaweynaha, dhaqan ahaan ma jecela
talawadaag, mana isticmaalo macnaha Dimuquraadiyadda. Haddaan
usoo laabto codsigiisii midowga afrika ee labaatanka kunee
ciidanka ah, waxaa loo qaatay waxaan waqtigaan suurtoobi
Karin, afrikna waxba ka qaban karto, ururka Afrika wuxuu la
taagdaran yahay Ciidanki Daarfuur oo saddex ku oo kaliya ah,
laguna qiyaasay dhaqaalaha ku baxaya $215 Milyan oo Dollar
markii aad 215 Milyan ku dhufuto lix goor waxay noqonaysaa
qarash aad ufara baddan oo uusan ururka Midowga afrika bixin
karin waqtigaan aan joogno, Madaxweyne Cabdullaahi Yuusufna
arragtidaya waxa u muuqatay hadduusan helin labaatan kun oo
Ciidan ah inuusan waxba qaban karin, marka anniga waxay iigu
muuqataa Soomaalidu inay hubka iskaga dhigto wadahadal,
wacyigalinta dhalinyaradda, sidoo kale guud ahaan
dadweynahaba, iyo in hanuunintii lagawada qeybgalo, is-aaminidna
la abuuro, shakigana in la saaro, ciidamadii hore ee
Soomaaliya oo dib loo abaabulo iyo aduun waynaha oo gacan la
weydiisto arrimahaas oo dhana waxaan ku sheegnay Buuggii uu
gudiga hub ka dhigista iyo dhaqan celinta soo saaray. Taasu
waxaa ay ubaahan tahay in wadanka gudihiisa laga abaabulo
hubka dhigista ee aan loo aadin Addis-abbaba. Marka hore
sida ugu sahlan ee aan u arko marka la eego ciidamada
shisheeye, waxaa ay gacan ka geysan karaan marka Soomaalidu
ku heshiiso inay hubka iska dhigto, ayna iskaga dhigaan qaab
ay isla ogolyihiin, oo aan xoog aheyn, taasna uma baahna
labaatan kun iyo soddon kun midna.
Su`aal: Waxaan
ognahay inaad mudo dheer soowada shaqeyseen Madaxweyne
Cabdullahi Yuusuf waxaase maalmahan soo if baxayey khilaaf
idiin dhexeeya, maxaa sal dhig u ahaa khilaafkina? mase
filaysaa inuu kugu soo daro dowladda dhawaan la dhisi doono?
Jiniboqor: Mudo ku
dhaw soddon sano ayaan soo wada shaqeynayey aniga iyo Cabdullaahi
Yuusuf. Waxaanna is khilaafnay wax yar ka hor intaan loo
dooran Madaxayne-nimmada. Majecli hadda inaan faallo ka
bixiyo sababaha rasmiga ah ee aan isku khilaafnay, Su’aasha
ah rajo maka qabtaa inuu dowladda kugu soo daro. Jawaahtu
waxay tahay waa MAYA maxaa yeelay, dhaqan-ahaan C/Laahi waa
nin jecel inuu ka aarsado ninkii ay mar is-qabtaan, goobo
badan ayuu hadda ka hor ka yiri, ma’abaal gudo, waanse
aarsadaa. Sidaas darteed ma filaayo inuu xukuumada cusub ee
la dhisayo igu dari doono, anniguna xilligaan diyaarba uma
ihi inaan la shaqeeyo, waxaanse ahay xubinka mid ah
Baarlamaanka KMG ah, waxaa aniga iyo Cabdullaahi naga
dhexeeya sharciga iyo dasturka u yaal dalka haddii ay
dowladdaan sidii loogu talagalay ay u hagaagtaba.
Su’aal: Maloo fasiri
karaa iney fursad weyn ku seegtay haddeer maadam aad C/Laahi
sodon sano wada shaqeyneyseen. maalintii uu Madaxweynaha
noqdayna aad is gafteen. Marka goortii aad miraha la guran
lahayd ayaad isku dhacdeen, madareemaysaa sidaas?
Jinni Boqor: Uma
arko wax shiddo ah Siyaasiyiintu Siyaasadda wey wadaagaan
waana ay kala weecdaan oo dhabarkey isu duwaan, annagu hadda
dhabarkaan isu duwnay, umana arko wax dhibaato ah oo gaara
oo aniga igu dhacay iney tahay. Kanbani Siyaasadeed baanu
wadaagnay hadana waanu ku kala baxnay, marka nin waliba iyo
nasiibkiisa.
Su`aal: Ma kula
tahay inuu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ku guulaysan doono
inuu dalka kusoo celiyo nabad galyo iyo kala dambeyn adigoon
u eegeyn khilaafka siyaasadeed ee idiin dhexyaal, waliba
dadka qaar waxay qabaan deegaanka Puntland markii loo
doortay inuu ka abuuray nabad iyo xasilooni?
JiniBoqor: Marka hore
Cabdullaahi Yuusuf Puntland nabad galyo iyo xasilooni kama
dhigin, ee xasuuqyo kala duwan ayuu kasameeyey, dagaalkii
Garoowe ku dhex maray asaga iyo wadaada, hal maalin kaliya
wuxuu sabab u ahaa iney dhintaan sideed boqol oo wiil oo
ilmo adeer ah, Garowe ilaa Boosasana waxaa ku dhintay Kun
iyo shanboqol oo Wiil. sidoo kale waxay ciidamadiisu ku l-aayeen,
deegaanka Qardhood dad kabadan illaa shan boqol oo qof,
marka xaq umma lihid inaad tiraahdo nabad galyo ayuu
kasameeyey deegaamada Puntland, taariikhdaana qoraysa wixii
uu ka sameeyey Puntland, haddaan usoo noqdo midda taagan ee
Soomaaliweyn Cabdullaahi Yuusuf waa nin da`ah, waana bukaan
socod, hawl firfircooni u baahan lagama sugi karo, hawsha
Soomaaliya ubaahan-tahayna waa hawl culus, waase nin xukun
jeceloo wuu dadaali doonaa meel ay lagaartaba. Anigu waxaan
qabaa dowlad xumi dowlad la`aan ayey dhaantaa, waxaana illa
haboon in gacan lasiiyo si aan horay ugu tilaabsano oo ku
gaarno dowlad tiisa ka fiican oo sal dhigeedu yahay
Dimuquraadiyad iyo doorasho Xaq ah, oo dalka oo dhan ka
dhacda, shaki weyn ayaa ku jira inuu dalka gaarsiin doono
halka loo baahan yahay balamadii uu qaaday lagama yaabo inuu
dib u eego, waayo awoodba umalahan uu ku fuliyo balamadaas,
waxaynu sugi doonaa markii uu xamar tago oo dowladda geeyo
ama uu diido oo mel kala la’aado waxay Soomaali ka yeeli
doonto, wax walbase waxay ku xiran yihiin sida uu dib-u-heshiisin
uga sameeyo dalka gudihiisa, siduu u daaweeyo boogihii
dagaalada Sokeeye, sida uu ula macaamilo culimada
Soomaaliyeed ee shakiga weyn ka qaba, iyo walaaleheena
Soomaaliland oo aan ku farxin doorashadiisii, amaba sida ay
dowladiisu u qanciso beesha caalamka oo hadda ku jira (sug
oo arag). Arrimaas oo dhan meeshii ay ku biyo shubtaan ayaan
ka warsugaynaa
S: Majiraan wax
horumar ah oo uu C/Laahi ka qabtay P.L. intuu uu talada
hayey?
J: Run ahaantii P.L.
magac ahaan ayuu abuuray, saldhig maamul goboleedna waa ka
dhisay, laakiin wax kale oo lataaban karo majiraan. Arrimaha
Bulshada sida waxbarashada caafimaadka , iyo wacyigalinta
dadweynaha midna waxba kama qaban, maxaa yeelay hal iskuulna
saqaf uma samayn, musqulna madhisin.
Waxaa intaa dheer
wacyigalinta dadweynaha wax talaabo ah uma qaadin. Wuxuuna
hor istaagay xoriyada saxaafadda, inuu isagu sameeyo Radye
ama Tv. Xitaa joornaal iskadaayee wuxuu xakameeyey
xorriyadii dadkii iskood isu xilqaamay ee damcay inay wax ka
qabtaan wacyi galinta bulshada. Wuxuuna ka shaqeeyey in
dadka P.L uusan warkoodu isku xirmin, maamulkii 98.dii la
dhisay oo sadaxsano loogu talagay wuxuu sii haystay ilaa
7.sanadood, ilaa uu uga gudbay Madaxweyne Soomaaliyeed.
Kalimadda Dimuqraadiyadda
waligiis afkiisa lagama maqal. Siyaasiyiinta gobolka u
dhashayna waxay qoxooti ujoogaan Dubai. Somalilnad Hargeysa,
iyo dibadahas kale.
Hantidii P.L. ee ka soo
xarronayey xanshuurtii dadweynaha laga qaadayey iyo tii uu
isagu shakhsiyan u lahaa uma kala soocneyn. Lacagtii ay
waligood ururin jireen wuxuu uga badashay lacag cusub oo uu
isaga sameeyey. Taladii lagu samayn jiray lacagahaas waxay
u gaar ahaayeen isaga iyo Maaafiyada P.L joogta. Lama soo
hordhigi jirin golihii Wasiirrada ee P.L. samayskeeda iyo
isticmaalkeeda midna.
Hadalka hadaan soo koobo.
P.L. magac mooye waxba umaqaban. Garowe oo uu guri ka
daganaa mooyee meel kale uma dhaqaaqi jirin. Hadduu damco
inuu meel u safro wuxuu aadi jiray Boosaaso ama Galkacayo.
Degmo kale oo dhulkaas ka tirsan mabooqan waligii marka laga
reebo Dhuudo oo uu duullaan dagaal u tagay. Sidaas darted
waxaynu dhihi karnaa waligiis laamiga kama dagin. P.L.na
waxba kama aqoon.
S: Maxaad u
malayneysaa mustaqbalka P.L C/Laahi Yuusuf kadib?.
J: Hadda waxaa la
wareegay maamulkii nin wanaagsan oo oday ah waa Maxamed
Cabdi Xaashi. Laakiin waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa “ Ayax
tag eelna reeb” C/Laahi P.L wuxuu ka tagayaa isagoo aan 16.
ilaa 18. aan bixinin mushaaraadkii shaqaalaha dowladda oo
dhan, wuxuu kaloo katagay bilyanis daymo ah oo uu maamulku
qabo.
Bad iyo barri wixii hanti
ka soo galayey P.L wuxuu u isticmaalay tartankiisii
musharaxnimo, wuxuuna ka tagay markii uu xaalufiyey bad iyo
barri wixii yaalay P.L. Runtiina maanta burbur waxba
madhaanto, ciddii la wareegtaana waxay kala kulmi doonaan
dhibaato farabadan oo dhaqaale iyo colaad kaga timaada
dariskooda.
Waxaa Waraystay.
Fahad Yaasiin.
fahadsom@hotmail.com
ama
editor@somalitalk.com
|