SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print

WARAYSI: Guddoomiyaha Ururka horumarinta haweenka

Xaliimo Cabdi Caruush “Ururka iida waxaa la aasaasay 1991 oo ahayd xilli ay dalka ka jireen Dhibaatooyin badan,laakiin waxaa xaqiiqo ah in aan wax badan dalka ka qabanay haddii aan nahay Ururka horumarinta Haweenka ee Iida” 

Waraysi ku saabsan wax qabadka Ururka horumarinta haweenka iida ee fadhigiisu  yahay Magaallada Marka oo aan la yeelanay Guddoomiyaha Ururkaasi Xaliimo Cabdi Caruush,Halkan ka akhriso. 


Garyare & Caruush

Akhristayaal waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa Waraysi aan la yeelanay Guddoomiyaha Ururka horumarinta haweenka iida ee xaruntiisu tahay Magaallada Marka Xaliimo Cabdi Caruush ayaa waxaanu ka waraysanay bal waxa uu qabto ururkooda iyo caqabadaha inta badan ka hor yimid intii uu jiray ururkaasi iida,Waxaana Waraysikaasi inoo qaaday Wariyaheena Magaallada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare” oo baryahanba socdaal ku marayay qeybo badan oo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose. 

Waraysigiina waxaa uu u bilowday qaabkan:- 

“Garyare” Xaliimo su’aasha aan ku waydiinayo waxay tahay waxaad inooga warantaa howlaha uu qabto Ururka aad madaxda ka tahay ee iida??? 

“Xaliimo C. Caruush” waxaan marka hore aan ku faraxsanahay in aad iweydiisaan waxa uu qabto ururka horumarinta haweenka iida ee xaruntisu tahay Magaallada Marka,haddii aan isku dayo bal in aan dib idiin xasuusiyo xilligii  dhidibada loo taagay ururkan iida waxaa ay ku beegneyd sanadkii 1991 oo ahayd uu dalka ka jiray dhibaatooyin badan oo ka duwan kuwa haatan ka jira guud ahaan dalka oo dhan,waxaana Ururkan iida aasaasay 18 Haween aqoon-yahano Soomaaliyeed ah,kuwaasoo rabay inay aqoontooda wax ugu qabtaan inta u baahan,waxaadna ay soomaali oo dhami ogtahay in wixii ka horeeyay 1991 uusan dhismi karin urur Haween madax banana ama mid kale haddii uu ahaan lahaaba,iyadoo ururadii xilligaasi jiray ay ahaayeen kuwo hoos taga Maamulkii rajiimgii ee waqtigaasi dalka ka talinayay,kadib markii aan aragnay dhibaatooyinkaasi oo dhan ayaan waxaa u istaagnay in aan dhisno dhismaha ururkan oo aan magaciisa ka dhignay iida oo macneheedu yahay gabar Soomaaliyeed oo maalin ciida ah dhalatay  soona  gudbineysa codgeeda,intaasi haddii aan uga gudbo ka hadalka sida uu ku soo bilowday Ururkan iida waxaan u soo laabanayaa dulucda su’aasha aad I weydiisay ee ah waxa uu ururkan qabto,waxaan wax badan u qabanay dadka dhibaatadu ku haysato Soomaaliya gaar ahaan kuwii ku jiray isbitaalada,markii danbana waxaa uu u gudbay wax ka qabashada xeryaha qaxootiga,waxana jirta xeryo qoxooti oo ku yaala Magaallada Muqdisho oo aan gacansiino,iyadoo qaxootiga kujira ay ka mid yihiin kuwo xitaa u dhashay Wadanka Itoobiya oo ku soo barakacay Dagaalkii 1977 kaasoo dhexmaray Somaliya iyo Itoobiya,intaasi kadib ayaa waxaan isku keenay dhamaan haweenka Soomaaliyeed inta uu waqtiga inoo saamacay una sheegnay inay haboon tahay in aan dhinac ka soo wada jeesano. 

“Garyare” waa tahay Xaliimo waxaad ku dheeraatay ka hadalka Ururka aad Madaxda ka tahay ee iida,haddaba waxaad inoo sheegtaa maxaa idiinka qabsoomay hadafgii aad ka laheedeen aasaaska Ururkan iida??? 

“Xaliimo C. Caruush” haa Garyare arinta aan isleenahay hiigsada waa sidii loo garab qaban lahaa haweenka Soomaaliyeed ee dhibaatada soo gaartay,waxaan wali dhexda uga jirtaa howlgalkii aan bilownay 1991 taasii ahayd bilw fiican,laakiin waxaan rabaa in aan kuu sheego waxaan haweenka ka caawinaa dhina Caafimaadka,Waxbarashada,Farsamada  ay ku shaqeysan karaan,waxaan sidoo kale aan qeyn weyn ka qaadanaa wax u qabashada Caruurta Dhibaateysan ee Soomaaliyeed,waxaana ay Soomaalida inta badan aaminsan yihiin in marka nin wax la rabaa ay taasi macnaheedu tahay waxaa wax la baray nin oo kaliya,laakiin marka wax la baro haweeney waxaa  wax la baray dhamaan qoyska ay ka tirsan tahay iyo guud ahaan mujtamaca Soomaaliyeed marka taasi ayaa ugu weyn waxa aan hiigsaneyno Garyare. 

“Garyare” xaliimo bal waxaad sharaxaad yar inaga siisaa arintan aad shaaca ka qaaday ee ah  in haweenka,Caruurta iyo dhalin-yarada intaba aad ka gacan siisaan  dhinaca Caafimaad qaab ceynkee ah ayaad uga gacansiisaan??? 

“Xaliimo C. Caruush” waxaan sameeynay in haweenka Soomaaliyeed qaar badan oo ka mid ah aan u tababarno sidii u baran lahaayeen qaabka haweenka ilmaha looga dhaliyo iyo sidii aysan haweenka ugu sii raagin guriga marka ay tahay xaamilo waqtigeedii dhameeysatay,waxaan sidoo kale uga dignaa Cudurada halista ah oo ay ka mid ka yihiin kuwa sababa dhimashada,halka aan caruurta ku dadaalno sidii aan sare ugu qaadi lahayn xaaladooda caafimaad. 

“Garyare”haddii aan u soo laabto arintan kale ee ah dhinaca waxbarashada  oo lagu tiriyo cabashooyinka ugu badan ee ka soo yeera Umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan marka aynu ka hadalno kuwa ku sugan gudaha Soomaaliya ee ah dhalinyarada waysay waayahoodii waxbarasho iyaga sidee waxbarashada uga shaqeysaan???

“Xaliimo C. Caruush”  Marka hore Garyare waxaan ahay aniga qof aqoonyahan ah oo ka soo shaqeysay wasaarada barbaarinta iyo waxbarashada,taasi ayaa igu qasbeysay in aan ogaado oo aan la socdo hadba heerka waxbarasho ee uu dalku marayo,laakiin anaga ka Urur ahaan ma  kaafin karno baahida waxbarasho ee dalka ka jirta gaar ahaan kuwa ka jira deegaanada aan ka howlgalno ee Muqdisho iyo Gobolka SHabeelaha Hoose,hasse ahaatee waxaan sameeynay abaabul aan ku raadineynay bal sida ugu sahlan ee waxbarashada Soomaaliya wax looga qaban lahaa,iyadoo ay taasi jirtay ayaa waxaa inoo suurta gashay in aan qaarka mid ah haweenka Soomaaliyeed aan u suurta gelinay inay ka faa’iideystaan fursado waxbarasho oo uu soo qaban qaabiyay Ururkan iida,waxaana inta badan ay ku barteen farsamo gacmeed iyo dhanka kale ay taasi barbar socotay dhaqan-celin lagu sameenayay dhalinyaro tiradoodu dhan tahay 150 oo aan u tababarney sidii ay wax uga soo saaran lahaayeen qeyraadka badda iyo qeyraadka Beeraha ee uu hodanka ku yahay Gobolka Shabeelaha hoose,waxaana diyaar u nahay in aan idin tusno xeryaha ay ku jiraan dhalinyaradaasi iyo haweenka intaba.

“Garyare” haddaba Xaliimo ma inoo sheegi kartaa tiro ahaan inta ka faa;iideysatay mashruucyada  aad ugu gar gaartaan Haweenka,Caruurta iyo dhalinyarada ee aad inta badan ka hadasho?? 

“Xaliimo C. Caruush” Run ahaantii Garyare haddii aan ku dhaho iminka ayaan kuu sheegayaa tiro ahaan inta ka faa’iideysatay howlaha Ururka horumarinta Haweenka Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Iida,laakiin waxaan kuu sheegi karaa in halkii fasal inay soo fariistaan 30 qof  oo ka faa’iideysta hadaba waad dareemi kartaa tiro ahaan inta ka faa’iideysatay wax qabadka Ururka iida oo ah mid soo bilowday 1991,waxaan intaasi kuugu dari lahaa in ururka iida uu qeyb weyn ka qaatay dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee deegaanadooda uga soo barakacay Dagaalo sokeeye oo xilligaasi ka jiray meelaha ay ka soo guureen,waxaan ku soo afmeeri lahaa su’aasha aad iweydiisay Garyare in wax qabadkeena uu ka soo bilowdo Magaallada xarunta u ah gobolka hiiraan ilaa lagu keeno Gobolka Shabeelaha Hoose.

“Garyare” Xaliimo Cabdi Caruush waxaad tahay Guddoomiyaha Ururka horumarinta haweenka iida  ee xaruntiisu tahay Magaallada Marka waxaan la soconaa in baryahan ay jiraan qeylo dhaan ka soo yeereysa inta badan Ururada haweenka Soomaaliyeed taasoo ku wajahan in lagu xaqiray qeybinta xubnaha Barlamaanka ee tiradiisu tahay 275-ta,haddaba adiga oo ku hadlaya magaca Ururka aad madaxda ka tahay ee iida ma aaminsan tahay inay jiraan xaq haweenku lahaayeen oo la duudsiiyay??? 

“Xaliimo C. Caruush” waxaan aaminsanahay in meesha lagu qeybsanayay Baarlamaanka ay joogeen qaarka mid ah Haweenka Soomaaliyeed iyaga ayaana kula xisaabtami doonaa waxa ay halkaasi uga soo qaadeen bah weynta haweenka Soomaaliyeed,halka aan ka hadlo tiada loo qoondeeyay haweenka Soomaaliyeed in ay ka heleen baarlamaanka anigu waxaan u argaa mid qaldan maadaama haweenku yihiin kuwo u dhixi kara qabiil aysan ahayn dhali kartana mid kale oo aysan ahayn,taasi ayaa anigu is leeyahay inay keeneyso in haweenka ay ka madax banana yihiin dhamaan qabiilada,laakiin wixii haweenka ka maqan iminka waxaa la heli doonaa marka laga gudbo xilliga adage e lagu jiro. 

“Garyare” waa tahay xaliimo sida aan la socono waxaa  inta badan warbaahinta ku soo noq noqda  ka hadalka Ciidamada shisheeye ee uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane,Col,C/laahi Yuusuf Axmed haddaba side u aragtaan haddii aad tihiin Ururka horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee iida Xaliimo Cabdi Caruush??? 

“Xaliimo C. Caruush” anigu ma qabo in iminka Wadanka la keeno Ciidamo shisheeye sababtoo ah waxaan u soo joognay dhibaatadii la kala kulmay ciidamadii shisheeye ee kol hore isku dayay inay wax ka qabtaan xaalada Wadanka Soomaaliya,waxaan qabaa in dib loo soo ururiyo Ciidamadii hore ee Soomaaliyeed iyo in iminka la bilaabo ururinta Ciidamo cusub oo ay Soomaaliya yeelaneyso waa haddii talo ay Soomaalida isku leedahay. 

“Garyare” Xaliimo Su’aasha ugu danbeeysa ee aan ku waydiinayo waxay tahay maxaad ugu baaqeysaa Umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ee akhrisaneysa waraysigan aad uga hadlo xaalada wadanka Soomaaliya adiga oo ku mahadsan waraysiga aad nasiisay ??? 

“Xaliimo C. Caruush” waxaan oran lahaa in dantooda ay ku jirto gacantooda oo aysan ka raadin meel kale haddii ay rabaan inay ka baxaan dhibka dabada dheeraatay waxaan dhihi lahaa meel iska dhiga arinta qabiilka usoo  wada jeesta danta guud ee Umadda Soomaaliyeed,taasi ayaan qabaa inay tahay inay Umadda Soomaaliyeed dhibka uga bixi karaan Garyare waadna ku mahadsan tahay Su’aasha aad iga weydiisay xalka umadda Soomaaliyeed halka uu ku jiro. 

Taasina waxay ahayd guddoomiyaha ururka horumarinta haweenka iida ee xaruntiisu  tahay magaallada marka, Xaliimo Cabdi Caruush. oo u waramaysay  Wariyaheena Magaallada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare” oo maalmihii ugu danbeeyay socdaalku marayay qeybo badan oo ka mid ah Gobolka shabeelaha hoose,isla isaga ayaana inoo qoray waraysigan. 

W/Qorey,Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare”

Garyare20@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2004

Gen. Cadde Muuse oo Isu Sharaxay Madaxweynaha DGPL
Waraysi uu uu siiyay idaacada SBS Australia ayuu shaaca kaga qaaday in... Guji... Nov 24

UK: Qaxootiga Soomaalida oo kamid noqday Magangalyo doonka ugu badan
iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Kulan la leh Beelaha Hawiye Guji... Nov 24

Cudurka Shubanka oo fara ba,an ku haya Caruurta Gobolka Qoraxay
Wararka xorriyad doonka Ogaadeenya...
Guji..

 

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
:::6-JIR XAAFIDAD AH:::
Gabadhan da'da yari waxay ka jawaabeysaa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka
Maxamed Dheere vs Xijaabka
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD